Dil aad looga argagaxay oo loo tiirinayo aano qabiil oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

  1. Maxaad ka taqaan xayawaannada xilliga ay hurdaan indhaha kala haya?

    Seexashada indhaha oo furan waxay ka caawisaa xayawaannada qaar inay ka feejignaadaan khataraha iman kara, taas oo awood u siinaysa inay si degdeg ah uga fal-celiyaan haddii loo baahdo. Waa la qabsi soo jiidasho leh oo u oggolaanaya inay isku dheelitiraan baahida nasashada iyo baahida badbaadada aagga ay ku sugan yihiin.

  2. Xayawaanka iskii isu daaweeya ee la rumaysan yahay in ay horseedi karaan helidda daawooyin cusub

    .

    Xigashada Sawirka, Elodie Freymann

    Xayawaanka duur-joogta ahee loo yaqaan Chimpanzee-ga ayaa la in ay cunaan dhir gaar si ay isu daaweeyaan marka xanuun ama nabar soo gaadho.

    Waxaa lagu qeexay in ay qabtaan ‘shaqo yaab leh’ xilli la indho indheeyey wakhti ay ku sugnaayeen beer ku taal Uganda, kuwaas oo xayawaankan kuwiisi u muuqda in ay xanuusanayaan ama dhaawacan yihiin ay cunaan dhir gaar ah.

    Cilmi baadhayaan ayaana daba galay kuwoo dhaawacnaa, kuwaas oo oo quudanayey dhir ka duwan dhirta kale, waxaana ay cilmi baadhayaashii ay muun ahaan u soo uruuriyeen dhirtii oo xayawaan duur-joogta ahi isticmaalayey.

    Baadhitaan lagu sameeyey ayaana lagu ogaaday in badi dhirtaasi ay ahaayeen, kuwo bakteeriyo dilayaal ah.

    Saynisyahannada Cilmi baadhistan baahiyey ayaana rumaysan in nooc daanyeeradkani uu ka caawin karo bahda dawo baadhayaasha in la helo dawooyin hor leh.

  3. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah, maanta oo Jimce ah bisha Juunna ay tahay 21. Halkan kala soco warar kooban oo degdeg ah.

  4. Warbaahinta haweenka ee Bilan oo abaalmarin caalami ah ku guuleysatay

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, BILAN

    Warbaahinta Bilan oo ay ka hawgalaan kaliya gabdho suxufiyiin Soomaaliyeed ah ayaa maanta ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee World Media Press Freedom Award.

    Munaasabad lagu qabtay magaalada London ayaa lagu gudoonsiyay abaal marintan warbaahinta Bilan oo noqotay tii ugu horreysay ee Soomaali leedahay oo ku guuleysata biladdan.

    Tifaftiraha Bilan Hinda Cabdi Maxamuud ayaa oo BBC uga warrantay guusha warbaahintooda u soo hoyatay iyo sheekooyinka ay ku muteysteen in abaal marintan caalamiga ah ay ku guuleystaan ayaa sheegtay in wax weyn ay u tahay abaalmarintan.

    "Waa markii ugu horreysay ee warbaahin Soomaali ah ay hesho abaalmarintan, annagana ka dumar ahaan muhiim ayay noo tahay," ayay tiri.

    Waxay sheegtay inay guul u tahay warbaahintooda, maaddaama sida ay sheegtay aysan haweenku fursado badan helin.

  5. Putin oo soo dhoweyn weyn loogu sameeyay Vietnam iyo Mareykanka oo ka carooday

    Putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Hoggaamiyeyaasha xisbiga hantiwadaagga ee Vietnam ayaa roog cas kusoo dhoweeyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Kooxda baambeyda milatariga ayaa muusig tumay isagoo gacan qaadayay martisharafta xafladda oo ka dhacday caasimadda, Hanoi.

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa booqasho qaran ku jooga Vietnam halkaasoo hoggaamiyahan la go’doomiyay uu u sheegay dhiggiisa Vietnam, To Lam, inuu daneynayo inay iska kaashadaan tamarta iyo ammaanka. Saraakiisha xisbiga hantiwadaagga ayaa Putin kusoo dhoweeyay xaflad militari.

    Intii ay socdeen wada hadallada uu la yeeshay Madaxweyne To, Mr Putin ayaa sheegay in labada dal ay lahaayeen taariikh wada shaqeyn oo dhanka tamarta iyo gaaska dabiiciga ah.

  6. Bannaanbaxyo waaweyn oo maanta la filayo inay Kenya ka dhacaan

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada ammaanka Kenya ayaa isu diyaarinaya dibadbaxyo cusub oo looga soo horjeedo canshuuraha laoso jeediyay ee ku jira qorshe-maaliyadeedka sanadkan.

    Booliiska ka hortaga rabshadaha ayaa lagu daad gureeyay Nairobi, iyo magaalooyin dhowr ah oo dalka ah.

    Booliiska ayaa lagu arkayay iyagoo waddooyinka bartamaha Nairobi ilaalo ka haya, waxaana muuqata inay waddooyinki cidlo yihiin.

    Dhismaha baarlamaanka ayaa jidgooyo la dhigay xilli xildhibaannadu ay isu diyaarinayaan inay ka doodaan hindise-sharciyeedka dhaqaalaha waxaana la filayaa inay gelinka dambe ee maanta u codeeyaan.

  7. Waa kuwee shanta cudur ee Soomaalida qurbaha faraha baas ku haya?

  8. Ronaldo: ma la gaadhay xilligii dalkiisu ka maarmi lahaa?

  9. Maxay ka wada hadleen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

      • Author, Maxamuud Bulxan
      • Role, Wariye madaxbanaan
    Jabuuti

    Xigashada Sawirka, PP

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay oo Arbaca galinki dhanbe qaabilay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

    Boqoshadan madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xili uu shirar dhowr ah kaga qayb-galay dalalka dibadda sida Norway, Switzerland iyo Turkiga.

    Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

    Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo halka uu marayo iskaashiga labada dal iyo labada shacab sida lagu yiri war kaso baxay madaxtooyaada Jabuuti.

    Safarkan madaxweynaha Soomaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli ay dowladda Soomaaliya ku dhowaan ku guuleysatay kursiga QM ee xubinta aan joogtada ahayn, iyo xilli uu taagan yahay muranka Itoobiya iyo Soomaaliya ee heshiiskii is afgarad ee horraantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanid augu dhawaaqday ee Somaliland.

  10. Gabar da’a yar oo maydkeeda muddo la la'aa ayaa la shaaciyey in la helay

    Tigray gabadha la helay

    Xigashada Sawirka, MILLION

    Ciidanka Police-ka Tigray ayaa sheegay in la helay maydka gabar ardayad ahayd oo dad an haybtooda la aqoon afduubteen bishii Maarsao 10-keedii, gabadha ayaa la dilay dabadeedna la aasay. Mahlet Teklay, ayaa da'adeeda lagu sheegay16 sano jir.

    Booliska ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan sida uu u dhacay dilkeeda balse waxay sheegeen in kooxihii dilka geystay ay ku wargeliyeen halka ay ku aasan tahay, waxaana tacsi loo diray qoyskeeda.

    Waxa kale oo boolisku sheegeen in godkii lagu aasay la qoday, meydkeedana laga soo saaray, isla markaana ay howl-wadeenno ka tirsan Isbitaalka Mekelle-Ayder ay baaritaanno ka wadaan.

    “Eedeysanayaasha sheegtay inay dambiga galeen waxaa ku socday baaritaan”.

    Boolisku waxay sheegey in lix eedeysane ay hadda u xiran yihiin Fal-dembiyeedka, wuxuuna xusay inay suuragal tahay inay tiradooda sii kordhiso, maadaama uu baaritaanku socdo.

  11. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    cuntada  iyo halista caafimaad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

  12. Maxay tahay arrinta cajiibkaa ee Putin ugu mahadceliyey Kuuriyada Waqooyi?

    Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi

    Xigashada Sawirka, SPUTNIK/KREMLIN POOL/EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Intii lagu guda jiray safarkiisa, madaxweyne Putin ayaa shaaca ka qaaday in Kuuriyada Waqooyi ay ku martigelisay xerada xagaaga ee Songdowon oo ku taal xeebta Baasifigga ee dalkaas carruurta askartii Ruushka ee lagu dilay Ukraine.

    "Waxaan aad u qadarineynaa falkan dhabta ah ee daryeelka iyo saaxiibtinimada," ayuu yiri Putin.

    Waxa uu sidoo kale ammaanay horumarka joogtada ah ee xiriirka dalxiiska ee u dhexeeya Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka, wuxuuna iftiimiyay in "safarrada xagaaga" ee goobaha dalxiiska ee Kuuriya ay hadda u abaabulan yihiin kooxaha Ruushka.

    Maamulka Ruushka ayaa si cad isku dayaya in ay sawir togan oo soo jiidasho leh ka bixiyaan Kuuriyada Waqooyi.

  13. , Faahfaahin: dagaal ka dhacay Qoryooley iyo xiisadda oo wali taagan.

    dagaalka qoryooley

    Xigashada Sawirka, Hiiraanonline

    Wali rasaas goos goosa ayaa laga maqlayaa degmada Qoryooley ee gobolka Shabellada Hoose halkaas oo dagaal u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo uu saaka ka bilowday.

    Wixii ka danbeyey duhurkii waxa jiray xooggaa hakad ah oo dagaalka ah, balse wali rasaas teel-teela ayaa laga maqlayaa magaalada.

    Isku dayo BBC-du doonaysay inay ku hesho gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaan u suuroobin wariyeeha Muqdisho.

    Inkasta oo aan tira koob saxa laga hayn khasaaraha dagaalka haddana ilo kala duwan oo Qoryoolay ku sugan ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan. Dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada ayaa sheegay in ilaa labo qof ay ku dhinteen dagaalka.

    Ilaa hadda ma jirto cid kala dhexgashay dhinacyada dagaalamaya.

  14. Maxay ku heshiiyeen Putin iyo Kim Jong Un?

    Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Labada hogaamiye ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa kulankooda kaga wada hadlay xiriirka labada dal iyo xoojinta waxybaaha ay wadaagaan.

    Putin oo hadlayey ayaa xusay in "nidaamka xaddidan ee aan dhammaadka lahayn ee ay dhiirigeliyeen Maraykanka iyo xulafadiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay" ee ku wajahan Kuuriyada Waqooyi in " dib loo eego"

    Putin iyo Kim, ayaa ku heshiiyey in labadooda dal yeeshaan iskaashi haddii lagu gardaroodo

    Ruushka aya sidoo kale aan meesha ka saarin “horumarinta iskaashiga milatari iyo farsamada" ee Kuuriyada Waqooyi.

    Waa booqasho taariikhiya iyo soo dhaweyn loo fidiyey saaxiib laga jecelyahay Kuuriyada Waqooyi, iyadoo Pyongyang uu Putin booqanayo rubac qarni ka dib.

  15. Putin iyo Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday

    Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran.

    Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah.

    Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan.

    Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo badh.

    Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa labadan dal ayaa badanka waddammada reer Galbeedku aad uga walaacsan yihiin.

  16. Sideedaan qodob haddii aad u sameyso xaaskaaga waligeed kuma hilmaami doonto

    U sheeg inaad jeceshahay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, U sheeg inaad jeceshahay

    Ka farxinta lamaanahaaga ayaa tiir wanaagsan u noqon kara guur caafimaad qaba iyo reer ku dhisan farxad dhameystiran. Waxaa laga yaabaa in aad ku fikirto in xaaskaaga ay u baahantahay waxyaabo gaar ah ama adiga kugu culus oo aadan awoodin sameyntooda, laakiin dhab ahaantii sidaas maaha.

    Aadanaha oo dhan waa isku dareen waana isku mid, waxa ay badankood jecleystaan waxyaabo isku mid ah, hase yeeshee waxaa jira qodobbo fulintooda ay aad u sahlanyihiin isla markaana ku qasba dumarka in ay ku jeclaadaan.

    Qof kastaa wuxuu leeyahay habab kala duwan oo uu rabo inuu jacayl ku helo, laakiin waxaa jira siyaabo caadi ah oo aad u mari karto si aad uga farxiso xaaskaaga waliba si joogto ah.

    Halkan hoose waxaa ku xusan qodobbo dhowr ah, oo ay khubarro ku micneeyeen in ay yihiin siyaabaha ugu fudud ee loo yagleeli karo guur iyo guri farxad ku dhisan.

    1.U sheeg inaad jeceshahay

    Haweeneyda xaaskaaga ah in aad mar waliba u sheegto in aad jeceshay waxa ay ka dhigtaa mid faraxsan, waliba adiga oo aan u dhahaynin si caadi ah balse muujinaya in aadan iyada ka maarmin, u sheeg in ay tahay quruxda guriga iyo qofka kaliya ee aad u dooratay in aad waligiin wada noolaataan, sidoo kale darensii in ay tahay garabkaada oo buuxa.

    2. Dhis xaaskaaga

    Waxaa laga yaabaa in xaaskaagu ay tahay qof shqeeya ama wax barta oo arday ah, mar waliba ka wareyso halka ay wax u marayaan iyo qorsheheeda xiga, iyo sidoo kale waxa aad ka caawin karto, waliba u sheg in ay tahay qof howl kar ah oo dadaal badan isla markaana guuleysan doonta.

    Haweenku waxa ay la kulmaan culeys badan marka ay isku hayaan shaqo bannaanka ah iyo tan guriga u muuji in aad garabkeeda tahay isla markaana aysan wax waliba kaligeed ku ahayann. Dhisida kalsoonida xaaskaagu waxaad ka qaadan kartaa qayb muhiim ah,waxa hubaal ah inay u horseedi doonto farxad.

  17. Messi-ga Turkiga: ciyaaryahankii shalay xaday shawgii koobka Qaramada Yurub

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Maalin kale iyo koobka Qaramada Yurub:

    Shalay waxaa shaashadaha warbaahinta qabsaday ciyaaryahanka da’da yar ee u dhashay dalka Turkiga, Arda Guler.

    19-jirkan lagu naanayso Messi-ga Turkiga, ayaa shalay u sahlay in dalkiisu saddex dhibcood ka qaataan dalka Georgia.

    Gool qurux badan oo uu bannaanka xarriiqda gudaha ka dhaliyey ayaa aad loo hadlayaa, iyada oo durba ay dad badan u arkaan illaa hadda, goolasha la dhaliyey kan ugu qurux badan.

    Arda Guler, ayaa noqonaya ciyaaryahankii labaad ee kulankiisii u horreeyey ee koobka Qaramada Yurub ah gool dhaliya, tan iyo Ronaldo 2004.

    Sannadkan koobka Qaramada Yurub, ayaa u muuqda mid ay hibadooda ku so bandhigayaan da’yarka Yurub, si gaar ah Guler, Yamal, Bellingham, Wirtz iyo Musiala oo dhammaantood qaab ciyaareed ilqabad leh illaa hadda soo bandhigay.

  18. Putin iyo Kim illaa hadda maxay isu sheegeen?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida laga soo xigtay waaxda saadaasha hawada ee BBC, maanta Pyongyang waxay u tahay maalin qorrixi jirto, oo aan saacadaha soo addan wax roob ah la filaynin. Maalin u wanaagsan soo dhweyn qaran.

    Putin ayaa safarkiisan si gaar waddammada Galbeedku ishu ugu hayeen. Xili labadan hoggaamiye u muuqdaan in ay maanta kulmeen mar kale, warbaahintana kula hadleen fagaare ku yaal Pyongyang:

    Maxaa ka soo baxay wada-hadalkooda illaa hadda:

    • Putting oo sidii lagu yaqaannay weeraray Maraykanka iyo xulafadiisa.
    • Putin oo sheegay in xidhiidhkoodani uu ahaan doono mid xididadiisu sii arooraan oo labadan dal ka dhigan kuwo ‘is garabsada”.
    • Putin oo sheegay in mar kale Moscow uu ku casuumay Kim.
  19. Baadhitaan lagu ogaaday in dagaallada socdaa dumarka iyo carruurta u daran yihiin.

    Subax wanaagsan, aan ku bilawno saaka wararka tooska ah:

    Tirakoobyada Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa muujinaya in dagaallada caalamka ka socday lagu dilay saddex laab in ka badan carruurtii lagu dilay dagaalladii sannadkii 2023, iyo sida oo kale laba jibbaar in ka badan dumarkii ay dagaalladu saameeyeen sannadkii hore.

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah uga digay xaaladda Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus oo uu sheegay ay aad uga sii darayso.

    Volker Turk ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo falastiiniyiin ah ay dileen askarta Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii October.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan duqeymo aan qorshe lahayn oo qaza ka socda.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  20. War deg deg ah, Diyaaradda sidda Putin oo si weyn looga sugayo Kuurida Waqooyi daqiiqadaha soo aadden

    Xilli ay ka degtay mid ka mid ah diyaaradaha Ruushka magaalada Pyongyang, ee caasimadda dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa weli waxaa la filayaa in ay halkaa laba kale oo diyaaradood oo sida wufuudda madaxweynaha Ruushka la socota ay ka degi doonaan.

    Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo aadden ay caga dhigato garoonka diyaaradaha ee Pyongyang, sida ay sheegayso xog laga helay duulimaadka.

    Xilligaan ma sheegi karno diyaaradda rasmiga ah ee sidda madaxweyne Putin.