TOOS, Iran: Imaaraadku wuxuu mutaysan doonaa cawaaqibka ka dhasha wada-shaqeyntiisa uu la leeyahay Maraykanka."

Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale is dhaafsaday weerarro sii socday illaa Khamiista, iyadoo kormeerayaal ay sheegeen inuu si weyn hoos ugu dhacay tirada maraakiibta mara marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Jarmalka oo ciidamadiisa kala baxaya Iraaq

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

    Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa wargeyska Jarmalka ee Der Spiegel, ayaa sheegtay in Jarmalku uu ciidamadiisa kala bixi doono magaalada Erbil ee Gobolka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq, isla markaana uu xiri doono saldhiggiisa milatari ee ku yaalla magaaladaas.

    Go’aankan ayaa yimid kadib markii Maraykanku uu go’aansaday inuu kala baxo ciidamadii masuulka ka ahaa ilaalinta saldhigga, taasoo qayb ka ah qorshihiisa lagu dhimayo joogitaanka ciidamadiisa milatari ee gobolka.

    Der Spiegel ayaa, iyadoo soo xiganaysa kulan warbixin lagu siiyay Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Jarmalka, sheegtay in ciidamada Jarmalku ay ka bixi doonaan Erbil dhammaadka bisha Sebtembar, oo ay ka harsan tahay wax ka yar saddex bilood.

    Hadda waxaa saldhig ku leh qiyaastii 30 askari oo Jarmal ah xero ku taalla duleedka garoonka diyaaradaha ee Erbil.

    Jarmalku wuxuu hore u yareeyay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe sababo la xiriira khataraha amni ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

  2. War deg deg ah, Dalal badan oo isku dayaya in ay kala dhex galaan Iiraan iyo Mareykanka

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Qadar ayaa maanta oo Jimce ah ku baaqay in Maraykanka iyo Iran ay dib u billaabaan wadaxaajoodyada.

    Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Washington ay oggolaatay inay sii waddo wadahadallada ay la leedahay Tehran, hase yeeshee uu ku celceliyay in xabbad-joojintii u dhexeysay labada dal ay dhammaatay.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, intii lagu jiray wada-hadal dhanka taleefanka ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Aty iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar Sheekh Maxammed bin Abdulraxmaan Al Thani ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda iyo wada-hadallada, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sidoo kale maanta kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka dhiggiisa dalalka Kuwait, Baxrayn iyo Urdun.

    War-saxaafadeed gaar ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu sheegay in Sheekh Maxamed uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan wada-hadalka iyo diblomaasiyadda, isla markaana la fuliyo qodobadii lagu heshiiyay ee ku jiray is-afgaradka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, oo ay ku jirto dammaanad-qaadka xorriyadda maraakiibtu ugu kala gooshi karaan Marinka Hormuz, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Maanta, wakaalado warar ayaa sheegay in wafti wada-xaajoodayaal ah oo ka socda Qadar ay gaareen Iran, iyagoo ujeeddadoodu tahay in la gogol xaaro dib u billaabashada wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka iyo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

  3. War deg deg ah, Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

    .

    Xigashada Sawirka, Portrait of President Kim Jong-Un

    Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu qorsheynayo inuu si wadajir ah u xoojiyo awooddiisa nukliyeerka, isla markaana uu xoojiyo hay’adihiisa sirdoonka iyo ciidamadiisa.

    Wakaaladda rasmiga ah ee wararka Kuuriyada Waqooyi, Korean Central News Agency, ayaa sheegtay in arrintan looga hadlay shir ay yeesheen Guddiga Dhexe ee Milateriga Xisbiga talada haya, kaas oo dhacay shalay.

    Kuuriyada Waqooyi waxay wajahaysaa cunaqabateynno caalami ah oo adag sababo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabooyinka hubka ee ay horay u samaysay.

  4. War deg deg ah, Waa sidee xaaladda Marinka Hormuz ee xilligaan

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tirada maraakiibta shidaalka qaada ee maalin kasta mara Marinka Hormuz ayaa u muuqatay inay hoos u dhacday maanta oo Jimce ah, kadib markii Maraykanka iyo Iran ay weerarro is dhaafsadeen, isla markaana uu sii socdo muranka ku saabsan cidda gacanta ku haysa marinkan muhiimka ah ee badda.

    Weerarradan ayaa mar kale sare u qaaday walaaca laga qabo in ay carqaladeeyaan sahayda shidaalka ee caalamka iyo isu-socodka maraakiibta ee marinnada badda.

    Xaaladdan ayaa muujinaysa in heshiiska ku-meelgaarka ah ee lagu joojiyay dagaalka uu yahay mid jilicsan, iyadoo Maraykanka iyo Iran ay weli wadaan wadaxaajoodyo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis rasmi ah oo waara.

  5. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo hadda ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan xaaladda Iiraan

    ..

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu weli wadahadallo la leeyahay Iran, hase yeeshee wuxuu ku adkaystay in xabbad-joojintii ay dhammaatay.

    Farriin uu ku daabacay baraha bulshada ayuu Trump ku yiri:

    "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay naga codsatay inaan sii wadno wadahadallada. Waan aqbalnay codsigaas, balse Maraykanku wuxuu si cad ugu sheegay in xabbad-joojintii ay soo afjarmatay."

    Hadalkan ayaa yimid kadib markii Maraykanku uu weeraray dhowr goobood oo ku yaalla shan gobol oo ku yaal koonfurta Iran, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib marayay gobolka, kuwaas oo Washington ay ku eedaysay Iran inay ka dambeysay.

    Dhanka kale, mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in dalkoodu uu xaq u leeyahay inuu ka jawaabo weerar kasta oo lagu qaado kaabeyaashiisa iyo xarumihiisa muhiimka ah.

  6. War deg deg ah, Qadar oo wadda dedaallo ay ku dhexdhexaadinayso Mareykanka iyo Iiraan

    Wakaaladda wararka Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, sheegtay in wada-xaajoodayaal ka socda Qadar ay ku sugan yihiin Iran, halkaas oo ay kula kulmayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iran.

    Pakistan ayaa ah dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee Iran iyo Maraykanka si loo gaaro heshiis nabadeed, hase yeeshee Qatar ayaa sidoo kale door firfircoon ka qaadanaysa dadaallada dhexdhexaadinta.

    Joogitaanka wada-xaajoodayaasha Qadar ee Iran ayaa imaanaysa kadib markii toddobaadkan ay is-weydaarsadeen weerarro Iran iyo Maraykanku. Kadib weerarradii lagu qaaday maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, Maraykanka ayaa laba habeen oo isku xigta duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dhulka Iran.

    Reuters ayaa sheegtay in dadaalladan looga gol leeyahay in la dejiyo xiisadda isla markaana loo gogol xaaro sii wadista wadahadallo ballaaran, iyadoo wadaxaajoodyadana lagu wado in la-tashi lala sameeyo Maraykanka.

  7. War deg deg ah, Trump iyo Netanyahu oo u tashanaya Iiraan

    Israa'iil iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Israa’iil ayaa ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Khamiistii khadka taleefanka kula hadlay Netanyahu si ay uga wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira Iran.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, labada dhinac waxay ka wada hadleen “tallaabooyin la isku dubbariday oo laga fulinayo jihooyin kala duwan,” waxaana Donald Trump uu Benjamin Netanyahu uga warbixiyay tallaabooyinka uu Maraykanku ka qaaday Iran.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu dhaleeceeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka tirsan xulafadiisa, isagoo ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan jiritaanka dowladda Israa’iil. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii ilaaliyo aagagga amniga ee ku teedsan xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

    Turkiga ayaa maalmahan martigeliyay shir-madaxeedkii NATO.

    Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa’iil inay wiiqayso is-afgaradkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran.

    Dhanka kale, Israa’iil ayaa si isdaba joog ah uga muujisay walaac ku saabsan suurtagalnimada in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-35, arrin la sheegay inay sababtay in la baajiyo booqasho uu Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ku tagi lahaa Israa’iil.

  8. War deg deg ah, Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

    .

    Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran (IRNA), ku-xigeenka amniga ee guddoomiyaha gobolka Khorasan Razavi ayaa xaqiijiyay in laba qof lagu dilay aagga Sarafrazan Boulevard ee galbeedka magaalada Mashhad.

    Amirullah Shamghadari ayaa u sheegay IRNA in weli aan la ogeyn sababta dhacdada iyo aqoonsiga labada qof ee dhintay.

    Goobta ay rasaastu ka dhacday waxay qiyaastii 17 kiiloomitir u jirtaa goobta barakeysan ee Imaamka siddeedaad ee Shiicada.

    Maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Mashhad maalintii ugu dambeysay ee aaska hoggaamiyihii hore ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Munaasabadda aaska ayaa ka bilaabatay Jimcihii hore magaalada Tehran, waxaana ay sii martay magaalooyinka Qom, Najaf, Karbala, iyo ugu dambeyn Mashhad.

  9. Cumar Cartan oo tagay jigjiga oo ay ka dhacayso ciyaar u dhaxeeysa laba gobol

    Cumar Caertan

    Xigashada Sawirka, SRTV Somali

    Garsooraha heerka calami ee Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyay.

    Mas’uuliyiinta deegaanka iyo dadweyne ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay, waxaana galabta magaalada Jigjiga ka dhacaysa ciyaarta kama dambeysta ah ee goballada Siti iyo shabeelle ee dowlad deegaanka.

    Cumar oo ka mid noqday garsoorayaashii loo xushay inuu dhexdhexaadiyo sanadkaan Koobka Adduunka, ayaa dhawaan Mareykanku u diiday in uu dalkiisa galo, hase-yeeshee wixii intaa ka dambeyay waxaa uu noqday mid si weyn caalamka looga taageeray isla markaana dalal badan iyo ururo kala duwan garab istaageen.

    Cumar Cartan

    Xigashada Sawirka, SRTV Somali

  10. Nin diyaarad hawada ku jirta daaqadeeda madax kala baxay

    Mid ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaarad ka duushay Thessaloniki oo Giriigga ah kuna socotay Memmingen oo Jarmalka ah ayaa loo fidiyay daryeel caafimaad kadib markii daaqad ka mid ah kuwa diyaaradaha ay furantay intii ay hawada ku jirtay.

    Wararku waxay sheegayaan in ninkaasi oo 61 jir ah kana soo jeeda Serbia uu qayb ahaan madaxa kala baxay daaqadda furantay ka hor inta aysan diyaaradda, oo ay maamulaysay Malta Air, aysan , si nabad ah u degin.

  11. War deg deg ah, Dad ku dhintay dab ka kacay dalka Spain

    Spain

    Xigashada Sawirka, X/Reuters

    Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay kaymo ku yaalla gobolka Almería ee koonfurta Spain.

    Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa la helay iyagoo ku jira gawaaridooda.

    Boqolaal ka tirsan shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa weli ku howlan daminta dabka.

  12. War deg deg ah, Colaadda Iiraan iyo Mareykanka oo hoos u dhigtay rajadii laga qabay suuqa shidaalk caalamka

    Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA) ayaa sheegtay in sii xoogaysashada colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran toddobaadkan ay mugdi gelisay rajadii laga qabay suuqa shidaalka ee caalamka.

    IEA ayaa hore u saadaalisay in heshiiskii ay Washington iyo Tehran gaareen bishii hore, kaas oo lagu soo afjarayay colaadda isla markaana si buuxda dib loogu furayay Marinka Hormuz, uu horseedi doono koror weyn oo ku yimaadda sahayda shidaalka bilaha soo socda.

    Hase yeeshee, hay’addu waxay hadda ka digaysaa in dib u soo cusboonaanshaha dagaalladu uu burburin karo saadaashaas.

    Inkastoo aanay jirin weerarro cusub oo dhacay habeenkii xalay, haddana xaaladdu weli waa mid kacsan oo aan degganayn.

    Waxa arrintani ku soo beegmaysaa iyadoo hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay Iran, Ayatollah Cali Khamenei, lagu aasay magaalada Mashhad.

  13. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo si adag ugu hanjabtay Imaaraadka Carabta iyo meelaha ay beegsan doonto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ismaaciil Kowsari, oo xubin ka ah Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iran, ayaa ku eedeeyay Isutagga Imaaraadka Carabta, inuu ku lug lahaa weerarradii dhowaan dhacay, wuxuuna uga digay in dalku “bixin doono qiimaha uu kula shaqeynayo Washington.”

    “Ficilladan, Imaaraadku wuxuu garab siiyay cadowga Iran, waana inuu ogaadaa in qiimaha taageeradan uu noqon doono mid aad u weyn,” ayuu yiri.

    Esmaaciil Kowsari ayaa sidoo kale sheegay in taageero kasta oo Imaaraadku siiyo waxa uu ku tilmaamay “ciidamada gardarrada wada”, iyadoo la raacayo digniinihii hore ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, ay la kulmi doonto jawaab ka timaadda Iran.

    Sidaas darteed, ayuu yiri, “kaabeyaasha gaadiidka badda, tareennada iyo duulista hawada ee Imaaraadka, iyo sidoo kale xarumaha saliidda iyo gaaska, waxay ka mid noqon doonaan bartilmaameedyada ugu waaweyn ee ciidamada qalabka sida ee Iran haddii wax tallaabo ah la qaado, maadaama ay door ku leeyihiin taageeridda saldhigyada ciidamada Maraykanka ee gobolka.”

  14. Andy Burnham oo loo badinayo inuu noqdo Raysal Wasaaraha cusub ee UK

    Andy Burnham ayaa qaaday tallaabo kale oo muhiim ah oo uu ugu sii dhowaanayo inuu noqdo hoggaamiyaha xiga ee Xisbiga Labour-ka iyo ra’iisul wasaaraha, kaddib markii inta badan xildhibaannada Labour-ku ay u magacaabeen inuu beddelo Sir Keir Starmer.

    Ololaha Burnham ee hoggaanka Labour-ka waxaa taageeray 322 ka mid ah 403 xildhibaan oo Labour ah, isagoo weli ah musharraxa keliya ee si rasmi ah isu soo taagay.

    Taasi waxay ka dhigan tahay inuu hal cod oo keliya u jiro 323-da cod ee loo baahan yahay, taas oo ka dhigi lahayd xisaab ahaan wax aan suurtagal ahayn in musharrax kale uu kula tartamo. Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa sheegay inaysan awoodin inay codeeyaan Khamiistii, balse ay taageeri doonaan Burnham marka ay dib ugu soo laabtaan Baarlamaanka.

    Haddii aanu musharrax kale tartanka soo gelin, sida la filayo, Burnham waxaa toddobaadka soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka, ka hor inta uusan 20-ka Luulyo la wareegin xilka ra’iisul wasaaraha.

    Haddii ay taasi dhacdo, waxay noqon doontaa koritaan siyaasadeed oo aad u degdeg badan, maadaama duqii hore ee Greater Manchester uu ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Makerfield toddobaadyo yar ka hor.

  15. Ku dhowaad 30 qof oo ku dhintay dab ka kacay warshad kabo oo ku taala Shiinaha

    Dab damis

    Xigashada Sawirka, China News Service

    Qoraalka sawirka, Dab damis

    Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay dab khamiisti ka kacay samaysa kabaha oo ku taalla gobolka koonfur-bari ee Shiinaha ee Fujian, sida ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Xinhua.

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dalbaday in la sameeyo hawlgal samatabixin iyo baadigoob buuxa, isagoo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo baaro sababta keentay dabka iyo in si adag loola xisaabtamo cid kasta oo mas'uul ka ah shilkaas.

    Dabka ayaa ka billowday warshadda shirkadda kabaha ee Huiteng oo ku taalla magaalada Jinjiang, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda dab-damiska ee magaalada. Sababta dabka dhalisay ayaan weli la ogeyn. Magaalada Jinjiang ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee wax-soo-saarka kabaha ciyaaraha ee Shiinaha.

    Markii uu dabku kacay, waxaa gudaha dhismaha ku sugnaa 237 shaqaale warshadda ka shaqaynayay. Mas'uuliyiintu waxay ka soo badbaadiyeen 213 qof, waxaana laba ka mid ah la sheegay inay dhinteen markii isbitaalka la geeyay. Intaa ka dib, 26 qof oo markii hore la la’aa ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sida uu sheegay telefishinka dowladda ee CCTV.

    Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in milkiilaha warshadda iyo mas'uuliyiin kale oo shirkadda ka tirsan la xiray, isla markaana la hakiyay (la xannibay) dhammaan akoonnada bangiyada ee shirkadda iyadoo baaritaanku socdo.

  16. Raac talooyinkan si aad u ilaaliso caafimaadka caloosha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Bakteeriyada iyo kuwa kale ee ku nool gudaha xiidmahaaga waxay door ka ciyaaraan dhinacyo badan oo kamid ah caafimaadka qofka.

    Bakteeriyada waxtarka leh ee ku nool caloosha ayaa jirkaaga ka caawin kartaa inuu hagaajiyo shaqada difaaca, habaynta nafaqooyinka, heerka cunta cunidda qofka iyo wanaajinta fayoobida maskaxdaada.

    Haddaba xoojinta caafimaadka caloosha iyo dheefshiidka waxay ku xiran tahay in qofka uu wax ka baddalo hab nololeedkiisa, waa arrin qofka uu ku dhaqaaqi karo maalin kasta.

    Arrimaha deegaanka, sida cuntada, ayaa la ogaaday inay saameyn weyn ku leeyihiin hiddo-sidaha caafimaadka dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah.

    Tani waxay ka dhigan tahay in waxa aad cunayso aysan adiga kaliya ah nafaqo kuu aheyn, sidoo kale waxay nafaqo u yihiin oo ku tiirsan balaayiin noolaha Microbes-ka loo yaqaano ee aan isha qaban ee ku nool kuna koraya mindhicirada banii'aadanka.

    Waxaa laga yaabaa inaad si dhakhso ah u beddesho bakteeriyada ku jirta mindhicirkaada, xitaa maalmo gudahood, laakiin waxay qaadan kartaa dhawr bilood iyo taageero joogto ah si loo muujiyo isbeddelada muddada dheer iyo faa'iidooyinka, ayuu yiri Dr Patel oo ah dhakhtar ku takhasusay arrimaha caafimaadka.

    Haddaba sidee baad u samaynaysaa arrintaas?

    Cun khudaarta

    Cuntooyinka sida khudaarta, miraha, digirta,lawska, iyo miraha oo dhan, waxa ku jira qolof-ta ay microbes-ka jecel yihiin.

  17. Maxaa ku qasbay Trump inuu bedesho diyaaradiisa markii uu ka soo laabanayay Turkiga?

    Trump oo agtaagan diyaaradda AirForce 1

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump oo agtaagan diyaaradda AirForce 1

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku degay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Ingiriiska ee RAF Mildenhall, si uu u beddesho diyaaradda, xilli uu ku sii jeeday dalkiisa kadib shirkii NATO oo toddobaadkan ka dhacay Turkiga.

    Trump ayaa ka soo laabanayay Ankara maalintii Arbacada, waxaana uu Suffolk uu ku bedeshay diyaaradda Air Force One, ka hor inta uusan safarkiisa ku sii wadan diyaarad cusub oo dhowaan ay dowladda Qatar siisay.

    Trump wuxuu Turkiga kaga soo duulay diyaarad duug ah oo uu sheegay inuu u raacay “xusuus darteed”, waxaana wariyeyaasha lagu amray inay daaqadaha diyaaradda xiraan inta uu duulimaadku socday.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in codsigaas laga yaabo inuu sabab u ahaa “dad xun oo halkan jooga,” isagoo u muuqday inuu ula jeedo Iran.

    Markii diyaaradda dhexdeeda lagu weydiiyay inuu ogyahay hanjabaado dil ah oo loo jeedinayo, Trump wuxuu yiri:

    “Mar walba waa la ii hanjabaa. Aniga ayaa ah qofka koowaad ee liiskooda ku jira.”

    Trump ayaa sidoo kale bartiisa Truth Social ku qoray, in diyaaradda cusub ee ku sugneyd Mildenhall loo geeyay halkaas, si xubnaha ciidamada Mareykanka ay u arkaan.

    Wuxuu yiri: “Si aan u maamuusno ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee ciidamadeenna, waxaan u dirnay Air Force One-ka cusub oo aad u cajiib ah saldhigga RAF Mildenhall ee Ingiriiska, si ay fursad ugu helaan inay arkaan diyaaradda.”

    Intii uu ku sugnaa saldhigga, Trump wuxuu la hadlay xubnaha ciidamada iyo wariyeyaasha.

    RAF Mildenhall ayaa baraha bulshada ku sheegtay in booqashadu ahayd “daqiiqad xusuus mudan oo u ahayd kooxda Mildenhall.”

    Saldhiggu wuxuu sheegay in askarta cirka, qoysaskooda iyo shaqaalaha saldhigga ay isugu yimaadeen si ay u arkaan diyaaradda cusub ee madaxweynaha, isla markaana munaasabadda lagu aqoonsaday dadaallada maalinlaha ah ee ciidamada iyo qoysaskooda taageera howlaha maalinlaha ah ee saldhigga.

    Sidoo kale akhri

  18. Cabsi weyn oo laga muujiyay doorashada soo socta ee Kenya

    Doorashadii hore oo ay dad saf ugu jiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Doorashadii hore oo ay dad saf ugu jiraan

    Kenya ayaa leh fursad 84.1% ah oo ah inay ka dhacdo rabshadaha la xiriira doorashada, inta lagu jiro doorashada guud ee 2027, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Kofi Annan.

    Warbixintu waxay caddeysay in qiyaastaas ay tahay qiimeyn khatar ah, balse aanu ahayn xaqiijin ah in rabshado ay dhab ahaanti dhici doonaan. Sidaas darteed, waxay ugu baaqday dowladaha, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka inay qaadaan tallaabooyin hore si loo xoojiyo nabadda, loogana hortago rabshadaha ka hor inta aysan dhicin.

    Warbixintu waxay tiri: “Qiimeyntan waa qiimeyn khatar ah, mana aha wax la hubo. Waa inay noqdaan baaq hore loogu qaado tallaabooyin lagu xoojinayo dadaallada nabadda laguna hortagayo rabshadaha ka hor inta aysan dhicin.”

    Sida uu sheegay Machadka Kofi Annan, doorashooyinku waxay noqon karaan fursad lagu xoojiyo dimuqraadiyadda, laakiin sidoo kale waxay kordhin karaan xiisadda, haddii ay jiraan kala qaybsanaan siyaasadeed, hay’ado daciif ah ama kalsoonida shacabka oo hoos u dhigta nidaamka doorashada.

    Warbixintu waxay sharaxday in Tusmada Khataraha Doorashada ay isticmaasho tilmaamo siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo maamul, si loo qiimeeyo xaaladda doorashada loona bixiyo digniin hore oo loogu talagalay go’aan-qaadayaasha, maamulayaasha doorashada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

    Kenya waxay ka mid tahay 10 dal oo si qoto dheer loogu falanqeeyay warbixintan, taas oo isku daraysa qiimeyn tirokoob ah iyo falanqayn ku saabsan xaaladda siyaasadeed, caqabadaha doorashada iyo tallaabooyinka lagu yareyn karo khatarta rabshadaha ka hor doorashada guud ee 2027.

    Sidoo kale akhri

  19. Maxay Israa’iil uga walaacsan tahay hubkan uu Mareykanka sheegay inuu siinayo Turkiga?

    Trump iyo Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Erdogan

    Mid ka mid ah arrimaha uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kala hadlay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, intii uu ku guda jiray booqashadiisii dhowaan uu ku tagay Ankara, halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeedka NATO , ayaa ku saabsanaa diyaaradaha dagaalka ee F-35.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dalkiisu ka qaadayo cunaqabatayntii lagu soo rogay Turkiga sanadkii 2020 sababo la xiriira iibsashada nidaamka difaaca hawada ee Ruushka, wuxuuna muujiyey diyaar u ahaanshaha inuu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka F‑35.

    Trump sidoo kale wuxuu muujiyey rajo ku saabsan suurtagalnimada iibinta diyaaradaha F‑35 ee Turkiga, inkastoo uusan faahfaahin sida heshiiska loo samayn doono. Wuxuu yiri: "Turkiga, siyaabo badan, wuxuu ahaa mid daacad ka badan dalal kale oo aan u malaynaynay inay daacad yihiin… waana hubaa inaan arrintan eegno."

    Si kastaba, fikradda ah in Turkigu helo diyaaradaha F-35 waxay walaac weyn ka abuurtay gudaha dowladda Israa’iil.

    Israa’iil, gaar ahaan Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu kuma farxin arrintan.

    Muddo sannado badan ah, Israa’iil waxay dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hubin lahaa in aanu jirin dal kale oo Bariga Dhexe ah oo yeesha ciidanka cirka ee ugu casrisan.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha Mareykanka ee u oggolaanaya Turkiga inuu helo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

    Netanyahu ayaa sheegay inuu arrintan horay ugala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isla markaana ay tahay arrin walaac ku haysa dowladdiisa, sida ay sheegtay Reuters.

    Netanyahu wuxuu ku dooday in Turkigu aanu ahayn xulafo lagu kalsoonaan karo oo ay leedahay dowladda Mareykanka. Wuxuuna sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan xiriirrada Turkiga uu la leeyahay kooxo ay Israa’iil col u aragto.

    Waxaa la soo sheegay in Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu baajiyay qorshe uu arrintan ugala hadli lahaa Netanyahu, sababo la xiriira xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  20. Maxay Israa’iil uga walaacsan tahay hubkan uu Mareykanka sheegay inuu siinayo Turkiga?

    Mid ka mid ah arrimaha uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kala hadlay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, intii uu ku guda jiray booqashadiisii dhowaan uu ku tagay Ankara, halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeedka NATO , ayaa ku saabsanaa diyaaradaha dagaalka ee F-35.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dalkiisu ka qaadayo cunaqabatayntii lagu soo rogay Turkiga sanadkii 2020 sababo la xiriira iibsashada nidaamka difaaca hawada ee Ruushka, wuxuuna muujiyey diyaar u ahaanshaha inuu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka F‑35.

    Trump sidoo kale wuxuu muujiyey rajo ku saabsan suurtagalnimada iibinta diyaaradaha F‑35 ee Turkiga, inkastoo uusan faahfaahin sida heshiiska loo samayn doono. Wuxuu yiri: "Turkiga, siyaabo badan, wuxuu ahaa mid daacad ka badan dalal kale oo aan u malaynaynay inay daacad yihiin… waana hubaa inaan arrintan eegno."

    Si kastaba, fikradda ah in Turkigu helo diyaaradaha F-35 waxay walaac weyn ka abuurtay gudaha dowladda Israa’iil.

    Israa’iil, gaar ahaan Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu kuma farxin arrintan.

    Muddo sannado badan ah, Israa’iil waxay dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hubin lahaa in aanu jirin dal kale oo Bariga Dhexe ah oo yeesha ciidanka cirka ee ugu casrisan.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha Mareykanka ee u oggolaanaya Turkiga inuu helo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

    Netanyahu ayaa sheegay inuu arrintan horay ugala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isla markaana ay tahay arrin walaac ku haysa dowladdiisa, sida ay sheegtay Reuters.

    Netanyahu wuxuu ku dooday in Turkigu aanu ahayn xulafo lagu kalsoonaan karo oo ay leedahay dowladda Mareykanka. Wuxuuna sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan xiriirrada Turkiga uu la leeyahay kooxo ay Israa’iil col u aragto.

    Waxaa la soo sheegay in Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu baajiyay qorshe uu arrintan ugala hadli lahaa Netanyahu, sababo la xiriira xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: