Xidigga xulka Ghana oo loo diiday fiisaha Canada xagee hadda ku sugan mase ciyaari doonaa Koobka Adduunka?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya ee dalkiisa ee Koobka Adduunka, kaas oo ka dhacaya Toronto ayna ku wajahayaan xulka Panama, kadib markii loo diiday inuu galo Kanada.

Partey, oo 32 jir ah, ayaa dafiray toddobo eedood oo kufsi ah iyo hal eed oo faraxumayn galmo ah, kuwaas oo la xidhiidha eedeymo ay soo jeediyeen afar haween ah oo kala duwan intii u dhaxaysay 2020 iyo 2022.

Waxaa la filayaa in maxkamaddiisu bilaabato sannadka dambe.

Bayaan ay soo saartay FIFA ayaa lagu xaqiijiyey in ciyaaryahankii hore ee Arsenal, oo hadda u ciyaara kooxda Villarreal ee Spain, uusan awoodi doonin inuu ka safro xerada tababarka Ghana ee Boston, halkaas oo uu hadda joogo, kadib markii "codsigiisii fiisaha ay diidday dowladda Kanada".

Hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka ayaa intaa ku dartay:

"FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalalka martigelinaya, oo ay ku jirto go'aaminta fiisayaasha.

"Dowladda martigelisa ayaa ugu dambayn go'aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho."

Bogga internetka ee dowladda Kanada ayaa sheegaya:

"Haddii aad gashay ama lagugu helay dambi, waxaa dhici karta inaan lagu oggolaan inaad gasho Kanada."

Partey wuxuu dafiray dhammaan eedaha loo haysto, mana jiro wax dambi ah oo lagu xukumay, balse wuxuu sugayaa maxkamad.

Hay'adda Socdaalka, Qaxootiga iyo Jinsiyadda Kanada (Immigration, Refugees and Citizenship Canada) ayaa BBC u sheegtay:

"Kanada waxay ku faantaa inay tahay dal martigelinaya Koobka Adduunka ee FIFA 2026, waxayna ka shaqaynaysaa fududeynta qabsoomidda tartan guuleysta iyadoo la ilaalinayo amniga iyo badbaadada dadka Kanadiyaanka ah.

"Kanada mar walba waxay ku adkaysatay in martigelinta munaasabadaha waaweyn aysan waxba ka beddelayn sharciyada socdaalka ee dalka.

"Qof kasta oo doonaya inuu yimaado Kanada si gaar ah ayaa loo qiimeeyaa iyadoo lagu salaynayo xaqiiqooyinka la hayo iyo sharciga khuseeya."

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ayaa isna yidhi:

"Mareykanku wuu ogyahay dacwadda maxkamadeed ee wali ku socota ee Mr. Partey, hase yeeshee ilaa hadda laguma helin wax dambi ah, waxaana loo oggolaaday inuu galo Mareykanka kadib markii la siiyay fiiso.

"Go'aamada ku saabsan oggolaanshaha gelitaanka waxaa loo sameeyaa kiis kasta si gaar ah, iyadoo la adeegsanayo xogta la xidhiidha fulinta sharciga, amniga qaranka iyo socdaalka ee la heli karo waqtiga baaritaanka.

"Saraakiisha CBP waxay awood u leeyihiin inay su'aalo weydiiyaan socdaalayaasha, sameeyaan baadhitaanno, isla markaana go'aamiyaan cidda loo oggolaanayo gelitaanka iyadoo waafaqsan sharciga Mareykanka. Su'aalaha ku saabsan sababta loogu diiday Kanada gelitaanka waxaa looga baahan yahay in lala xidhiidho Kanada."

BBC Sport ayaa la xiriirtay Xiriirka Kubadda Cagta Ghana si ay uga hesho faallo.

Ka hor tartanka, tababaraha Ghana, Carlos Queiroz, ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin xulashada Partey, kaas oo hore ugu soo ciyaaray Atlético Madrid ka hor intii uusan 2020 ugu wareegin Arsenal.

"Haddii ciyaaryahanku ila joogo, jawaabteydu waa cadahay," ayuu yidhi Queiroz.

"Wax faallo ah kama bixinayo go'aannadayda. Wuu joogaa halkan, markaa maxaynu ka hadlaynaa?

"Tani ma aha arrin aniga ama adiga naloo oggol yahay inaan xukun ka gaarno.

"Dhacdooyinka ha u socdaan si dabiici ah; webigu ha socdo, maalinta uu badda ku darsamo ayaana runta la ogaan doonaa."

Ghana waxay la ciyaari doontaa England kulankeeda labaad ee Group L garoonka Boston Stadium ee Foxborough 23-ka bisha Juun, ka hor inta aysan la kulmin Croatia 27-ka Juun magaalada Philadelphia. Labada kulanba Partey weli wuu ka qayb geli karaa.

Ghana waxay sidoo kale dib ugu noqon kartaa Kanada wareegga 32-ka kooxood haddii ay kaalinta labaad kaga soo baxdo Group L. Xaaladdaas waxay Toronto kula ciyaari doontaa kooxda kaalinta labaad kaga soo baxda Group K 2-da Luulyo.

Haddii ay kaalinta saddexaad kaga soo baxdo group-keeda oo ay ku guuleysato kulanka wareegga 32-ka, markaas kulankeeda wareegga 16-ka wuxuu ka dhici doonaa Vancouver 7-da Luulyo.

Dadka Ghana ayaa si lama filaan ah uga falceliyey warkan Partey, iyadoo qaar badan ay muujiyeen cadho iyo niyad-jab ay ku cabbireen baraha bulshada.

Wasiirka Ciyaaraha Ghana, Kofi Adams, ayaa sheegay in go'aankaasi uu ahaa "mid gebi ahaanba khaldan" maadaama ciyaaryahanka lagu soo oogay eedo balse aan lagu helin wax dambi ah.

Xaaladda Partey ma aha tii ugu horreysay ee ay ku lug yeeshaan masuuliyiinta dalalka martigelinaya tartanka Mareykanka, Mexico iyo Kanada.

Weeraryahanka Ciraaq, Aymen Hussein, ayaa dhowr saacadood lagu wareystay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Chicago ka hor inta aan loo oggolaan inuu dalka galo.

Sidoo kale, Iran waxaa lagu qasbay inay saldhiggeeda u wareejiso Mexico, taageerayaal badanna tigidhadoodii waa laga laalay, halka xubno ka tirsan wafdigoodana loo diiday fiisooyin.

Dhanka kale, garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan looma oggolaan inuu galo Mareykanka sababo la xiriira "xiriir la tuhunsan yahay inuu la leeyahay xubno ka tirsan ururro argagixiso", sida uu sheegay ilo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump.

Artan, oo watay baasaboorka diblomaasiga ah iyo fiiso hal-mar-gal ah oo Mareykan ah, ayaa wargeyska New York Times usbuucan u sheegay in saraakiisha xuduudaha ay wax ka weydiiyeen xiriir uu la leeyahay kooxda Al Shabaab, isla markaana uu u sheegay inuusan wax aqoon ah u lahayn kooxdaas.

"Waxaan haystay dhammaan waraaqihii saxda ahaa. Waxaan haystay fiisihii saxda ahaa," ayuu yidhi Artan.

"Waxaan ahay garsoore keliya oo isku dayaya inuu rumeeyo riyadiisa, taas oo ah riyadii ugu weynayd noloshayda, inaan imaado Koobka Adduunka."

Artan waxaa loo doortay Garsooraha Ragga ee Sanadka 2025 ee Confederation of African Football, wuxuuna ku jiray liiska caalamiga ah ee FIFA tan iyo 2018. Waxaa la filayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya ciyaar ka tirsan wareegga kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.