You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran iyo Israa'iil oo sheegay inay hakinayaan duqeymaha balse waxa ay jeediyeen digniin kale

Israa'iil iyo Iiraan labaduba waxa ay sheegeen inay hakinayaan duqaymaha laakiinse waxa ay ka digeen weerar celin haddii xabbad joojinta mar kale la jabiyo

Kooban

Tebin toos ah

  1. Muuqaal la xaqiijiyay ayaa muujinaya gantaallo laga soo tuuray Iran

    BBC Verify ayaa baaritaan ku samaysay laba muuqaal oo muujinaya wax u muuqda gantaallo Iiraan laga soo tuuray kuwaas oo ku sii jeeda Israa’iil habeenkii xalay.

    Mid ka mid ah muuqaalada, oo laga duubay isu-soo-bax taageersan dowladda oo ka dhacay magaalada Kermanshah ee galbeedka Iiraan, ayaa muujinaya laba gantaal oo cirka maraya iyadoo dadweyne lulaya calamada Iiraan iyo kan ururka Xisbullah ay ku dhawaaqayaan “Allahu Akbar” iyagoo muujinaya taageero iyo farxad.

    Muuqaal kale, oo sidoo kale laga duubay isla isu-soo-baxa taageersan dowladda, ayaa muujinaya gantaal dul maraya magaalada.

    BBC Verify waxay xaqiijisay in labada muuqaalba ay yihiin kuwo cusub, isla markaana aan lagu samayn ama lagu farsamayn tiknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah (AI).

    Warar dheeraad ah

  2. Qiimaha shidaalka oo kor u kacay ka dib markii Iran iyo Israel uu dagaal ka dhex-qarxay

    Qiimaha shidaalka ayaa sii kordhaya kadib weerarradii u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil.

    shidaalka nooca Brent ayaa kor u kacday 4.5%, wxaa uuna gaaray $97.30 halkii foostadii, halka shidaalka ceeriin ee Mareykanka uu kor u kacay 3.4%, iyadoo oo uu gaaray qiyaastii $94.50 halkii foosto.

    Suuqyada saamiyada ee Aasiya ayaa sidoo kale si weyn hoos ugu dhacay subaxnimadii Isniinta, iyadoo tusmooyinka waaweyn sida KOSPI ee Kuuriyada Koonfureed ay hoos u dhacday ku dhowaad 8%.

    Warar dheeraad ah

  3. IRGC ayaa sheegtay in ay weerar aargoosi ah ku qaadday warshad kiimikaad oo ku taal Haifa

    Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee (IRGC) ayaa sheegay inay gantaallo ku weerartay warshad batrokiimiko oo ku taalla magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim News Agency.

    Tasnim ayaa soo xigatay IRGC oo sheegtay in weerarradani ay jawaab u yihiin weerar hore oo Israa’iil ku qaaday xarun batrokiimikada oo Iran leedahay oo ku taal magaalada Mahshahr ee koonfur-galbeed dalka.

    Batroolka kiimikaad waa walxo kasta oo kiimiko ah oo laga helo batroolka (Shadaalkad cayriin) ama gaaska dabiiciga ah.

    IRGC waxay sidoo kale ka digtay in Israa’iil ay bilowday “ciyaar khatar ah”, iyadoo sheegtay in weerarro dheeraad ah oo lagu qaado bartilmaameedyo aan milatari ahayn ama xarumaha tamarta ee gobolka ay yeelan doonaan cawaaqib saameyn kara dhaqaalaha caalamka.

    Hadalkan ayaa muujinaya cabsi sii kordheysa oo ku saabsan in colaaddu ku fiddo kaabeyaasha tamarta iyo warshadaha muhiimka ah ee gobolka, kuwaas oo door weyn ku leh suuqyada tamarta iyo ganacsiga adduunka.

    Warar dheeraad ah

  4. Waaxda gargaarka degdega ah ee Israa'iil ma soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarrada Iran

    Horey waxaan u soo sheegnay in Ciidamada Difaaca Israa’iil ay sheegeen in Iran ay mar kale gantaallo ku ridday Israa’iil, isla markaana nidaamyada difaaca hawada ay “hawlgal ku jiraan si ay u qabtaan khatarta”.

    Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa hadda sheegay in xilligan la joogo aan la ogeyn wax dhimasho ah (no casualties are known).

    Taasi waxay ka dhigan tahay in ilaa hadda aan la xaqiijin wax khasaare nafeed ah, inkastoo xaaladdu weli ay kacsan tahay isla markaana qiimeyn amni iyo baaritaanno ay socdaan.

  5. Netanyahu oo wajahaya cadaadis gudaha ah

    Dagaalkan ayaa wiiqay nidaamka Iran — oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku tilmaamay khatar ka dhan ah jiritaanka Israa’iil — balse ma keenin weeraradii Iran lagu qaaday burburka nidaamka.

    Dhab ahaantii, hoggaanka Iran wuxuu u muuqdaa mid helay kalsooni bada, isla markaana laga yaabo inuu noqday mid sii ad-adag oo iska horimaad doon ah.

    Calaamadaha jira waxay muujinayaan in Netanyahu uu ka walaacsan yahay heshiis suurtagal ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kaas oo uu u arko mid aan dan ugu jirin Israa’iil, waxaana jira dad badan oo rumeysan inuu isku dayayo inuu abuuro xaalad dagaal si uu mar kale u sii socdo.

    Netanyahu wuxuu sidoo kale wajahayaa cadaadis sii kordhaya oo gudaha Israa’iil ah.

    Iyadoo ay jirto caro ka dhalatay weerarrada sii socota ee Xisbullah, waxaa jira taageero ku saabsan sii wadista dagaalka Lubnaan, inkastoo aan si cad loo ogeyn waxa kale oo Israa’iil ay ku gaari karto hoos u dhigista awoodda kooxda, maadaama Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu xaddiday tallaabooyinka Israa’iil si uu u yareeyo xiisadda.

    Ugu dambayn, doorashooyin Israa’iil ayaa la filayaa inay dhacaan ka hor October, waxaana suurtagal ah in Ra’iisul Wasaaruhu uu xilka waayo.

    Warar dheeraad ah

  6. Xuutiyiintu oo xaqiijiyay inay weerar ku qaadeen Israa'iil iyagoo'mamnuucay' maraakiibta Israa'iil ee marinka badda Cas

    Kooxda Xuutiyinta oo ah malayshiyaad ay Iran taageerto oo ka dagaallama Yemen ayaa sheegay inay mamnuuci doonaan dhammaan maraakiibta Israa’iil ee ku sii socda ama ka gudbaya Badda Cas, isla markaana dhaqdhaqaaq kasta oo noocaas ah ay u tixgelin doonaan bartilmaameed milatari.

    Xuutiyiinta waxay si joogto ah u weerarayeen maraakiibta Israa’iil ama kuwa xiriir la leh Israa’iil ee maraya Badda Cas intii ay socotay colaadda.

    Afhayeenka kooxda, Yaxya Sarea, ayaa sidoo kale sheegay bayaan uu soo saaray in kooxda ay gantaallo ku weerartay Israa’iil.

    Weeraradan iyo hanjabaaddan ayaa qayb ka ah sii ballaarinta colaadda gobolka, iyadoo Xuutiyiinta ay horey u muujiyeen inay sii wadi doonaan weerarrada illaa cadaadiska militari uu istaago.

    Warar dheeraad ah

  7. Israa'iil oo sheegtay in weerar cusub oo gantaallo ah uga imaanayo Iran

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (Israel Defense Forces) ayaa sheegay in Iran ay “wax yar ka hor” ku ridday gantaallo ku wajahan Israa’iil.

    Waxay sheegeen in nidaamyada difaaca ay “hawlgal ku jiraan si ay u qabtaan gantaalada”, isla markaana dadka ku nool “aagagga ay khusayso” la siiyay digniin degdeg ah.

    Horay,ilaalada Kacaanka Iiraan ee (IRGC) ayaa sheegay inay beegsadeen laba saldhig oo cirka Israa’iil ah oo ku yaalla Nevatim iyo Tel Nof, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

    Warar dheeraad ah

  8. Trump oo ka walaacsan carqalad ku timaadda wadahadalada Iiraan

    Weerarrada Israa’iil ayaa la fuliyay inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, digniin ah inuusan aargoosan, xilli Trump uu horeba uga caraysnaa in Netanyahu uu iska indhatiray digniino uu uga digayay weerarrada Beirut.

    Walaaca Trump ayaa ah in tallaabooyinka Israa’iil ay carqaladeyn karaan wada-hadallada socda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Sarkaal Mareykan ah oo ay soo xigatay warbaahinta Axios ayaa sheegay in Trump uu Netanyahu ku amray inuu hakiyo tallaabooyinka, isagoo ku yiri: “waxaan ku dhow nahay inaan gaarno heshiis wanaagsan.”

    Waxaa jiray wicitaan dhanka khadka telefoonka ah oo aad u kulul oo toddobaadkii hore dhex maray labada hoggaamiye, iyadoo Trump aanu diidin wararka sheegaya inuu ku qayliyay oo uu aflagaaddo u adeegsaday Netanyahu xilli ay ka wadahadlayeen sii kordhinta duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan.

    Horay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in Netanyahu uu aqbali doono heshiis kasta oo Mareykanku la gaaro Iran, maadaama “uusan lahayn doorasho kale.” Wuxuu sidoo kale yiri: “Aniga ayaa go’aanka leh, isaga ma laha go’aanka.”

    Trump wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Iran ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis gaaraan, inkastoo uu arrintaas hore u sheegay marar badan, haddana weli heshiis rasmi ah lama gaarin.

    Warar dheeraad ah:

  9. IRGC:Waxaan weerar ku qaadnay saldhigyada ciidamada cirka ee Navatim iyo Tel Nof

    Militariga Iiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraradii ay ku qaadeen gudaha Israa'iil.

    Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee (IRGC) ayaa sheegay inay qaaday weerar ku wajahan saldhigyada cirka ee Navatim iyo Tel Nof ee Israa’iil.

    Bayaan lagu daabacay warbaahinta Iran, ururka ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarradan ay ahaayeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla labadan saldhig cirka.

    IRGC waxay intaas ku dartay in weerarradani ay yihiin jawaab celin ay uga falcelinayaan weerarro ay Israa’iil ku qaaday dhowr goobood oo radar ah oo ku yaalla saddex goobood oo Iran gudaheeda ah.

    Warar dheeraad ah

  10. IRGC waxay u adeegsatay gantaalada Khyber-Shakan iyo "Droni aan horey loo aqoon" weeraro cusub

    Saacad kadib mowjadihii gantaallada oo Iran ay ku weerartay waqooyiga Israa’iil, wakaaladda wararka Tasnim, oo ku dhow Ciidanka Ilaalada Kacaanka, ayaa ku warrantay falanqayn iyo faallo ku saabsan Weerarka.

    Wakaalada ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada Kacaanka ee (IRGC) ay adeegsadeen “diyaarad aan duuliye lahayn oo aan hore loo aqoon” oo ku shaqaysa matoorka diyaaradaha dagaalka, taas oo lagu adeegsaday weerarradii gantaallada iyo drone-yada ee habeenkii xalay.

    Khabiir milatari oo la shaqeeya wakaaladda Tasnim ayaa sidoo kale sheegay in weerarradaas lagu riday gantaallada Khyber-Shakan, kuwaas oo sida la sheegay ay wateen madaxyo kala firdhiya.

    Warar dheeraad ah

  11. Israa'iil oo duqeysay xarun kiimiko ah oo Iran leedahay

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa qaaday duqaymo ku wajahan “bartilmaameedyo dhowr ah” oo ku yaalla xarun batrool kiimikada ee Iran leedahay, taas oo ku taalla magaalada Mahshahr ee koonfur-galbeed ee dalka.

    Batroolka kiimikaad waa walxo kasta oo kiimiko ah oo laga helo batroolka (Shadaalkad cayriin) ama gaaska dabiiciga ah.

    IDF iyo warbaahinta dowladda Iran labaduba way xaqiijiyeen weerarka, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay in xaruntaas oo ku dhow xeebta waqooyi ee Gacanka Faaris ay qayb ahaan waxyeello soo gaartay.

    Warbaahinta Iran waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo “suurtagalnimada dhimasho ama dhaawac” la shaacin doono mar dambe.

    Warar dheeraad ah

  12. Sida uu ku bilaabmeen weerarada ay is-waydarsanayan israa'iil iyo Iran

    Haddii aad hadda nagu soo biirayso, Israa’iil ayaa qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Iran kadib weerarkii Tehran ay ku qaaday waqooyiga Israa’iil. Halkan waxaa ku yaal wararkii ugu dambeeyay:

    • Iiraan ayaa xalay si lama filaan ah weerarp gantaalo ah ugu qaaday waqooyiga Israa'iil
    • Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay duqeeyeen bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iran, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaxadda khasaaraha ama goobaha saxda ah ma aysan bixin
    • Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay magaalooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan Tehran, Tabriz, Isfahan iyo meel u dhow Karaj. Mas’uuliyiinta Isfahan ayaa sheegay in aan wax dhimasho ah la soo sheegin, balse gobollada kale weli faahfaahin lama helin
    • Waaxda Dab-damiska ee Tehran ayaa sheegtay in ugu yaraan laba qarax laga maqlay galbeedka caasimadda Iran, inkastoo aan la beegsanin xaafadaha gudaha magaalada
    • Kahor weerarrada Israa’iil, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa warbaahin kala duwan u sheegay inuu ku boorinayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuusan ka jawaabin weerarka Iran
    • IDF ayaa sidoo kale sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen oo ku wajahnaa dhulka Israa’iil, ayna nidaamyada difaaca hawadu “hawlgal ku jiraan si ay u qabtaan khatarta”
    • Iran ayaa hakisay dhammaan duulimaadyada ku soo degaya Imam Khomeini International Airport kadib weerarradii ugu dambeeyay ee ay ku qaaday Israa’iil.
    • Warar dheeraad ahMadaxweynaha Koonfur Afrika oo daaha ka rogay qorshaha la dagaallanka tahriibkaTrump oo si lama filaan ah u joojiyay wareysiga NBC ka dib markii ay isugu dhaceen sheegashada 'doorashada la musuqmaasuqay'Mahadhada laga dhaxlay dagaalladii ka dhacay MuqdishoHaweenku maka ka naxariis badan yihiin ragga?
  13. Safaaradda Mareykanka ee Qudus oo digniin soo saartay

    Safaaradda Mareykanka ee magaalada Qudus ayaa soo saartay digniin ku aabsan xaaladaha ka jira israa'iil.

    "Sababo la xiriira xaaladda amni ee hadda ka jirta Israa’iil, oo ay ku jiraan digniino ay soo saartay Taliska Difaaca Gudaha ee meelo kala duwan, Safaaradda Mareykanka ayaa amartay in dhammaan shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda ay ku ekaadaan goobaha ay joogaan, ayaa lagu yiri bayanka" .

    Waxaa sidoo akle bayaanka safaaradda Maeykanka ee Qudus lagu sheegay in shaqaalaha isu diyaariyaan in a u guuraan goobo aklae.

    "isla markaana ay diyaar u noqdaan inay u guuraan goob ammaan ah haddii ay dhacdo digniin halis oo kale , ilaa amar dambe". ayaa intaa lagu daray.

    Safaaradda Mareykanka ee Qudus iyo xafiiska qunsuliyadda ee Tel Aviv ayaa sidoo akle la shaaciyay in la xiray Isniinta, 8-da June.

    Hadalka ka soo baxay safaaradda aya ka dambeeyay ka dib markii uu mar kale dagaal ka dhex qarxay Israa'iil iyo Iran.

  14. Iran oo mar kale Gantaalo ku garaacday Israa'iil

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in mowjad kale oo gantaallo ah laga soo ganay Iran kuna wajahan Israa’iil.

    War-saxaafadeed ay soo saareen, IDF waxay ku sheegeen in nidaamyada difaaca hawada ay hawlgal ku jiraan si ay uga hortagaan una qabtaan Gantaalada la soo riday.

    Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay si degdeg ah u galaan goobaha gabaadka ama hoyga amniga haddii ay helaan digniin rasmi ah oo weerar ah.

    Tani waxay muujinaysaa in iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil uu sii xoogaysanayo, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan weerarro gantaallo iyo duqaymo cirka ah.

  15. Iran oo hakisay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Tehran

    Iran ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ku soo degi lahaa garoonka caalamiga ah ee Imam Khomeini illaa amar dambe, kadib markii ay qaaday weerarro gantaallo ah oo ku wajahan Israa’iil, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

    Maamulka duulista rayidka ee Iran ayaa ku dhawaaqay in dhammaan duulimaadyada kusoo wajahan garoonka la joojiyay sababo amni awgood.

    Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini waa mid ka mid ah labada garoon ee waaweyn ee magaalada Tehran. Waxaa dib loo furay bishii APril kadib markii uu xirnaa toddobaadyo dhowr ah sababo la xiriira colaadaha iyo xiisadaha ka taagnaa Bariga Dhexe.

    Joojinta duulimaadyadan ayaa qayb ka ah tallaabooyin amni oo ballaaran oo Iran qaadday iyadoo ay sii kordhayaan isku dhacyada u dhexeeya Iran iyo Israa’iil.

    Sidoo kale, qaybo ka mid ah hawada Iran ayaa la xiray, waxaana la soo sheegay in shirkado diyaaradeed qaarkood ay beddeleen ama hakiyeen safarradooda gobolka.

    Xaaladda ayaa wali cakiran xilli labada dhinac ay weeraro is waydaarsadeen.

    Warar dheeraad ah

  16. Israel oo sheegtay in gantaal laga soo riday Yemen

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen gantaal laga soo ganay Yemen kuna wajahnaa dhulka Israa’iil.

    Waxay sheegeen in nidaamyada difaaca hawada ay hawlgal ku jiraan si ay u qabtaan una burburiyaan khatartaas.

    Wargeyska The Times of Israel ayaa soo sheegay in seeriga digniinta weerarrada cirka laga maqlay Qudus Tel Aviv, iyo deegaannada ku hareeraysan ee bartamaha Israa’iil.

    IDF ayaa sidoo kale sheegtay in kadib qiimeyn amni iyo xaalad-ogaal ah, dadka hadda loo oggolaaday inay ka baxaan goobihii ay gabaadka ka galeen dhammaan qaybaha dalka.

  17. Israa'iil oo weeraro culus ku qaaday Iran

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay duqaymo ku qaadeen bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iran, kadib markii ay hore uga digeen inay ka jawaabi doonaan weerarkii gantaallada ee Iran ku qaaday Israa’iil.

    Weerarkaasi wuxuu ahaa weerarkii ugu horreeyay ee toos ah ee Iran ku qaaddo Israa’iil tan iyo xabbad-joojintii bishii Abriil. Sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil, duqaymuhu waxay ahaayeen tallaabo aargoosi ah oo looga falcelinayo weerarradii Iran.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalooyin ay ka mid yihiin Tehran, Tabriz, iyo Isfahan ka dib duqaymaha Israa’iil.

  18. Israa'iil oo weerartay Beirut

    Israa'iil ayaa duqeysay koonfurta Beirut, kanoo ah weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado caasimadda Lubnaan tan iyo markii uu Maraykanku dhexdhexaadiyay toddobaadkii hore.

    Labo weerar oo xagga cirka ah oo lagu qaaday laba dhismo oo dabaqyo ah oo ku yaalla goob ay ku xooggan tahay Xisbullah oo ay Iiraan taageerto ayaa dilay laba qof, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 17, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan.

    Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay duqaysay "xarumaha argagixisada ee degmada Dahieh ee Beirut, taasoo jawaab u ah rasaasta ay Xisbullah ku hayso dhulka Israa'iil". Hezbollah ayaan ka hadlin.

    Israa'iil waxay xaddidday weerarradeeda Beirut cadaadiska Mareykanka. Washington waxa ay ka walaacsan tahay in weerarrada halkaas ka dhaca ay halis gelin karaan dadaallada lagu doonayo in heshiis nabadeed oo ballaaran lala gaaro Iran, kaas oo ku adkeysanaya xabbad-joojin dhammaystiran oo gebi ahaanba Lubnaan ah.

    Warar dheeraad ah:

  19. Kooxda wadahadalka Iran ee Islamabad oo shuruud ku adkaystay si loo galo wajiga xiga ee wadahadalka

    Xubin ka tirsan kooxda warbaahinta ee kooxda wada xaajoodka Iran ee Islamabad ayaa sheegay in sii deynta hantida la xayiray ay ka mid tahay shuruudaha gelitaanka wejiga xiga ee wada xaajoodka, Irana ay ku bixinayso dadaal kasta oo ay ku soo ceshanayso.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, Amir Hossein Yazdanpanah ayaa beeniyay wararka sheegaya in Maraykanku uu doonayo in uu siiyo hantida Iran ee la xayiray wadamada Carabta ee Gacanka Faaris si dib u dhis burbur loo sameeyo.

    Sida laga soo xigtay Yazdanpanah, "Siideynta hantida Iran ee la xayiray waa mid ka mid ah shuruudaha buuxintooda u ogolaanaya Iran inay gasho marxaladda xigta ee wadahadalka.

    Asal ahaan, haddii hantida Iran aan la sii deyn sida ku cad heshiiska isfahamka, ma jiri doono isfaham ku meel gaar ah ama gorgortanka heshiis kama dambays ah."

    Wuxuu yiri: "Shir ka mid ah kulamadii dhexdhexaadiyeyaasha, ayaa loo sheegay Qalibaf inuu arrintaan ka gudbo inta isfaham laga gaarayo, balse wuxuu si cad ugu nuux-nuux saday in hantidaas ay leeyihiin dadka reer Iran, wax yarna ka tanaasuli mayno."

  20. Hay'adda Nukleerka ee caalamiga oo ah ka dalbatay Iran in ay sii xogta saxda ah ee goobaheeda Nukleerka ee la duqeeyey

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay aragtay qaraar qabyo ah oo uu Maraykanku soo diyaariyay loona diray dalalka kale ee xubnaha ka ah guddiga sare ee hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka.

    Qaraarkan ayaa lagu eegi doonaa maalinta berito ah kulanka ay yeelanayaan gudiga maamul ee wakaalada ee Vienna.

    Sida warbixinta lagu sheegay qoraalka qaraarkan oo maanta ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Iran ay ku qasban tahay in ay hay’adda siiso xog sax ah oo ku saabsan cadadka walxaha Nukliyeerka ah iyo xarumaha nukliyeerka ee lagu ilaalinayo Iran”iyo “in ay siiyan hay’adda dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso xogtan iyada oo aan dib loo dhigin.