TOOS, Maraykanka oo weerarro ku qaaday tobannaan goobood oo ku yaalla Iiraan, halka Iiraan-na ay kaga jawaabtay weerarro ay ku qaadday saldhigyada Mareykanka
Wakaalado warar oo ku dhow ilo militari oo Iiraan ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaannada ku dhow Sirik, Bandar Abbas iyo Jask.
Iran ayaa beenisay sheegashada Trump ee heshiiska nukliyeerka
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Madaxweyne Donald Trump ayaa Axadii u sheegay NBC in Iran ay
ogolaatay in ay heshiis nukliyeer ah la gasho Mareykanka intii ay socdeen
wadahadalada labada dal.
“Heshiis ayey shalay ogolaadeen, heshiis noo fican. Nukliyeer
ma jirayo, tan maya, taa maya. Wax walba way ka hareen” ayuu yiri madaxweyne
Trump.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa maanta oo Isniin
ah ku tilmaamay hadalka Trump “Gabi ahaan wax aan run aheyn”.
Dhexdhexaadiyayaasha ayaa wada dadaaladooda ay ku
dhexdhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran.
War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahisay shirkii Cummaan ka dhacay iyo tallaabo Mareykanku qaaday
Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in cadaadis uga yimid Maraykanka
awgiis aan Iiraan iyo Cumaan u suurtagelin inay gaaraan heshiis ku saabsan
habraacyada gaadiidka ee Marin-biyoodka Hormuz.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id
oo uu qabtay saaka, Baqaei wuxuu sheegay in kulankii wasiirrada arrimaha
dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ee ka dhacay Muscat Sabtidii, aan wax heshiis ah
lagu gaarin.
Wuxuu yiri:
"Wadahadalladii ka dhacay
Muscat Sabtidii waxay diiradda saarayeen oo keliya Marin-biyoodka Hormuz, gaar
ahaan Qodobka 5-aad ee heshiiska is-afgaradka ah “.
"Maraykanku wuxuu si cad u
jebiyay 14-kii qodob ee heshiiska is-afgaradka. Shaki kuma jiro in heshiiskaasi
uu hadda galay marxalad qalalaase. Iiraan waligeed ma jebin ballanqaadyadeeda
mana aysan bilaabin wax heshiiska ka hor imanaya. Maraykanka ayaa ah dhinaca si
joogto ah u jebiya ballanqaadyadiisa."
Wuxuu sidoo kale
sheegay:
"Maraykanku wuxuu ku degdegay
jebinta heshiiska ilaa heer uusan xitaa sugin inuu dhammaado muddadii halka bil
ahayd ee lagu sheegay Qodobka 5-aad ee heshiiska."
Dhanka kale, Ismail Baqaei ayaa
sheegay in Iiraan aysan oggolaan doonin codsiga Agaasimaha Guud ee Hay'adda
Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ee ku saabsan in la siiyo marin ay ku
booqdaan xarumaha nukliyeerka ee dalka.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay iyo faahfaahin
Iiraan ayaa hadda sheegtay inay
soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan leeyahay, taas oo ay
sheegtay inay ku jirtay hawadeeda.
Sida ay baahisay wakaaladda
wararka ee Tasnim, ciidamada Iiraan ayaa ogaaday diyaaradaas kadibna soo riday.
Dhanka kale, Taliska Dhexe ee
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in intii u dhexeeyay 12-ka iyo 13-ka Luulyo la
fuliyay hawlgallo cusub oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu sheegay inay
ujeeddadoodu ahayd in lagu wiiqo awoodda milatari ee Iiraan ee weerarrada lagu
qaado maraakiibta mara Marin-biyoodka Hormuz.
Iiraan ayaa iyaduna sheegtay inay
jawaab ahaan billowday hawlgal milatari oo lagu beegsanayo waxa ay ku
tilmaamtay "saldhigyada cadowga", iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo
diyaarado aan duuliye lahayn. Waxay sheegtay in bartilmaameedyada weerarradu ay
ku yaallaan Urdun, Kuweyt iyo Baxrayn
War deg deg ah, Maxaa hadda ka socda Marinka-Hormuz?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalka ku saabsan
gacan-ku-haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa hakiyay dadaalladii lagu doonayay in
lagu soo afjaro colaadda ballaaran ee ka jirta gobolka.
Iiraan ayaa ballan qaaday inay dib
u furi doonto marin-biyoodkaas, sida ku cad heshiiskeeda ku-meel-gaarka ah ee
ay la gashay Washington, balse waxay sii wadday inay rasaas ku furto maraakiib
ganacsi oo ay ku eedeysay inay isticmaalayaan waddo aan la oggolayn.
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay
in wareeggii ugu dambeeyay ee duqeymaha uu sii wiiqay awoodda Iiraan ee ay ku
weerari karto maraakiibta caalamiga ah. Waxa kale oo uu ku adkaystay in
isu-socodka maraakiibta uu weli ka sii socdo marin-biyoodkaas.
Maamulka Trump ayaa doonaya in
arrintaas ay dhacdo si hoos loogu dhigo qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka
xilliga dhexe ee Mareykanka.
Dadaallo ay sameeyeen
dhexdhexaadiyayaal si loo xalliyo khilaafka dhammaadkii toddobaadka ayaa
fashilmay. Waxaana muuqata muhiimadda weyn ee uu marin-biyoodku u leeyahay
Iiraan; mas’uuliyiin sare oo Iiraani ah ayaa sheegay in ilaalinta
gacan-ku-hayntiisa ay ka muhiimsan tahay xitaa tobannaan bambo oo nukliyeer ah.
Waxaa la aaminsan yahay in labada
dhinac midna uusan doonayn inuu dib ugu laabto dagaal buuxa, balse
falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inay hadda ku jiraan xaalad ah kororka xiisadeed
oo la xakameynayo.
War deg deg ah, Iiraan oo dhankeeda farrin u dirtay Mareykanka
Xigashada Sawirka, Reuters
Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed
Bagher Ghalibaf, oo ah madaxa ugu sarreeyay kooxdii Markeynka Maraykanka
wadahadalka la gashay, ayaa Axaddii sheegay in xilligii "heshiiska halka
dhinac ah" uu dhammaaday.
Wuxuu qoraal uu soo dhigay barta X
ku yiri:
"Waxaan idiin sheegnay:
haddii aad ballantiinna ilaalin weydaan, qiimaha waad bixin doontaan. Xaqiiqadu
way soo dhowaatay."
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Iiraan ayaa sidoo kale ku eedeysay Maraykanka inuu sababay "soo noqoshada
amni-darrada" ee ka jirta Marin-biyoodka Hormuz.
War deg deg ah, Hoggaamiyaha kooxda RSF iyo walaalihiis oo dil toogasho ah lagu xukumay
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Maxkamad ku taalla magaalada Port
Sudan ee dalka Suudaan ayaa ku xukuntay hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada
Degdegga ah ee RSF, Maxamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan "Hemedti", xukun
dil ah isagoo maqan, kadib markii lagu helay eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq,
dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo weerarro lagu qaaday rayidka.
Go’aanka maxkamadda oo la soo
saaray 12-ka Luulyo 2026, ayaa noqday xukunkii ugu weynaa ee ilaa hadda lagu
rido hoggaanka RSF tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Suudaan
sannadkii 2023.
Kiiska ayaa si gaar ah diiradda u
saaray dilkii dhacay Juun 2023 ee loo geystay guddoomiyihii gobolka Galbeedka
Daarfuur, Khamis Abbakar. Waxaa lagu eedeeyay in ciidamada RSF ay afduubteen
kadibna dileen, kaddib markii uu ku eedeeyay ciidamadaas inay geysteen xasuuq.
Sidoo kale, 15 mas’uul sare oo
kale oo ka tirsan RSF, oo ay ku jiraan walaalaha Hemedti ee Abdelrahim Dagalo
iyo Algoney Dagalo, ayaa iyaguna lagu xukumay dil iyagoo maqan.
War deg deg ah, Iiraan oo qaadday weerarro culus oo hadda ah iyo dhowr iyo dhowr dal oo ay beegsatay
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa
baahisay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay sheegeen inay weerareen nidaamyada
raadaarka ee Cumaan, taas oo ay ku tilmaameen qayb ka mid ah weerarradooda
aargoosiga ah ee ay kaga jawaabayaan Maraykanka.
Hadalkan ayaa daba socda bayaano
hore oo ay IRGC ku sheegtay inay sidoo kale weerarro ku qaadday goobo ku yaalla
Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun.
IRGC waxay sheegtay in weerarradan
ay jawaab u yihiin weerarro uu Maraykanku xalay ku qaaday tobannaan xarumood oo
ciidan oo ku yaalla Iiraan.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan iyo walalkiis oo Qadar u safray
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz
Sharif iyo walaalkiis, Ra’iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif, ayaa u ambabaxay Qadar
iyagoo ku tagayo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed
kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa la kulmi
doona Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeyn
doona geerida Amiirkii hore ee Qadar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Safarka waxaa sidoo kale ku
weheliya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ishaq Dar,
iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif.
Pakistan ayaa hore u shaacisay maalin
baroor-diiq qaran kaddib geerida Amiirkii hore ee Qadar.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani
ayaa geeriyooday shalay. Wuxuu ahaa Amiirka Qadar intii u dhexeysay 1995 ilaa
2013, wuxuuna geeriyooday isagoo 74 jir ah.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani
waxaa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii door weyn ka qaatay
dhismaha Qadar casriga ah. Intii uu talada hayay, dalka wuxuu gaaray koboc
dhaqaale oo aad u ballaaran.
Sidoo kale, sannadkii 1996, isaga
oo amarkiisa laga duulayo ayaa la aasaasay shabakadda warbaahinta caalamiga ah
ee Al Jazeera, oo maanta ka mid ah warbaahinta ugu caansan dunida.
War deg deg ah, Taliye hore oo Mareykanka oo sheegay qorshaha Trump ee Hormuz iyo waxa uu sameyn karo
Xigashada Sawirka, Reuters
"Haddii Madaxweynaha
Maraykanka, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, uu bixiyo amarka, ciidamada
Maraykanku waxay awood u leeyihiin inay la wareegaan gacan ku haynta
marin-biyoodka Hormuz."
Wareysi uu siiyay CBS News,
Jeneraal McKenzie wuxuu sidoo kale kaga hadlay suurtagalnimada in la qabsado Jasiiradda
Kharg, isagoo sheegay in qorshahan lagu beegsan karo kaabayaasha muhiimka ah ee
jasiiradda.
Wuxuu sheegay in si loo xakameeyo Marin-biyoodka
Hormuz, ay lagama maarmaan noqon doonto in maraakiibta ciidamada badda ee
Maraykanka la geeyo halkaas.
"Ciidamada Badda ee
Maraykanku ma jecla hawlgal noocaas ah, balse waxay leeyihiin awood ay ku
fuliyaan haddii loo baahdo," ayuu yiri.
Taliyihii hore ee CENTCOM ayaa
sidoo kale sheegay in inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku
baaqay xal diblomaasiyadeed oo lala gaaro Iiraan, haddana hoggaanka Tehran ay
inta badan uga jawaabaan cadaadis milatari.
Wuxuu yiri:
"Haddii aad rabto inaad
Iiraan ka hesho tanaasul, waa in cadaadis toos ah lagu saaraa dowladda.
Cadaadiskaas waa inuu noqdaa mid ay u arkaan arrin muhiim ah oo khatar ku ah
jiritaankooda, si ay u beddelaan mowqifkooda."
War deg deg ah, Dad badan oo dalka Ingiriiska ugu dhintay kuleyl dartii
Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad ayaa sheegtay in in ka
badan laba kun iyo toddoba boqol oo qof ay u dhinteen sababo la xiriira
kulaylka intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ka dhacay Ingiriiska iyo Wales
bilihii May iyo Juun.
Cilmi-baarayaal ka kala socday Imperial
College London, Xafiiska Saadaasha Hawada ee UK iyo London School of Hygiene and Tropical
Medicine ayaa sheegay in heerkulka sare ee ka dhashay isbeddelka cimilada ee uu
bani’aadamku sababay uu door weyn ka qaatay tirada dhimashadaas.
Inta badan dhimashadaas, oo
gaaraysa laba kun iyo laba boqol, waxay dhacday intii lagu jiray hirarkii
labaad ee kulaylka daran ee bishii Juun, markaas oo heerkulkii ugu sarreeyay uu
gaaray 37.7°C.
Daraasadda ayaa qiyaastay in
isbeddelka cimiladu uu ku daray 3 ilaa 4 darajo cabbirka heerkulka ugu
sarreeya.
Dhanka kale, Faransiiska ayaa
dhawaan soo sheegay ugu yaraan laba kun iyo shan iyo labaatan dhimasho oo
dheeraad ah intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ku fiday guud ahaan Yurub
bishii Juun.
War deg deg ah, Qiimaha saliidda caalamka oo kor u kacday
Xigashada Sawirka, Reuters
Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay
in ka badan 4% maanta ii Isniin ah, kaddib markii Mareykanku qaaday
tallaabooyin adag oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana Tehran ay billowday
weerarro aargoosi ah.
Saliidda nooca Brent Crude ayaa
kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $79.11 halkii foosto, sida ay sheegtay Reuters.
Sidoo kale, saliidda nooca U.S.
West Texas Intermediate, ayaa iyana kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $74.36
halkii foosto.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha dayactirka ee Ciidanka Cirka Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn.
War-saxaafadeedkiisa, IRGC wuxuu ku sheegay in wajigii labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Mareykanka, ay subaxnimadii maanta bartilmaameedsadeen "xarumaha dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangarka diyaaradda dagaalka elektaroonigga ah ee P-8, iyo xarunta taliska iyo maamulka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.
War kale oo dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu qaaday haamaha shidaalka ee saldhigga cirka ee Amiir Xasan ee Urdun, IRGC waxay sheegtay inay sidoo kale bartilmaameedsadeen "haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot" ee saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuweyt, iyo sidoo kale "nidaamka raadaarka istaraatiijiga ah ee FPS" ee saldhigga Axmed Al-Jaabir .
Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriirta gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa sii kordhaysay.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Baxrayn, Kuwait iyo Urdun, iyagoo sheegay inay burburiyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalalkaas.
Bayaan ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta ayaa lagu sheegay in:“Dhowr kayd oo waaweyn oo gantaallo ah iyo haamo shidaal oo ku yaalla Saldhigga Cirka ee Prince Hassan ee Urdun ayaa dab qabsaday kadib markii lagu dhuftay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.”
IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo ka jawaabaysa weerarradii Mareykanka ee Axaddii iyo subaxnimadii Isniinta, “wajigii labaad ee howlgalkeeda aargoosiga” ay beegsatay xarumo muhiim ah oo lagu dayactiro laguna farsameeyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangar ay ku jirtay diyaarad dagaal elektaroonig ah oo nooca P-8 ah, iyo xarun lagu hago laguna maamulo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Mareykanka ee ku taalla Baxrayn.
Dhanka kale, wakaalado warar oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka ayaa soo sheegay qaraxyo ka dhacay Kuwait.
Bayaan saddexaad oo ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta waqtiga Tehraan ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay kuwo la xiriira weerarro lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.
IRGC waxay bayaankeeda saddexaad ku sheegtay:“Waxaan beegsanay haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca cirka ee Patriot ee saldhigga Mareykanka ee Ali Al Salem ee Kuwait, iyo sidoo kale nidaamka raadaarka istiraatiijiga ah ee FPS ee saldhigga Ahmad Al-Jaber si buuxda u burburisay” bartilmaameedyadaas.,”
Wakaaladaha wararka gudaha Iiraan sida Tasnim iyo Fars ayaa sidoo kale baahiyay sawirro ay ku sheegeen inay muujinayaan weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Baxrayn, hase yeeshee sawirradaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
CENTCOM waxay ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay duqeymihii ay ka wadeen Iiraan
Xigashada Sawirka, Centcom / US Army
Qoraalka sawirka, Ciidamada Mareykanka
Qiyaastii shan saacadood kadib markii ay ku dhawaaqday bilowga wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay howlgalka weerarrada oo la fuliyay aroornimadii Isniinta, 12-ka Luulyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka CENTCOM, weerarradan ayaa lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla goobo kala duwan, iyadoo la adeegsaday hub si sax ah u hago bartilmaameedka, si loo yareeyo awoodda Iiraan ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan, xarumaha raadaarka ee xeebaha, awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyo sidoo kale doomaha yaryar ee militariga.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, maraakiibta ciidamada badda, diyaaradaha ismiidaaminta ah ee aan duuliyaha lahayn, iyo markii ugu horreysay doomaha ismiidaaminta ah ee aan cidina wadin.
CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay:“Marinka Hormuz waa marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, mana aha marin ay Iiraan maamusho.”
Taliska ayaa xusay in ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ilaalinta xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinkaas, inkastoo, sida ay hadalka u dhigeen, ay jiraan “falal gardarro ah, handadaado, dhibaateyn iyo bayaanno aan sharci ku dhisnayn” oo ay ku eedeysay Iiraan.
Iran oo ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto weeraradii xalay ee Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ilaalada kacaanka
Iyadoo laga jawaabayo weerarradii cusubaa ee Mareykanka ee dhacay Axaddii iyo wareeg kale oo weerarro ah oo dhacay aroornimadii Isniinta waqtiga Gacanka Faaris, wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalka ay tahay inay ka jawaabaan weerarradaas si waafaqsan go'aannada Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo Baarlamaanka Iiraan.
Mr Gharibabadi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Iyadoo la sii wado istaraatiijiyadda jawaabta adag ee ka dhanka ah gardarro kasta oo militari oo lagu soo qaado dalka, waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo xeer cad oo hore u qeexaya jawaabta adag ee dowladda haddii isku day lagu beegsado Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah ama mas’uuliyiinta militariga iyo dowladda.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordhayso, kadib weerarro isdaba joog ah oo labada dhinac ay isku qaadeen.
Duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay magaalooyiin ku yaalla Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Abadan waa mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee kaabayaasha saliidda ee dalka Iiraan.
Duqeymo cirka ah oo laga soo sheegay Khuzestan; Qaraxyo laga maqlay Ahvaz, Abadan, Behbahan, Dezful, Omidieh, Shadegan iyo Mahshahr
Mas’uuliyiinta deegaanka ee gobolka Khuzestan ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay aroornimadii Isniinta duqeymo ka fuliyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolkaas koonfurta Iiraan.
Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee dowladda Iiraan, ku-xigeenka madaxa amniga iyo fulinta sharciga ee gobolka Khuzestan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarrada isagoo yiri:
“Saacaddu markay ahayd 1:35 habeenimo maanta, laba goobood oo ku dhow magaalada Ahvaz ayaa lagu weeraray gantaallo uu soo riday cadowga Mareykanka. Sidoo kale, 1:40 habeenimo waxaa la beegsaday goobo ku yaalla magaalooyinka Behbahan iyo Dezful, halka 1:45 habeenimo afar goobood oo ku yaalla magaalooyinka Omidieh iyo Mahshahr ay noqdeen bartilmaameedyo weerarro cadow.”
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Khuzestan oo sheegay in ku dhowaad 2:00 habeenimo waqtiga maxalliga ah, qaybo ka mid ah magaalooyinka Abadan iyo Shadegan ay sidoo kale la kulmeen duqeymo cirka ah.
Si kastaba ha ahaatee, ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa beeniyay wararka sheegaya in qarax laga maqlay ama weerar lagu qaaday dekedda Khamir.
Saraakiisha Caafimaadka ee Gaza: Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil
Saraakiisha caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof, oo ay ku jirto gabar sagaal jir ah, lagu dilay weerarro dhowr ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadha sagaalka jirka ah lagu toogtay xero qaxooti oo ku taalla bartamaha Gaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inaysan wax war ah ka hayn dhacdadaas.
Afar qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xarun warshadeed oo ku taalla magaalada Gaza.
Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay weerareen xubno ka tirsan Xamaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen goob lagu soo saaro hub.
Weeraradan ayaa dhacay xilli xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas ay weli jirto, balse dadaallada lagu gaarayo heshiis waara oo lagu soo afjarayo dagaalka ay weli socdaan.
Dab ka kacay baar ku yaalla Bangkok ayaa dilay ugu yaraan 27 qof
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Dab ka kacay Thailand
Ra’iisul wasaaraha Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen dab xooggan oo ka kacay baar ku yaalla Bangkok.
Dab-damiyeyaasha ayaa goobta loo yeeray wax yar kaddib saqdii dhexe ee Axaddii. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in macaamiishu ay isku dayayeen inay ka baxsadaan albaabka hore, kaas oo dabku qabsaday, markii shaqaalaha gurmadku ay yimaadeen.
Muuqaallo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa muujinaya holac ka baxaya gudaha dhismaha iyo haweeney ku dhacaysa dhulka iyadoo ay jirto jahwareer ka dhex dhacay dadkii isku dayayay inay baxsadaan, kaddibna kacaysa si ay uga cararto goobta.
Ra’iisul Wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul ayaa wariyeyaasha kula hadlay goobta, wuxuuna sheegay in 27 qof ay dhinteen, halka dhowr kalena loo qaaday isbitaallo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababta dabka ay weli baaritaan ku socoto.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadlay mid ka mid ah fannaaniintii ka tumaysay goobta markii uu dabku kacay. Sida uu sheegay, fanaanku wuxuu u sheegay in dabku markii hore ka billowday korontada, kaddibna xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.
Baar-kan, oo Thailand looga yaqaan "Rong Bir Na Lat Phrao", wuxuu ku yaalla deegaanka Chatuchak ee Bangkok.
Sida uu sheegay wargeyska Daily News of Thailand, waa mid ka mid ah xarumaha madadaalada iyo maqaayadaha caanka ah ee ku yaalla aaggaas ee caasimadda.