You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo ka laabtay hanjabaaddii ahayd in 20% laga qaado maraakiibta maraysa Hormuz, xilli Mareykanku uu dib u bilaabay xayiraaddii uu ku soo rogay dekedaha Iran

Wuxuuna sheegay inuu go’aansaday in canshuurtii boqolkiiba 20 ahayd ee lagu soo rogay maraakiibta isticmaala marin-biyoodkaas lagu beddelo maalgashi ay sameynayaan dalalka Khaliijka Carabta.

Kooban

Tebin toos ah

  1. CENTCOM: Mareykanka ayaa dib u bilaabay xayiraadda dhanka badda ee Iiraan

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 4:00 galabnimo waqtiga Bariga Mareykanka maanta — oo ku beegan ku dhowaad saqdii dhexe waqtiga Tehran — ciidamada Mareykanku ay dib u bilaabeen xannibaadda badda ee maraakiibta u kala goosha dekedaha Iran iyo goobaha xeebaha dalkaas.

    CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 20 markab oo ciidamada badda Mareykanka ah iyo boqolaal diyaarado militari ah ay hadda ka hawlgalaan guud ahaan Bariga Dhexe.

    Bayaanka ayaa lagu yiri:“Ciidamada Mareykanka waxay weli ku jiraan feejignaan, waxayna leeyihiin diyaar-garow hawlgal iyo awood dagaal oo buuxda.”

    Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay bilowga wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu qaaday goobo ku yaalla Iran, iyaga oo ku tilmaamay “weerarro dheeraad ah” oo sii wadaya mowjadihii weerarrada ee dhacay subaxnimadii Talaadada.

  2. Mikel Oyarzabal waxaa uu Koobka adduunka ka dhaliyay goolal badan

    Mikel Oyarzabal ayaa noqday ciyaaryahankii saddexaad ee xulka Spain ee hal Koob Adduun ka dhaliya shan gool.

    Kahor isaga, waxaa sidaas sameeyay oo keliya David Villa sanadkii 2010 iyo Emilio Butragueño sanadkii 1986, iyadoo labadooduba ay sidoo kale dhaliyeen min shan gool.

  3. Waxaan sameynay wax kasta oo suurtagal ah; waa riyo rumowday

    Difaaca Spain iyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan kulanka, Pedro Porro, oo ka hadlaya ka dib guushii ay ka gaareen ciyaartii caawa ay la dheeleen Faransiiska.

    “Waa riyo ii rumowday. Runtii waxay ahayd riyadaydii ugu weyneyd. Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda. Bilow ilaa dhammaad waxaan ciyaarnay kulan weyn. Maanta waxaan sameynay wax kasta oo suurtagal ah si aan ugu gudubno.

    “Waxaan ogayn inaan wajahayno koox aad iyo aad u adag, waxaana si fiican u qabannay wax walba. Tani waa dadaal kooxeed, aniga keliya ma aha. Waxaan rabaa inaan hambalyeeyo qof walba oo sameeyay bandhig sidan u wanaagsan.”

    Isagoo ka hadlayay sida ay uga hor istaageen Faransiiska inuu ciyaaro qaabkiisa:

    “Dabcan waan ogayn in kubad haysashadu ay ahayd mid ka mid ah waxyaabaha naga caawin lahaa inaan u dhowaanno kama dambaysta. Weerar-celintooda degdegga ah waa awooddooda ugu weyn, joojinta taasna waxay ahayd arrin muhiim ah.”

    Isagoo ka hadlayay beddelkiisii:

    “Ma garanayo daqiiqaddii la iga saaray, laakiin waxaan dareemayay inaanan wax badan sii kordhin karin. Sida aan horay u sheegay, guushan waxaa gaaray dhammaanteen, 26-ka ciyaaryahanba. Hadda waan sii wadeynaa.

    “Waqtigan xaadirka ah aad ayaan u daalay, laakiin waan soo kaban doonnaa, ka dibna waxaan siin doonnaa wax walba ciyaarta kama dambaysta ah.”

  4. Abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan ciyaartii cawa waxaa helay Pedro Porro

    Pedro Porro waligiis gool uma uusan dhalin xulka Spain ka hor Koobkan Adduunka.

    Difaaca Tottenham ee 26 jirka ah ayaa hadda tartankan ka dhaliyay laba gool, iyadoo goolkiisii ugu dambeeyay uu dalkiisa u horseeday inuu gaaro kama dambaysta Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 2010.

  5. War deg deg ah, Abaalmarinta Ciyaaryahanka Kulankii caawa waxaa qaadanaya Pedro Porro

    Ciyaar tani waa mid ka mid ah bandhigyada kubadda cagta ee ugu quruxda badnaa, waxaana ciyaarta lagu kala awood batay qaab ciyaareedka xulka labada qaran waa Spain oo ciyaarta kubad deggan oo khadka dhexe ka socota iyo xulka Faransiiska oo sii watay qaab ciyaareedkiisii degdegga ahaa iyo weerarkoodii labada garab.

    Spain caawa ciyaartan waxay ku awood sheegatay dhumucda kooxdeeda iyo habka kubadaha sida degdegga ah ay dib ugu hanan karto, waxayna tani jahwareer ku furtay xulka Faransiiska oo isku aadinta kubadahiisii degdegga ahaa meesha ay ka baxeen.

    Spain waloow ciyaarta ay dhalisay labo gool haddana ma gelin difaac xoogan ee weerarka ayayba sii xoojisay waxayna u muuqdeen in ay ka faa'iidaysanayaan jahwareerka ku yimid Faransiiska.

    Ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka waxaa ku kulmi doona Spain iyo midkood England ama Argentina. Spain, oo ku guuleysatay Koobka Adduunka 2010 isla markaana ah kooxda heysata horyaalka Yurub ee hadda, ayaa xaqiijisatay booskeeda kulanka weyn ee kama dambaysta ah.

    Labada gool waxaa kala dhaliyay ciyaaryahannada Oyarzabal iyo Porro.

  6. War deg deg ah, Patrick Vieira oo ka hadlay ciyaarta

      • Author, Patrick Vieira
      • Role, Kabtankii hore ee xulka Faransiiska

    Waxaan filayay in qeybta labaad ay wax badan soo bandhigi doonaan [xulka Faransiiska]. Waxaana u maleynayaa in Spain ay aad uga wanaagsan tahay xulka Faransiiska.

    Waxay u muuqataa in kalsooni yari jirto. Ma garanayo inay aad uga baqeen kooxda Spain iyo in kale. Waxaan dareemayaa in ay ka maqan tahay shakhsiyad iyo dabeecad ay ciyaarta gacanta ugu dhigaan. Waan niyad jabay!

  7. Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeyay inuu Bariga Dhexe gelinayo “xaalad khatar ah”

    Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka xilli lagu guda jiray kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu Bariga Dhexe ku riixayo “xuduud khatar ah” sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro Iran.

    Intii lagu jiray kulanka Golaha Ammaanka oo looga hadlayay xaaladda Xuutiyiinta Yemen, wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Li, ayaa sheegay:“Dowladda Mareykanka waxay leedahay mas’uuliyad aan la dafiri karin oo ku aaddan xaaladda hadda ka jirta Yemen iyo Badda Cas.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Mareykanka ayaa caqabad ku ah dadaallada Golaha Ammaanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha, wuxuuna sabab u yahay sii socoshada dhibaatada Gaza iyo kororka xiisadaha.”

    Wakiilka Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay:

    “Mareykanku wuxuu qaaday weerarro militari oo ka dhan ah Iran isaga oo aan haysan oggolaansho Golaha Ammaanka, xilli ay socdeen wada-hadallo u dhexeeyay Washington iyo Tehran, taasoo mar kale xaaladda gobolka ku riixday meel aad u khatar badan.”

    Hadallada Sun Li ayaa yimid kadib markii safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz, uu dhowr daqiiqo ka hor ku eedeeyay Beijing inay jebisay xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay ee saaran Xuutiyiinta.

    “Dalal ay ka mid yihiin Iran, iyo ilaa xad shirkado iyo hay’ado ku yaalla Shiinaha, ayaa jebiyay go’aamada Golaha Ammaanka iyaga oo aan la kulmin cawaaqib culus,” ayuu yiri Waltz.

    Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in Mareykanku “dib u eegis ku sameeyo tallaabooyinkiisa isla markaana qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu baabi’inayo saameynta taban ee ka dhalatay dhaqamadiisa iyo hadalladiisa.”

    Warar dheeraad ah

  8. Mareykanka oo ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran.

    Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Mareykanka ay waaberigii hore ee maanta oo Talaado ah weerarro dheeraad ah ku qaadeen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran, si loo baabi’iyo waxa uu ku tilmaamay “halisyo soo ifbaxaya.”

    Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee wuxuu sheegay in tirada weerarrada cusub ay ahayd mid xaddidan.

    Ciidamada Mareykanka ayaa hore u shaaciyay in 13-kii Luulyo ay fuliyeen weerarro ballaaran oo lagu beegsaday nidaamyada difaaca xeebaha ee Iran, saldhigyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo awoodaha ciidamada badda ee dalkaasi.

    Sida lagu sheegay wararka, weerarradaas ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo kala duwan oo ku yaalla Iran, oo ay ku jiraan Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Musa iyo Bandar Cabbaas.

    Warar dheeraad ah

  9. Sawirada Maxamuud Axmadinejad oo ka qeybgalaya aaska Ali Khamenei oo la baahiyay

    Kadib markii la daabacay warbixino cusub oo ku saabsan xiriirka la sheegay inuu ka dhexeeyay Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, iyo Israa'iil, ayaa maanta la baahiyay sawir cusub oo muujinaya isaga oo ka qeybgalaya munaasabadda aaska Cali Khamenei ee ka dhacday Mosallaha magaalada Tehran.

    Mahmoud Ahmadinejad ayaan fagaarayaasha lagu arag tan iyo markii uu billowday dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa'iil iyo Iran. Markii ugu horreysay ayaa dhowr maalmood ka hor lagu arkay aaska Cali Khamenei, isagoo ay hareerihiisa ka muuqdeen shaqaale ilaalo u eg.

    Maanta, maalin kadib markii wargeysyada The New York Times iyo Haaretz ay daabaceen warar ku saabsan doorkii la sheegay inuu ku lahaa qorshe lagu doonayay in lagu beddelo dowladda Iran, ayaa sawirro iyo warbixino dheeraad ah oo ku saabsan Ahmadinejad la faafiyay.

    Warar dheeraad ah

  10. Xaaladda adag ee uu wajahay ra'iisul Wasaaraha Ciraaq intuuu ku sugnaa Washington

    Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zaydi, ayaa u safray magaalada Washington si uu ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, toddobaad kadib markii uu garoonka diyaaradaha ee Najaf ku soo dhoweeyay diyaaraddii siday naxashka Ayatollah Khamenei.

    Booqashadan oo ah safarkii ugu horreeyay ee dibadda ee Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq ayaa lagu sheegay inay diiradda saarayso ballaarinta xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya labada dal.

    Wararku waxay sheegayaan in ajandaha wada-hadallada albaabadu u xirnaayeen ay ka mid ahaayeen qorshaha ciidamada Mareykanka uga baxayaan Ciraaq ugu dambeyn 30-ka Sebtembar iyo waqtiga kama dambaysta ah ee dowladda Ciraaq u qabatay maleeshiyaadka inay hubka dhigaan isla taariikhdaas.

    Isagoo la hadlayay wariyeyaal Talaadadii, iyadoo Ra’iisul Wasaare Zaydi uu garab taagnaa, Madaxweyne Donald Trump ayaa Iran ku tilmaamay “xoog-sheegatada Bariga Dhexe,” isagoo sheegay in awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay si weyn u wiiqantay kadib weerarradii Mareykanka, isla markaana dowladda Ciraaq ay hadda haysato fursad ay si madax-bannaan ugu dhaqaaqdo.

    Trump ayaa sidoo kale xusay dilkii Qaasim Suleymaani, taliyihii hore ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran, kaas oo la dilay intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay ee madaxtinimada. Wuxuu ku tilmaamay Suleymaani “halyey waalan,” isagoo sheegay in xitaa mas’uuliyiinta dowladda Iran ay ka cabsan jireen.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “qof aad u xun” oo ka tirsanaa hoggaanka Ciraaq lagu dilay isla weerarkii lagu beegsaday Qaasim Suleymaani.

    Trump wuxuu ula jeeday Abu Mahdi al-Muhandis, oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay ee Ciidamada Xoogagga Gurmadka Shacabka (PMF).

    Intaas kadib, Trump ayaa u jeestay Ra’iisul Wasaare Zaydi isagoo weydiiyay: “Ma garanayo inaan wanaag kuu sameeyay iyo in kale?”

    Hadalladan ayaa yimid iyadoo aaskii Cali Khamenei ee toddobaadkii hore lagu qabtay magaalooyinka Najaf iyo Karbala, xaflad ay si buuxda u maamulayeen dowladda iyo ciidamada Ciraaq, taas oo falanqeeyayaal ay ku tilmaameen inay ahayd muujin awood oo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u dirtay Mareykanka gobolka Bariga Dhexe.

    Isagoo ka jawaabaya su’aasha Trump, Ra’iisul Wasaare Zaydi kama uusan falcelin hadalladaas, wuxuuna bixiyay jawaab kooban oo siyaasadaysan.

    “Waxaan halkan u imid inaan ka hadlo mustaqbalka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuusan xilligaas ku jirin siyaasadda.

  11. Weerar lagu qaaday dalka Baxreyn

    Saacad ka hor, ayaa seeriga digniinta duqeymaha cirka laga maqlay dalka Baxrayn.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday digniintan kadib markii Manama ay hore u sheegtay isla maalintaas inay ka hortagtay weerarro dhowr ah oo ay Iran soo qaaday.

    "Seeriga digniinta waa la shiday,muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxaa laga codsanayaa inay isdejiyaan isla markaana ay galaan goobta ugu dhow ee ammaan ah," ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ku sheegtay bayaan lagu daabacay baraha bulshada.

    Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa baahisay muuqaal iyadoo qortay: "Ilo wareedyo ayaa sheegay in gantaallo tiro badan loo adeegsaday weerarka lagu qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka ee Baxrayn."

    Horey ayay Iran u shaacisay inay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Kuwait, Baxrayn, iyo Urdun.

    Warar dheeraad ah

  12. War deg deg ah, Xiriirka u dhaxeeya cimriga gaaban iyo carruurta badan iyo dhalmada Soomaalida

    Waalidiintu waxa ay inta badan ku kaftamaan in carruurtu ay noloshooda ka jartay sannado intii ay la tacaalayeen daryeelkooda, marka carruurtu xanaaqaan, cunto diidaan ama hurdo diidaan, badanaa waxaa la isticmaalaa tusaalaha ''nolol badbaadiye''

    Laakiin daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in aysan tani ka fogayn runta.

    Falanqeeynta diiwaanada taariikhiga ah ayaa muujisay in nolosha qaar kamid ah hooyooyinka ay gaabin karto ilaa lix bilood carruur kasta oo ay dhalaan, iyada oo haweenka ku nool deegaanada ugu adag ay yihiin kuwa la kulma saamayntan.

  13. War deg deg ah, Weeraro cusub oo lagu qaaday Jasiirada Qeshm

    Barasaabka Hormozgan ayaa ku dhawaaqay weeraro cusub oo lagu qaaday jasiirada Qeshm.

    Wakaalada Taleefishinka iyo Raadiyaha Iiraan ayaa soo xigtay xafiiska barasaabka o oleh ‘’Markii ay ahayd 7:00 p.m., Jasiirada Qeshm waxaa ku dhacay gantaalo cadowga Maraykanka’’.

    Saraakiisha Iiraan ayaa horay ugu dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro Maraykanku uu ku qaaday Koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan Abadan, Mahshahr iyo Bushehr.

    Sida laga soo xigtay oo ay ku dhawaaqday CENTCOM, Iran waxa ay gashay go’doomin ciidamada badda Maraykanka mar kale muddo saacado ah.

  14. War deg deg ah, Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

    Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu go'aansaday inuu beddelo lacagta magdhowga ee 20% ee la xiriirta marin-biyoodka Hormuz, isagoo ku beddelaya heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijku la geli doonaan Maraykanka.

    “Waxaan go'aansaday inaan ku beddelo lacagta 20% ee Maraykanka heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka kala duwan ee Khaliijku ka samayn doonaan Maraykanka.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Maalgashatadu waxay noqon doonaan kuwo aad u ballaaran, isla markaana si aan caadi ahayn faa'iido ugu leh dalalkaas iyo mustaqbalkooda.”

  15. War deg deg ah, Trump: Hormuz waa u furan tahay dhammaan Maraakiibta marka laga reebo kuwa Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uu u furan yahay dhammaan maraakiibta, marka laga reebo kuwa Iiran.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu Trump ku yiri:

    “Marin-biyoodka Hormuz wuxuu u furan yahay DHAMMAAN maraakiibta, marka laga reebo kuwa Iran. Taasna waxaa sabab u ah hoggaankooda beenaalaha ah, rabshadaha wada, iyo falalka xunxun ee dalka u horseedaya burbur dhammaystiran.”

    Wuxuu intaas ku daray in la soo rogi doono “xannibaad buuxda”, balse ay khusayso oo keliya maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran, ama kuwa sida wax kasta oo la xiriira badeecadaha Iran.

  16. War deg deg ah, Saraakiisha caafimaadka Qaza oo sheegay todobo qof lagu dilay saldhiga booliska Jabalia

    Saraakiil caafimaad oo ku sugan Qaza ayaa sheegay ugu yaraan todobo qof lagu dilay duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay saldhig boolis oo ku yaala magaalada dhacda Waqooyiga ee Jabalia.

    Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Israa’iil ay afar gantaal ku dhufteen goobta kulanka booliska ee ku dhow suuq mashquul badan.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay mid kamid ah dadka la dilay uu ahaa madaxii saldhiga booliska xerada qaxootiga Jabalia.

    Haweeneey ayaa kamid ah dadka loogu dhawaaqay inay dhinteen. Ma jirin wax faalo ah oo kasoo baxay milatariga Israa’iil. (Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin, ciidamada IDF ayaa duqaymahajoogtada ee ay sheegto inay yihiin bartilmaameedyo ay leeyihiin Xamaas.

  17. War deg deg ah, Ingiriiska oo Maraykanka kala hadlay Canshuuraha Marinka Hormuz

    Xooghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sheegtay inay la hadashay dhiggeeda Maraykanka si ay uga wada hadlaan sida ay Boqortooyada uga soo horjeeddo in lacag maritaan ah lagu soo rogo marin-biyoodka Hormuz.

    Iyada oo la hadlaysay Guddiga Arrimaha Dibadda, Cooper waxay sheegtay in wadahadalladaasi ay dhaceen intii lagu jiray shirkii NATO ee toddobaadkii hore.

    Waxay tiri: “Waxaan ka wada hadalnay inaanan oggolaan karin in lacag marin lagu soo rogo marin-biyoodka Hormuz ama la sameeyo nidaam wax u dhimaya xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka iyo sharciga badaha.”

    Waxay intaas ku dartay inay hadda jirto “koror ku yimid hadallada kicinaya colaadda iyo cadaadis sii kordhaya oo la isa saaray.”

    Cooper waxay sidoo kale Iran ku eedaysay inay “cadaadis ku kordhinayso dhammaan dhinacyada” iyada oo weerarro ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee maraya marinka maraakiibta ee koonfurta biyaha Cumaan, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi “si buuxda u baalmarayso sharciga badaha.”

  18. Maxay yihiin waxyaabaha Iiraan ay kusoo kordhisay caalamka

    ''Boqortooyadii Persia 'Faaris' waa halka ay kasoo ka yimaadeen fikrado badan oo haatan aynu ku haysano caalamka Galbeedka,'' ayuu yiri Professor Jose Cutillas, kaasi oo daraaseeyay waxna ku bartay Iiraan.

    ''Fikir ahaanteena, waxaynu rumaysanahay in wax walba oo Yurub ku saabsan uu kasoo bilowdo dhulalkii Greek-ga, taasina waa isha fikrad kasta,'' ayuu yiri Professor luuqada Faarisiga 'Persia' iyo bare dhaqanka Iiraan ee jaamacada Alicante.

    Si kastaba ha ahaatee, xilligii jaahiliyadda ee Faaris (Persia), waxaa la ikhtiraacay fikrado kala duwan.

  19. War deg deg ah, Duulimaadyada diyaaradaha Yurub oo looga digay hawada dalalka gacanka

    Hay’adda badbaadada midowga duulimaadyada Yurub ayaa uga digaysa diyaaradaha inay ka howlgalaan hawada dalalka Baxrayn, Kuwait, Qadar iyo Imaaraatka iyo dusha biyaha gacanka Cumaan.

    Waxa ay sheegeen horumarada milatari ee aan la saadaalin karin oo ay ku jiraan adeegsiga gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,

    Duulimaadyada diyaaradaha Yurub ayaa looga digay inay dul maraan hawada dalalka gacanka iyo shaqada nidaamyada difaacyada hawada ee dagaalka ee ka jirta gobolka ay dhalisay ‘’khatar sare’’ oo ay ku hayaan duulimaadyada.

    La talintii u dambaysay ayaa sii shaqayn doonta ilaa 29-ka Luulyo, sida ay sheegayso EASA, iyada oo intaa ku dartay inay si dhow ula socon doonto xaalada.

  20. War deg deg ah, Tobanaan qof oo loo xiray dab ka kacay kayn ku taala Koonfurta magaalada Paris

    Dab xooggan oo ka kacay kayn ku taalla koonfurta magaalada Paris ayaa ku fiday dhul ku dhow 20 kiiloomitir oo laba jibbaaran, iyadoo dab-demisyadu rajeynayaan inay maanta xakameeyaan.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa sheegay in laba qof loo xiray tuhun la xiriira inay dabka si ula kac ah u huriyeen.

    Mid kamid ah waa wiil 18 jir ah oo la sheegay in la qabtay isagoo sita dabshid, gacmihiisana ay ka buuxday dambas madow.

    Guud ahaan dalka Faransiiska, 59 qof ayaa loo xiray eedo la xiriira dab-qabadsiin ula kac ah ama mid ka dhashay dayacaad.

    Markii ugu horreysay gobolka Paris, waxaa la adeegsaday diyaarado qumaatiga u kaca oo si gaar ah loogu qalabeeyay daminta dabka, kuwaas oo biyaha ku daadiya goobaha uu dabku ka socdo.