Iiraan ayaa soo saartay faahfaahin ku saabsan tirada dhimashada ee ka dhalatay weerar halis ah oo lagu qaaday dugsi ku yaalla Iiraan maalintii ugu horreysay ee dagaalka Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay.
Toddobaatan iyo saddex wiil iyo 47 gabdhood ayaaku dhintay weerarkii 28-kii Febraayo lala eegtay dugsi hoose oo ku yaalla Minab, sida ay sheegeen idaacadda dowladda ee IRIB iyo warbaahinta maxalliga ah.
Weerarku wuxuu dhacay maalintii ay Mareykanka iyo Israa’iil bilaabeen weerarro ka dhan ah Iiraan. Iyadoo jawaab ka bixinaysa, Tehraan ayaa weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil iyo dalalka Khaliijka.
Lix iyo labaatan macallin, toddobo waalid, darawal bas dugsi, iyo fshaqaale farmashi oo ka shaqaynayay rug caafimaad oo ku dheggan dugsiga ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay IRIB ku sheegtay qoraal ay ku daabacday Telegram.
Taas ayaa ka dhigaysa tirada dhimashada 155 halkii ay ka ahayd in ka badan 175 oo hore loo sheegay.
Gantaal nooca Tomahawk ee Mareykanka ayaa ku dhacay dugsiga hoose sababo la xiriira qalad ku yimid bartilmaameedka, sida lagu sheegay natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxay baaritaan milatari oo Mareykan ah ee ay tebisay The New York Times.
Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in Iiraan lafteedu ay mas’uul ka tahay inkastoo Iiraan aysan haysan gantaalada Tomahawk.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa weerarkaa ku tilmaamay khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay “weerar si qorshaysan oo heerar kala duwan loo fuliyay.”