Iiraan oo ka dalbatay Qaramada Midoobey inay tallaabo qaaddo si looga hortago hanjabaadaha milatari ee Donald Trump.
Trump ayaa ku celceliyay hanjabaado ku saabsan in Iiraan ay la kulmi doonto wax xun haddii aaney heshiis la gaarin Mareykanka kaas oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka
Amiirkii hore ee UK Andrew Mountbatten-Windsor oo la xiray
Xigashada Sawirka, Bav Media
Andrew Mountbatten-Windsor ayaa la xiray iyadoo looga shakisan yahay ku kacista fal la xiriira ku takri-fal awoodeed xafiis dowladeed, sida ay BBC u fahantay.
Tani waa markii ugu horreysay ee amiirkii hore, oo wajahayo eedeymo badan oo ku saabsan xiriirkiisa dembiilihii galmada lagu xukumay Jeffrey Epstein
Andrew si joogto ah oo adkaysi leh ayuu u beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
BBC-du waxay fahamsan tahay in la xiray isagoo looga shakisan yahay ku takri-fal awoodeed oo lagu sameyay xil dowladeed.
Ma hayno faahfaahin gaar ah oo ku saabsan xiritaankan, balse marka aan helno warar dheeraad ah waan idiin soo gudbin doonaa.
Shirkii madaxda dowladda iyo mucaaradka oo madaxtooyada ka furmay
Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa gordhowed ka furmay shirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysanyihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo qaar ka mid ah siyaasiinta Mucaaradka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mucaaradku ajiibeen gogashii ay dowladdu fidisay, iyadoo markii hore wararku sheegayeen in culeys uu ka jiray halka shirka lagu qabanayo.
Kulanka maanta waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka SID doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
Madaxweynihii
hore ee Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in
kadib isku daygiisii fashilmay ee uu ku doonayay inuu ku soo rogo xukun
milatari bishii Diseembar 2024. Ninkan 65 jirka ah ayaa lagu helay dambiga
abaabulka kacdoon.
Siyaasigan
garabka midig ah ku dhawaaqistiisii xukunka milatariga ayaa lagu buriyay
saacado gudahood kadib mudaaharaadyo waaweyn. Markii dambe waa la xil ka qaaday
oo shaqada laga eryay, balse wuxuu isku xannibay hoygiisa muddo toddobaadyo ah
ka hor inta aan la xirin.
Wasiirkii
hore ee gaashaandhigga waxaa lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, halka afar nin
oo kale la siiyay xukuno ka fudud, mid kalena lagu waayay dambiga.
Muxuu yahay warka argagaxa leh ee ay Qaramada Midoobay ka soo saartay meel ay Soomaalidu u tahriibto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Warbixin cusub oo ay soo saareen Qaramada Midoobey ayaa muujisay in muhaajiriin ka kala yimid dalal badan, oo ay ku jirto Itoobiya, kuwaas oo sii mara Liibiya iyagoo u socda Yurub, lagula kaco kufsi qasab ah, ka ganacsi galmo oo qasab ah, shaqo adag oo khasab ah iyo jirdil.
Warbixintu waxay sheegtay in “xadgudubyada naxariis darrada ah ee nidaamsan ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha” ee loo geysanayo muhaajiriinta ay ka dambeeyaan shabakado ka ganacsada dadka si sharci darro ah wax u tahriibiya, kuwaas oo inta badan lala xiriirinayo mas’uuliyiin Liibiyaan ah.
Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee udooda xuquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah u soo saaray warbixinta 18-kii Janaayo 2026-ka, taas oo faahfaahin ka bixisay dhibaatada ay muwaadiniinta Itoobiya ku wajahayaan Liibiya.
Warbixintu waxay muujisay xaaladda labadii sano ee la soo dhaafay ay tahriibayaashu ku wajahayeen dalkaas, waxaana la waraystay 100 muhaajiriin ah oo ka kala yimid Suudaan, Eritrea, Koonfurta Suudaan iyo dalal kale oo ay ku jirto Itoobiya.
Sida lagu sheegay warbixinta, muhaajiriinta, magangelyo-doonka iyo qaxootiga yimaada Liibiya waxaa badanaa lagu weeraraa qoryo, si khasab ahna waa loo xiraa, loo afduubaa, loogana soocaa qoysaskooda. Kadibna waxaa loo taxaabaa xabsiyo sharci ah iyo kuwo aan sharci ahayn.
Warbixintu waxay sheegtay inay bixiyaan lacago aad u badan si ay uga baxsadaan jirdilka iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee halkaas ka jira.
Waxay sidoo kale tilmaantay warbixintu in dadka wax tahriibiya ay muhaajiriinta ku khasbaan ka ganacsi galmo, shaqo khasab ah iyo addoonsi si ay dhaqaale uga sameeyaan.
Intii warbixinta la diyaarinayay, waxaa la wareystay 45 haween iyo gabdho da’doodu u dhaxaysay 17 ilaa 43 sano, oo ay ku jiraan Itoobiyaan.
Warbixintu waxay sheegtay in dhammaan haweenkaasi ay sheegeen inay la kulmeen “xadgudub galmo, oo ay ku jiraan kufsi, isku day kufsi iyo faraxumayn” goobahooda shaqo iyo xarumaha tahriibinta.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in gabadh Itoobiyaan ah oo 19 jir ah ay sanadkii hore u geeriyootay kadib markii loo diiday daryeel caafimaad, iyadoo la kulantay “xadgudubyo argagax leh oo ay ku jiraan garaacid, gaajo iyo kufsi.”
Warbixinta Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya inay si degdeg ah u sii daayaan dhammaan dadka si sharci darro ah loogu xiray xabsiyaasha sharciga iyo kuwa aan sharci ahayn, waxayna ugu baaqday ciidamada amniga Liibiya inay joojiyaan “afduubka khatarta ah” ee lagu hayo dadka isku dayaya inay ka gudbaan Liibiya una gudbaan Yurub.
Waxaa si weyn loo dareemayaa in kalsoonidii lagu qabay hay'adaha bangiyadadu ay wiiqantay.
Kiiskan ayaa dhaliyay su'aalo adag oo badan, qaar ka mid ahna waxaa si cad u soo bandhigay wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka galbeedka North Rhine-Westphalia, Herbert Reul.
Sidee ayay suuragal u noqotay in cidina aysan ogaan waxa socday? Ma waxa uu ahaa fal ay ku lug lahaayeen dad gudaha ka tirsan?
Senetar Mareykan ah oo ka hadlay caafimaadka madaxweynaha Imaaraadka ee la hadal hayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha
Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Arbacadii kula
kulmay magaalada Abu Dhabi, Senator Lindsey Graham, oo ka tirsan Mareykanka,
sida uu senator-ku ku sheegay qoraal uu ku daabacay boggiisaX, isaga oo sidoo
kale cambaareeyay wax uu ku tilmaamay “warar been abuur ah” oo laysla dhex marayo
oo ku saabsan Imaaraadka iyo hoggaamiyahooda.
Horraantii
toddobaadkan, baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayay xaaladda caafimaad
ee Sheekh Maxamed.
Hadal heynta
ayaa sii xoogeysatay markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu dib u
dhigay safar uu ku tagi lahaa Imaaraadka, sababo lagu sheegay dhibaato
caafimaad oo soo wajahday hogaamiyaha Imaaraatka, inkastoo Madaxtooyada Turkiga
ay saacado ka dib tirtirtay qoraalkaas oo la soo dhigay barta X.
Senetor Graham,
ayaa sheegay inuu kulan saacad iyo bar socday la yeeshay madaxweynaha
Imaaraadka, isagoo dhanka kalena “been” ku tilmaamay warka la sheegayo ee la
xirriira caafimaadka madaxweynaha.
Kulanka
Arbacada ayaa ka dhacay Qasr Al Shati, sida ay ku warantay wakaaladda wararka
ee Imaaraadka, WAM, iyadoo daabacday sawirro iyo muuqaal muujinaya Sheekh Maxamed
iyo saraakiil sare oo Emirati ah oo kulan la leh senator-ka Mareykanka.
Nin toogasho lagu xukumay kadib fal halis ah oo uu ku sameeyay saaxiibtiis
Xigashada Sawirka, Www.foto-webcam.eu
Qoraalka sawirka, .
In ka badan hal sano kadib markii haweeney 33 jir ah ku dhimatay qabow daran oo ka jiray buurta ugu dheer Austria, ninka ay saaxiibbada ahaayeen ayaa maxkamad la soo taagayaa Khamiista, isagoo lagu eedeeyay dil khatar ah oo dayacaad ka yimid. Kerstin G ayaa u dhimatay hypothermia intii ay ku jireen safar buur fuulid ah oo ku wajahnaa buurta Grossglockner, kaas oo ahaa qorshe si xun u qaldamay.
Ninkeeda waxaa lagu eedeeyay inuu ka tagay iyadoo daallan oo aan haysan wax ilaalin ah meel u dhow buurta dusheeda, xilli ay roobab iyo dabaylo xoog leh jireen habeennimadii 19 kii Janaayo 2025, isaga oo sheegay in uu baadidoon ugu baxay si uu caawimaad ugu raadiyo.
Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka Austria iyo bulshooyinka buur fanashada jecel ee dalal badan, maadaama uu taabanayo mas'uuliyadda qofka khibradda leh marka uu safar la galo qof ka tabar yar.
Dacwad oogayaashu waxay leeyihiin ninka la eedeynayo ayaa ahaa kii khibrad badnaa, sidaas darteedna wuxuu ahaa "hogaamiyihii mas'uulka ka ahaa safarka", balse wuxuu ku guuldarreystay inuu dib u laabto ama caawimaad waco waqtigii ku habboonaa si uu gabadha u badbaadiyo.
Warbaahinta Austria waxay ninka ku magacaabeen Thomas P. Isagu dembiga lagu eedeeyey wuu diidan yahay, waxaana qareenkiisa Kurt Jelinek uu sheegay in geerida haweeneydu ahayd "shil murugo leh".
Milatariga Mareykanka oo sheegay maalinta ay diyaar u yihiin inay weeraraan Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne
Donald Trump ku war geliyay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin weerar
suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan Sabtida, laakiin ma jiro go'aan kama dambays
ah oo uu Trump ka gaaray weerarka.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay CBS Newsee Mareykanka, oo bah
wadaag la ah BBC-da, in waqtiga kama dambaysta ah ee tallaabada suurtagalka ah
aan la go'aamin oo ay xitaa dhaafi karto Sabtida.
Saraakiisha
ayaa sidoo kale u sheegay CBS, in Madaxweyne Trump uusan weli gaarin go'aan
kama dambays ah oo uu ku weerarayo Iiraan, halka Aqalka Cad uu si joogto ah
ugala tashanayo arrinta, halkaas oo la tixgelinayo khataraha la xiriira
tallaabadan, jawaabaha suurtagalka ah, iyo cawaaqib xumada siyaasadeed iyo
militari ee ka dhalan karta weerarka.
Waaxda
difaaca ee Mareykanka (Pentagon) ayaa si ku meel gaar ah u rari doonta qaar ka
mid ah shaqaalaha ka jooga Bariga Dhexe una wareejin doonta Yurub ama
Mareykanka saddexda maalmood ee soo socota si looga fogaado aargoosiga Iiraan
haddii tallaabo la qaado.
Tallaabadan
ayaa qayb ka ah diyaargarowga caadiga ah mana aha macnaheedu in weerar uu soo
socdo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Afhayeen u
hadlay Pentagon-ka ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan.
Si kastaba
ha ahaatee, xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Caroline Levitt, ayaa tiri,
"Waxaa jira cudurdaarro badan oo lagu weerarayo Iiraan, laakiin mudnaanta
koowaad ee madaxweynuhu had iyo jeer waa diblomaasiyadda”
Waxay
diidday inay sheegto in hawlgalkan lagu fulin doono iskaashi lala yeesho
Israa'iil iyo in kale
Levitt waxay
intaas ku dartay in "bishii Juun, Mareykanka uu qaaday howlgal guuleystay
oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha nukliyeerka ee Iiraan." Waxay tiri:
"waxaa ka wanaagsanaan lahayd in Iiraan ay heshiis gaarto oo ay la
shaqeyso Madaxweyne Trump iyo maamulkiisa.
Sida laga
soo xigtay ilo wareedyo, Iiraan ayaa si qooto dheer looga hadlay Aqalka Cad
Arbacadii.
Sahwa Mukhtaar: Gabar ay si xun u gaeen rag ay caweys u raacday
Xigashada Sawirka, Metropolitan Police
Qoraalka sawirka, .
Haweeney dhagool ah ayaa lagu dilay "weerar ba'an" kadib markii ay caweys u raacday dad aysan aqoon, sida ay maxkamaddu sheegtay.
Zahwa Mukhtar, oo 27 jir ahayd, ayaa waxaa gaariga ka tuuray oo weeraray Duane Owusu Romford, mar ay marayeen bariga London, saacadihii hore ee 16kii August sanadkii hore, ayay tiri maxkamadda Old Bailey.
Mar ay fureysay dhegeysiga, ayay dacwad-ooge Henrietta Paget KC waxay sheegtay in kiiskan uu ku lug leeyahay "dil arxan darro ah oo loo geystay haweeney da' yar oo nugul".
Owusu, oo lagu naaneyso Nasty, kana soo jeeda Dagenham, ayaa dafiray inuu dilka geystay iyo xukunka.
Ingiriiska oo soo saaraya baaq la xirriira isla xisaabtanka falalka xadgudubyada ah ee Suudaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ingiriiska ayaa Khamiista maanta ah soo saari doona baaq la xirriira isla xisaabtanka falalka xadgudubyada ah ee ka dhacaya dalka Suudaan
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee lagu beegsanayo goobaha ay dadku ku nool yihiin, taasoo ay adeegsadeen labada dhinac ee dagaalka sokeeye ee Sudan.
Tani waxay timid kadib weerar Arbacadii horeka dhacay magaalada El Sunut ee gobolka Kordofan, halkaas oo dad rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay.
Isuduwaha arrimaha bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarradii u dambeeyay ee drones-ka ay beegsadeen kaabayaal rayid, taasoo sababtay khasaare naf iyo maalba leh isla markaana sii xumeysay xaaladda bani’aadamnimo.
Toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, suuq, dugsi hoose iyo xarun kaydinta shidaalka ah ayaa lagu weeraray gobollada Kordofan iyo Darfur.
Ramadan wanaagsan akhyaarta, ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta. Halkan ayaad kala socon doontaan wararkii ugu dambeeyay