Telefishinka qaranka Iiraan ayaa sheegay in goobo ku yaalla
waqooyiga, bariga, iyo bartamaha Teheran la weeraray Arbacada.
Bartiisa Telegram-ka, ayuu telefishinku ku sheegay in
qaraxyo ay ruxeen waqooyiga, bariga, iyo bartamaha caasimadda, isagoo tixraacayey
in 'weeraro lagu qaaday Teheran' iyadoo aan isla markiiba faahfaahin intaas ka
badan laga bixin.
Xildhibaan Iiraani ah oo ka hadlay furista markinka Hormus isagoo u jawaabay Trump
Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan,
Ebrahim Azizi, ayaa bartiisa X, ku baahiyey qoraal ah inuu farriin ugu diro Donald Trump,
isagoo u sheegay: "Marinka Hormuz hubaal dib ayuu u furmi doonaa, laakiin
adiga kuuma furnaan doono; wuxuu u furnaan doonaa kuwa u hoggaansama sharciyada
cusub ee Iiraan."
Azizi ayaa sheegay in "47 sano oo martigalin ah ay
weligeed dhammaatay," isagoo u tixraacaya muddadii ka dambaysay Kacaankii
Iiraan ee 1979-kii.
Guddiga Amniga Qaranka ee Iiraan ayaa ansixiyay
qorshe canshuur looga qaadayo maraakiibta dhexmaraysa Marinka Hormuz, sida ay
werisay wakaaladda wararka ee Fars maalintii
Trump oo war hor leh ka sheegay dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu " dhowaan" ka bixi doono dagaalka Iiraan, tallaabada milatari ee Maraykankuna ay dhammaan karto "laba ama saddex
toddobaad" gudahood.
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku guuleystay hadafyadii
loo dejiyay ka hor inta aysan bilaaban weerarrada dhanka cirka ee ka dhanka
ahaa Iiraan bishii hore, kuwaas oo ay wada fuliyeen Israa'iil. Wuxuu xusay in
hadafkii koowaad ee ahaa in laga horistaago Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah
la gaaray, haddana ay "shaqada dhamaystirayaan."
Trump waxa sidoo kale uu sheegay in Maraykanku uu hadda
maamulo cirka Iiraan, uuna ku guuleystay isbeddelka nidaamka ka dib markii la
dilay hoggaamiyeyaal badan oo sare oo dhanka siyaasadda iyo milatariga ah. Waxa
uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha cusub ee Tehraan kuwo "ka xagjirnimo
yar" oo "caqli badan" marka loo eego kuwii ka horreeyay.
Sidoo kale wuxuu xusay Trump in
hoggaamiyeyaasha Iiraan ay "ka baryayaan inay heshiis la galaan"
Maraykanka si loo soo afjaro dagaalka, taas oo ay markii hore Iiraan beenisay.
Waxa uu intaas ku daray in dagaalku uu dhammaan karo xataa haddii aan la gaarin
heshiis dhex mara labada dhinac.