War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahisay shirkii Cummaan ka dhacay iyo tallaabo Mareykanku qaaday

Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in cadaadis uga yimid Maraykanka awgiis aan Iiraan iyo Cumaan u suurtagelin inay gaaraan heshiis ku saabsan habraacyada gaadiidka ee Marin-biyoodka Hormuz.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu qabtay saaka, Baqaei wuxuu sheegay in kulankii wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ee ka dhacay Muscat Sabtidii, aan wax heshiis ah lagu gaarin.
Wuxuu yiri:
"Wadahadalladii ka dhacay Muscat Sabtidii waxay diiradda saarayeen oo keliya Marin-biyoodka Hormuz, gaar ahaan Qodobka 5-aad ee heshiiska is-afgaradka ah “.
"Maraykanku wuxuu si cad u jebiyay 14-kii qodob ee heshiiska is-afgaradka. Shaki kuma jiro in heshiiskaasi uu hadda galay marxalad qalalaase. Iiraan waligeed ma jebin ballanqaadyadeeda mana aysan bilaabin wax heshiiska ka hor imanaya. Maraykanka ayaa ah dhinaca si joogto ah u jebiya ballanqaadyadiisa."
Wuxuu sidoo kale sheegay:
"Maraykanku wuxuu ku degdegay jebinta heshiiska ilaa heer uusan xitaa sugin inuu dhammaado muddadii halka bil ahayd ee lagu sheegay Qodobka 5-aad ee heshiiska."
Dhanka kale, Ismail Baqaei ayaa sheegay in Iiraan aysan oggolaan doonin codsiga Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ee ku saabsan in la siiyo marin ay ku booqdaan xarumaha nukliyeerka ee dalka.














