You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump ayaa dib u soo celiyay xayiraaddii saarnayd dekedaha Iran, wuxuuna cashuur dhan 20% saaray badeecadaha mara marinka Hormuz

Wakaalado warar oo ku dhow ilo militari oo Iiraan ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaannada ku dhow Sirik, Bandar Abbas iyo Jask.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dad badan oo dalka Ingiriiska ugu dhintay kuleyl dartii

    Daraasad ayaa sheegtay in in ka badan laba kun iyo toddoba boqol oo qof ay u dhinteen sababo la xiriira kulaylka intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ka dhacay Ingiriiska iyo Wales bilihii May iyo Juun.

    Cilmi-baarayaal ka kala socday Imperial College London, Xafiiska Saadaasha Hawada ee UK iyo London School of Hygiene and Tropical Medicine ayaa sheegay in heerkulka sare ee ka dhashay isbeddelka cimilada ee uu bani’aadamku sababay uu door weyn ka qaatay tirada dhimashadaas.

    Inta badan dhimashadaas, oo gaaraysa laba kun iyo laba boqol, waxay dhacday intii lagu jiray hirarkii labaad ee kulaylka daran ee bishii Juun, markaas oo heerkulkii ugu sarreeyay uu gaaray 37.7°C.

    Daraasadda ayaa qiyaastay in isbeddelka cimiladu uu ku daray 3 ilaa 4 darajo cabbirka heerkulka ugu sarreeya.

    Dhanka kale, Faransiiska ayaa dhawaan soo sheegay ugu yaraan laba kun iyo shan iyo labaatan dhimasho oo dheeraad ah intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ku fiday guud ahaan Yurub bishii Juun.

  2. War deg deg ah, Qiimaha saliidda caalamka oo kor u kacday

    Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay in ka badan 4% maanta ii Isniin ah, kaddib markii Mareykanku qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana Tehran ay billowday weerarro aargoosi ah.

    Saliidda nooca Brent Crude ayaa kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $79.11 halkii foosto, sida ay sheegtay Reuters.

    Sidoo kale, saliidda nooca U.S. West Texas Intermediate, ayaa iyana kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $74.36 halkii foosto.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo beegsatay dhowr xaruumood oo Mareykanku leeyahay

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha dayactirka ee Ciidanka Cirka Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn.

    War-saxaafadeedkiisa, IRGC wuxuu ku sheegay in wajigii labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Mareykanka, ay subaxnimadii maanta bartilmaameedsadeen "xarumaha dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangarka diyaaradda dagaalka elektaroonigga ah ee P-8, iyo xarunta taliska iyo maamulka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    War kale oo dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu qaaday haamaha shidaalka ee saldhigga cirka ee Amiir Xasan ee Urdun, IRGC waxay sheegtay inay sidoo kale bartilmaameedsadeen "haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot" ee saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuweyt, iyo sidoo kale "nidaamka raadaarka istaraatiijiga ah ee FPS" ee saldhigga Axmed Al-Jaabir .

    Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriirta gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa sii kordhaysay.

  4. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykan ah

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Baxrayn, Kuwait iyo Urdun, iyagoo sheegay inay burburiyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalalkaas.

    Bayaan ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta ayaa lagu sheegay in:“Dhowr kayd oo waaweyn oo gantaallo ah iyo haamo shidaal oo ku yaalla Saldhigga Cirka ee Prince Hassan ee Urdun ayaa dab qabsaday kadib markii lagu dhuftay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.”

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo ka jawaabaysa weerarradii Mareykanka ee Axaddii iyo subaxnimadii Isniinta, “wajigii labaad ee howlgalkeeda aargoosiga” ay beegsatay xarumo muhiim ah oo lagu dayactiro laguna farsameeyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangar ay ku jirtay diyaarad dagaal elektaroonig ah oo nooca P-8 ah, iyo xarun lagu hago laguna maamulo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Mareykanka ee ku taalla Baxrayn.

    Dhanka kale, wakaalado warar oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka ayaa soo sheegay qaraxyo ka dhacay Kuwait.

    Bayaan saddexaad oo ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta waqtiga Tehraan ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay kuwo la xiriira weerarro lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.

    IRGC waxay bayaankeeda saddexaad ku sheegtay:“Waxaan beegsanay haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca cirka ee Patriot ee saldhigga Mareykanka ee Ali Al Salem ee Kuwait, iyo sidoo kale nidaamka raadaarka istiraatiijiga ah ee FPS ee saldhigga Ahmad Al-Jaber si buuxda u burburisay” bartilmaameedyadaas.,”

    Wakaaladaha wararka gudaha Iiraan sida Tasnim iyo Fars ayaa sidoo kale baahiyay sawirro ay ku sheegeen inay muujinayaan weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Baxrayn, hase yeeshee sawirradaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

  5. CENTCOM waxay ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay duqeymihii ay ka wadeen Iiraan

    Qiyaastii shan saacadood kadib markii ay ku dhawaaqday bilowga wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay howlgalka weerarrada oo la fuliyay aroornimadii Isniinta, 12-ka Luulyo.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka CENTCOM, weerarradan ayaa lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla goobo kala duwan, iyadoo la adeegsaday hub si sax ah u hago bartilmaameedka, si loo yareeyo awoodda Iiraan ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz.

    CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan, xarumaha raadaarka ee xeebaha, awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyo sidoo kale doomaha yaryar ee militariga.

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, maraakiibta ciidamada badda, diyaaradaha ismiidaaminta ah ee aan duuliyaha lahayn, iyo markii ugu horreysay doomaha ismiidaaminta ah ee aan cidina wadin.

    CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay:“Marinka Hormuz waa marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, mana aha marin ay Iiraan maamusho.”

    Taliska ayaa xusay in ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ilaalinta xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinkaas, inkastoo, sida ay hadalka u dhigeen, ay jiraan “falal gardarro ah, handadaado, dhibaateyn iyo bayaanno aan sharci ku dhisnayn” oo ay ku eedeysay Iiraan.

  6. Iran oo ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto weeraradii xalay ee Mareykanka

    Iyadoo laga jawaabayo weerarradii cusubaa ee Mareykanka ee dhacay Axaddii iyo wareeg kale oo weerarro ah oo dhacay aroornimadii Isniinta waqtiga Gacanka Faaris, wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalka ay tahay inay ka jawaabaan weerarradaas si waafaqsan go'aannada Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo Baarlamaanka Iiraan.

    Mr Gharibabadi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Iyadoo la sii wado istaraatiijiyadda jawaabta adag ee ka dhanka ah gardarro kasta oo militari oo lagu soo qaado dalka, waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo xeer cad oo hore u qeexaya jawaabta adag ee dowladda haddii isku day lagu beegsado Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah ama mas’uuliyiinta militariga iyo dowladda.

    Hadalkan ayaa yimid iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordhayso, kadib weerarro isdaba joog ah oo labada dhinac ay isku qaadeen.

  7. Duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay magaalooyiin ku yaalla Iran

    Duqeymo cirka ah oo laga soo sheegay Khuzestan; Qaraxyo laga maqlay Ahvaz, Abadan, Behbahan, Dezful, Omidieh, Shadegan iyo Mahshahr

    Mas’uuliyiinta deegaanka ee gobolka Khuzestan ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay aroornimadii Isniinta duqeymo ka fuliyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolkaas koonfurta Iiraan.

    Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka ee dowladda Iiraan, ku-xigeenka madaxa amniga iyo fulinta sharciga ee gobolka Khuzestan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarrada isagoo yiri:

    “Saacaddu markay ahayd 1:35 habeenimo maanta, laba goobood oo ku dhow magaalada Ahvaz ayaa lagu weeraray gantaallo uu soo riday cadowga Mareykanka. Sidoo kale, 1:40 habeenimo waxaa la beegsaday goobo ku yaalla magaalooyinka Behbahan iyo Dezful, halka 1:45 habeenimo afar goobood oo ku yaalla magaalooyinka Omidieh iyo Mahshahr ay noqdeen bartilmaameedyo weerarro cadow.”

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Khuzestan oo sheegay in ku dhowaad 2:00 habeenimo waqtiga maxalliga ah, qaybo ka mid ah magaalooyinka Abadan iyo Shadegan ay sidoo kale la kulmeen duqeymo cirka ah.

    Si kastaba ha ahaatee, ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa beeniyay wararka sheegaya in qarax laga maqlay ama weerar lagu qaaday dekedda Khamir.

  8. Saraakiisha Caafimaadka ee Gaza: Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil

    Saraakiisha caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof, oo ay ku jirto gabar sagaal jir ah, lagu dilay weerarro dhowr ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza.

    Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadha sagaalka jirka ah lagu toogtay xero qaxooti oo ku taalla bartamaha Gaza.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inaysan wax war ah ka hayn dhacdadaas.

    Afar qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xarun warshadeed oo ku taalla magaalada Gaza.

    Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay weerareen xubno ka tirsan Xamaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen goob lagu soo saaro hub.

    Weeraradan ayaa dhacay xilli xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas ay weli jirto, balse dadaallada lagu gaarayo heshiis waara oo lagu soo afjarayo dagaalka ay weli socdaan.

  9. Dab ka kacay baar ku yaalla Bangkok ayaa dilay ugu yaraan 27 qof

    Ra’iisul wasaaraha Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen dab xooggan oo ka kacay baar ku yaalla Bangkok.

    Dab-damiyeyaasha ayaa goobta loo yeeray wax yar kaddib saqdii dhexe ee Axaddii. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in macaamiishu ay isku dayayeen inay ka baxsadaan albaabka hore, kaas oo dabku qabsaday, markii shaqaalaha gurmadku ay yimaadeen.

    Muuqaallo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa muujinaya holac ka baxaya gudaha dhismaha iyo haweeney ku dhacaysa dhulka iyadoo ay jirto jahwareer ka dhex dhacay dadkii isku dayayay inay baxsadaan, kaddibna kacaysa si ay uga cararto goobta.

    Ra’iisul Wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul ayaa wariyeyaasha kula hadlay goobta, wuxuuna sheegay in 27 qof ay dhinteen, halka dhowr kalena loo qaaday isbitaallo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababta dabka ay weli baaritaan ku socoto.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadlay mid ka mid ah fannaaniintii ka tumaysay goobta markii uu dabku kacay. Sida uu sheegay, fanaanku wuxuu u sheegay in dabku markii hore ka billowday korontada, kaddibna xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.

    Baar-kan, oo Thailand looga yaqaan "Rong Bir Na Lat Phrao", wuxuu ku yaalla deegaanka Chatuchak ee Bangkok.

    Sida uu sheegay wargeyska Daily News of Thailand, waa mid ka mid ah xarumaha madadaalada iyo maqaayadaha caanka ah ee ku yaalla aaggaas ee caasimadda.

  10. Iran oo u digtay dalalka dariska la ah

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa bayaan cusub kaga falcelisay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka, waxayna uga digtay dalalka ku yaalla Gacanka Faaris in haddii ay la shaqeeyaan waxa ay ku tilmaantay "duullaanka militari ee ka dhanka ah Iiraan," ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah oo ay beegsan karaan ciidamada qalabka sida ee Iiraan.

    Bayaanka ayaa waxaa daabacay wakaaladaha wararka ee rasmiga ah ee Iiraan subaxnimadii Isniinta, 12-ka Luulyo,

    "Iyadoo ay 25 maalmood oo keliya ka soo wareegtay saxiixii heshiiska lagu soo afjarayay dagaalka, nidaamka Maraykanku wuxuu si cad ugu tuntay ku dhowaad dhammaan qodobbadii heshiiskaas, wuxuuna galay dambiyo dagaal oo aad u culus isagoo weeraray kaabayaasha gaadiidka ee Iiraan, doomaha kalluumeysiga, maraakiibta xamuulka, xarumaha saadaasha hawada iyo dhismayaal kale."ayaa lagu yiri bayaanka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay i dalalka dariska ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan duulaan laga soo qaado dhulkooda

    "Dalalka deriska ah waxaa waajib ku ah sharciga caalamiga ah inay ka hortagaan in dhulkooda ama xarumahooda loo adeegsado duullaan militari oo ka dhan ah Iiraan. Goob kasta oo laga soo abaabulo ama laga fuliyo weerarro ka dhan ah Iiraan waxay noqon doontaa bartilmaameed sharci ah oo ay beegsan doonaan weerarrada difaaca ee ciidamada geesiyaasha ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan."

    Dhanka kale, hay’adda cusub ee loo xilsaaray maamulka isu-socodka Marinka Hormuz ayaa sheegtay in weerarrada militari iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada Maraykanka ee biyaha Gacanka Faaris ay yihiin sababta loo hakiyay isu-socodka maraakiibta, waxayna ku dhawaaqday in Marinka Hormuz uu xirnaan doono ilaa amar dambe.