You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dolwadda Iiraan "kama qayb geli doonto wada-hadallada Arbacada" Warbaahinta Tasniim

Tallaabadan ayaa ku timid codsi ka yimid Pakistan, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto xannibaadda ay ku hayso dekedaha Iran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Trump oo Iiraan eedeyn culus u jeediyay

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay jebisay heshiiska xabbad-joojinta “marar badan.”

    Eedeyntan ayuu ku sheegay farriin uu dhowaan ku daabacay bartiisa Truth Social, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu ula jeeday.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jirto hubanti la’aan ku saabsan in wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay maanta ka dhici doonaan magaalada Islamabad, maadaama Iran aysan weli si rasmi ah u xaqiijin ka qaybgalkeeda.

  2. Baydhabo oo laga mamnuucay ku dhex wadashada noocyada kala duwan ee hubka culus.

    Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo aan magaalada dhexdeeda lagu wada karin hubka culus oo ay ka midka yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, boobayaasha culus iyo gantaallada garabka laga tuuro.

    Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Bay, Gaashaanle Sidiiq Aaden Doodishe oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in ay cidI ku dhex wadato magaalada hub.

    “Maanta laga bilaabo waxaa mamnuuc ka aha in magaalada dhexdeeda lagu isticmaalo hubka waaweyn, oo dhashiikuhu ka mid yahay”.

    Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhacdooyin kala duwan oo dhanka amniga ah laga soo wariyay magaalada Baydhabo, xilli ay kaabiga ku soo hayso doorashada maamulkaasi oo dhacaysa dhamaadka bishaan Abriil.

    Shalay waxaa magaalada lagu dilay ilaa saddex qof oo aan ilaa iyo hadda war laga haynin ciddii falkaasi gaysatay sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

    Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo isaga baxay qaar ka tirsan ciidamadii taageersanaa madaxweynihii hore ee maamulkaas Lafta-gareen, kuwaas oo dhawaantaan lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo gudaha magaalada.

  3. Wasiir Difaac oo dadka dalkiisa raalin gelin siyay

    Jamhuuriyadda Niger, hay’adaha ammaanka dalka ayaa ugu baaqaya dadka ku nool meelaha ay dhibaatooyinka amni ka jiraan in ay raalli-geli ka ahaadaan dib-u-dhaca yimaada marka ciidamada ammaanku gaaraan goobaha weerarradu ka dhacaan, sida ay shacabka dalka qaarkood ka caowdeen.

    Wasiirka Difaaca dalka, Jeneraal Salifou Mody, ayaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka RTN, isagoo ugu baaqay shacabka Niger in ay fahmaan in ciidamada ammaanku aysan joogin karin tuulo kasta, maadaama Niger ay leedahay qiyaastii 32,000 tuulo.

    Arrintan ayaa imanaysa xilli dalka uu weli wajahayo weerarro argagixiso, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado ciidamada militariga ee dalka.

  4. "Trump oo ogaaday in Israa'iil ay war been ah u sheegtay"

    Indha-indhaynta wargeysyada Ingiriiska, oo ay ku jiraan falanqaynta dagaalka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah ee la macaamilka Iiraan, ayaa eegaya saameynta dhimista kharashaadka difaaca Ingiriiska, iyo murannada sharciga ah ee ku saabsan saameynta isticmaalka baraha bulshada.

    Jariidada The Independent ayaa maqaal uu qoray Robert Fox waxa uu ku eegayaa halka uu marayo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, kaas oo ciwaankiisu ahaa "Ugu dambayntii, Donald Trump waxa uu ogaaday in Israa'iil ay khiyaano ku samaysay".

  5. Qadar oo muujisay mowqifkeeda wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar Majid Al-Ansari ayaa sheegay in Qadar ay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiro Maraykanka, marka laga hadlayo wadahadallada ka socda Islamabad.

    “Ma dooneyno inaan ka hadalno fashilka wadaxaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan,” ayuu Majid Al-Ansari ku yiri shir jaraa’id.

    “Dunida oo dhan ayaa taageeraysa wadahadalladan. Annaguna qayb ayaan ka nahay. Waxaan taageeraynaa walaalaheenna Pakistan.”

    Majid Al-Ansari ayaa intaas ku daray in dhammaan dalalka Khaliijka ay maalin kasta xiriir toos ah la leeyihiin dhinacyo kala duwan. “Tani waa dhibaato ka jirta gobolka. Taasi waa sababta aan u leenahay xiriir toos ah.”

    Marka laga hadlayo xiritaanka Marinka Hormuz, afhayeenku wuxuu yiri: “Xallinta dhibaatada Marinka Hormuz mas’uuliyaddeeda ma saarna hal dal oo keliya, balse waa mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan dalalka. Haddii xiritaanka Marinka Hormuz uu sii socdo, waxay dhibaatadan ka dhigeysaa mid caalami ah halkii ay ahaan lahayd mid gobol ku eg.”

  6. Iiraan oo tiri nalooma caga-jugleyn karo

    Safiirka Iiraan u fadhiya dalka Pakistan Reza Amiri Moqadam ayaa sheegay in Iiraan aysan wadahadal geli doonin iyadoo lagu hayo hanjabaad ama cadaadis.

    Wuxuu sheegay in ay tahay xaqiiqo si guud loo aqoonsan yahay in dal leh ilbaxnimo qadiimi ah uusan gorgortan ku geli karin xaalad hanjabaad ama cadaadis ah.

    Wuxuu sidoo kale xusay in tani ay tahay mabda’ adag oo Islaami oo diin ku saleysan, isaga oo intaas ku daray inuu rajeynayo in Maraykanku fahmo arrintaas.

  7. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay in qaraxyo badan dhici doonaan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay yar tahay fursadda lagu kordhin karo xabbad-joojinta labada toddobaad ah haddii aan heshiis lala gaarin Iran.

    Wareysi uu siiyay war-baahinta wararka caalamiga ah ee Bloomberg, Trump wuxuu sheegay in xannibaadda marin-biyoodka Hormuz ay sii socon doonto ilaa heshiis la gaaro.

    Dhanka kale, wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka ee PBS News, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in haddii xabbad-joojinta Iran ay dhammaato, “bambooyin badan ay qarxi doonaan.”

    Waxaa xusid mudan in 8-dii bishan la gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo laba toddobaad ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

  8. War deg deg ah, Jarmalka oo farriin u diray Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ku dhiirrigeliyay Iiraan inay la yeelato wadahadallo “wax dhisaya” Mareykanka kuwaas oo qorshuhu yahay in lagu qabt dalka Pakistan.

    “Sida aan ognahay, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu u safro Islamabad. Iiraan waa inay ka faa’iidaysataa fursaddan, iyada oo loo eegayo danta dadkeeda,” ayuu yiri Johan Vadful kahor kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee Arbacada ka dhacaya Brussels.

    Pakistan ayaa martigelinaysa wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Donald Trump ayaa sheegay inuu wakiillo u diri doono Islamabad, balse Iiraan waxay sheegtay inaysan weli go’aan ka gaarin inay ka qayb gasho wadahadallada.

    Aqalka Cad ayaa horay u sheegay in J.D. Vance, madaxweyne ku-xigeenka Trump, uu sidoo kale u safri doono Islamabad, balse wali lama hayo wax war ah oo ku saabsan tagitaanka wafdiga Mareykanka.

    Xabbad-joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa ku eg berri.

  9. Gabadhi uu jeclaa ayaa nin kale guursatay isna wax aysan fileyn ayuu hadiyad uga dhigay

    Salma iyo Latesh arooskooda waxaa uu mar qura si lama filaan ah uga baxay jawigii farxadda waxa uuna isu baddalay murugo kaddib markii uu qarax dhacay.

    Harish Dalvi ayaa ka sheekeeyay dhacdadan oo khuseysa gabadhiisa mar dhow la guursaday iyo ninkeeda, oo ah wiilka uu sodogga u yahay.

    "Rajesh waxa uu gabadheyda curadda ah ku khiyaanayay jacayl been ah muddo toddobo sano ah. Waxa uu horay u dhalay gabar, balse ma uusan guursanin gabadheyda. Gabadheyda yar ayuu usoo dhiibay boombale ay ku dhex jirto bambo," ayuu yiri.

    "Hadiyadda islamarkii la furayba waxaa qaraxday bambadii, wiilka aan sodogga u ahayna labada indhood ayuu beelay. Maxaan samayn karaa hadda... Waxaan hal il oo ka mid ah indhahayga u bixin karaa wiilka aan sodogga u ahay," ayuu kusii daray.

    Aabahan waxa uu sheegay in falka naxdinta leh uu dhacay maalintii ku xigtay maalinta uu arooska dhacay, markaasoo la furfurayay hadiyadaha.

    Boombalaha ay bambada ku qarsanayd waxa uu ku dhex jiray hadiyadaha la furayay, markii uu qarxayna wuxuu sababay in ninkii caruuska ahaa ay labada indhood ka dhacaan, dhaawac culusna waxa uu ka gaaray gacanta.

    Harish Dalvi, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuulada Meendhabhari ee ka tirsan degmada Navsari ee gobolka Gujarat, waxa uuna leeyahay labo gabdhood.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan iyo ka qeyb galka wadahadallada Pakistan

    Warbaahinta iyo Telefishinka qaranka ee dalka Iiraan ayaa qoraal ay soo dhigeen barta Telegram ku sheegtay in "ilaa hadda, haba yaraate aanay jirin wafdi Iiraaniyiin ah oo tagay Islamabad amaba qorsheynaya inay tagaan.

    Bayaanka ayaa beeniyay waxa ay ku tilmaameen "warar been abuur ah" oo ku saabsan bixitaanka ama imaatinka wafdiga, iyo taariikhda la filayo inay yimaadaan, kuwaas oo ay daabaceen "warbaahinta caalamiga ah iyo ilo-wareedyo gobolka ah"

    Warka la daabacay ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay mowqifka mas'uuliyiinta Iiraan, oo ay ku jiraan Afhayeenka Baarlamaanka iyo madaxa wadahadallada Iiraan, Mohammad-Baaqir Qalibaf, kaasoo hore u sheegay in Tehran aysan aqbali doonin wadahadallada "iyadoo ay jiraan hanjabaado.

    Masiirka wadahadalka ee Iiraan iyo Mareykanka ayaa galay xaalad hubanti la'aan ah iyadoo xilliga xabad joojinta uu gabo gabo ku dhow yahay. Waxa hadda muuqda maaha oo kaliya ismariwaaga diblumaasiyadeed, balse waxaa sii kordhaya hadalada xanafta leh, hanjabaadda iyo wararka iska soo horjeeda ee labada dhinac.

    Sidoo kale akhri

  11. Muxuu yahay hubka uu dalkan Muslimka ah samaysatay ee aan dunida laga heysan?

    Milatariga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

    Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

    Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

    Muxuu yahay Al-Khalid?

    Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.

    Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.

    Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.

    Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.

    Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.

  12. Hantida Ilhaan Cumar oo shaaca laga qaaday

    Waxaa shaaca laga qaaday inta ay la egtahay hantida xildhibaanad Ilhaan Cuma roo ka tirsan Kongreska Mareykanka iyo seygeeda.

    Fox New soo ah wargeysyada ugu waaweyn ee Mareykanka ayaa sheegay in khaladaad ka jiray qiyaasta hantida lacagta Iiraan oo lagu sheegay 30 milyan.

    Wargeysaka oo soo xiganaya warbixinta cusub oo uu soo saaray xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in iyada iyo seygeeda marka hantidooda laysku daro ay tahay lacag dhan 95 kun oo dólar keliya.

    Warbixinta la saxay waxay timid ka dib markii Xafiiska Anshaxa ee Kongareeska uu dalbaday macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hantida la tuhunsanaa ee xildhibaannaddaa Minnesota horaantii sanadkan.

  13. War deg deg ah, Degdeg: JD Vance oo tagaya Pakistan

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, uu Talaadada ah ka ambabixi doono Mareykanka isla markaana uu tegi doono dalka Pakistan, siu u ugu qeynb galo wareegga labaad ee wadahadallada Iiraan.

    Wefdiga Mareykanka ayaa la sheegay inay maanta baxayaan iyadoo Iiraan ay weli shaki ka muujineyso inay ka qeyb geli doonto wadahadaladaas iyo in kale.

    Iiraan waxay ku andacoonesaa in aanay heshiis geli doonin ama ka qeyb qaadan donin wadahadallada iyadoo Mareykanku weli wado xanibaadda maraakiibta Iiraan e Marinka Hormuz.

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saddex ilo oo Mareykan ah, ayaa ku warantay in Vance uu bixi doono subaxnimada Talaadada maanta ah.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CNN, in wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ergooyinka Mareykanka iyo Iiraan hadda la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Arbacada berri ah.

    Sida aan horay u soo sheegnay,weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhanka Iiraan oo ku saabsan inay ka qeyb gali doonto wadahadallada iyo in kale, laakiin ilo wareed ayaa BBC u sheegay Isniintii, in wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Vance ay dhawaan u safri doonaan Pakistan.

    Trump waxaa uu sheegay inuusan qaadi doonin xnibaadda maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, ilaa heshiis lala gaaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  14. Cunnooyinka ay Soomaalidu isticmaasho ee aan u fiicneyn beerka

    Bisha July, waxaa caalamka laga xusaa maalinta ka hortagga iyo wacyigelinta cagaarshowga, oo saameeya dadyow badan oo dunida ku nool.

    Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xuska maalintan, iyo macluumaad ku saabsan cagaarshowga iyo bulshada Soomaalida.

    Xuska Maalinta Cagaarshowga Adduunka waxaa lagu muujiyaa muhiimadda beerku u leeyahay nolol caafimaad qabta, iyo baahida loo qabo in sare loo qaado ka-hortagga fayraska cudurkan.

    Soomaaliya waxay ka mid tahya dalalka hiigsanaya ciribtirka cagaarshoowga wixii loo gaaro sanadka 2030.

    Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah “Hal Nolol, Beer".

    Haddaba waxaan eegeynaa caafimaadka beerka, cunnooyinka u fiican iyo kuwa aan u fiicneyn.

    Haddaba muxuu beerku muhiim u yahay?

  15. Shirkadda Ethiopian Airlines oo diyaarado soo iibsaneysa

    Shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika, Ethiopian Airlines, ayaa Isniintii sheegtay inay iibsanayso lix diyaaradood oo dheeraad ah oo nooca Boeing 787-9 Dreamliner ah, iyadoo doonaysa inay ballaariso duullimaadyadeeda masaafada dheer ee Afrika gudaheeda iyo kuwa u kala goosha Maraykanka, Yurub iyo Aasiya.

    Maamulaha guud ee kooxda shirkadda, Mesfin Tasew, oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters kadib munaasabad ka dhacday xarunta Boeing ee u dhow Washington, ayaa sheegay in shirkaddu ay markii hore dalbatay 20 diyaaradood oo cusub oo 787 ah bishii Janaayo.

    Tasew wuxuu sheegay in shirkaddu ay bilaabi doonto inay hesho 26-ka diyaaradood ee 787 ah sannadka 2028-ka.

    “Waxaa jira jidad duulimaad oo bisil oo aan u baahanahay,” ayuu yiri, isagoo xusay qaar ka mid ah dalalka Afrika halkaas oo Ethiopian Airlines ay rabto inay ku adeegsato diyaarado waaweyn. “Waxaa sidoo kale jira jidad aan rabnay inaan marno balse aanan awoodin sababo la xiriira diyaaradaha oo yar — sida Australia.” Ayuu intaa raaciyay.

    Munaasabadda waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan maamulka Trump, kuwaas oo mudnaan siinaya kordhinta duulimaadka diyaaradaha Boeing ee Maraykanka.

  16. Xogo cusub oo laga helayo safarka madaxweyne ku xiigeenka Mareykanka ee Pakistan

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, JD Vance, uu Talaadada maanta ah ka tagi doono Mareykanka, isla markaana tegi doono dalka Pakistan siu u uga qeyb galo wareegga labaad ee wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka.

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saddex ilo oo Mareykan ah, ayaa ku warantay in Vance uu bixi doono subaxnimada Talaadada maanta ah.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ee CNN, in wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ergooyinka Mareykanka iyo Iiraan hadda la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Arbacada berri ah.

    Sida aan horay u soo sheegnay,weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhanka Iiraan oo ku saabsan inay ka qeyb gali doonto wadahadallada iyo in kale, laakiin ilo wareed ayaa BBC u sheegay Isniintii, in wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo Vance ay dhawaan u safri doonaan Pakistan.

    Iiraan ayaa muujisay shaki hor leh oo ku saabsan inay ka qeyb geli doonto wadahadallada.

    Trump waxaa uu sheegay inuusan qaadi doonin xnibaadda maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, ilaa heshiis lala gaaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  17. Jubaland ma waxay ka baqeysaa weerarkii Baydhabo ka dhacay ookale?

    Maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay doorasho uga qabto deegaanno ka tirsan Jubaland, gaarahaan gobolka Gedo oo dhawaan guddiga doorashooyinku uu jadwelkiisa ku shaaciyay.

    Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta dowladdu ay u daneynayso in ay gobolka Gedo oo kaliya doorasho uga qabto, maadama Jubaland ay dhowr gobol ka koobantahay.

    Wuxuu intaasi ku daray in iyagu ka maamul ahaan ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, hase-yeeshee haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas waxaa uu tilmaamay in ay is difaaci doonaan.

    Hoos ka dhageyso waraysiga oo Wariyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar la yeeshay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

  18. Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo

    Iiraan oo mar kale si adag uga hadashay wadahadalada la filayo

    Maxamed Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in Tehran aysan aqbalin "wadaxaajoodyo hanjabaado la socda".

    Qalibaf ayaa qoraal uu ku qoray barta X ku yiri: "Isagoo go'doon soo rogaya oo jebinaya xabad joojinta, Trump wuxuu doonayaa inuu miiskan gorgortanka u rogo miis is-dhiibis ah ama uu qiil u sameeyo dib u hurinta dagaalka, sida uu u arko inay ku habboon tahay".

    Madaxa kooxda wadaxaajoodka Iiraan ayaa yiri: "Ma aqbalno wadahadallo wata hanjabaado, labadii toddobaad ee la soo dhaafayna waxaan isu diyaarinaynay inaan muujinno kaarto cusub oo dagaalka ah

  19. Garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Tehraan oo dib u bilaabaya duulimaadyada rakaabka

    Labada garoon diyaaradeed ee ugu waaweyn Tehran, Imam Khomeini International Airport iyo Mehrabad Airport, ayaa loo oggolaaday inay dib u bilaabaan duulimaadyada rakaabka laga bilaabo maanta, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka.

    Garoonka Mehrabad ayaa duqeyn lala beegsaday intii ii socday dagaalkii dhawaan dhacay, iyadoo Israa’iil hore u sheegtay inay “burburisay” dhowr diyaaradood oo halkaas yaallay.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in duulimaadyada rakaabka ee 10 garoon oo kale oo ku yaalla magaalooyin kala duwan oo Iiraan ah ay suurtagal noqon doonaan laga bilaabo Sabtida.

  20. Japan oo heegan sare ugu jirta dhulgariir labaad oo weyn

    Saraakiisha Japan ayaa ka digay khatarta sii kordheysa ee dhulgariir "weyn" todobaadka soo socda ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.7 uu ku dhuftay xeebta waqooyi bari, taasoo keentay daadgurayn iyo digniino ah 3m oo ah hirar tsunami ah.

    Kumanaan kun oo qof ayaa loo sheegay inay ka baxaan aagagga xeebta ah oo ay tagaan dhul sare, ka dib markii uu dhulgariirka ka dhacay biyaha ka baxsan ismaamulka Iwate, kaas oo 530km (330 mayl) waqooyi ka xiga caasimadda Tokyo.

    Goor dambe, hay'addu waxay ka digtay khatarta dhulgariir cabirkiisu yahay 8.0 ama ka badan inuu hadda "qiyaas ahaan ka sarreeyo sida caadiga ah".

    Dadku weli waxa ay xusuustaan dhulgariir weyn oo dhacay sanadkii 2011-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 18,000 oo qof uuna sababay burbur ku yimid warshada Nukliyeerka ee Fukushima.

    Kadib dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay Isniintii, oo laga duubay meel qoto dheer oo 10km ah ayaa keenay gariir laga dareemay ilaa Tokyo.