War deg deg ah, Madaxweyne Xasan oo sheegay in sawir xun la bixiyay oo ah 'Xamar waa holcee'
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadalayay munaasabad ka dhacday Jowhar ayaa soo hadal qaaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, isaga oo sheegay in sawir xun laga bixiyay magaalada, gaar ahaan dagaalkii ugu dambeeyay ee dhacay.
‘’Maali dhoweyd Xamar shil yaraa ka dhacay. Dadaa sawiro iyo video-yo hore oo dagaaladii dhici jiray ahaa inta soo qaatay soo galiyay,WAA TAN XAMAR WAA HOLCEE, XAMAR WAA TAN WAA GUBANEE,XAMAR WAA BURBURTAY ayaa lasoo galiyay Media-ha, daadaa lacag ku bixiyay inay waxaas faafiyaan oo caalamka gaarsiiyaan inay balaayo ka dhacday beledka, muxuu sameeyay ninkaas, ninkii soo socday oo boqlaal milyan inuu Soomaaliya galiyo uu racdeeyay.’’