You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa’iil oo xarig ugu hanjabtay duqa New York

    Danjiraha Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan yiri duqa magaalada New York, Zohran Mamdani.

    Mamdani, ayaa dhawaan sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

    Dony ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay isku day lagu marin habaabinayo dareenka shacabka, si looga jeediyo fashilka duqa magaalada.

    “Qofka ay tahay in la xiro ma aha Ra'iisul Wasaarahayaga; waa adiga, Mudane Mamdani. Haddaba aan arrinta si cad u sheego. Waa isla duqii magaaladaas oo komishinarkiisa isku dayay inuu la kulmo wakiilka Iiraan u jooga Qaramada Midoobay, xilli Maraykanku dagaal kula jiray isla nidaamkaas shar-wadayaasha. Nasiib wanaag, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa arrintaas joojisay.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri:

    “Waa isla duqii magaaladaas oo u baroordiiqay xubin ka tirsanaa Xamaas, kuna tilmaamay saxafi rayid ah oo aan waxba galabsan. Waa isla duqii magaaladaas oo weli sii hurinaya naceybka ka dhanka ah Yuhuudda ee ka jira guud ahaan New York”.

    “Haddana waa isla duqii magaaladaas oo ku hanjabaya inuu xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, isagoo adeegsanaya awood uusan lahayn. Ra'iisul Wasaare Netanyahu wuu iman doonaa New York, wuxuu ka hadli doonaa isla madashan. Wuxuu ku hadli doonaa magaca Dowladda Israa'iil. Wuxuu difaaci doonaa shacabka Israa'iil, mana jirto wax aad samayn karto oo aad uga hor istaagi karto”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

    Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

    Isagoo Sabtidii ka hadlayay barnaamijka 'podcast'-gaa ee wargeyska The New York Times, Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo lagu xiri karo "dambiilaha dagaalka" marka uu yimaado magaalada New York bisha Sebtembar.

    Mamdani wuxuu ballan-qaadkan sameeyay xilligii ololihiisa doorashada.

    Sidoo kale akhri

  2. walaalka yar ee Lamine Yamal ee indhaha caalamka soo jiitay iyo dabaaldagii sameeyay

    Inkastoo ciyaaryahanka reer Spain ee Lamine Yamal uu qaaday Koobka Adduunka, haddana walaalkiis yar ee Kenye ayaa u muuqda inuu soo jiitay dareenka dadweynaha.

    Wiilkan saddex-jirka ah ayaa si degdeg ah caan uga noqday internet-ka ka dib markii muuqaallo laga duubay isagoo si xamaasad leh u dabaaldegaya guushii 1-0 ahayd ee Spain ay ka gaartay ciyaartii Argentina ay Axaddii ku faafeen baraha bulshada.

    Iyadoo Yamal, oo isaguna 19 jir ah, uu sii waday guulihiisa isagoo ka caawinaya Spain inay ku guuleysato abaalmarinta ugu weyn kubadda cagta, ayaa dareenka dadku si degdeg ah ugu wareegay falcelinta farxadda leh ee walaalkiis yar oo garoonka dhinaciisa ka daawanayay ciyaarta.

    Laga soo bilaabo inuu carrabka soo saaro isagoo shaashadda weyn ka muuqda ilaa uu si xooggan u dhiirrigeliyo walaalkiis ka weyn, Kenye waxaa taageerayaashu ku tilmaameen mid ka mid ah xiddigaha aan la filayn ee sida lama-filaanka ah u soo shaac-baxay tartankii 2026-ka.

    Spain ayaa guul ka gaartay tartan adag oo u baahday dulqaad iyo adkaysi, iyadoo Argentina kaga badisay gool la dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka New York New ee Jersey Stadium.

    Guushan oo ahayd tii labaad ee kooxdu ku guuleysato Koobka Adduunka ayaa ka dhigtay Yamal ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid ku guuleysta labadaba Koobka Qaramada Yurub iyo Koobka Adduunka.

    Walaalkiis yar ee Kenye ayaa noqday qof si joogto ah uga dhex muuqda garoonka dhexdiisa iyo dibaddiisaba - isagoo inta badan ka soo muuqda muuqaallada TikTok-ga ee Yamal, isla markaana soo jiita taageerayaasha daafaha dunida.

  3. Madaxda caalamka oo hambalyo u diray Andy Burnham

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee Raysalwasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham, la hadlay maalintiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.

    Sida uu sheegay xafiiska Downing Street, Burnham ayaa galinkii dambe ee maanta la hadlay Zelensky, isagoo dib u xaqiijiyay isaga iyo Boqortooyada Midowday in ay si adag u garab taagan yihiin shacabka Ukraine.

    Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sidoo kale sheegay in Burnham uu Zelensky ku casuumay inuu booqdo Boqortooyada Midowday “fursadda ugu horreysa ee suurtagalka ah”.

    Fiidnimadii ayuu Burnham sidoo kale la hadlay Macron, isagoo sheegay inuu sii xoojin doono xiriirka adag ee u dhexeeya Britain iyo Faransiiska. Downing Street ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen taageerada Ukraine, dib u furista marin-biyoodka Hormuz iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.

  4. War deg deg ah, Ciidammada Maraykanka oo ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday Iiraan

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in ciidammada Maraykanku ay bilaabeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo fulinaya amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Donald Trump.

    Sida uu sheegay CENTCOM, ujeeddada weerarradan ayaa ah in la wiiqo awoodda millatari ee Iiraan, taas oo uu ku eedeeyay in loo adeegsanayo weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.

    Ku dhawaaqista CENTCOM ayaa timid daqiiqado kaddib markii warar ka soo baxay Iiraan ay sheegeen in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalooyinka Bandar Abbas iyo Sirik.

  5. Angela Rayner oo loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta.

    Angela Rayner ayaa loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta ee xukuumadda Andy Burnham. Waxay xil hore uga soo qabatay dowladdii Keir Starmer.

    Waxay iska casishay xilalkii raysalwasaare ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha guryeynta bishii Sebtembar 2025.

  6. Maxaan ka og nahay weerarrada Maraykanku uu ku qaaday marinnada gaadiidka ee Bandar Abbas?

    Burburka ka dhashay weerarrada Mareykanka kuma ekayn oo kaliya bartilmaameedyada ku yaalla xeebta koonfureed ee Iiraan. Todobaadkii la soo dhaafay, warbaahinta Iran waxay sheegtay in lix buundo la duqeeyay kuwaas oo ku yaalla magaalada 'Khamir' ee gobolka Hormozgan saacadaha hore ee Jimcihii, July 17.

    Habeennimadii Jimcaha ee isla maalintaas, warbaahinta ayaa mar kale sheegtay in labo god iyo labo buundo lagu weeraray gobolka Hormozgan.

    Warbaahinta Iiraan iyo mas'uuliyiinta dawladda hoose waxay sheegeen in weerarrada Mareykanku ay bartilmaameadsadeen xarumaha korontada, meelaha biyaha lagu sifeeyo, buundooyinka, waddooyinka iyo khadadka tareenka ee koonfurta Iiraan.

    Afhayeen u hadlayay Aqalka Cad oo ka jawaabayay su'aal ay weyddiisay BBC-da, ayaa diiday in kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka la bartilmaameadsaday, isaga oo intaas raaciyay weerarrada ka dhan ah Iiraan in Washington uga gol leedahay in la wiiqo awoodaha millatari iyo gaadiid ee Ciidanka ilaalada Kacaanka.

  7. Urdun oo qabatay saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan

    Telefishinka dawladda Urdun ayaa sheegay in ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ay qabteen saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan.

    Tan iyo markii uu billowday wareegga cusub ee iska horimaadyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Urdun waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay beegsadaan weerarrada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

    Wargeyska The New York Times oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan millitariga Maraykanka ayaa sheegay in tobannaan askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana dhowr diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ay waxyeello ka soo gaadhay weerarradii ay Iiraan toddobaadkii hore ku qaadday saldhig millatari oo Maraykanku ku leeyahay Urdun.

  8. Madaxweyne Trump: Iiraan "waa ay ka qoomamayn doontaa" haddii la dilo askari qudha oo Mareykan ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay bixin doonto qiimo labanlaaban haddii ay disho askari Mareykan ah.

    Qoraal uu Isniintii ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in uu tilmaamahan u gudbiyay Wasiirka Dagaalka Pat Hegseth, Madaxa Taliyeyaasha Iskudhafka ah ee Ciidanka Mareykanka Dan Kaine, iyo dhammaan saraakiisha ciidanka.

  9. Trump: Marnaba Maraykanka lagu ma xidhi karo Netanyahu

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Raysalwasaaraha Israa'iil Netanyahu aan si walba oo ay tahay loo xidhi doonin inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in Netanyahu uu dagaal kula jiro Iiraan oo ah tii dhowaan dishay 52,000 oo dibad-baxayaal ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana muddo 47 sano ah wadday dilka askarta Mareykanka iyo dad kale.

    Wuxuu sheegay in haddii cid la xidhayo ay tahay oo keliya in la xidho dadkii Iiraan u horseeday dhibaatadan ba'an ee dhimashada iyo burburka leh.

    Waxaa xusid mudan in Maayarka Magaalada New York, Zohran Mamdani uu sheegay in xafiiskiisu uu raadinayo talo sharci oo ku saabsan xadhigga Netanyahu marka uu yimaaddo kulanka Qaramada Midoobay.

  10. Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu dagaal weyn u diyaargaroobayo isagoo dhanka kalena nabad sheegaya

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay "dagaal buuxa" kula jirto Maraykanka, halka Baxrayn ay ku eedeysay Tehran in ay bartilmaameedsatay qalabka hagista duulimaadyada rayidka.

    "Xaqiiqdu waxay tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku jirto dagaal buuxa", ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo intaas ku daray, “Waa in aan xaqiiqada wajahnaa oo aan aqbalnaa cawaaqibka ka dhalanaya iska caabbintan."

    Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu iska dhigayo dal nabad raba hadana oo uu dhanka kale xoojinayo militeriga u jooga gobolka.

    Mr. Qalibaf, oo ah madaxa wada-xaajoodyada Iran ee Maraykanka, ayaa bartiisa X ku qoray sidan, "Maraykanku si joogto ah ayuu gobolka u keenayaa qalab militari oo cusub, isagoo haddana sheeganaya in uu doonayo in dagaalka la joojiyo. Waxay ku tiirsan yihiin sirdoonkooda iyo garaadkooda xaddidan. Annaguna waxaan gaarnay heer aan si buuxda u garan karno xeeladahooda, waxaana u diyaargarownay. Ficilladu iyo hadallada waa in aysan iska hor’imaan”.

    Hadalka Qalibaf ayaa soo baxay xilli qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ay sheegayaan in Maraykanku uu gobolka u dirayo diyaarado dagaal oo dheeraad ah, iyadoo lagu tilmaamay in ay qayb ka yihiin diyaar-garowga "dagaal buuxa" oo ka dhan ah Iran.

    Sidoo kale akhriso

  11. Toban qof ayaa ku geeriyooday markab ganacsi oo lagu weeraray Badda Madow

    Tirada dadka ku dhintay weerar Ruushku ku qaaday markab xamuul oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebta magaalada Odesa ee dalka Ukraine ayaa gaartay 10 qof.

    Ciidanka cirka ee Ukraine ayaa sheegay in markabka, oo watay calanka dalka Guinea-Bissau, lagu dhuftay gantaallo Ruushku soo riday maalintii Axadda, taas oo sababtay in uu dab qabsado markabka.

    Hawlgal baadi-goob iyo samatabixin ah ayaa isla markiiba la bilaabay, wuxuuna socday habeenkii oo dhan.

    Hay'adda dekedaha ee Ukraine ayaa saakay sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaha markabka ay dhinteen, sidoo kalena uu geeriyooday mid ka mid ah shaqaalaha haga maraakiibta ee dekedda.

    Weerarrada Ruushka ee lagu beegsanayo maraakiibta xamuulka ee maraya Badda Madow ayaa sidoo kale sii kordhay.

    Weerarkii Axaddii lagu qaaday markabka Golden Leo, oo watay calanka Guinea-Bissau, ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa.

    Sidoo kale akhriso

  12. Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay “badda ka go’doominayaan” Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay ku soo rogeen go'doomin dhinaca badda ah Sacuudiga. Qoraal ay soo saareen kooxda ayaa lagu sheegay in go'doomintaasi ay ku salaysan tahay mabda'a "In aan ku sameyno wixii ay nagu sameeyeen" isla markaana si degdeg ah loo dhaqan gelin doono.

    Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii korortay tan iyo markii Sacuudigu ay isku dayeen in ay ka hor istaagto diyaarad laga leeyahay Iran in ay ka degto Garoonka Caalamiga ah ee Sanca.

    Dhanka kale, Iran iyo Maraykanka ayaa muujiyay calaamado ah in ay diyaar u yihiin xal diblomaasiyadeed, iyagoo weli sii wada weerarrada ay is-weydaarsanayaan.

    Iran ayaa sheegtay in ay heshay soo jeedinno ka yimid dhexdhexaadiyeyaal, waxaana la filayaa in wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga uu maanta booqdo Pakistan.

    Sidoo kale akhriso

  13. Khalil al-Hayyah ayaa loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas

    Ururka Xamaas ayaa u magacowday in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub Khalil al-Hayya, oo hore u ahaa madaxa wadaxaajoodyada ururka.

    Waa qofkii ugu horreeyay ee loo magacaabo jagadan tan iyo markii Yahya Sinwar ay ciidamada Israel ku dileen Gaza laba sano ka hor. Waxaa la sheegay in doorasho gudaha ah ay ka dhacday Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo meelo kale oo xubno ku sugnaayeen.

    Inta badan hoggaanka sare ee Xamaas waxaa lagu dilay duqeymo ay Israel fulisay kaddib weerarradii dadka badan ku dhinteen ee dhacay intii uu socday dagaalka.

    Mr. Al-Hayyah waxa uu ku dhashay sanadkii 1960-kii Daanta Galbeed, wuxuuna xubin ka ahaa Xamaas laga soo bilaabo markii la asaasay sanadkii 1987-dii.

    Sidoo kale akhriso

  14. New York Times: Tobanaan askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii Iran ee Urdun, dhowr helikobtarna waxyeelo ayaa soo gaartay

    New York Times oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in tobanaan askari ay dhaawacmeen iyadoo dhowr helikobtarna ay waxyeelo ka soo gaartay weerarada Iran ee lagu qaaday saldhiga militeriga Mareykanka ee Urudun toddobaadkii la soo dhaafay.

    Wargeyska oo xiganaya ilo militeri ayaa shegay in saddex weerar oo kale oo la mid ah kuwan ay dhaceen ka hor weerarkii Iran ee Jimcihii, kaas oo ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan ah.

    Sarkaalka militeriga Mareykanka ee ka hadlay arrintan oo magaciisa aan la sheegin ayaa sheegay in aan Taliska Dhexe ee Mareykanka looga baahneyn in uu soo saaro macluumaad ku saabsan askarta dhaawacmay hadii ay degdeg uga soo laabanayaan shaqada.

    Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa u sheegay The New York Times, “Maxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka u soo saareysaa macluumaad ka caawin kara Iran in ay si ka saxsan u beegsato bartilmaameedkeeda iyo weerarradeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah ee ka dhanka ah Urdun iyo saldhigyada kale ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, halkaas oo kumannaan askari oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin?”

    Sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka in ka badan 400 oo askari oo Maraykan ah ayaa ilaa hadda ku dhaawacmay iska dagaalka lagula jiro Iran.

    Dhanka kale, war ay soo saareen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa “uga mahadceliyay” “shacabka Urdun” “macluumaad sax ah oo ku saabsan 20 god oo difaac ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka.”

    Sidoo kale akhriso

  15. Andy Burnham ayaa maanta noqday raysalwasaaraha UK

    Keir Starmer ayaa maanta si rasmi ah uga degay xilka raysalwasaaraha UK ka hor inta uusan raysalwasaaraha cusub, Andy Burnham, kala wareegin xafiiska No 10 ee looga taliyo UK.

    Hadalkii ugu dambeeyay isagoo xilka haya uu jeediyo Starmer ayuu ugu rajeeyay ninka badalaya guul, wuxuuna sheegay, “Waxaan u baxayaa si sharaf leh anigoo dhoolacadeynaya, isla markaana ku faraxsan wax kasta oo aan gaaray”.

    Iscasilaadda Keir Starmer waxay ka dhigan tahay in hadda ay joogaan dalka sagaal raysalwasaare oo nool.

    Raysalwasaaraha cusub Andy Burnham ayaa marka uu ka baxay Starmer aqalka boqortooyada ee Buckingham Palace kaddib soo galay si uu isna ula kulmo boqor Charles taas oo ah nidaam dalka u deggan oo raysalwasaaraha tagayo iyo kan imaanayo ay la kulmaan boqorka.

    Laga soo bilaabo sanadkii 1721-kii, waxaa xafiiska ka tagay 58 raysalwasaare. Tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya Britan waxay soo maray toddobo raysalwasaare.

    Sidoo kale akhriso

  16. Doon siday 133 rakaab ah iyo shaqaale ayaa ku degtay xeebta Guyana

    Dad gaaraya 60 ayaa la soo badbaadiyay kaddib markii doon ay la socdeen 116 rakaab ah iyo 17 shaqaale ah ay ku degtay xeebta dalka Guyana ee koonfur Ameerika.

    Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jira 15 carruur ah. Doonta degtay ayaa ka soo baxday caasimadda Georgetown, waxaana weli la la’yahay dad kale.

    Codsi gurmad lagu doonayo ayaa la helay saacadu markii ay aheyd 23:01 waqtiga dalkaasi taas oo keentay in la bilaabo howsha samatabixinta oo ay ka qeybqaateen kooxaha dowladda iyo kuwa gaar ah, sidaasina waxaa sheegay wasiirka howlaha guud Juan Edghill.

    “Waxaan rajeyneynaa in aan helno dhammaan dadkii la socday doonta”, ayuu u sheegay wariyayaasha.

    Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jira 41 rag ah iyo 11 dumar ah, sidaasina waxaa wariyayaasha u sheegay raysalwasaare Mark Phillips oo intaas ku daray in kabtanka doonta uu ka mid yahay tiradaas.

    Raysalwasaaraha ayaa sheegay in doontu ay waday intii loogu talogalay markii ay dhibaatu dhaceysay, wuxuuna sheegay in ay shati u haysatay qaadista ilaa iyo 300 oo rakaab ah.

    Ehalka rakaabka doonta la socday ayaa loo sameeyay goob laga caawiyo si ay ula socdaan xaaladda dadka weli la la’yahay.

    Sidoo kale akhriso

  17. Iiraan oo shaacisay khasaare ka soo gaaray weeraradii ugu dambeeyay ee uu Mareykanka geystay

    Hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen duqeymo uu Maraykanku ka geystay waqooyi-galbeed ee Iran, sida ay sheegay maamulka gobolka Bariga Azerbaijan.

    Halka qof ayaa dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen duqeyn Maraykanku ku qaaday goob ciidan oo ku taalla koonfur-galbeed magaalada Tabriz, Axaddii shalay iyo Isniinta.

    Hamid Safri, oo ah agaasimaha guud ee Waaxda Maareynta Musiibooyinka ee gobolka Galbeedka Azerbaijan, ayaa sheegay in gantaal uu ku dhacay goob u dhow degmada Silvana ee magaalada Urmia Isniinta saaka.

    Warbaahinta Iran ayaa soo xigatay Hamid Safri oo sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Mohammad Mozaffari, oo ah guddoomiyaha gobolka Bushehr ee Iran, ayaa sheegay in magaalada Bushehr laba jeer la weeraray.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in ilaa hadda aan wax khasaare nafeed ah laga soo sheegin weerarkaasi. Weerarkan ayaa dhacay saacado kaddib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka uu sheegay inuu dhammaystiray wajigii sagaalaad ee weerarrada ka dhanka ah Iran.

    Sidoo kale akhri

  18. Tirada ciidamada Mareykanka ee ku dhintay weeraradii Iiraan

    Saddex askari oo Mareykan ah ayaa labo maalmood gudahood ku dhintay weerarro ay Iran ku qaaday, iyadoo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu sii socdo.

    Laba ka mid ah askarta ayaa geeriyooday kaddib weerar lagu qaaday saldhig militari oo Mareykanku ku leeyahay Urdun Jimcihii, halka hal askari oo kale la la’yahay.

    Mid ka mid ah askartii dhimatay ayaa sidoo kale ku geeriyooday waqooyiga Ciraaq Sabtidii, kaddib weerar loo aaneynayo Iran.

    Taliska Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa sheegay, in askariga ku dhintay Ciraaq uu naftiisa ku waayay intii lagu guda jiray hawlgal lagu burburinayay haraadiga diyaarad aan duuliye lahayn (drone), oo laga lahaa Iran, taas oo soo dhacday.

    Hal askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhacdadaas.

    Bayaan cusub oo ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay, in meydad aan la aqoonsan laga helay goobta weerarka ka dhacay ee Urdun, isla markaana baaritaanku weli socdo.

    Sidoo kale akhri

  19. Trump oo ka hadlay wax ka bedel lagu sameyn doono diyaaradda ay Qatar ugu deeqday

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in diyaaradda ay dhawaan ku deeqday Qatar, taas oo loo adeegsanayo inay noqoto diyaaradda xambaarta madaxweynaha ee Air Force One, lagu sameyn doono wax-ka-beddel iyo casriyeyn, kaddib markii su’aalo laga keenay ammaankeeda.

    Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay ku duulay diyaaradda Boeing 747 ee la hagaajiyay bilowgii bishan, balse toddobaad kaddib wuxuu si lama filaan ah u isticmaalay diyaaraddii hore ee Air Force One kaddib shirkii NATO ee Turkiga.

    Waxaa la sheegay in diyaaradda cusub aysan lahayn qaar ka mid ah qalabka muhiimka u ah amniga, oo ay ku jiraan nidaamyada ka hortagga gantaallada.

    Madaxweyne Donald Trump, faahfaahin kama bixin waxa uu ula jeeday marka uu yiri diyaaradda waa la “kordhin doonaa awooddeeda ugu sarreysa”

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday diyaaradda cusub ee madaxweynaha oo Qatar ay sanad ka hor siisay, isagoo ku tilmaamay diyaaradan midda ugu qaalisan caalamka. Diyaaradan ayaa bedeli doonta labada diyaaradood ee Air Force One ee sida rasmiga ah shaqada looga fariisiyay.

    Air Force One had iyo jeer waxay calaamad caan ah u ahayd awoodda Maraykanka iyo sarrayntooda, mana aha kaliya habka gaadiidka ee madaxweynaha. Diyaaradda ayaa sidoo kale heshay meel ka mid ah dhaqanka caanka ah ee Mareykanka, iyadoo filimka "Air Force One" ee ku saabsan afduubka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Mareykanka.

    Diyaaradan ayaa mar walba sidata calaamadaha awooda Maraykanka iyo hanka qaranka, waxaana kamid ah ereyada "United States of America", calanka Maraykanka, iyo astaanta Madaxweynaha Maraykanka.

    Waxa intaa dheer in dad badan oo ciidan, siyaasiyiin iyo suxufiyiin isugu jira ay madaxweynaha ku weheliyaan duulimaadyadiisa.

    Sidoo kale akhri

  20. Ma Israa'iil ayaa isu diyaarinaysa inay saldhig militari ka sameysato Somaliland?

    Hadallada uu jeediyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, intii lagu guda jiray booqashadiisii Israa'iil bishii Juun ee la soo dhaafay, kuwaas oo aanu meesha ka saarin suurtagalnimada in saldhig militari oo Israa'iil leedahay laga sameeyo gobolka, ayaa dhaliyay dood ballaaran. Waxay sidoo kale dib u soo nooleeyeen dareenka ku wajahan laba goobood oo istaraatiiji ah oo ka tirsan garoonka diyaaradaha Berbera, kuwaas oo ay ka socdaan hawlo horumarineed oo ballaaran.

    Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991 isla markaana si madax-bannaan u maamusha arrimaheeda, inkasta oo aanay helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran, waxay ku taallaa marinka laga galo Badda Cas, oo ah mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida.

    Kooxda xaqiijinta xaqiiqooyinka ee BBC-da ayaa baaritaan ku samaysay sawirro dayax-gacmeed laga qaaday garoonka diyaaradaha Berbera iyo xarun badeed ku dhow, kuwaas oo muujinaya dhismooyin iyo qodis socday sannado badan. Hawlahan dhismaha ayaa keenaya su'aalo ku saabsan in ay yihiin mashaariic ku kooban kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga oo keliya, mise ay sidoo kale noqon karaan kuwo mustaqbalka loo adeegsan karo ujeeddooyin militari.

    Booqashada Israa'iil

    Booqashadii Cirro ee Israa'iil ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan heerka iskaashi amni iyo mid militari ee laga filayo labada dhinac, gaar ahaan kaddib markii uu wareysi telefishan ku sheegay in samaynta saldhig militari oo Israa'iili ah oo Somaliland laga dhiso "aanay ahayn arrin meesha ka baxsan".

    Hadallada Cirro waxay yimaadeen bilo kaddib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo sannadkii 1991 si hal dhinac ah ugu dhawaaqday inay ka go'day dowladda dhexe ee Muqdisho.