TOOS, Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.
War deg deg ah, Trump oo u hanjabay Xuutiyiinta Yemen, Iiraanna ka sheegay war cusub
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in
Iran ay isku dayayso inay dib ugu soo laabato miiska wadaxaajoodka si loo soo
afjaro dagaalka.
Isagoo ka jawaabayay su'aalo lagu weydiiyay shir jaraa'id
oo uu la qabtay Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, Trump ayaa yiri:
"Waxay codsanayaan wada-hadal lagu soo afjarayo
dagaalka, haddii kale waa la burburin doonaa."
Wuxuu intaas ku daray in Iran ay aad u danaynayso inay la
kulanto Maraykanka, balse dowladda Maraykanku aysan xiisaynayn kulankaas haddii
aanu noqon mid miro-dhal ah oo natiijo la taaban karo laga filan karo.
Isagoo ka hadlayay hanjabaadda ay dagaalyahannada
Xuuthiyiinta Yemen ku hayaan marinada maraakiibta ee ku wajahan dekedaha
Sacuudiga, Trump ayaa sheegay in haddii Xuuthiyiintu tallaabo noocaas ah
qaadaan, Maraykanku uu qaadi doono tallaabooyin uu xaaladdaas kaga jawaabayo.
War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku dhawaaqay weerar uu ku qaadayo goobaha Nukliyeerka Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Donald Trump ayaa ku hanjabay in
Maraykanku uu dhawaan bartilmaameedsan doono dhismaha dhulka hoostiisa ku
yaalla ee Iran, kaas oo ku yaalla buurta Pickaxe Mountain.
Isagoo ka jawaabayay su'aal ku
saabsan in Iran ay suuragal tahay inay u wareejisay mashiinnadeeda kobciya
yuraaniyamka gudaha xarunta Koh-e-Kalang, madaxweynaha Maraykanka ayaa yiri:
"Way dhici kartaa inay sidaas
sameeyeen... Ma hayno caddeyn dukumenti ah; waxa keliya ee aan maqalno waa
wararka been-abuurka ah. Laakiin centrifuges aan lahayn walxo nukliyeer ah wax
weyn ma tarayaan. Waxa aan daba joognaa waa walxaha nukliyeerka, waana arrinta
ugu muhiimsan. Waan gaari doonnaa halkaas dhawaan, malaha si dhaqso leh. Caadi
ahaan arrimahan ma sii shaacinayo. Haddii aan u malayn lahaa inay naga hor
istaagi karaan, ma aanan sheegeen."
Trump ayaa horey u sheegay in
Maraykanku uu si dhow ula socdo xaruntan, isagoo ka digay inay noqon karto
bartilmaameedka "weerar weyn."
Buurta Kalang, oo sidoo kale loo
yaqaan "Gazla Mountain," waxay qiyaastii laba kiiloomitir koonfur
kaga taallaa xarunta nukliyeerka ee Natanz ee gobolka Isfahan, waxayna
qiyaastii 220 kiiloomitir koonfur uga beegan tahay Tehran. Dhererka buurta
Kalang ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 1,608 mitir.
Iran waxay sheegtay inay dhismahan
u dhistay si uu u beddelo Xarunta Isku-Ururinta Centrifuges-ka Casriga ah ee
Natanz, taas oo waxyeello soo gaartay sannadkii 2020, waxa ay ku tilmaantay
"fal lagu waxyeelleynayay".
Si kastaba ha ahaatee,
qoto-dheeraanta marinada dhulka hoostiisa mara, baaxadda suuragalka ah ee
dhismaha, iyo xaqiiqda ah in kormeerayaasha Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta
Atoomiga (IAEA) aysan helin marin ay ku galaan, ayaa sii xoojiyay tuhunnada ah
in xarunta Koh-e-Kalang laga yaabo inay leedahay wadiiqooyin kale.
Shil naxdin leh oo badda ka dhacay iyo dad ku dhintay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qaramada Midoobay ayaa
sheegtay in 144 muhaajiriin iyo qaxooti ah la soo sheegay inay ku dhinteen ama
la la’yahay xeebaha Mauritania toddobaadkii hore kadib shilal naxdin leh oo
badda ka dhacay.
Dadkan ayaa isku dayayay safarka halista badan ee uga imanaya
Galbeedka Afrika kuna sii jeeda Jasiiradaha Canary ee Spain, kadibna Yurub
inteeda kale.
Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa la sheegay inay badbaadiyeen ku
dhowaad 40 qof oo saarnaa doon ay la socdeen qiyaastii 160 qof, taas oo dirtay
qaylo-dhaan iyadoo qarka u saarnayd inay degto.
Dadka la badbaadiyay waxaa ka
mid ahaa muwaadiniin u dhashay Senegal, Gambia iyo Guinea.
War deg deg ah, Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday
Xigashada Sawirka, BBC News Indonesia/Iqbal Kusumadireza
Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay
dambiga ka ganacsiga ugu yaraan 34 carruur ah oo dhallaan ah. Hoggaamiyaha
kooxda, oo ah haweeney 70 jir ah oo lagu magacaabo Lie Siu Luan, ayaa lagu
xukumay 7 sano oo xabsi ah, halka dadka kale lagu kala xukumay 3 ilaa 6 sano oo
xabsi ah.
Qaar ka mid ah
dhallaanka ayaa loo qaaday Singapore, halka kuwo kalena lagu iibiyay Jakarta
intii u dhaxaysay 2023 iyo 2025.
Qaar ka mid ah carruurta waxaa la geeyay xarun agoomaha
lagu xannaaneeyo, balse weli lama oga waxa ku dhici doona ama ay la kulmi
karaan. Kiiskan ayaa iftiimiyay dhibaatada sii socota ee ka ganacsiga carruurta
ee Indonesia, taas oo ay sii hurinayaan waalidiin aan doonayn ama aan awoodin
inay korsadaan carruurtooda.
War deg deg ah, Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Markab dagaal oo Ruushku leeyahay
ayaa sameeyay tijaabooyin lagu ridayay gantaallo isagoo ku sugan biyaha
caalamiga ah, qiyaastii 74 kiiloomitir koonfur kaga beegan magaalada Plymouth
ee UK, iyadoo Ciidanka Badda ee Britain ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqiisa.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda
Difaaca ee Britain ayaa sheegay in markabka dagaalka ee HMS Tyne uu
hoggaaminayay howlgalka kormeerka isla markaana uu weli si dhow ula socdo
dhaqdhaqaaqa markabka Ruushka.
Markabka Ruushka ee Neustrashimy
ayaa sidoo kale waxaa daba socday diyaarad militari oo Faransiis ah. Sida ay
BBC-da ogaatay, diyaaradda ayaa idaacad ahaan ula xiriirtay markabka, iyadoo ka
codsatay inuu caddeeyo waxa uu sameynayo.
BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in
ka hor inta uusan bilaabin tijaabada ridista gantaallada, Neustrashimy uu ku
wargeliyay HMS Tyne inuu isu diyaarinayo tijaabada isla markaana uu ka codsaday
inuu u dhaqaaqo meel ammaan ah. Ciidanka Badda ee Britain ayaa aqbalay
codsigaas.
Dhacdadan ayaa timid saacado yar
kaddib markii Andy Burnham loo dhaariyay xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska.
Bishii hore, ciidamada gaarka ah
ee Ciidanka Badda Britain ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo Ruush ah oo
ka waday hawlgallo marin-biyoodka English Channel, taasoo ahayd markii ugu
horreysay ee milatarigu tallaabadan oo kale qaado.
Sidoo kale bishii Juun, lamaane u
dhashay Britain oo ku safrayay doon yar biyaha caalamiga ah ee u dhow
Jasiiradda Isle of Wight ayaa la kulmay markabka dagaalka ee Ruushka Admiral
Grigorovich. Markabka ayaa riday rasaas digniin ah, isagoo ku eedeeyay
doontooda inay sameyneysay waxa uu ku tilmaamay "dhaqdhaqaaqyo halis
ah", balse lamaanaha ayaa beeniyay eeddaas.
Maraakiibta dagaalka ee Ruushka
ayaa si joogto ah u mara biyaha caalamiga ah ee marin-biyoodka English Channel,
halkaas oo ciidamada badda ee Britain ama Faransiiska ay si dhow ula socdaan
ilaa ay ka baxayaan aagga.
Kulan Iiraan iyo Pakistan dhexmaray oo la is waydiinayo sababta aan warkooda loo helin
Xigashada Sawirka, PMO
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran, Sikandar Momeni, ayaa
Isniintii kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif,
magaalada Islamabad.
Hase yeeshee, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan weli ma
soo saarin wax war-saxaafadeed ah oo ku saabsan kulankaasi.
Horaantii isla maalintaas, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee
Iran, Sikandar Momeni, ayaa la kulmay dhiggiisa Pakistan, Mohsin Naqvi, iyagoo
ka wada hadlay arrimo ay labada dal dan ka leeyihiin iyo xoojinta iskaashiga
laba geesoodka ah.
Waxaa xusid mudan in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iran uu
Isniintii gaaray Pakistan isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.
War deg deg ah, Israa'iil oo Qasa ka gaysatay weerar dad ku dhinteen
Saraakiisha caafimaadka ee Qasa ayaa sheegay in duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Magaalada Qasa ay ku
dhinteen lix xubnood oo ka tirsanaa hal qoys.
Weerarkan ayaa qayb ka ah duqeymo
sii xoogeysanaya oo Israa’iil ka waddo dhulka Falastiin inkasta oo xabbad-joojin
ay weli jirto.
Israa’iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay dagaalyahan ka
tirsan Xamaas, balse wax caddeyn ah ma aysan soo bandhigin. Qaramada Midoobay
ayaa cambaareysay weerarrada sii kordhaya, iyadoo sheegtay inay toddobaad
gudihii dileen ku dhowaad 60 Falastiiniyiin ah.
Hirgelinta wejiga xiga ee
xabbad-joojinta ayaa sidoo kale caqabad ku noqotay diidmada Xamaas ee hub ka
dhigista.
War deg deg ah, Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ah Iiraan ka wareertay
Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo
xarunteeda korontada ay shalay bartilmaameedsatay Iran.
Tani waa weerarkii afraad ee noocan ah muddo afar maalmood
gudahood ah.
Wasaaradda Korontada, Biyaha iyo Tamarta La Cusboonaysiin
Karo ee Kuweyt ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ee X ku sheegtay:
"Iyada oo ay sii socoto gardarrada foosha xun ee Iran
ee ka dhanka ah dowladda Kuweyt, dhowr xarumood oo koronto iyo warshado biyaha
macaan ka dhiga ayaa la weeraray maalintii afraad oo xiriir ah, taasoo sababtay
dab ka kacay qaar ka mid ah xarumahaas."
Saacado ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee
Iran iyo ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay inay mar kale beegsadeen
saddex saldhig oo milatari oo Mareykanku ku leeyahay Kuweyt.
Sida ku xusan qoraalkan, weerarradan ayaa dhacay kadib
wareeggii tobnaad ee weerarrada Mareykanka uu ku qaaday Iran.
War deg deg ah, Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in
ku dhowaad 100 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarro lala
xiriirinayo Iiraan labadii toddobaad ee la soo dhaafay, arrintaas oo muujinaysa
sii xoogaysashada xiisadda u dhexeysa labada dal.
Pentagon-ka ayaa sheegay in inta badan askartaasi ay ku
dhaawacmeen weerarro ay fuliyeen kooxo ay Iiraan taageerto oo lagu qaaday
saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Wasaaraddu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku
saabsan heerka ama halista dhaawacyada.
Saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay
weerarradaas.
Dhanka kale, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee
Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla
Baxrayn, Kuweyd, iyo Urdun, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay sababeen
dhimashada saddex askari oo Mareykan ah.
War deg deg ah, Dowladda Qadar oo ka dacwootay Iiraan kana dalbatay magdhow
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Qadar ayaa warqad u
dirtay Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku
eedaysay Iiraan weerarradii lagu qaaday dalkeeda isla markaana ka codsatay inay
bixiso magdhowga dhammaan khasaaraha ka dhashay.
Warqadahaas, Qadar waxay ku
sheegtay in Iiraan ay 7-dii Luulyo weerartay markab shidaal oo ku sugnaa meel u
dhow Marinka Hormuz, ka hor inta aysan gantaallo kale u soo ridin dalka 12-kii
iyo 17-kii Luulyo.
Mas'uuliyiinta Qadar ayaa sheegay
in saddex qof, oo uu ku jiro hal cunug, ay ku dhaawacmeen weerarkii 12-kii
Luulyo, kaddib markii burburka gantaallo qarxay uu ku dhacay xaafado ay dad
rayid ahi deggan yihiin.
Qadar waxay sheegtay in
weerarradani ay yihiin xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo
qarannimadeeda, isla markaana ay halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida
dalka.
Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ku
celisay inaysan ka laba labeyn doonin qaadista tallaabo kasta oo lagama
maarmaan ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, amniga qaranka iyo
muwaadiniinteeda.
Dhankeeda, Iiraan ayaa sheegtay in
weerarradeeda ka dhanka ah dalalka gobolka ay beegsanayaan saldhigyada
ciidamada Maraykanka iyo ciidamadiisa ku sugan waddamadaas.
War deg deg ah, Dad Afghanistaaniyiin ah oo lagu laayay xadka Iiraan xilli ay doonayeen in dalkaasi galaan
Xigashada Sawirka, SHAMSHAD TV
Shan qof oo u dhashay Afgaanistaan
oo isku dayay inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan iyagoo adeegsanaya
waddooyinka tahriibka ayaa dhawaan meydadkooda laga helay meel saxare ah oo ku
taalla gobolka koonfureed ee Nimroz, halka 14 kale weli la la'yahay, sida ay
warbaahinta Afgaanistaan baahisay.
"Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa
sheegay in kooxdan ay qorsheynaysay inay si sharci darro ah uga gudubto xadka
Iiraan iyagoo maraya saxaraha gobollada Helmand iyo Nimroz," ayay qortay
warbaahinta 2 Lo News 19-kii Luulyo. Shan ka mid ah ayaa u geeriyooday kulayl
daran iyo biyo la'aan, halka kuwa kale weli la la'yahay.
Hay'adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa tiri: "Musiibadan waa xusuusin murugo
leh oo muujinaysa khasaaraha bani'aadannimo ee ka dhasha safarrada halista ah
iyo kuwa sharci darrada ah. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa baahida loo qabo in
dadka la siiyo ilaalin iyo fursado wanaagsan si aan loogu qasbin inay naftooda
khatar geliyaan."
Sawirro lagu baahiyay baraha
bulshada ayaa muujinayay qaar ka mid ah meydadka oo yaalla ciidda saxaraha,
halka kuwo kalena ay qayb ahaan ciiddu dabooshay.
Warbaahinta Afghanistan
International, oo xarunteedu tahay UK, ayaa sheegtay in "shaqo la'aanta,
saboolnimada, xayiraadaha lagu soo rogay bixinta fiisooyinka Iiraan, iyo
masaafurinta ballaaran ee qaxootiga Afgaanistaan ee ka imanaya Iiraan" ay
yihiin arrimaha ku riixaya dhalinyarada inay adeegsadaan waddooyinka tahriibka.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo
saartay wakaaladda gaarka loo leeyahay ee Hasht-e-Bah, "dhibaatooyinka
dhaqaale, caqabadaha siyaasadeed, iyo fursado la'aanta" ayaa ah sababaha
ugu waaweyn ee ku kallifa muwaadiniinta Afgaanistaan inay tahriibaan, taasoo
keenta in qaar ay doortaan waddooyin sharci darro ah oo aad u halis badan.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay
in sannadihii u dambeeyay ay dad badan oo Afgaanistaan u dhashay ku dhinteen
iyagoo isku dayaya inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan. Khataraha ugu
waaweyn waxaa ka mid ah biyo la'aan, kuleyl aad u daran, marin-habowga
saxaraha, iyo in tahriibiyeyaashu dadka kaga tagaan jidka. Waxaa intaas dheer
in qaar ka mid ah Afgaanistaan ay dileen ilaalada xuduudaha Iiraan iyagoo isku
dayaya inay si sharci darro ah dalka u galaan.
Dhanka kale, Pakistan ayaa dib u
billowday masaafurinta muwaadiniinta Afgaanistaan ee aan haysan dukumentiyo
sharci ah, kaddib markii uu dhacay waqtigii kama dambaysta ahaa ee 10-kii
Luulyo.
War deg deg ah, Iiraan oo ku dhawaaqday in ay dishay askar Mareykan ah
Ciidanka Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegtay in dhowr askari oo Maraykan ah lagu dilay
weerarro ay ka fuliyeen deegaanka Rukban ee dalka Urdun.
IRGC ayaa war-saxaafadeedkooda ku
sheegay inay bartilmaameedsatay "xero hoy ah oo ay isticmaalaan ciidamada
Maraykanka" oo ku taalla Rukban, intii lagu jiray " Hawlgalka Nusr
2", isla markaana ay ku dileen "askar badan" oo Maraykan ah.
Dowladda Maraykanka weli kama
aysan jawaabin sheegashadan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed
ay soo saareen ciidamada Maraykanka, 17-kii Luulyo, weerarro ay Iiraan ku
qaaday gantaallo riddo dheer iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa lagu dilay saddex
askari oo Maraykan ah gudaha dalka Urdun.
FIFA oo bilowday baaritaan ay ku sameyneyso fal ay sameeyeen Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Messi
Argentina
ayaa wajahaysa baaritaan ku saabsan dhacdooyinkii foolxumaa ee ka dhacay
dhammaadkii finalka Koobka Adduunka, sida ay xaqiijisay Xiriirka Kubadda Cagta
Adduunka ee FIFA.
Guddiga
Anshaxa ee FIFA ayaa magacaabay dacwad-ooge si uu u qiimeeyo wixii dhacay kadib markii
garsooruhu yeeriyay seeriga dhammaadka ciyaarta ka dhacday garoonka MetLife
Stadium.
Ciyaaryahan
ama tababare kasta oo ku lug lahaa isku dhacaas ayaa wajihi kara ganaax ama ka
maqnaansho ciyaaro, halka Xiriirka Kubadda Cagta Argentina (AFA) isna lagu
ganaaxi karo.
Kadib
guuldarradii 1-0 ahayd ee Axaddii, xubno ka tirsan xulka Argentina iyo
shaqaalaha farsamada ayaa waxay isku dhaceen ciyaartoyda Spain xilli ay
bilaabeen dabaaldegga guusha Koobka Adduunka.
Nahuel
Molina, Leandro Paredes, Thiago Almada iyo kaaliyaha tababaraha Roberto Ayala
ayaa dhammaantood loo muuqday inay ku lug lahaayeen dhacdada.
Waxaa si
khaldan loogu sheegay nidaamka macluumaadka faallooyinka FIFA in Paredes la
siiyay kaarka cas oo uu garsoore Slavko Vincic ka saaray ciyaarta kadib markii
uu qoorta qabtay ciyaaryahanka Spain, Eric Garcia.
Markii
seerigii ugu dambeeyay la yeeriyay New Jersey, qaar ka mid ah ciyaartoyda
Argentina — oo uu ku jiray Lionel Messi — ayaa fariistay iyagoo
niyad-jabsan.
Qaar kale ayaa
iska taagnaa, xilli ciyaartoyda Spain ay garoonka ku ordayeen iyagoo farxad iyo
dabaaldeg ku jira.
Rodri, oo la
beddelay intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa, ayaa ka soo orday kursiga
keydka si uu ugu biiro saaxiibbadiis oo u dabaaldega guusha.
Maxay tahay sababta dadka doobabka ah ay u shiiraan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Michal Bialozej)
Shiirka kasoo baxa jirkeena wuxuu faahfaahin ka bixin karaa xaaladda caafimaadka ee qofka, sida ogaanshaha cudurrada, tusaale ahaan qofka haddii uu carabkiisa ka dareemo macaan waxaa laga yaabaa in uu hayo daacuun calooleed halka qofka qabo cudurka macaanka uu urin karo sida tufaax quruntay.
"Shiirka wuxuu sidoo kale daaha ka qaadi karaa macluumaadka ku saabsan cuntadeenna," ayuu yiri Mehmet Mahmut,oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, udgoonka iyo shiirta kana tirsan Jaamacadda Macquarie, ee Australia.
"Waxaa jira dhowr daraasadood oo tilmaamaya arrintani oo is burinaya, laakiin kooxdaydu waxay ogaatay in hilibka badan oo aad u isticmaashid ay ka dhigan tahay in aad u shiirto"
Ragga waxay shiirta haweenka u arkaan mid udgoon oo soo jiidasho leh xilligga ay ku gudo jirto wareegga caadada, waana xilligga ay u badan tahay inay uur yeelato.
Waxaa arrintani laga yaabaa inay caawin jirtay dadkii hore si ay u ogadaan haweenka taranka badan, sida uu soo jeediyay qoraaga.
Waxaana sidoo kale laga yaabaa in hormuunka ragga ee testosterone uu sare u qaado karo shiirta haweenka.
"Tani waa muhiim sababtoo ah waxay muujinaysaa in hidde-sideyaasha ay saameeyaan sida aan wax u urinno," ayay tiri Agnieszka Sorokowska, oo ku takhasustay cilmi-nafsiga iyo urta aadanaha kana tirsan Jaamacadda Wroclaw, Poland.
Iiraan ayaa
ugu baaqday beesha caalamka in aysan u dulqaadan wax weerar ah oo lagu qaado
xarumaha nukliyeerka ee loo isticmaalo ujeeddooyin nabadeed, iyadoo sheegtay in
ilaalinta xarumahaas ay tahay mas’uuliyadda beesha caalamka oo dhan.
Bayaan ay
soo saartay Ergada Iiraan u qaabilsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta
Nukliyeerka (IAEA), ayay ku sheegtay in Mareykanku subaxnimadii 18-ka Luulyo uu
gantaallo ku garaacay goobta dhismaha warshadda tamarta nukliyeerka ee Karun (Darkhovin).
Bayaanku
wuxuu xarunta ku tilmaamay “astaan muujinaysa sharafta iyo isku-filnaanshaha
cilmiyeed ee shacabka Iiraan.”
Waxay intaas
ku dartay in inkastoo Iiraan ay diyaar u tahay inay qaaddo dhammaan
tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta danaha qarankeeda iyo
xuquuqdeeda madaxbannaanida, haddana ka hortagga weerarrada lagu qaado xarumaha
nukliyeerka ee hoos yimaada kormeerka IAEA ee loo adeegsado ujeeddooyin
nabadeed ay tahay mas’uuliyad saaran beesha caalamka oo dhan.
Dhanka kale,
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu weeraray dhowr goobood
oo militari oo ku yaalla Iiraan, oo ay ku jiraan saldhigyada gantaallada,
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hantida ciidamada badda ee
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), balse ma uusan xusin xarunta Darkhovin.
Dhankeeda,
IAEA waxay sheegtay inay baarayso wararka sheegaya in warshadda tamarta
nukliyeerka ee Darkhovin ee dhismaheedu socdo la weeraray, hase yeeshee weli ma
aysan soo saarin warbixin madax-bannaan oo xaqiijinaysa waxa dhacay.
Iiraan ayaa weerartay markab shidaal oo marayay Marinka Hormuz, taas oo ku qasabtay shaqaalihii markabka inay ka baxsadaan, iyadoo uu weli socdo loollanka lagu doonayo in lagu xakameeyo marin-biyoodkaas.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay inay sidoo kale weerareen goobaha difaaca cirka ee Maraykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Kuweyt.
Dhanka kale, ciidamada Maraykanka ayaa fuliyay habeenkii tobnaad oo xiriir ah weerarro cirka ah, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto maraakiibta maraysa badda.
Iyadoo dagaalladu sii xoogaysanayaan, dhexdhexaadiyeyaashu waxay laba jibaareen dadaallada lagu soo nooleynayo heshiiskii ku-meelgaarka ahaa ee nabadda ee la gaaray bishii hore.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa u safray Baakistaan si uu halkaas ugala yeesho wadahadallo.
Spain ayaa si xarago leh ugu guuleysatay Koobka
Adduunka. Laakiin dad badan ayaa isweydiinaya talow lacag intee le’eg ayay ka
helayaan guushaas?
Waxay sidoo kale gurigeeda ula laabatay in ka badan 51
milyan oo doollar. Taasina waa ka hor inta aan ciyaartoydu helin
gunnooyinkooda.
Kadib 120 daqiiqo oo aad u adkaa oo lagu ciyaaray garoonka
MetLife Stadium, ayuu Ferran Torres ku ayaa noqday geesiga Spain isagoo
dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee waqtiga dheeriga ahaa, isla markaana u
horseeday Spain koobkeedii labaad ee Koobka Adduunka, 16 sano kadib guushii ay
ka gaartay Koonfur Afrika sannadkii 2010.
Koobka marka laga tago, Spain waxay gurigeeda ula laabatay
in ka badan 51 milyan oo doollar. Xiriirka kubadda cagta Spain ayay FIFA akoon
ugu shubaysaa lacagtaas oo ah tii ugu badnayd ee abid la siiyo waddan ku
guuleysta Koobka Adduunka.
Sannadkan, FIFA waxay sidoo kale soo bandhigtay abaalmarin
cusub.
Dhanka Argentina, guuldarradu waxay u ahayd mid aad u
xanuun badan laakiin ay ku heleen abaalmarin dhan 34 milyan oo doollar oo
kaalinta labaad ah.Lacagta
England ayaa iyaduna kaalinta 3aad tartanka kusoo
gabagabeysay si xarago leh. Waxay 6-4 kaga adkaatay France, taasoo ay ku heleen
qiyaastii 30 milyan oo doollar, isla markaana noqotay natiijadoodii ugu
fiicneyd ee Koobka Adduunka ay ka gaaraan tan iyo markii ay ku guuleysteen
sanadkii 1966.
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.
Ku dhowaad 100 ciidamo Mareykanka ah oo lagu dhaawacay weerarada Iiraan
Xigashada Sawirka, US Central Command
Qoraalka sawirka, Pntagon-ka ayaa warkan la wadaagay CBS
Saraakiil
Maraykan ah ayaa u sheegay warbaahinta CBS oo ay bah-wadaag yihiin BBC-da, in
ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay dhaawacmeen ka dib
weerarro dhowr ah oo dhinaca cirka ah oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada
Maraykanka ee Bariga Dhexe bishan.
Sean
Parnell, oo ah afhayeen sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka
(Pentagon), ayaa xaqiijiyay tiradaas isagoo xogtan la wadaagay CBS News
Wuxuu
sheegay in ilaa 7-da Luulyo 2026, ku dhowaad 100 qof ay soo gaareen
"heerar kala duwan oo dhaawacyo ah," halka 96% ka mid ah ay dib ugu
laabteen shaqadoodii ciidamada.
Afhayeen u
hadlay Pentagon-ka ayaa yiri:
"Waxay
muujiyeen go'aan adag oo ay ugu laabanayaan howlaha ciidanka. Inta badan
dhaawacyada soo gaarayna waxay ahaayeen gariir ama jug ka soo gaartay dhanka oo
fudud.
Dhaawacyadan
ayaa la soo sheegay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo
Iiraan, kadib burburkii xabbad-joojin socotay bilooyin badan.
Ciidamada
Maraykanka ayaa sheegay inay muddo 10 habeen oo xiriir ah weerarro ku hayeen
bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo sheegay in ujeeddadu tahay in laga
hortago weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso maraakiibta ganacsiga.
Dhankeeda,
Iiraan ayaa weerarro ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Urdun,
Kuweyt, Baxrayn, iyo dalal kale oo xulafo la ah Maraykanka oo ku yaalla
gobolka.
Sida ay
sheegeen Pentagon-ka iyo hadallo laga soo xigtay Donald Trump, weerarradan ayaa
ilaa hadda sababay ugu yaraan afar dhimasho.
Dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland
Xigashada Sawirka, Ciidamada PSF
Qoraalka sawirka, Ciidamada PSF
Wararka ka imaanaya degmada Laag ayaa sheegaya inu
halkaas iska hor imaad ku dhex maray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin
dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan la sheegay inay ka
tirsan yihiin dowladda federaalka ay shalay ka soo baxeen magaalada Bosaaso,
balse lagu hor istaagay degmada Laag, taas oo 30 kilomitir u jirta magaalada
Bosaaso .
Khasaare kooban ayaa ka dhashay iska hor imaadka dhex
maray labada dhinac.
Xogo aan ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka
Puntland ayaa sheegaya, in hal qof uu ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen
dagalka isla markaana ay ciidamada Puntland la wareegeen gaadiidkii ay wateen
ciidankaas federaalka oo ay ku safrayeen.
Ciidamadan lagu hor istaagay Laag ayay wararku sheegayaan
inay ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku safrayay wadada dheer ee
isku xirta Bosaaso ilaa iyo Galkacyo.
Ilo xog ogaal ah ayaa
sheegay in ciidamadan ay ku jeedeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay
doonayeen inay ka soo qaadaan saraakiil kale oo iyaga ka tirsan.
BBC-du weli wx xog ah kama helin dhanka dowladda
federaalka oo lagu xaqiijinayo dagaalkan dhacay.
Weli waan la xiriireynaa dowladda, hadii aan jawaabtooda helno, waa idiin soo gudbin doonaa.
Waa imisa lacagta la siiyo wadanka ku guuleysta Koobka Adduunka?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Yamine iyo Messi
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.
Haddaba, sidee ayaa loo kala qaybiyaa abaalmarinnada?
Abaal-gudka qaab ciyaareedka ku saleysan
Kooxuhu mar kasta oo ay meel fog ka gaadhaan tartanka, waxay helayaan abaalmarin dhaqaale oo intaas ka badan.
Fifa waxay kooxaha ku dhammaysanaya boos kasta u kala abaalmarin doontaa sidatan:
Guuleystayaasha (Koobka):$51m (£38m)
Kaalinta labaad:$34m (£25m)
Kaalinta 3-aad: $30m (£22m)
Kaalinta 4-aad:$28m (£20m)#
Kaalinta 5-aad ilaa 8-aad:$20m (£14m)
Kaalinta 9-aad ilaa 16-aad: $16m (£11m)
Kaalinta 17-aad ilaa 32-aad: $12m (£8m)
Kaalinta 33-aad ilaa 48-aad:$10m (£7m)
Lacagahan la bixinayo waxay qayb ka yihiin $703m oo ka mid ah $871m oo si guud loo qoondeeyey sanduuqa abaalmarinta, iyadoo $168m (£152m) ee soo hartayna loo qaybin doono kooxaha iyado aan la fiirinayn qaab-ciyaareedkooda iyo natiijada ay keenaan.