TOOS, Iran: Imaaraadku wuxuu mutaysan doonaa cawaaqibka ka dhasha wada-shaqeyntiisa uu la leeyahay Maraykanka."
Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale is dhaafsaday weerarro sii socday illaa Khamiista, iyadoo kormeerayaal ay sheegeen inuu si weyn hoos ugu dhacay tirada maraakiibta mara marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Waa kuwee dalalka Afrika ee la sheegay inay ku lug leeyihiin dagaalka Iiraan ee Mareykanka?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Gantaallada Mareykanka
Warbaahinta dowladda
Iran ee IRIB, ayaa barteeda X ku daabacday farriin sheegaysa, in dalalka kala
ah Kenya iyo Nigeria ay leeyihiin kaydyo istiraatiijiyadeed oo ciidan, kuwaas
oo la adeegsan karo xiliyada loo baahdo ama haboon.
Qoraalkaas,
IRIB waxay ku tiri: “Kenya iyo Nigeria sidoo kale waxay leeyihiin kaydyo
istiraatiiji ah oo ciidan, kuwaas oo ka qeyb qaadan kara dagaallada xiliyada ku
haboon,” iyadoo soo xiganaysa khabiir arrimaha qaran ka hadlay.
Si kastaba
ha ahaatee, qoraalku ma bixin faahfaahin ku saabsan kaydkaas ciidan, mana
caddayn sida labada dal loogu eedeeyay inay ku lug leeyihiin khilaafka socda.
Ilaa hadda,
dowladaha Kenya iyo Nigeria ma aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ay kaga
jawaabayaan sheegashadaas.
Sidoo kale
lama oga in hadalka ay IRIB daabacday uu yahay mowqif rasmi ah oo ka yimid
dowladda Iran, ama uu yahay aragtida qof marti ku ahaa Idaacadaas.
Diblomaasiyiin
iyo falanqeeyayaal ayaa weli la socda haddii ay jawaabo rasmi ah ka soo baxaan
Nairobi, Abuja ama Tehran oo ku saabsan hadalkaas.
Israa’iil oo Mareykanka la wadaagtay xog xasaasi ah oo ku saabsan Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wargeyska
The Wall Street Journal ayaa sheegay in Israa’iil ay Washington la wadaagtay
xog muujinaysa, in Iiraan ay ka fiirsanayso qorshe cusub oo lagu khaarijinayo
madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Sida
warbixintu sheegayso, xogtan ayaa u muuqata inay si weyn u saameysay fikirka
Madaxweynaha Mareykanka. Maalmihii u dambeeyay, Trump ayaa dhowr jeer si
fagaare ah uga hadlay hanjabaadaha dilka ee lagu hayo, isagoo yiri: "Waxay
doonayaan inay khaarijiyaan hoggaamiyaha Mareykanka, aniga," iyo "Magacaygu
wuxuu ku jiraa dhammaan liisaskooda."
Xogta ay
Israa’iil siisay Trump, oo ay weheliso isku daygii fashilmay ee lagu dili lahaa
bishii Luulyo 2024 ee gobolka Pennsylvania—kaas oo Trump ku andacoonayo inuu
ahaa qorshe ay dejisay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan—ayaa sababtay in
madaxweynaha Mareykanku arrinta isku dayga dilka uu ka dhigo wax ka baxsan oo
keliya arrin amni, isla markaana uu uga faa’iidaysto qayb ka mid ah fariintiisa
siyaasadeed.
Qaar ka mid
ah dadka dhaliila siyaasadaha Trump ayaa aaminsan, in tani ay tahay xeelad uu
ku doonayo inuu ku kasbado naxariis iyo taageero gudaha Mareykanka.
Si kastaba
ha ahaatee, kuwo kale ayaa khatarta u arka mid dhab ah, iyagoo tusaale u soo
qaadanaya eedeymihii sanadkii 2022 ee ku saabsanaa, isku day la sheegay in ay
ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ku doonayeen inay ku khaarijiyaan John
Bolton, oo ahaa lataliyihii hore ee amniga qaranka ee Donald Trump.
Si kastaba
ha ahaatee, xitaa haddii Trump uu arrintan u adeegsado olole siyaasadeed,
waayo-aragnimada taariikhiga ah ee Mareykanka waxay muujinaysaa, in isku dayada
lagu dilo madaxweynayaasha aysan mar walba horseedin koror ku yimaada
taageeradooda siyaasadeed.
Tan iyo
sanadkii 1950, waxaa dhacay ugu yaraan lix isku day oo lagu qaarijinayey
madaxweynayaal Mareykan ah, kuwaas oo u dhexeeyay dilkii lagu guuleystay ee
John F. Kennedy iyo isku dayadii fashilmay ee lagu beegsaday Harry Truman,
Gerald Ford iyo Ronald Reagan.
Inkastoo
Truman iyo Ford aysan ku guuleysan inay dib u soo celiyaan taageeradoodii hoos
u dhacday kadib weerarradaas, Reagan ayaa noqday mid ka duwan, maadaama
degganaantiisa iyo kaftankiisii kadib weerarkii 1981 ay abuureen mowjad weyn oo
taageero iyo koror muuqda oo ku yimid sumcaddiisa.
Hadda, dad
badan ayaa aaminsan in Trump—oo Reagan uu yahay madaxweynihii uu ugu jeclaa—uu
isku dayayo inuu isu muujiyo hoggaamiye adag oo geesi ah, isagoo si joogto ah u
xoojinaya hadallada ku saabsan khatarta lagu hayo noloshiisa.
Ninka loo badinayo inu noqdo raysal wasaaraha xiga ee UK oo raalli-gelin ka bixiyay mowqifkii hore ee Labour-ka ee Gaza
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ninka loo badinayo inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee Ingiriiska,
Andy Burnham, ayaa raalli-gelin ka bixiyay jawaabtii hore ee Xisbiga Shaqaalaha
(Labour) ee talada haya ka bixiyay tallaabooyinka Israa’iil ka waddo Gaza.
Farriin muuqaal ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, ayuu
Burnham ku sheegay in xisbigiisu uu qalad sameeyay.
Toddobaadyadii ugu horreeyay ee colaadda, Ra’iisul Wasaarihii
Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa wajahay dhaleeceyn, kaddib markii
hadalladiisa loo fasirtay inuu sheegay in Israa’iil ay "xaq u leedahay"
inay jarto biyaha iyo korontada Gaza.
Starmer ayaa markii dambe caddeeyay inuu ula jeeday oo
keliya, in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.
Andy Burnham ayaa sheegay, in haddii uu hogaanka u qabto
dowladda, siyaasadda Boqortooyada Midowday ee ku wajahan arrintan ay noqon
doonto mid aad uga adag tan hadda jirta.
Wuxuu ku baaqay in cadaadis dheeraad ah la saaro Israa’iil,
oo ay ku jiraan in cunaqabateyn lagu soo rogo wasiirrada garabka midigta fog,
isla markaana la mamnuuco ganacsiga lala yeesho deegaannada Israa’iil ka
dhistay Daanta Galbeed ee la heysto.
Khamanei iyo afar kamid ah xubnaha qoyskiisa oo lagu aasay Mashhad
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Hogaamiyihii hore ee Iraan, Ayatollah Cali Khamanei iyo afar xubnood oo kamid ah qoyskiisa ayaa lagu aasay xarunta barakaysan ee Imaam Rida ee magaalada Mashhad. Hore waxaa salaadda janaasada u tukiyey Mustafa Khamenei, oo ah wiilka curadka u ahaa hoggaamiyihii hore ee Iiraan.
Qorshayaasha aaska hoggaamiyihii hore ee Iiraan ayaa ka billowday toddobo maalmood ka hor magaalada Tehran, waxaana ay sii mareen magaalooyinka Qom, Karbala, Najaf iyo Mashhad.
Dhaxal-sugaha Cali Khamenei, Mojtaba Khamenei, kama uusan qeybgelin mid ka mid ah munaasabadahaas.
Dhanka kale, rasaas ayaa laga maqlay magaalada Mashhad, balse Amirollah Shamqadri, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha amniga ee gobolka Khorasan Razavi, ayaa sheegay in dhacdadaasi aysan ahayn weerar argagixiso.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku tilmaantay weerarrada Mareykanka ee lagu qaaday kaabeyaasha rayidka inay yihiin "dembi dagaal", halka Tehran ay sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyo iyo goobo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Kuwait, Baxrayn iyo Qatar, iyadoo arrintaas ku sheegtay jawaab celin.
Kulan wacan akhyaareey, ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta. Halkan ayaad kala socon doontaan wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalidaba.