Dil aad looga argagaxay oo loo tiirinayo aano qabiil oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

  1. Dibad baxayaal careysan iyo booliiska oo isku dhacay magaalada Nairobi

    Booliska ayaa dad ka dibadbxayay arrintaan u adeegsaday gaaska indhaha ilmada ka keena, iyadoo tobannaan dad ahna ay xabsiga dhigeen.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dibad baxayayaasha kenya oo ka hor yimid canshuurta ay dowladda ku soo rogtay.

    Dowladda Kenya ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah qoddobo ku jiray hindise-sharciyeed cusub oo dhanka maaliyadda ah, kaas oo jaha-wareer ka dhaliyay gudaha dalka.

    Waxyaabaha dadku ka horyimaadeen waxaa ka mid ah canshuur kordhin gaaraysa 16% oo la dul saaray burka ama daqiiqda. Booliska ayaa dad ka dibedbaxayay arrintaan u adeegsaday gaaska indhaha ilmada ka keena, iyadoo tobannaan qofna ay xabsiga dhigeen.

    Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Kenya William Ruto sanadkii 2022-ka, waxa uu sameeyay tallaabooyin dhowr ah oo canshuur kordhin ah, waxaana uu u sababeeyay in dalka deyn fara badan lagu leeyahay isla markaana uu doonayo in kenya ay isku filnaato.

    Hase-yeeshee dadka ayaa ka sheeganaya canshuurta tirada badan, culeys iyo sare u kac ku yimid waxyaabaha quutul-daruuriga ah, iyagoo doonaya in hadda guud ahaan hindisahaan dhanka maaliyadda ah meesha laga saaro.

  2. Maxay tahay diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee markii ugu horreysay ay heleen ciidamada Gorgor?

    Waxyaabaha ay gacan ka gaysan karto diyaaraddan waxaa ka mid, xeeladaysiga howlgallada iyo aagagga aan laheyn aaladda GPS-ka.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradaan oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu magacaabaa “TOGAN”.

    Dhawaan Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee gorgor ayaa shaaciyay in ay heleen markii ugu horreysay diyaarad nooca drone-ka ah ee aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo “TOGAN”.

    War qoraal ah oo lagu shaaciyay barta Facebook ay ku leeyiiin ciidamada Danab, ayaa lagu sheegay in diyaaraddan ay soo saartay xaruunta Defence Technologies Engineering and Trade ee dalka Turkiga.

    Diyaaraddan ayaa la tilmaamay in ay ka caawin doonto ciidamada helidda xogaha dahsoon ee muhiimka u ah howlgallada dhanka sirdoonka.

    “UAS TOGAN waxay leedahay nidaam kontorool duulimaad oo gaar ah oo loogu talagalay sahminta heerka taatikada, ilaalinta iyo howlgallada sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada Danab ‘Special Force,.

    Sidoo kale diyaaraddan la’ siiyay ciidamada Soomaaliya, ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ogaan karta waxyaabo aaney awood u laheyn in ay ogaadaan diyaaradaha kale ee aan duuliyaha laheyn

  3. Warbixin cusub: adduunka oo daqiiqadii kastaba ay labaatan qof qaxooti noqonayaan iyo dalalkooda oo la shaaciyay

    Tiro koobkaan ayaa lagu sheegay in uu yahay midkii ugu sareeyey abid tan iyo markii ay hay’addu bilowday diiwaan gelinta.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qaxootiga sanadkaan oo aad uga badan sanadihii hore

    Iyadoo ay sii kordhayaan dagaallada iyo rabshadaha caalamiga ah, ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxa ay soo saartay tiro koob ay ku sheegeyso in tirada dadka ka cararaya ama lagu qasbay inay ka cararaan dalalkooda ay kor u kacday in ka badan 120 milyan bishii May ee sanadkan, taas oo ka badan 8% sanadkii hore.

    Tiro koobkaan ayaa lagu sheegay in uu yahay midkii ugu sareeyey abid tan iyo markii ay hay’addu bilowday diiwaan gelinta.

    Taas oo micnaheedu tahay in daqiiqad kasta ugu yaraan 20 qof ay ku qasban yihiin in ay qaxaan si ay uga baxsadaan isku dhacyada dagaalada.

    Natiijooyinkan ay soo saartay UNHCR ayaa lagu dhawaaqay wax yar ka hor maalinta qaxootiga adduunka ee June 20-keeda.

    Dalalka ugu badan ee qaxootigaan ayaa ka kala ah shantaan wadan ‘Afghanistan, Syria, Venezuela, Ukraine iyo Sudan.

    Suuriya ayaa iyana ah goob ay aad uga jiraan barakac daran, iyadoona 13.8 milyan oo qof si qasab ah loogu barakiciyay gudaha iyo dibadda dalka dhammaadka 2023.

    Si kastaba ha ahaatee, marka ay bataan tirada qaxootiga, dowladaha qaar ayaa sheegaya in ay la halgamayaan sidii ay ula qabsan lahaayeen tirada badan ee qaxootiga cusub.

  4. Maxaa dhacay markii ugu dambeysay ee uu Putin booqday Kuuriyada Waqooyi?

    Kulankii Putin iyo hogaamiye Kim Jong Il

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Putin xiligaas waxa uu u socday soo celinta xiriirka Moscow iyo Waqooyiga.

    Markii ugu dambeysay ee uu booqdo Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2000, waxyar kadib Vladimir Putin waxa uu noqday madaxweynaha Ruushka.

    Xiligaas Waxa uu la kulmay soo dhawayn aad u ballaaran, waxaana loo riday 21 madaafiicda maamuuska salaanta. Waxaana garoonka diyaaradaha si shaqsi ah ugu soo dhaweeyay hogaamiye Kim Jong Il oo ah aabaha hogaamiyaha hadda Kim Jong Un.

    Putin xiligaas waxa uu u socday soo celinta xiriirka Moscow iyo Waqooyiga.

    Midowgii Soofiyeeti ayaa taageeray Kuuriyada Waqooyi markii gacanka Kuuriya uu laba u kala jabay dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, Maraykanku wuxuu taageeray koonfurta

    Laakiin isbahaysiga u dhexeeya Pyongyang iyo Moscow ayaa si tartiib tartiib ah u xumaaday sannadihii xigay, Moscow waxay kaloo ay bilowday in ay xiriir la sameyso Kuuriyada Koonfureed.

    Laakiin ka dib markii uu Putin xukunka qabtay, waxa uu si firfircoon u doonayey in uu dib u soo dhiso xiriirka Pyongyang, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay calaamad u tahay Putin oo doonaya in uu ballaariyo saamaynta gobolka ee Ruushka.

  5. Tahriibiyaal ayaa la soo werinayaa in doomihii ay saarnaayeen ku degeen xeebaha Talyaaniga

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 kalena waa la la’yahay ka dib markii laba markab ay ku degeen xeebaha koonfurta Talyaaniga, sida ay sheegeen samatabbixiyeyaal.

    Hay'adda samafalka ee RESQSHIP ee Jarmalka ayaa sheegtay inay 51 qof ka soo saartay doon degtay, oo alwaax ah, waxayna heshay 10 mayd ah oo ku xyiran burburka doontaas meel u dhow jasiiradda Lampedusa Isniintii.

    Dhacdo kale, isla maalintaas, in ka badan 60 qof ayaa la sheegay in la la’yahay, iyadoo 26 ka mid ah la soo weriyey inay carruur yihiin, sida ay sheegtay Médecins Sans Frontières (MSF).

    Doonyahaan ayaa waxaa la socday Tahriibayaal ka soo ambabaxay dalalka Liibiya iyo Turkiga, sida ay sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobay.

    Markabka kale ee ayaa isna ku burburay meel125 mile u jirta xeebta magaalada Calabria ee koonfurta Talyaaniga, sida ay wakaaladaha wararka ee aaggaas sheegeen.

  6. Sidee ayuu Mbappe u ciyaari doonaa kulamada hadhay koobka Qaramada Yurub?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kylian Mbappe ayaa sanka ka jabay intii lagu gudo jiray kulankii furitaanka ee France ee Euro 2024 laakiin sida la soo werinayo, uma baahan doono wax qalliin oo degdeg ah.

    Xidhiidhka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa sheegay in maaskaro ama ‘weji gashi’ loo samayn doono kabtankooda, laakiin weli lama oga in uu Jimcaha ciyaari doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayaan Netherlands iyo in kale.

    25 jirkan weerarka ka ciyaara ayaa lagu qasbay in uu garoonka ka baxo intii lagu guda jiray isniintii 1-0 ay kaga badiyeen Austria ka dib markii uu wajigiisa garabka kaga dhuftay Kevin Danso, xilli uu is lahaa kubbadda madaxa ku dhali.

    Waxaa loo qaaday cusbitaalka Dusseldorf halkaas oo lagu xaqiijiyay waxa gaadhay markii danbe.

  7. Putin iyo Kim Jong Un oo mar kale kulmaya xilli Galbeedku ka walaacsan yahay

    .

    Xigashada Sawirka, reuters

    Aqalka Cad ayaa walaac ka muujiyay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi .

    Walaaca Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maanta la filayo in madaxwaynaha Ruushku Putin uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Pyongang.

    Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine waxaa sii xoogeysanayay xidhiidhka u dhaxeeyo Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

    Labada hoggaamiye ayaa bishii Sebtembar ku kulmay xarunta Vostochny cosmodrome ee bariga fog ee Ruushka, laakiin tani waa booqashadii ugu horreysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo 2000.

  8. Jabuuti oo dhisaneysa waddo halbowle u noqon doonta ganacsiga dalkeeda

    Gudaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la daahfuray mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xiri doonta gobolada Koonfurta ee dalkaas.

    Ujeedka mashruucaan ayay dawladdu ku sheegtay horumarinta isku xidhka gobolka iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee deegaanada ay mari doonto.

    Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas ayaa ah maalgaliyeyaasha mashruucaan wadada isku xirta Doudoubalala iyo Dikhil. Djibouti SA iyo Salaam Bank ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa bixin doona guud ahaan lacagta ku bixi doonta mashruucaan oo ku kacaya $15 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

    Waxaana waxaa la sheegay in mashruuca ay gacanta ku hayso shirkad iyana maxalli ah oo lagu magacaabo Al Nasri, taas oo laga rajeynayo in ay ku dhameyso mashruuca muddo 8 bilood ah.

    Daahfurka Mashruuca

    Xigashada Sawirka, BBC/Bulaxan

  9. Mbappe oo yiri: 'Real Madrid waa ii diiday in ka ciyaaro Olombikada Paris'

    Mbeppe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weeraryahanka Faransiiska u dhashay Kylian Mbappe, ayaa sheegay in kooxdiisa cusub ee Real Madrid aysan u ogolaan doonan in uu ka dheelo ciyaaraha Olombikada Paris ee xagaagan.

    Shan iyo labaatan jirkaan oo sheegay in uu doonayo in uu u ciyaaro gurigiisa ayaan loo xulan kooxda u safan doonta Faransiiska sabab la xiriirta in Real Madrid ay sheegtay in ciyaari yahanada ka qayb gali doono koobka Yurub ee sabadka 2024 ta aysan ka ciyaari karin Olombikada.

    Wuxuu qalinka duugay heshiis uu si xor ah ugu biirayay Real Madrid markii uu dhamaado qandaraaska uu horay ula galay kooxda Paris St-Germain dhamaadka bishan June.

    "Go'aanka kooxdeydu waa uu caddaa, marka wixii markaas ka dambeeyaba waxaan ogaaday inaanan ka qayn qaadan doonin ciyaarahaas," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Mbappe, oo qayb ka ah koxda Faransiiska u ciyaari doonta ciyaaraha Yurub ee 2024 ta iyaga oo isniinta ay iska hor imaan doonaan Austria ciyaar ka dhici doonta Dusseldorf.

    Tartanka ciyaaraha Olombikada ee ragga ayaa bilaaban doona 24 ka July, toban maalin uu kadib marka uu soo idlaado kan Yurub, waxa uuna dhamaan doonaa sagaalka August, todobaad ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka La Liga.

  10. Shan waxyaabood oo ay dumarku had iyo jeer ka eegaan ninka ay nolosha la wadaagayaan

    Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan.

    Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan. Waxaan halkan idikugu soo gudbineynaa qaar ka mid waxyaabaha ay eegeen dumarka doonaya inay xushaan ninka ay rabaan inay nolosha kula midoobaan.

    1: Naxariista

    Qoraalka sawirka,Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

    "Naxariis" ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska waxyaabaha ay dumarku ka rabaan ninka ay nolosha la wadaagayaan sida lagu sheegay daraasad la daabacay 2019.

    Sahankaas ayaa ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen 68,000 oo haween oo ku kala sugan 180 waddan. Boqolkiiba 88 dumarkaas ayaa waxay sheegeen in naxariista ay tahay muhiimadda koowaad ee laga eego qofka aad nolosha la wadaageyso.

    Daraasad kale oo la sameeyay 2013 ayaa lagu ogaaday in naxariista qofka kale loo galo ay tahay sifo aad loo jecel yahay ee cilaaqaadka muddada dheer.

    Intaa waxaa dheer, muhiimaddeeda waxaa ku celceliyay khubarada sida borofisarad la yirahdo Dr. Suzanne Degges-White. Waxay qoraal cilmi-nafsiga ah ku tiri:

    "Haweenku waxay ragga ka doonayaan inay u muujiyaan naxariis, dulqaad, faham, jiljileec, iyadoo aan loo eegin nooca xiriirka, ragga iyo dumarka waa inay tixgeliyaan dareenka midba midka kale."

    Sidee naxariista loo muujiyaa?

    Si joogto ah u muuji mahadnaq iyo qaddarinta lammaanahaaga.

    Samee ficillo tixgelin oo faraxad gelinaya.

    U dhageyso si firfircoon oo naxariis leh marka lammaanahaagu hadlayo.

    Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

    Baro dulqaadka si aadan xaaladda uga sii darin marka ay shucuurta lamaanahaaga kacsantahay.

    2: Taageerada

    Iyadoo 86.5% haweenku ay sheegeen inay aad muhiim ugu tahay naxariista lammaanaha ayay sidoo waxay isla sahankaas ku muujiyeen in ‘taageeridda’ ay ahayd sifada labaad ee ay aadka u eegaan marka ay timaaddo xulashada lammaanaha.

    Dr. Degges-White ayaa sidoo kale xusay in taageerada ay ka mid tahay "doorka aasaasiga ah."

    Waxayna u muuqataa in tani aanay waxba iska beddelin sannadihii la soo dhaafay. Sahan la sameeyay 2008-dii ayaa lagu ogaaday in "dabeecad la isku halleyn karo" ay tahay taageerada taas oo ay haweenka jecel yihiin.

    Yaa raba lammaane aan joogin marka arrimuhu adkaadaan? Dhammaanteen waxaan jecelnahay inaan helno tiir aan cuskanno.Halkan ka sii akhriso warbixinta

  11. Dowladda Israa’iil oo ku kala qeyb santay tallaabo dadka reer Qasa waxtar u leh oo ay qaadeen milatariga Israa’iil

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Anadolu

    Milatariga Israa’iil ayaa maalin kale oggolaaday Xabad joojin ay ku tilmaameen ‘taatiko’ taas oo ay ka sameeyeen xaduudaha galbeed Gaza.

    Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay qorshe loogu talagalay in gargaarka bini’adantinimo gaaro dadka balse waxaa go’aankaasi cambaareeyay raysal wasaaraha Irsaa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta-fog.

    Inkastoo ay taasi jirto hadana militariga ayaanan dhag jalaq u siinin oo weli sii wada qorshaha xabad joojinta maalin laha ah.

    Xabad joojinta xaddidan ayaa loogu talagalay in loogu oggolaado baabuurta xamuulka ah inay ka qaataan gargaarka is-goysyada Kerem Shalom ee ay Israa'iil maamusho.

    Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay weli walaac ka muujinayaan ammaanka. (Israa'iil waxay sheegtay in howlgallada militari ay ka sii socon doonaan Rafah iyo aagagga koonfurta Qaza ee ka fog waddada saadka ee loogu talagalay).