Iiraan oo ka dalbatay Qaramada Midoobey inay tallaabo qaaddo si looga hortago hanjabaadaha milatari ee Donald Trump.

Trump ayaa ku celceliyay hanjabaado ku saabsan in Iiraan ay la kulmi doonto wax xun haddii aaney heshiis la gaarin Mareykanka kaas oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dunida Muslimka' waxay ka bilaabataa galbeedka Afrika ilaa koonfur bari Aasiya. In kasta oo aanay isku mid ahayn, haddana waxa la isu keenay oo ay ku wada jiraan Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 waddan.

    Dagaalada ka socda meelo badan oo dunida ah, sida colaada gaamurtay ee Falastiin iyo Israel, ayaa ku qasbay ciidamada dalalka Muslimka in ay si degdeg ah ula qabsadaan oo ciidamadooda u tababaraan dagaalka caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, xaaladaha qaarkoodna ay dib u bartaan farshaxanka iyo xeelada dagaalka caadiga ah.

    Sacuudiga ayaa ah dalka lacagta ugu badan ku bixiya militariga iyo hubkooda marka la barbardhigo dhammaan dalalka kale ee Muslimka ah.

    Sanadkan oo keliya sagaal iyo lixdan bilyan oo doolar ayuu Sacuudiga oo ah dalka shanaad ee lacagta ugu badan ku bixiya ciidamada – kadib Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Hindiya – ku bixiyay dhanka ciidamada iyo militariga.

    Miisaaniyadda difaaca ayaa kaliya sheegta qayb ka mid ah xaqiiqooyinka ka jira dalalka. Xarunta Global Firepower (GFP), oo loo isticmaalo qiimaynta awoodda ciidamada dalalka waxay eegtaa dhawr arrimood, oo ay ku jiraan tayada hubka, baaxadda gantaalaha, tababarka, xulafada, xoogga shaqaalaha, iyo xoogga warshadaha difaaca deegaanka.

    Haddaba, waa kuwan shanta dal ee ugu xoogga badan dunida Muslimiinta.

  2. Baarlamaanka Venezuela oo meel mariyay sharci taariikhi ah

    Baarlamaanka dalka Venezuela, ayaa meel mariyey sharci cafis oo taariikhi ah, kaas oo la filayo inuu sababo sii-deyn ballaaran oo maxaabiis siyaasadeed ah.

    Hadda sharciya ayaa horyaalla madaxweynaha ku-meelgaarka ah, Delcy Rodríguez, oo riixday sharciyadan iyadoo cadaadis kala kulmeysay Washington.

    Waxaa lagu qiyaasaa inay jiraan lix boqol oo maxaabiis siyaasadeed ah oo ku xiran Venezuela, balse wali waxaa taagan su’aalo ku saabsan cidda loo tixgelin doono sii-deyn.

    Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in maxaabiista lagu helay dambiyada sida hurinta kacdoon, musuqmaasuq, ama daabacaadda farriimo ka dhan ah dowladda oo lagu baahiyo baraha bulshada ay ka mid yihiin kuwa si cad looga reebay cafis

  3. Sheekada Yasmin Cabdi, gabadha ku takhasustay amniga internet-ka iyo tignoolajiyadda

    .

    Xigashada Sawirka, YASMIN

    Qoraalka sawirka, .

    Yasmin waxay waalidkeed 30 sanno kahor kasoo qaxeen Soomaaliya, si lamid ah, boqollaalkii kun ee soomaaliyeed ee ka carartay burburkii dowladnimada Soomaaliya, waxay nasiib u yeesheen inay caga dhigtaan Mareykanka, kadib sannado ay iskaga kala gooshayeen xeryo qaxooti oo mid kasta ay mahadho gaar ah leedahay, sidoo kalena himilooyin waaweyn ay ka dhaxleen.

    Inkasta oo aysan iyadu lafteeda soo marin nolol barakac, haddana waalidkeed dhibta ay la soo mareen, waxay markasta u ahayd dibu-milicsi taariikheed oo lagu ababiyay.

    Xusuustaas hore, inkastoo ay da' yarayd, waxay saldhig u noqotay fahamka Yasmin ee ah in nidaam kasta, ha ahaado dowlad, bulsho, ama tignoolajiyad, uu yeelan karo awood uu ku badbaadiyo ama ku waxyeelleeyo dadka nugul.

    Maanta, Yasmin Abdi waa khabiir ku takhasusay amniga internetka, iyadoo diiradda saarta sidii loo ilaalin lahaa ganacsiyada yaryar, shirkadaha bilowga ah, iyo bulshooyinka aan inta badan helin difaac ku filan oo dunida dijitaalka ah.

    Safarka Yasmin ee tignoolajiyadda ma uusan ku bilaaban waxbarasho iyo shahaadooyin toonna. Wuxuu ka bilowday xiise carruurnimo oo maankeeda dagay.

    Waxay aad u danayn jirtay raadiyaha, taleefannada, iyo qalabka elektaroonigga ah oo idil. Su'aasha mar walba maskaxdeeda ku soo noqnoqon jirtay waxay ahayd sida cod meel fog laga soo dirayo, uu uga soo baxayo qalab yar oo raadiye ah, ama sida ay suurtagal ku noqotay in hawo aanan la arkeyn ay bini'aadamku farriimo isku dhaafsadaan.

  4. Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono toban bilyan oo doolar oo dib loogu dhisayo magaalada Gaza.

    Wuxuu kaga dhawaaqay daahfurka shirka ee Guddiga Nabadda Gaza ee Washington.

    Xubnaha kale oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday toddoba bilyan oo doolar.

    Xulafada reer galbeedka ee dimuqraadiga ah ee Washington (oo ay ku jiraan UK, Canada, Faransiiska iyo Jarmalka) ayaa diiday inay ku biiraan Guddiga.

    Madaxweyne Trump ayaa shirka ka sheegay in "ay u muuqato" in Xamaas ay diyaar u tahay inay hubka dhigto, inkastoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan inaanay jirin wax calaamado ah oo taas muujinaya.

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil (Benjamin Netanyahu) ayaa sheegay in Israa'iil ay ku raacsan tahay Mareykanka inaanay jiri doonin dib u dhis lagu sameeyo Gaza ka hor inta aan hubka laga dhigin Xamaas.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  5. Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaal ee Mareykanka oo la ogaaday halka ay ku sugan yihiin

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    BBC Verify, qaybta xaqiijinta wararka ayaa xaqiijisay in markab labaad iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay u muuqdaan inay ku sii jeedaan Bariga Dhexe, iyadoo Washington ay sii waddo cadaadiska saaran Iiraan sababo la xiriira barnaamijkeeda militari iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday dibedbaxayaasha.

    Markabka dagaalka ee USS Gerald R Ford, oo ah markabka dagaalka ee ugu weyn adduunka, ayaa si kooban u baahiyay goobta uu ku sugan yahay oo ka baxsan xeebta Atlantikada ee Morocco Arbacadii.

    48-kii daqiiqo ee dadweynaha lala wadaagay xogta, markabka ayaa u muuqday inuu ku sii jeeday Badda Mediterranean-ka.

    Laakiin markabka ayaan weli la arkin isagoo ka gudbaya Gacanka Gibraltar una gudbaya Badda Mediterranean-ka, diyaarad howshan wadayna, waxaa la raadraacay iyadoo ku soo laabaneysa Badweynta Atlaantik Khamiistii.

    Mas'uuliyiinta Mareykanka iyo Iiraan ayaa Talaadadii isugu yimid wareeg labaad oo wadahadal ah, iyadoo la sheegay in horumar laga sameeyay wadahadalladii ka socday Switzerland.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay tahay inay gaarto “heshiis macno leh” wada-hadallada ay la leedahay Washington 10-ka maalmood ee soo socda gudahooda, haddii kale “waxyaabo xun ayaa dhici doona.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan jeediyay xilli uu gobolka u dirayay maalmahaan maraakiib dagaal, diyaarado dagaal, iyo qalab kale oo milatari.

  6. Mareykanka oo cunnaqabateyn ku soo rogay saraakiil ka tirsan RSF

    RSF

    Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

    Maraykanku waxa uu cunaqabatayn saaray saraakiil ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee Suudaan ee RSF.

    Saraakiisha la cunaqabatay ayaa lagu eedeeyay dilal ula kac ah intii lagu jiray go’doomintii 18-ka bilood socotay ee RSF ku haysay magaalada al-Faashir, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suudaan, sida ay werisay Reuters.

    Warbixintu waxay sheegtay in saddex sarkaal oo sare oo militari ay ku jiraan kuwa la cunaqabatay.

    Maraykanku wuxuu sheegay in RSF aysan kaliya go’doomin oo xannibin al-Faashir muddo bilo ah, balse sidoo kale ay ka geysatay magaalada “dilal ku saleysan qowmiyad, jirdil, gaajaysiin, iyo faraxumayn galmo” intii aysan ciidanka Suudaan la wareegeen.

    RSF waxay la wareegtay al-Faashir bishii Oktoobar 2025, waxaana lagu eedeeyay inay fulisay dilal wadareedyo dhowr ah intii ay maamulaysay.

    Taliyaha guud ee RSF, Jeneraal Xamdan Dagalo, kuma jiro liiska dadka uu Maraykanku cunaqabataynta saaray.

  7. Dowladda Uk oo si adag uga hadashay go'aanka Iiraan ay xukunka ugu ridday lammaane u dhashay Ingiriiska

    Iiraan ayaa xukun ku ridday lammaanahaan

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in go’aanka Iiraan xukunka ugu ridday lammaane British ah lagu xukumay toban sano oo xabsi ah sababo la xiriira eedeymo basaasnimo ah uu yahay “mid nasiib darro ah oo aan sabab lahayn.”

    Craig iyo Lindsay Foreman, oo beeniyay eedeymaha, ayaa la xiray 13 bilood ka hor iyagoo ku safrayay gudaha Iiraan mootooyin.

    Waxay ku xiran yihiin xabsiga Evin ee ku yaalla Tehran, halkaas oo mararka qaarkood laga sooco maxaabiista kale. Qoysaskoodu waxay sheegeen in inkastoo la horgeeyay maxkamad, aan wax caddeyn ah la soo bandhigin, isla markaana aan la siin fursad ay isku difaacaan.

    Wiilkooda ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladdooda.

  8. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay in maalmaha soo socda wax xun dhici doonaan haddii Iiraan aaney heshiis ogolaan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay tahay inay gaarto “heshiis macno leh” wada-hadallada ay la leedahay Washington 10-ka maalmood ee soo socda gudahooda, haddii kale “waxyaabo xun ayaa dhici doona.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan jeediyay xilli uu gobolka u dirayay maalmahaan maraakiib dagaal, diyaarado dagaal, iyo qalab kale oo milatari.

    “Sanado badan waxaa la ogaa in aysan fududeyn in heshiis macno leh lala gaaro Iiraan. Waa inaan gaarnaa heshiis macno leh, haddii kale waxyaabo xun ayaa dhici doona,” ayuu yiri Mr. Trump intii uu socday kulankii ugu horreeyay ee “Guddiga Nabadda,” oo ah hindisihiisa lagu doonayo in xasillooni looga abuuro Qasa.

    Wuxuu ka digay in haddii heshiis la gaari waayo, Washington “laga yaabo inay ku qasbanaato inay qaaddo tallaabo dheeraad ah.”

    Mr. Trump ayaa intaas ku daray: “Waxaad ogaan doontaan 10-ka maalmood ee soo socda waxa dhici doona.”

    Hadalka Mr. Trump ayaa yimid wax yar kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna uga digay Iiraan, isagoo yiri: “Haddii Iiraaniyiintu qalad sameeyaan oo ay na soo weeraraan, waxay heli doonaan jawaab aysan xitaa qiyaasi karin.”

  9. Trump oo hadda bixiyay xog aan horey loo ogeyn oo ku saabsan dagaalkii Pakistan iyo Hindiya dhexmaray

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Nabadda Qasa, ayaa mar kale xusay joojinta dagaalka u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya.

    Isagoo arrintan ka hadlayay, Trump wuxuu yiri, “Dad badan waxay yiraahdaan labadan dal ma aysan dagaallamin, laakiin dhab ahaantii way dagaallamayeen. 11 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa la soo riday. diyaarado aad qaali u ah…”

    Trump ma uusan caddeynin labada dal midka diyaaradaha iska leh iyo midka soo riday.

    Waxaa sidoo kale xusid mudan in intii uu socday dagaalkii afarta maalmood qaatay ee bishii May, Pakistan ay sheegtay inay soo rideen shan diyaaradood oo Hindiya leedahay . Sidoo kale, Hindiya waxay sameysay sheegashooyin ku saabsan inay soo rideen diyaarado Pakistani ay leedahay, balse sheegashooyinkaas si madaxbannaan looma xaqiijin.

    Isagoo ka hadlayay dagaalkii u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya bishii May, Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu wacay ra’iisul wasaarayaasha labada dal muddadaas.

    Wuxuu yiri, “Waxaan ku iri haddii aad labadiinuba sii wadataan dagaalka, waxaan idinku soo rogi doonaa canshuur dhan 200 boqolkiiba. Midkood ma sheegi doono, wuxuu yiri maya… taasi ma dhici karto.”

    Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in Pakistan iyo Hindiya ‘labaduba in ay doonayeen inay dagaallamaan, balse markii uu yimid khasaaraha dhaqaale oo badan, waxay yiraahdeen ma dooneyno inaan dagaallanno.’

    Trump wuxuu kaloo yiri, “Labadan dal waa kuwo aad u awood badan, labaduba waxay leeyihiin hub nukliyeer ah. Haddii aysan sidaas ahaan lahayn, waxyaabo aad u xun ayaa dhici lahaa oo aanan rabin inaan ka hadlo.”

  10. Dowladda Jarmalka oo ciidamadeeda kala baxaysa Ciraaq kadib cabsi laga qabo xiisadda Bariga Dhexe

    Ciraaq

    Xigashada Sawirka, Image: picture-alliance/dpa/Bundeswehr/Sebastian Wilke

    Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay “si ku meel gaar ah” uga saartay qaar ka mid ah ciidamadeeda waqooyiga Ciraaq.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa sheegay in go’aankan la qaatay sababo la xiriira “xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.”

    “Shaqaalaha kaliya ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta awoodda hawlgal ee xerada ku taalla Erbil ayaa ku haray saldhigga,” ayuu afhayeenku u sheegay AFP maanta.

    Tobanaan askari oo Jarmal ah ayaa laga wareejiyay saldhigga ku yaalla Erbil, oo ah xarunta gobolka ismaamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq.

    Wasaaradda Difaaca Jarmalka ma aysan caddeyn halka ay ka timid xiisadda ay tilmaamayso, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in si weyn loo kordhiyo maraakiibta dagaalka, diyaaradaha iyo hubka kale ee Mareykanka ee ku sugan gobolka, wuxuuna Iiraan ugu hanjabay tallaabo militari.

    Askarta Jarmalka waxay qayb ka yihiin ciidan caalami ah oo loo diray Erbil si ay u tababaraan ciidamada Ciraaq. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday“wada shaqeyn buuxda oo lala yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee dalkaas.”

  11. Trump: "Saraakiisha dagaalyahannada ah ee Pakistaan waan jeclahay waa dad adag"

    TRUMP

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kulan kii ugu horreeyay ee Guddiga Nabadda Qasa ayaa ka socda magaalada Washington, D.C., iyadoo ay ka qaybgalayaan 47 dal oo ay Pakistan ku jirto.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u mahadceliyay kuna soo dhaweeyay madaxda dalalka ka qaybgalaya kulanka.

    Markuu ka hadlayay Pakistan, Madaxweyne Trump wuxuu yiri: “Ra’iisul Wasaare Sharif… waan jeclahay ninkan, waan la hadlay xilligii uu socday dagaalka (Hindiya).”

    Madaxweynaha Mareykanka wuxuu intaas ku daray: “Saraakiishiinna sare waa rag aad u wanaagsan, waa rag adag oo dagaalyahanno fiican ah, aniguna waan jeclahay dagaalyahannada wanaagsan.”

    Trump wuxuu sheegay in markii uu socday dagaalka u dhexeeyay Hindiya iyo Pakistan uu wacay hoggaamiyeyaasha labada dal.

    “Waxaan ku iri, ‘Bal eega, haddii aadan xallin dhibaatadan, heshiis ganacsi idinlama geli doono.’”

    Sida uu sheegay madaxweynaha Mareykanka, “labada dalba waxay yiraahdeen maya, maya,” arrimaheenna si dhakhso leh ayaa loo xalliyay.

    Hadal uu hore u jeediyay, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sidoo kale ku sheegay in Golaha Nabadda uu yahay madal muhiim u ah nabadda, isla markaana aysan jirin wax kale oo beddeli kara marka la eego ujeeddooyinkiisa iyo muhiimmaddiisa.

  12. Bashiir Cismaan: "Koox hubeysan ayaa dad rayid ah laayay"

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rag hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox la yiraahdo Lakurawa ayaa dilay 30 qof isla markaana burburiyay toddobo tuulo weerarro ka dhacay gobolka waqooyi-galbeed ee Kebbi ee dalka Nigeria, sida ay booliisku u sheegeen AFP maanta.

    Afhayeenka booliiska gobolka, Bashir Cismaan ayaa sheegay in kooxdaasi ay weerarka ka fuliyeen deegaanka Bui ee degmada Arewa qiyaastii 1:15 duhurnimo Arbacadii shalay.

    Warbixin ay heshay AFP ayaa muujisay in weeraryahannadu dileen in ka badan 30 qof.

    Cismaan ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay sare u kacday markii dadka tuulooyinka Mamunu, Awasaka, Tungan Tsoho, Makangara, Kanzo, Gorun Naidal iyo Dan Mai Ago ay u soo baxeen inay iska difaacaan weerarka.

    Mid ka mid ah dadka deggan tuulada Kanzo ayaa sheegay inay rasaas ka maqleen gudaha guryahooda, taasoo sababtay in dadku kala cararaan si ay gabbaad u helaan, iyadoo qaar ka mid ah ay haleeshay rasaastu.

    Booliisku waxay intaa ku dareen in weeraryahannadu sidoo kale la tageen xoolo intii uu socday weerarku.

    Kadib dhacdada, ciidamada ammaanka, askarta iyo mutadawiciin ayaa la geeyay goobta si loo joojiyo weerarka loona soo celiyo nabadda.

  13. Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo lagu xiray Koonfur Afrika

    Koonfur Afrika

    Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty Images

    Booliska Koonfur Afrika ayaa xiray wiilka ugu yar carruurta Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ka dib markii la sheegay in rasaas lagu furay dhul ku yaalla xaafad caan ah oo ku taal magaalada Johannesburg.Bellarmine Mugabe, oo loo malaynayo inuu ku jiro da'da 20-meeyada, ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in nin 23 jir ah, oo la rumeysan yahay inuu ahaa beeraley, la toogtay.

    Booliisku waxay hadda ku sugan yihiin guriga ku yaal Hyde Park, halkaas oo Mugabe uu ku noolaa, waxayna raadinayaan qori ay ku tilmaameen in loo adeegsaday kiis isku day dil ah.

    Bellarmine Mugabe waa wiilka ugu yar Robert iyo xaaskiisa labaad Grace Mugabe. Robert Mugabe, oo geeriyooday 2019, ayaa Zimbabwe hoggaaminayay 37 sano ka hor inta aan xukunka laga qaadin isagoo 93 jir ah sannadkii 2017.

    "Bellarmine Mugabe waa mid ka mid ah labo qof oo la xiray si loo weydiiyo su’aalo iyadoo booliiska Koonfur Afrika ay baarayaan toogashadii dhacday, ayuu yiri afhayeen booliiska ka tirsan oo la yiraahdo Dimakatso Nevhuhulwi oo BBC‑da la hadlay.Qofka dhaawacmay ayaa isbitaal lagu daweynayaa xaaladdiisuna waa halis sida la sheegayo.

  14. Qabiilooyinka aan Carabta aheyn ee Suudaan oo la kulmaya falal argagax leh

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hawlgalka Baaritaanka Xaqiiqada ee QM ee Suudaan ayaa go’aamiyay in xadgudubyada lagu hayo dadka aan Carabta ahayn ay gaystaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, ay ku tilmaamayaan ficilo xasuuq ah. Kooxdan RSFayaa qabsaday magaalada El Fasher ee gobolka Darfur bishii Oktoobar ka dib xannibaad socotay muddo siddeed iyo toban bilood ah.

    Hawlgalka QM ayaa sheegay in bartilmaameedka RSF ee xubnaha qabiilooyinka Afrikaan aan Carabta ahayn uu ahaa mid naxdin leh, islamarkaana ay jireen dadaallo ula kac ah oo lagu burburinayo iyaga iyada oo loo marayo dil wadareedyo Tacaddiyo galmo iyo gaajo.

    Hoggaamiyayaasha RSF ee Suudaan ayaa horey u qirtay xadgudubyada, balse waxay sheegeen in baaxadda ay tahay mid la buunbuuniyay. Warbixintu waxay sheegtay inaysan ka jawaabin su’aalaha baarayaasha.

  15. Ruushka oo dab lagu ciyaarayo ku tilmaamay weerar lagu qaado Iiraan

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in weerar Maraykanku ku qaado Iiraan uu yeelan doono cawaaqib xumo weyn.

    Wareysi habeenkii xalay uu la yeeshay telefishinka Al Arabiya ee Sacuudi Carabiya ayaa la baahiyay maalin ka dib markii wakiillo ka socda Iiraan iyo Maraykanka ay yeesheen wada-hadallo aan toos ahayn oo ka dhacay Geneva, Switzerland, oo ay dhexdhexaadinaysay dowladdaCumaan, si looga hortago xiisad sii baahda oo u dhexeysa Washington iyo Tehran.

    Mr. Lavrov ayaa qayb ka mid ah wareysiga ku yiri: "Weerar lagu qaado Iiraan ma laha cawaaqib wanaagsan. Horey waxaa weerarro loogu geystay goobaha nukliyeerka ee Iiraan oo ay gacanta ku hayso Hay’adda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah. Sida aan ognahay, waxaa jiray khataro dhab ah iyo halis ka dhalan karta shil nukliyeer."

    Sidoo kale wuxuu yiri: "Si dhow ayaan ula socda falcelinta dalalka Gacanka Carabta ee gobolka. Qofna ma doonayo inuu xiisadaha kiciyo. Qof kastaa wuu garanayaa in arrintani tahay sidii in dab lagu ciyaarayo."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in xiisadaha sii kordhaya ay baabi’inayaan tallaabooyinkii wanaagsanaa ee la qaaday sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan horumarinta xiriirka Iiraan la leedahay dalalka deriska ah, gaar ahaan Sacuudi Carabiya.

  16. Iiraan iyo Ruushka oo qaaday tallaabo wada-jir ah oo ku soo aadday xilli xasaasi ah

    Iiraan iyo Ruushka

    Xigashada Sawirka, Iran Army Handout

    Iiraan iyo Ruushku waxay maanta sameeyeen dhoola-tus milatari oo ka dhacay Badda Cumaan iyo Waqooyiga Badweynta Hindiya, kaas oo lagu dhawaaqay daqiiqado ka hor dhammaadkiisa. Warbaahinta Iiraan, oo soo xiganaysa militariga dalkaas, ayaa sheegtay in "Waxyaabaha lagu soo bandhigay dhoola-tuskan ay ka mid ahaayen sii daynta maraakiibta la afduubto" iyadoo arrintaa ay si gaar ah u sameyeen ciidamada badda Iiraan.

    Sida laga soo xigtay warbixinnada, "kooxo hawlgallo gaar ah oo ka socda ciidamada badda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, iyo Ruushka" ayaa ka qayb qaatay dhoola-tuska.

    Dhoola-tuskan waxaa ujeedkiisu ahaa "ka hortagga hawlaha khatarta ku ah amniga badda iyo badbaadada, gaar ahaan dhinaca ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo booyadaha," sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

    Mareykanka ayaa si isdaba joog ah u qabanayay muddooyinkii la soo dhaafay maraakiib shidaal u sidday siday Iiraan iyo Ruushka.

    Iiraan iyo Ruushka

    Xigashada Sawirka, Tasnim

  17. Xiisadda ka dhex taagan Afghanistaan iyo Pakistaan oo wajiyo cusub yeelanaysa

    Afghanistan iyo Pakistan

    Xigashada Sawirka, Screen Grab

    Waxaa laga soo xigtay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Pakistan, in ku-xigeenka safiirka Afghanistan loo yeeray, loona gudbiyay warqad cabasho rasmi ah oo ku saabsan adeegsiga dhulka Afghanistan iyadoo weerarkii ka dhacay Bajaur halkaa laga soo abaabulay.

    Intii lagu guda jiray warbixin toddobaadleb ah oo la baahiyay, ayaa afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda, Tahir Andrabi, waxaa uu sheegay in Pakistan ay si weyn uga walaacsan tahay in dhulka Afghanistan weli loo adeegsado argagixiso ka dhan ah Pakistan.

    Wuxuu sheegay in hoggaanka oo dhan ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP) uu ku sugan yahay Afghanistan, oo si furan oo aan la xakameynin uga hawlgalo dhulka Afghanistan.

    Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa cadeeyay in diblomaasiga Afghanistan loo sheegay in dhacdooyinka noocaas ah ay waxyeello u geystaan xiriirka laba-geesoodka ah iyo nabadda gobolka.

    Tahir Andrabi wuxuu sheegay in Pakistan mar kale ku adkeystay in dowladda Afghanistan ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah argagixisada ku sugan dhulkooda si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah mustaqbalka.

    Waxaa xusid mudan in 16-kii Febraayo uu weerar argagixiso ka dhacay degmada Bajaur ee Khyber Pakhtunkhwa, ay ku dhinteen 11 qof oo ka tirsanaa ciidamada.

    Bayaan ay soo saartay Inter-Services Public Relations (ISPR) ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 11 qof oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka iyo haweeney.

  18. Bill Gates oo eedaymihii Faylasha Epstein dartood looga joojiyay khudbad uu jeedin lahaa

    Bill Gates

    Xigashada Sawirka, Stefan JERREVANG / TT News Agency / AFP via Getty

    Hay’adda Gates ayaa sheegay in Bill Gates uusan jeedin doonin khudbadda furitaanka ee Shirweynaha Saameynta AI ee ka dhacaya Hindiya.

    “Ka dib markii si taxadar leh loo tixgeliyey loona diiradda saaray mudnaanta ugu weyn ee Shirweynaha AI, Bill Gates ma jeedin doono khudbaddiisa furitaanka,” ayaa lagu yiri bayaan la soo saaray.

    Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hay’adda Gates uu ka qaybgalayo Ankur Vora, madaxda xafiisyada Aasiya iyo Afrika, kaasoo maanta shirweynaha ka jeedin doona khudbaddiisa.

    Bill Gates waxaa uu wajahayaa eedeymo badan tan iyo markii magaciisa uu ka soo muuqday Faylasha Epstein. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenkiisu wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay “ wax waalan oo gebi ahaanba aan run ahayn.”

    Dhawaantan, waxaa sidoo kale la sheegay in sababta khilaafka Faylasha Epstein awgeed, magacii Bill Gates laga saaray liiska dadka khudbadaha ka jeedinaya Shirweynaha AI.

  19. Daawo: Booliiska oo tagay Sandringham maalinta dhalashada Andrew

    Subaxnimadii hore ee maanta, baabuur boolis oo aan calaamad lahayn ayaa lagu arkay iyagoo soo gaaraya Sandringham Estate ee Norfolk, halkaas oo Andrew Mountbatten-Windsor uu deggenaa.

    Waxaa xiray Booliska Thames Valley, balse inkastoo aan ognahay inay baaritaanno ka wadaan Norfolk iyo Berkshire, haddana ma ogin halka Andrew laga xiray.

    Qoraalka Muuqaalka, Tani waa markii ugu horreysay ee amiirkii hore, oo wajahayo eedeymo badan
  20. Maanta waa dhalashadii 66-aad ee Andrew

    Amiirkii hore ayaa lagu arkay isagoo fardo saaran Windsor Great Park horraantii bishan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xarigga Andrew Mountbatten-Windsor wuxuu ku soo beegmay, xilli maanta ay ku beegantahay dhalashadiisa 66-aad.