Spain ayaa si xarago leh ugu guuleysatay Koobka
Adduunka. Laakiin dad badan ayaa isweydiinaya talow lacag intee le’eg ayay ka
helayaan guushaas?
Waxay sidoo kale gurigeeda ula laabatay in ka badan 51
milyan oo doollar. Taasina waa ka hor inta aan ciyaartoydu helin
gunnooyinkooda.
Kadib 120 daqiiqo oo aad u adkaa oo lagu ciyaaray garoonka
MetLife Stadium, ayuu Ferran Torres ku ayaa noqday geesiga Spain isagoo
dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee waqtiga dheeriga ahaa, isla markaana u
horseeday Spain koobkeedii labaad ee Koobka Adduunka, 16 sano kadib guushii ay
ka gaartay Koonfur Afrika sannadkii 2010.
Koobka marka laga tago, Spain waxay gurigeeda ula laabatay
in ka badan 51 milyan oo doollar. Xiriirka kubadda cagta Spain ayay FIFA akoon
ugu shubaysaa lacagtaas oo ah tii ugu badnayd ee abid la siiyo waddan ku
guuleysta Koobka Adduunka.
Sannadkan, FIFA waxay sidoo kale soo bandhigtay abaalmarin
cusub.
Markii ugu horreysay taariikhda, ayaa la guddoonsiiyay
faraanti ka sameysan dahab saafi ah oo 18 karat ah, laguna qurxiyay dheeman iyo
dhagaxyo sayfar ah. Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa 30 ka mid ah
faraantiyadan guddoonsiiyay ciyaartoyda iyo tababarayaasha Spain.
Dhanka Argentina, guuldarradu waxay u ahayd mid aad u
xanuun badan laakiin ay ku heleen abaalmarin dhan 34 milyan oo doollar oo
kaalinta labaad ah.Lacagta
England ayaa iyaduna kaalinta 3aad tartanka kusoo
gabagabeysay si xarago leh. Waxay 6-4 kaga adkaatay France, taasoo ay ku heleen
qiyaastii 30 milyan oo doollar, isla markaana noqotay natiijadoodii ugu
fiicneyd ee Koobka Adduunka ay ka gaaraan tan iyo markii ay ku guuleysteen
sanadkii 1966.
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.