You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sababta magaca madaxweyne Trump looga fujiyay xarun dhaqan oo caana ah oo Maraykanka ku taalla?
Shaqaalaha ayaa billaabay inay ka fujiyaan magaca madaxweynaha Mareykanka Donald Trump afaafka hore ee xarunta Kennedy ee magaalada Washington, maalin ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee ay maxkamadda u qabatay in meesha laga fujiyo.
Magaca madaxweynaha ayaa lagu daray magacyada ku qoran goobtaab fanka si sharci darro ah, garsoore federaal ah ayaa xukumay bishii hore, isaga oo amray in laga fujiyo ugu dambeyn Jimcaha 12 June.
Shaqaaluhu waxay samaysteen biro ay ku fuulaan meesha magaca lagu dhajiyay jimcihii iyadoo dadkii aagga marayay ay ay isugu soo baxeen fiidkii halka shaqada laga waday, in kasta oo duufaanno iyo onkod ay dib u dhigeen shaqada ilaa horraantii Sabtida.
Isku daygii ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ku doonayay in lagu hakiyo amarka ayaa waxaa diiday garsooraha.
Kiisku waxaa uu salka ku hayay muran sharci oo ballaaran oo ku saabsan magac ka beddelka hay'adda dhaqan, kaas oo sharciga Maraykanku u aqoonsanayo in ay xasuus u tahay madaxweyne John F Kennedy.
Saacadihii hore ee Sabtida, shaqaaluhu waxay ka soo laadlaadiyeen baco dheer dhismaha dushiisa, taas oo mugdi gelisay in si rasmi loo fujinayo xarafaha magaca ee meesha lagu dhajiyay.
Qaar ka mid ah dadkii daawanayay ayaa ku dhawaaqayay "soo deji", sida ay warbaahinta CBS ee Maraykanka taas oo gacansaar la leh BBC.
Garsooraha Maxkamadda Degmadda Mareykanka Christopher Cooper ayaa go'aamiyay dhamaadkii bishii May in goobta oo ku taal bartamaha Washington DC aan lagu magacaabi karin cid kale iyada oo aan ogolaansho laga helin Congress-ka.
Waxa kale oo uu xannibay xirirtaan ku meel gaadhka ah oo xaruntaan lagu sameeyo inta lagu jiro dib-u-dayactir la soo jeediyay.
Xarunta Kennedy ee Washington DC ayaa qorshuhu ahaa in la xuro laba sano oo dayactir lagu sameynayo oo ka bilaaban lahayd bisha July ee nagu soo aadan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay ugu dhawaaqay.
Trump ayaa ku qoray Truth Social in xaruntu ay xiri doonto 4-ta July ee sanadkan "iyada oo lagu sharfayo sannad-guurada 250-aad ee waddankeenna".
Talaabadan ayaa waxaa xigay dhowr fanaan oo baajiyay bandhig faneedkii xaruntan ay ku smaayn lahaayeenka dib markii la sheegay in xarunta magaceeda laga dhigayo Xarunta Trump Kennedy.
Maxkamadda rafcaanka ayaa diiday in ay si degdeg ah u soo farageliso, iyada oo oggolaatay ka fujinta magaca Trump inay sii socoto iyada oo la sugayo doodo kale.
Maamulka Trump ayaa ku dooday in beddelka magaca xarunta ay abuuri karto jahawareer haddii go'aanka mar dambe la joojiyo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in magaciisa lagu daray xaruntaan, oo ay ka mid yihiin tallaabooyin kale oo magac-ka-beddel ah oo ka dhacay guud ahaan caasimadda dalka, sannadkii hore.
Bishii Febraayo 2025, waxa uu bedelay dhawr masuul oo ka tirsan guddiga xarunta isaga oo uu isu magacaabay xubin ka tirsan guddiga ka hor inta aan loo codayn in uu noqdo guddoomiyaha xarunta farshaxanka.
Dhamaadkii 2025 tii, guddiga xarunta Kennedy ayaa u codeeyay in xarunta fanka lagu magacaabo Trump-Kennedy Center, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Xoghayaha saxaafadda Karoline Leavitt ayaa baraha bulshada ku sheegtay in guddiga uu si wadajir ah ugu codeeyay in la sameeyo isbeddelka sababo la xiriira "shaqada aan caadiga ahayn ee madaxweyne Trump uu qabtay sannadkii hore ee badbaadinta dhismaha".
Isagoo ka hadlayay xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu sheegay in uu "la yaabay" uuna "dareemay in lagu sharfay" go'aanka.
Tallaabadaas ayaa waxa horay dhaliil ugu soo jeediyay dad kala duwan oo ay ka mid yihiin qoyaska madaxweyihii hore John F Kennedy