You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dolwadda Iiraan "kama qayb geli doonto wada-hadallada Arbacada" Warbaahinta Tasniim

Tallaabadan ayaa ku timid codsi ka yimid Pakistan, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto xannibaadda ay ku hayso dekedaha Iran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Xog laga helay Trump oo ku saabsan xannibaadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan

    Ilo wareed ka tirsan laamaha amniga ee dalka Pakistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay telefoonka ku wada hadleen madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo taliyaha ciidamada Pakistan.

    Labada mas’uul ayaa ku wada hadlay taleefoonka, wuxuuna Trump sheegay inuu qaadan doono waxa uu ku taliyo taliyaha, oo ku saabsan waxa uu ka yeeli doono xayiraadda maraakiibta Iiraan ee Marinka Hormuz.

    Xannibaadda marin biyoodka Hormuz ayaa caqabad ku ah wadahadallada nabadda ee lala galo Iiraan.

    fhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Mareykanka iyo in kale.

    "Ilaa hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

  2. Shiinaha oo ka hadlay Makabka Iiraan ee uu Mareykanka qabtay

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku baaqay in wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay tahay inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu Mareykanka gacanta ku dhigay markabka Touska oo uu ka babanayay calanka Iiraan.

    Guo Jiakun ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Shiinuhu uu "walaac ka muujinayo" "qabashada qasabka ah" ee ciidamada Mareykanka ay ku qabsadeen markabka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa hore ugu tilmaantay xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee dekedaha Iiraan "mid mas’uuliyad darro ah oo khatar ah".

    Shiinaha ayaa lagu qiyaasaa inuu iibsado qiyaastii 90% shidaalka ay Iiraan dhoofiso - iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in xayiraadda Mareykanka looga gol leeyahay Shiinaha, oo la doonayo inuu cadaadis saaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  3. Waa maxay Cicida, nooca cusub ee Covid-19?

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isha ku haya nooc cusub oo ah Covid-19 oo noocyo badan leh, kaas oo ilaa hadda laga helay 23 waddan.

    Noocan cusb oo si rasmi ah loogu magacaabay BA.3.2 ayaa sidoo kale lagu arkay USA, Hong Kong, Mozambique, iyo UK.

    Inkastoo aysan jirin wax caddaynaya in noocan uu ka khatar badan yahay kuwa kale, haddana khubaradu waxay xuseen in carruurtu ay u muuqdaan inay ugu dhowdahay inay qaadaan cudurka marka loo eego dadka waaweyn.

    Haddaba intee in le'eg ayay tahay in aan welwelno?

    Waa maxay noocan cusub ee cudurka – CICADA

    Noocan BA.3.2 waxaa lagu magacaabay "Cicada" sababtoo ah ka dib markii la ogaaday bilawgiiba, waxaana la arkay inuu yahay mid aan firfircoonayn muddo dheer (dormant) qaybo ka mid ah aduunka, waxayna ku nool yihiin dhulka hoostiisa muddo dheer.

    Noocan ayaa markii ugu horreysay laga helay Koonfur Afrika bishii Noofambar 2024, laakiin ma aysan ahayn kuwo sii kordha illaa Sebtembar 2025.

    Bishii hore, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa ku dhawaaqday in kiisas laga soo sheegay 25 gobol.

    Sida laga soo xigtay machadka, cudurkan BA.3.2 waxaa laga helay suuf sanka oo laga soo qaaday afar rakaab ah, muunado caafimaad oo laga qaaday shan bukaan ah, iyo 132 muunado oo laga soo qaaday biyo wasakh ah.

  4. Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?

    Waxaa durba billowday xiisaha ku saabsan qodista shidaalka oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shidaalka durba uu dibadda u soo bixi doono.

    Arrintan waxaa sii xoojiyey ka dib markii jimcihii lagu soo dhaweeyay xeebaha Muqdisho markabka Cagri Bey ee qodaalka samaynaya.

    Laakinse khubaradu waxay qabaan in ay jiraan dhowr marxaladood oo qodista iyo soo saarista shidaalku ay ka yihiin laba qayb oo muhiim ah.

    Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka ayaa BBC u kala qeexay labadaas marxaladood.

    Wuxuu ku bilaabay in wejiga hadda la galayo uu yahay 'wajigii labaad ee sahaminta'.

    Xogtii hore waxay ahayd mid badda gunteeda laga baaray oo sawir u badan. Maadaama markabku qodayo meelihii hore loo baaray ayaa wejina ka mid tahay sahanka, welina waxay ka mid tahay horumarinta. Wajiga hadda lagu jiro dhowr marxaladood ayuu marayaa, kuwaasoo ah in la qodo, in naamuunado laga qaado nooca shidaalka, in qiyaas lagu sameeyo, kaydka ku jira int auu le'eg yahay" ayuu yiri.

    Marka arrimahaas laga soo gudbo ayuu Naafic sheegay in qorshihii qoditaanka shidaalka la soo saarayo la gali doono, qiyaasta kharashka galaya, iyo marinka dibadda loogu dhoofinayo. "Wejigan waa mid go'aan qaadasho oo lagu go'aamiyo in shidaalku ganacsi geli karo oo hore loo sii socon karo" ayuu sii raaciyey.

    Wuxu intaa ku daray in wajiga horumarinta oo hadda bilaabanaya uu socon karo 5 - 8 sano. "Markaa ka dib ayaa loo gudbayaa wajiga wax soo saarka oo la diyaarinayo riigaggii iyo goobihii badda gudaheeda laga dhisi lahaa, dhuumihii qaadi lahaa, kaydadkii iyo qalabkii iyo warshadihii ka shaqayn lahaa" ayuu qiyaas ku bixiyey.

    Waxaa kale oo aad akhrisan kartaa:

  5. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo go’aan ka soo saartay wadahadallada Mareykanka

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Mareykanka iyo in kale.

    "Ilaa hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu wafdi u dirayo Pakistan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance si ay wadahadallo u yeeshaan fiiidnimada Isniinta ah.

    Ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Jared Kushner ayaa sidoo kale la filayay inay ka soo qayb galaan wadahadalka.

    Axaddii warbaahinta dawladda Iiraan waxay sheegtay in mas’uuliyiintu aysan qorsheyneynin inay ka qeyb galaan sababtoo la xirriira xayiraadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  6. Faa'iidada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

    Jimcihii ay bisha Disembar 26ka ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.

    Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.

    Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.

    Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.

  7. Bam la aasay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo la helay

    Qiyaastii 800 oo askari oo boolis ah ayaa isku gadaamay goob ku taal waqooyi-galbeed ee magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, iyadoo khubaradu ay isku dayayaan inay xakameeyaan bam laga helay halkaas oo aasanaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Kumanaan qof oo deganaa halkaas ayaa laga daadgureeyay masaafo dhan 450 mitir.

    Bamka waxaa laga helay aagga Colombes sagaal maalmood ka hor, laakiin khubaradu ma aysan awoodin inay ka saaraan isku daygoodii ugu horreeyay sababtoo ah qolofkiisa ayaa waxyeelloobay.

    Qorshaha hadda socda waa in loo soo sare qaado ilaa laba miitar.

  8. Midowga Africa oo war ka soo saaray safiirkii ay Israa’iil u soo magacaawday Soamliland

    Guddiga Midowga Afrika ayaa soo saaray warqad ay uga hadayaan safiirkii ay Somaliland Arbacadi u soo magacaawday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Waxay warqadda ku sheegeen inay si adag u cambaareynayaan talllaabadan oo dabcan ah go’aanka Israa’iil ay ku magacawday safiir loo dirayo wax loogu yeero “Somaliland.”, waa sida ay iyaga hadalka u dhigeene.

    “Guddigu wuxuu mar kale xaqiijinayaa ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan Xeerka aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midowga ma aqoonsana Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan”, ayaa lagu yirii bayaanka ka soo baxay Midowgu.

    Iyadoo la xusuusinayo bayaankii ka soo baxay kulankii 1324aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 6-da Janaayo 2026, Guddigu wuxuu carrabka ku adkeynayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo Somaliland uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar gelin karaan xasilloonida gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka warqadda.

    Midowga Afrika waxaa weli ka go’an taageeridda nabadda, dowlad-dhiska, iyo midnimada qaran ee Soomaaliya ayaa intaas la sii raaciyay.

    Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa Sabtidii shalay ahady cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."

    Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.

    Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."

    Sidoo kale akhri

  9. Daraasad cilmi muhiim ah looga ogaaday xubnaha taranka ragga oo abaal marin heshay

    Cilmi baaris lagu cabiray farqiga dhinaca heer-kulka ee u dhaxeeya xiniinta bidix iyo tan midig ee ka mid ah xubnaha taranka ragga ayaa qeyb ka noqotay daraasado 2019-kii ku guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee Nobel-ka.

    Khubarada ku takhasusay cilmiga taranka dadka ee lagu kala magacaabo Roger Mieusset iyo Bourras Bengoudifa ayaa cabirka heer-kulka ku sameeyay rag u dhashay dalka Faransiiska.

    Waxay cilmi baaristaas ku sameeyeen isagoo dhar xiran iyo isagoo aan xirneyn labadaba.

    Aqoonyahannadan ayaa markaas ka dib ogaaday in xiniinta bidix ay ka diirran tahay tan midig, balse ay saas tahay kaliya marka uu ninku dharka xiran yahay.

    Abaal marinta qaaliga ah ee lagu bixiyo dhinaca cilmi baarista caafimaadka ee la yiraahdo Ig Nobel ayaa looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Jaamacadda Harvard.

    Natiijada cilmi baarista ay soo saareen ayaa lagu daabacay wargeys ka faallooda arrimaha la xiriira taranka bani'aadanka, waxayna khubaradu ku sharraxeen tijaabada ay sameeyeen iyo cilmiga ay ku ogaadeen markii ugu horreysay.

    Waxay khubaradan ka codsadeen 11 rag ah oo ka shaqeeya boostada waraaqaha lagu diro inay muddo 90 daqiiqo ah meel istaagaan, halka ay iyaguna cabir ku sameynayeen heer-kulka kala duwan ee xubnahooda taranka.

    Tijaabo kale oo ay hirgaliyeen ayey ku sameeyeen 11 nin oo ka mid ah darawaliinta basaska kaxeeya, kuwaasoo iyagana fadhiyay xilligaas.

    Ig Nobels ayaa la guddoonsiiyaa natiijooyinka cilmi baarista ee mowduucoodu uu sanadkaas noqdo kan ugu muhiimsan.

    Iyadoo taas loo eegayo, cilmi baareyaal kale ayaa sheegay in heer-kulka la xiriira xiniinyaha ragga ay saameyn buuxda ku leeyihiin shaqada xubnaha taranka.

    Tayada dhinaca taranka ee ay leedahay shahwada ragga ku nool dalalka reer galbeedka ayaa hoos usii dhaceysa, laakiin wax yar unbaa laga ogyahay sidii horumar lagu gaarsiin lahaa.

    Nin lagu magacaabo Craig Franklin ayaa BBC-da u sheegay in ay musiibo ku habsatay markii uu ogaaday inuusan wax shahwo ah lahayn gabi ahaanba.

  10. Iiraan oo maraakiib Mareykan ah weerartay

    Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa werisay in Iiraan ay weerarro cirka ah ku qaadday maraakiibta militariga Mareykanka ee ku sugan Gacanka Cumaan, ka dib markii ciidamada badda ee Mareykanku ay gacanta ku dhigeen markab xamuul ah oo laga leeyahay Iiraan oo ku sugan Gacanka Cumaan.

    Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Horey, Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan - oo ah qaybta ugu sarreysa ee taliska hawlgallada ee isku dubaridka ciidamada qalabka sida - ayaa ku tilmaamay hawlgalka ciidamada badda ee Mareykanka mid xadgudub ku ah xabad-joojinta, waxayna balan qaadeen inay ka"aargudan doonaan falkan burcad-badeednimo ee hubaysan ee ay geysteen ciidamada badda ee Mareykanka."

    Sidoo kale akhri

  11. Iiraan oo balan qaaday inay aargoosan doonto

    Taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Iiraan ay jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanku ku qabsaday markab xamuul ah oo calanka Iran sitay, kaas oo ciidamada Badda Maraykanka ay rasaaseeyeen isaga oo kusii jeeda gacanka Cumaan, waxa uuna ku tilmaamay falkaas “jebinta xabbad-joojinta.”

    Sida lagu sheegay bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda, afhayeen ayaa sheegay in Mareykanku “jebiyay xabbad-joojinta isagoo rasaas ku furay mid ka mid ah maraakiibta ganacsiga Iiraan ee ku sugan biyaha Badda Cumaan, curyaamiyay nidaamka hagista, kadibna fuulay” isagoo adeegsanaya ciidamada Marines.

    “Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay si dhakhso ah uga jawaabi doonaan oo uga aargudan doonaan falkaan burcad-badeednimo hubeysan ee ay sameeyeen ciidamada badda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Reza Amiri Moghadam, safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u fadhiya Pakistan, ayaa sheegay in “inta go’doominta badeed ay socoto, khilaafaadka” u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka “ay sii socon doonaan.”

    Amiri-Moghaddam ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku yiri: “Ma sii wadi kartaan jebinta sharciga caalamiga ah, ma xoojin kartaan go’doominta, ma hanjabi kartaan Iran dembiyo dagaal oo dheeraad ah, ma ku adkeysan kartaan dalabaad aan macquul ahayn, ma ku tartami kartaan hadallo aan loo baahnayn, isla markaana aad iska dhigaysaan inaad ‘diblomaasiyad’ waddaan.”

    Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu wafdi u diray Islamabad si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, balse Iran waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin inay ka qayb gasho wareegga xiga ee wadahadallada.

    Sidoo kale akhri

  12. Daawo: Sida uu Mareykanka rasaasta ugu furay markabka Iiraan

    Mareykanka ayaa qabtay markab xamuul ah oo uu ka babanayay calanka Iiraan oo isku dayayay inuu ka gudbo xayiraadda uu ku soo rogay dekedaha Iiraan, sida uu sheegay Donald Trump

    Markabka waxaa loo diray "digniin uu ku istaago" Gacanka Cumaan laakiin way diideen, sidaa darteed ciidamada badda "ayaa si sax ah u joojiyay ayuu yiri Trump, isagoo intaa ku daray in markabku uu ku jiro "gacanta" Mareykanka.

    Muuqaalka hoose ka daawo sida ciidamada Mareykanka ay xabadaha ugu fureen markabka Iiraan ee ay gacanta ku dhigeen

  13. War ka soo kordhay wefdiga Mareykanka ee u socday Pakistan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wafdi ay u safri doonaan Pakistan si ay u gaaraan wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ay la yeelan doonaan Iiraan.

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu ku sheegay in "wakiiladiisa" ay imaan doonaan Islamabad fiidnimada Isniinta caawa.

    Wax yar ka dib, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance inuu hoggaamin doono wafdiga.

    Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC-da u xaqiijiyay in wafdiga ay ku jiri doonaan la-taliyayaasha Trump Steve Witkoff iyo Jared Kushner, kuwaas oo labaduba goobjoog ka ahaa wadahadalladii hore ee fashilmay.

    Texraan weli ma xaqijin inay ka qeyb qaadan doonto wadahadalladaas.

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warantay in mas'uuliyiinteedu aysan ka qayb qaadan doonin wadahadallada inta xayiraadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan ay weli jirto.

    Wadahadalladii ugu dambeeyay waxay socdeen qiyaastii 21 saacadood, waxaana lagu guuldareystay in heshiis nabadeed lala gaaro Washington iyo Tehran oo aad u kala fogaaday arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  14. Maxaan ka ognahay markabka Tosca ee uu ka babanayay calanka Iiraan?

    Sida aan hore u soo sheegnay, Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in ciidamada badda Mareykanka ay rasaas ku fureen markab xamuul oo calanka Iiraan sita oo lagu magacaabo Touska oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.

    Sida laga helay xogta MarineTraffic, markabka Touska wuxuu kasoo baxay dekedda Port Klang ee Malaysia 12-kii Abriil, waxa uuna ku soo socday dhanka Gacanka Cumaan.

    Iyadoo lagu saleynayo xogta nidaamka Aqoonsiga Tooska ah (AIS), Touska wuxuu qiyaastii 40 mayl-badeed u jiray dekedda Chabahar ee koonfur-bari Iiraan abbaaro 13:00 GMT maanta, ka hor inta uusan istaagin, markaas oo uu dib u jeestay kadibna inyar waxa uu u leexday dhanka Bari, ugu dambaynna gabi ahaanba waa uu istaagin.

    Markabkan xamuulka qaada ee konteenarrada ah wuxuu dhererkiisu ka badan yahay 290 mitir, wuxuuna leeyahay dhex qoto-dheer qiyaastii 13 mitir. Waxaa u muuqata inuu si buuxda ama qayb ahaan u siday xamuul.

    Markabka Touska wuxuu ku jiraa liiska maraakiibta ay cunaqabataynta saartay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.

    Sidoo kale akhri

  15. Dalal hor leh oo ka hor yimid safiirka ay Israa'iil u soo magacowday Somaliland

    Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."

    Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.

    Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."

    Israa'iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.

  16. Trump oo mar kale hanjabay

    Madaxweyne Trump ayaa meel fagaare ah ku dhawaaqay hadal yididiilo leh usbuucii la soo dhaafay, isagoo soo jeediyay in heshiis lala gaaro dowladda Iiraan.

    Laakin maanta waxaa kasoo yeeray hadal kaas lidiid ku ah, isaga oo mar kale ku hanjabay in uu "burburin doono" xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan.

    Waxay u muuqataa in istaraatijiyaddia maamulkiisu ay tahay inuu sii wado cadaadiska dhaqaale ee uu saarayo Iiraan - iyada oo loo marayo xannibaadda badda iyo cunaqabataynta dheeraadka ah - si loo helo heshiis uu ku qanacsan yahay Trump.

    Hanjabadiisii ​​u dambaysay waxay kor u qaadaysaa culayska iyo khatarta abuurista jawi aad u kacsan, marka wada xaajoodka iyo xabbad joojinta labaduba u muuqdaan kuwo jilicsan.

    Wali dhanka Iiraan lama xaqiijin in ay tagi doonto miiska wadahadalada, maalmaha soo socda waxa ay noqon karaan kuwo muhiim u ah go'aan ka gaarista in diblumaasiyadu ay qaban karto.

    Aqalka Cad ayaa u arka in kulankaan uu noqdo mid diblumaasiyadeed oo kama dambeys ah, ka hor inta aan dib loogu laaban dagaal heer gobol ah oo buuxa.

    Dhanka kale, in Iiraan ka tanaasusho Hormuz, taasi waxa ay dhici kartaa kaliya marka xildhibaan sare oo Iiran ah uu sheego inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz.

    "Waa xuquuqdeena lama taabtaanka ah," Ebrahim Azizi, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), ayaa u sheegay BBC isagoo ku sugan Tehran. "Iraan waxay go'aansan doontaa xaqa ay u leedahay marinka, oo ay ku jirto ogolaanshaha maraakiibta si ay uga gudbaan marin biyoodka."

    Waxaana uu sheegay in taasi ay ku dhowdahay in sharciga lagu dhaqmo.

    "Baarlamaanka waxaan horgeyneynaa sharci, annagoo ka duulayna qodobka 110-aad ee dastuurka, kaasoo ay ku jiraan deegaanka, badqabka badda iyo amniga dalka, ciidamada qalabka sida ayaana sharciga dhaqan gelin doona," ayuu yiri xildhibaankan ka tirsan guddiga amniga Qaranka iyo siyaasadda dibadda.

    Si aad wax badan u akhrido: