Guddoomiyaha
Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in xayiraadda badda ee
Mareykanku ku soo rogay dalkiisa ay ujeedadeedu tahay kicinta kala qaybsanaanta
gudaha iyo “in nalagu riixo burbur gudaha ah.”
Telefishinka
qaranka ee Iiraan ayaa soo xigtay Qalibaf oo leh in Madaxweynaha Mareykanka,
Donald Trump, “uu dalka u kala qaybinayo laba garab: kuwa ad-adag iyo kuwa
dhexdhexaad ah, kadibna si cad uga hadlaya xayiraad badeed si uu ugu qasbo
Iiraan inay is dhiibto iyadoo la adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo hurinta kala
qaybsanaanta gudaha.”
Kadib
dilkii tiro hoggaamiyeyaal Iiraaniyiin ah oo ka dhashay weerarrada Maraykanka
iyo Israa’iil, oo uu ku jiro Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei, waxaa si weyn loo
hadal hayay dheelitirka awoodda gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Trump
ayaa horaantii bishan Abriil sheegay in dowladda Iiraan ay “si qoto dheer u
kala qaybsan tahay, taasoo aan la yaab lahayn.”
Saameynta
Qalibaf ee gudaha go’aan-qaadashada ayaa sii xoogaysatay tan iyo markii uu
qarxay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo,
wuxuuna sidoo kale hoggaamiyay wafdiga dalkiisa ee wada-xaajoodkii halka mar ahaa
oo ilaa hadda dhex maray Tehran iyo Washington kana dhacay Islamabad.
Qalibaf
wuxuu yiri: “Cadowgu wuxuu galay marxalad cusub isagoo isku dayaya inuu kiciyo
cadaadis dhaqaale isla markaana huriyo kala qaybsanaanta gudaha iyada oo loo
marayo xayiraadda badda iyo buuqa warbaahinta, si uu noo daciifiyo ama xitaa
noogu riixo inaan gudaha ka burburno.”
Wuxuu
ku baaqay “in la ilaaliyo midnimada” taasoo uu ku tilmaamay xalka keliya.
Mareykanka
ayaa xayiraad ku soo rogay dekedaha Iiraan kadib markii Tehran ay xirtay
marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda iyo gaaska.