You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo loo bandhigayo qorshe ku saabsan suurtagalnimada tallaabo militari oo laga qaado Iran”

Saraakiil milatari ah ayaa la sheegayaa in ay wadaan qorshahaan oo ay la wadaagi doonaan Trump, balse lama oga waxa uu ka oron doono

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Yuhuuda Britain oo booliska kala shaqaynaya shilka ka dhacay London

    Guddiga ku-xigeenada Yuhuuda Britain ayaa soo saaray bayaan, waxaana qoraal ay soo dhigeen barta X ku yiraahdeen ‘’Waxaynu ka warqabnaa shilka toorriyaynta lasoo sheegay ee ka dhacday Golders Green, ee labada qof lagu dhaawacay,’’

    ‘’Booliska ayaa xiray tuhmanaha.

    ‘’Waxaynu la xiriiraynaa CST oo ah guddi ammaanka bulshada ka shaqeeya, dowladda iyo booliska si loo fahmo wixii dhacay, lana xaqiijiyo jawaab adag oo laga bixiyo’’

    WARAR KALE OO DHEERI AH

  2. London: Koox Yuhuuda u dhaqdhaqaaqda oo ka hadashay weerar lagu soo qaaday

    Laba Qof ayaa lagu toorreeyay Golders Green oo dhacda Waqooyiga London, kadib markii nin ku hubaysan mindi uu isku dayay mindiyaynta dadka Yuhuud ee aaggaasi ku sugan.

    Ururka ammaanka bulshada Yuhuuda, Shomrom ayaa sheegay inay jawaab degdeg ah bixiyeen ayna xireen tuhmanaha.

    Waxaa ay sheegeen in markaasi booliska ay yimaadeen oo ay koronto ku dhajiyeen kadibna ay xireen.

    Dhibanayaasha ayaa lagu dabiibay Hatzola.

    WARAR KALE OO DHEERI AH

  3. Maamulka Galmudug oo iska fogeeyey in maraakiib lasoo afduubay lagu hayo deegaannada ay maamulaan.

    Galmudug ayaa markii ugu horreysey ka hadashay warar sheegaya in Maraakiib u afduuban burcad badeed lagu haysto xeebaheeda, xilli ay isa soo tarayaan weerarro lagu beegsanayo maariibta ganacsi ee ku goosha biyah Soomaaliya.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda Abshir Xaashi Cali oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrimahaasi aysan waxba ka jirin, „maraakiibta la haysto labo markab waaye, midi waxaa lagu haytsaa Bardan-beela, midna waxaa lagu haystaa Ilfooxshe oo Puntland ka tirsan oo Garacad ka xigta dhanka Boosaaso baa lahu haystaa labadooduba.” Ayuu yiri Abshir Xaashi.

    Waxaa la sheegay in xiisadaha caalamka sida Bariga Dhexe, Ukraine iyo meelaha kale ay sababtay in feejignaanta amniga badda Soomaaliya ay yaraato, maadaama loo leexday meelaha kale ee colaaduhu ka socdaan.

    Kormeere badeed ayaa isna sheegay in kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya ay ka faa'iideysanayaan xaaladda siyaasadeed ee caalamka, iyadoo dunidu diiradda saareyso xiisado kale, taas oo hoos u dhigtay ilaaladii badaha Soomaaliya.

  4. Sawirrada ka imaanaya Washintong ayaa muujinaya sida loo adkeeyey ammaanka inta lagu jiro booqashada boqortooyada

    Waxaa maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Maraykanka Boqorka Ingiriiska, isaga oo xalay khudbad ka jeediyey Kongareeska Maraykanka, kadibna casho loogu sameeyey. Haddaba ammaanka Boqorka iyo boqoradda dartiis qeybo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo daadsan. Sawirrada ka eeg

  5. Ruushka Diyaar ma u yahay inuu Iiraan taageero dhaqaale siiyo?

    Iyada oo Iiraan wajaheyso culeesyo isbaheestay oo ay keeneyn cunaqabateynta ka saaran dhanka dekadaha iyo baddaha, dedaalka ugu badan waxa u uku wareegayaa markaa dhanka Waqooyiga.

    Sidoo kale, waxaa isku socod wanaagsan haysan maraakiibta saliidda iyo shidaalka iskaga kala gooshi jirtay marinka Hormuz, Tehran waxay u badan tahay inay isku daydo inay ku tiirsanaato dhanka Ruushka, kana badasho isku xidh ka kooban tareenno, dekedo ku yaalla Badda Caspian, iyo shabakado ganacsi oo la sameeyay xilligii cunaqabataynta kuwaas ku xiri kara Ruushka.

    Baahida loo qabo in ay xiriirkaas sameeyaan ayaa muuqatay toddobaadkan, kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabaas Caraqji uu tagay St Petersburg si uu ula kulm Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isaga oo uga mahadceliye taageerada buuxda ee aan isbeddelka lahay ee Moscow, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen dagaalka, cunaqabataynta, iyo mustaqbalka marinka Hormuz.

    Laakiin su’aashu la isweydiinayo, waa Moscow dhab ahaantii ma siin kartaa taageero dhaqaale Iiraan? Xilli la tacaalaysa dhibaatooyin dagaal iyo cunaqabatayn, mise rabtaa inay sidaas sameyso?

  6. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo amaanay Askarta is qarxiya

    Kim Jong Un ayaa ammaanay askarta waddankiisa ee is-dilay iyaga oo ka qeyb-qaadanaya dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo qarxiyay bam-gacmeedkii watayn isku qarxiyey.

    Khudbad uu jeediyay toddobaadkan, hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayuu ka sheegay in kuwa “aan ka labalabeyn inay doortaan is-qarxin iyo weerar ismiidaamin ah si ay u difaacaan sharaftooda ” ay yihiin “halyeeyo”.

    South Korea ayaa qiyaastay in ugu yaraan 15,000 oo askar Waqooyiga Kuuriya ah loo diray inay ka caawiyaan Russia dib u qabsashada qaybo ka mid ah galbeedka Kursk, halka in ka badan 6,000 ay ilaa hadda dhinteen. Midkoodna Pyongyang ama Moscow ma aysan xaqiijin tiradaas.

    Hay’adaha sirdoonka iyo dadka ka goostay dalka ayaa sheegay in askarta lagu amray inay is-dilaan halkii ay gacanta ugu geli lahaayeen Ukraine.

    “naf-hurnimada aan wax magdhow ah lagu heleenin, iyo daacadnimadooda aan abaalmarin laga siineyn… tani waa sida kaliya ee lagu qeexi daacadnimada ciidankeena,” ayuu yiri Kim isaga oo jooga Pyongyang Isniintii, xilli uu furayay xusuus-qor loogu talagalay askarta dhimatay, sida ay warisay wakaaladda wararka ee KCNA.

    Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka Andrey Belousov iyo afhayeenka baarlamaanka Ruushka Vyacheslav Volodin ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay munaasabadda.

  7. Waa sidee xaaladda qaar kamid ah shaqaalaha maraakiibta u afduuban burcad-badeedda.

    Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa qeybo kamid xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay 2 markab oo kala duwan, kuwaas oo ahaa kuwo ganacsi, xaaladda shaqaalaha saaran ayaa laga soo deerinayaa.

    Mid kamid ah shaqaalaha ayaa maalintii ugu horreysay ee ay afduubteen Burcad-badeedda Ashari iyo shaqaalihii markabka u diiday adeegsiga telefoonnadoodii. Balse Jimcihii 24 April, Ashari waxaa loo oggolaaday inuu adeegsado telefoonka markabka si uu ula xiriiro shirkadda iyo qoyskiisa.

    Intii uu la hadlayay, wuxuu xaaskiisa u sheegay in ay soo mareen xaalado aad u adag, isla markaana dhowr jeer loogu hanjabay qori.

    Markii xaaladdu adkaatay, Ashari wuxuu isku dayay inuu dejiyo burcad-badeedda isagoo u sheegaya inuu yahay Muslim, kuna salaamay "Assalaamu calaykum, ha i toogan, waxaan ahy Muslim." Burcad-badeedduna waxay u sheegeen in iyaguna Muslim yihiin.

    Sii akhri

  8. "Iiraan waxa ay dooneysaa in Cunaqabateynta laga qaado"- Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale ku celiyey in Iiraan ay dooneyso in xannibaadda laga qaado, taas oo ku tilmaamay waddan burburay oo dalabaad sameenaya, "dalkan burburay waxa uu Washintong weydiisanayaa in laga qaado cunaqabateynta saaran badaha iyo dekadaheeda sida ugu dhaqsaha badan" ayuu yiri Trump.

    Dhawaan ayey markii uu baaqday wareeggii labaad ee wada-hadallada Maraykanka iyo Iiraan oo ahayd in ay ka qabsoomaan Isaalamabaad ee dalka Pakistaan.

  9. Shacbiyadda Trump oo hoos u dhacday gudaha Maraykanka- warbixin

    Shacbiyadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hoos u dhacday heerkii ugu hooseeyay muddo xileedkan uu ku joogo Aqalka Cad.

    Arrintan waxaa iftiimiyay sahan cusub oo ay sameeyeen Reuters iyo Ipsos, kaas oo lagu daabacay wargeyska Ingiriiska ee The Guardian.

    Sababta ugu weyn ee arintaan keentay ayey warbixinta ku sheegtay in dadka Mareykanka naceyn awood darrada Trump ee xakamaynta sicir-bararka sii kordhaya. Sidoo kale, dadku ma aysan taageerin dagaalka uu ku qaaday Iiraan, kaas oo sababay kororka qiimaha shidaalka ee Mareykanka.

    Sahanka afarta maalmood socday, kaliya 34 boqolkiiba dadka Mareykanka ayaa sheegay in shaqada Trump ay wanaagsan tahay, halka sahankii hore ee la sameeyay intii u dhexeysay 15 ilaa 20 Abriil uu ahaa 36 boqolkiiba.

    Trump wuxuu helay kaliya 22 boqolkiiba taageero la xiriirta tallaabooyinkiisa ku aaddan sicir-bararka, marka loo eego 25 boqolkiiba cilmibaaristii hore.

    Waxaa sidoo kale sii kordhaya walaaca taageerayaasha Republican in ay hooseen karaan doorashooyinka bartamaha muddada ee la qabanayo bisha Nofeembar.

    Inkasta oo 78 boqolkiiba Jamhuuriyiinta ay weli taageeraan Trump, haddana 41 boqolkiiba xubnaha xisbiga ayaa ka niyad jabay sida uu u maareeyay sicir-bararka.

  10. Iiraan oo xaqiijisay dalalka ay diyaaraheeda weerareyn bilowgii dagaalka

    Jeneraal Guuto Mohammad Akraminia, oo ah afhayeenka ciidanka Iiraan, ayaa hadallo dhowaan uu jeediyay kaga hadlay hawlgallada diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee dalkaas maalmaha ugu horreeya ee dagaalka.

    Hadaladan muuqaalka ah, oo ay daabaceen wakaaladaha wararka Iiraan oo ay ku jirto ISNA maalintii Talaadada, ayuu Mr. Akraminia ku xusay warbixintii dhowaan ay baahisay NBC ee ku saabsan hawlgal gaar ah oo ay fulisay diyaarad Iiraani ah oo nooca F-5 ah si ay u weerarto saldhig milatari oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Kuwait. Waxa kale oo uu sheegay in maalmaha ugu horreeya ee weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, la sameeyay duullimaadyo milatari oo dhowr ah si loo beegsado bartilmaameedyo ku yaalla Kuwait, Qatar, iyo gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.

    Sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Iiraan, ciidanka cirka ee dalka ayaa sii waday hawlgalladooda hawada iyagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn intii uu dagaalku socday.

    Faafinta warbixin uu sameesay shabakadda Maraykanka ee NBC oo ku saabsan hawlgalka diyaarad F-5 ah oo Iiraani ah iyo sida ay uga gudubtay nidaamyada difaaca casriga ah ee Maraykanka iyo Kuwait ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada maalmahan la soo dhaafay.

    Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ayaa hawlgalkaas, oo ay fulisay diyaarad duug ah oo F-5 ah, la barbardhigay filimka Hollywood-ka ee “Top Gun” oo uu jilayo Tom Cruise, waxayna dalbadeen faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka iyo waxa ku dhacay duuliyihii waday.

  11. Maxaa Donald Trump UK ku xiraya?

    Boqor Charles wuxuu xusay xiriirka Trump uu la leeyahay UK intii uu khudbadda casho-sharafeedka ka jeedinayay, isagoo yiri: “Waxaan qiyaasi karaa oo keliya sida hooyadaa dhashay iyo aabahaaba ay ugu faani karaan sida mar labaad lagugu doortay xafiiskan waa arrin taariikhi ah.”

    Markii Trump uu yimid si uu u booqdo garoonkii u uku ciyaari jiray golf-ka ee Aberdeenshire sanadkii 2023, wuxuu yiri: “Waa wax cajiib ah in aan gurigeyga ku soo laabto.”

    Hooyo Scottish ah

    Hooyada Donald Trump, Mary Anne MacLeod, waxay ku kortay jasiiradda Hebrides ee Lewis, ka hor intaanay u guurin New York City sanadkii 1930 iyadoo 18 jir ah si ay shaqo adeegto uga hesho.

    Madaxweynuhu wuxuu booqday gurigeedii hore ee Tong dhowr jeer, wuxuuna marar badan ka hadlay jacaylka uu u qabo dalka hooyadii.

    Trump Golf Scotland

    Madaxweynaha Maraykanka wuxuu leeyahay laba garoon golf oo ku yaal Scotland: midka heer caalami ah ee Turnberry ee South Ayrshire, iyo Menie ee Aberdeenshire, halkaas oo uu ka furay 18 dalool oo cusub bishii Luulyo ee sanadkii hore.

    Trump wuxuu iibsaday Menie, oo qiyaastii siddeed mayl waqooyi ka xigta Aberdeenshire, sanadkii 2006, ka hor inta uusan iibsan Turnberry sanadkii 2014—inkastoo uu hore u sheegay inuusan qorsheynayn inuu maalgashi ku sameeyo Scotland.

  12. "Israa'iil ujeedkeennu maaha in aan dhul qabsano"

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sheegay in dalkiisu uusan doonayn in uu qabsado dhul ku yaalla Lubnaan, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan hawlgalladooda koonfurta dalkaas oo ka dhan ah kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto, inkastoo ay jirto xabbad-joojin.

    “Isra’iil ma laha wax damac dhuleed ah oo ku saabsan Lubnaan,” ayuu Sa’ar ku sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhiggiisa Serbia, Marko Đurić. “Joogitaankeenna meelaha ku yaalla xadka waqooyi waxa uu u adeegayaa hal ujeeddo oo keliya: in aan ilaalinno muwaadiniinteena.”

  13. War deg deg ah, Xog: Trump oo tallaabooyin dheeri ah ka qaadaya Iiraan

    War-baahinta The Wall Street Journal, oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, ayaa sheegtay in Donald Trump uu ku amray la-taliyayaashiisa inay diyaariyaan xannibaad dheeri ah oo lagu sameeyo Iiraan.

    Warbixintu waxay sheegtay in Trump, intii lagu jiray kulammo dhowaan dhacay, uu doortay inuu sii wado cadaadiska la saarayo dhaqaalaha Iiraan iyo dhoofinta saliidda, isagoo ka hortagaya maraakiibta u socota iyo kuwa ka imanaya dekedaha dalkaas.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Trump uu aaminsan yahay in xulashooyinka kale, sida dib u bilaabidda duqeymaha ama ka bixitaanka dagaalka ay leeyihiin khataro ka weyn sii wadista xannibaadda.

  14. War deg deg ah, “Si militari ah ayaan uga adkaanay Iiraan,” ayuu yiri Donald Trump.

    Madaxweynuhu wuxuu si kooban uga hadlay colaadda Bariga Dhexe, wuxuuna sheegay in Maraykanku “si aad ah u wanaagsan u wado” dagaalka uu kula jiro Iiraan.

    “Si militari ah ayaan uga adkaanay cadowgaas gaarka ah,” ayuu yiri Donald Trump.

    “Waligeen ma oggolaan doonno in cadowgaas, boqor Charles III wuu igu raacsan yahay, xitaa si ka badan aniga, waligeen ma oggolaan doonno inay helaan hub nukliyeer ah.”

    Madaxweynuhu wuxuu sii raaciyay in Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriisku ay mar walba is garab siiyaan iyagoo “iska caabinaya oo ka guuleysanaya xoogagga shuuciyadda, faashiistaha iyo kali-talisnimada.”

  15. War deg deg ah, Trump oo sheegay in boqor Charles ku raacsanyahay in laga hortago nukliyeerka Iiraan

    Trump wuxuu sheegay in isaga iyo boqor Charles ay isku aragti ka yihiin ka hortagga hubka nukliyeerka ee Iiraan.

    Arrinta hubka nukliyeerka waa mid ka mid ah qodobbada l aisku mari la'yahay ee keenay in wadahadalladu jiitamaan.

  16. War deg deg ah, Trump oo sheegay hadal sii adkeyn kara wadahadallada kala dhaxeeya Iiraan

    Intii lagu jiray casho rasmi ah oo Aqalka Cad ka dhacday, ayaa madaxweyne Donald Trump hadal jeediyay isagoo martigelinaya King Charles III.

    Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “si militari ah uga adkaaday Iiraan.”

    Hadalkani wuxuu yimid xilli uu jiro is mari-waa u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan oo la xiriira bilaabashada wareeggii labada oo wadahadallo ah.

    Si kastaba, xaaladda dagaalka ayaa ah mid jiha-wareer ah, iyadoo tillaabooyinka la qaadayo ay keeneen saameyn ballaaran oo dugida wada gaartay.

  17. War deg deg ah, Boqor Charles: "UK iyo Mareykanku waxay sii ahaan doonaan xulafo adag"

    Boqorka Britain Boqor Charles ayaa u sheegay Kongareeska Mareykanka in inkastoo Yurub iyo Bariga Dhexe ay ka jiraan xiisado iyo colaado, UK iyo Mareykanku ay sii ahaan doonaan xulafo xooggan oo difaacaya dimuqraadiyadda.

    Hadalkan ayaa yimid xilli xiriirka labada dal uu muran ka taagan yahay, gaar ahaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.

    Boqorka ayaa sheegay in khilaaf kasta oo jira haddana ay ka mideysan yihiin ilaalinta dimuqraadiyadda, badbaadinta shacabka, iyo sharaf u haynta dadka naftooda u hura adeegga dalkooda.

    Dhanka kale, Donald Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer mowqifkiisa dagaalka Iran, halka Starmer uu horay uga gaabsaday ka qaybgalka weerarka.

    Boqor Charles waa boqorkii labaad ee Britain ah ee khudbad ka jeediya Kongareeska Mareykanka. Hooyadiis Boqorad Elizabeth II, ayaa sanadkii 1991 khudbad u jeedisay.

  18. War deg deg ah, Mareykanka oo cunna-qabateyn saaray hay'ado iyo shaqsiyaad xiriir la leh Iiraan

    Maraykanka ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaray 35 hay’adood iyo shaqsiyaad ku xiran Iran oo ku lug leh waxa uu ugu yeeray “qaab-dhismeedka bangiyada qarsoon ee Iran.”

    Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ayaa sheegtay in dadka la cunaqabateeyay ay fududeeyeen “wareejinta tobanaan bilyan oo doolar” ayna ku lug lahaayeen “ka fogaanshaha cunaqabateynta iyo taageerada Iran ee argagixisada.”

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “shabakadahani ay u oggolaanayaan ciidamada qalabka sida ee Iran, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, inay helaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.”

    Sida lagu sheegay warbixinta, shabakadda la cunaqabateeyay ayaa “lacag ka heshay iibinta sharci-darrada ah ee saliidda,” “ la iibsaday qaybo xasaasi ah oo loogu talagalay gantaallada iyo nidaamyada kale ee hubka,” isla markaana “lacag u wareejisay kooxo wakiillo ah oo Iran ay taageerto oo ku sugan gobolka.”

  19. War deg deg ah, Degdeg: Israa'iil oo lagu eedeyay dambi dagaal

    Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa sheegay in Beegsiga ay Israa’iil ku hayso shaqaalaha difaaca rayidka ee koonfurta Lubnaan ay tahay “dambi dagaal oo cusub.”.

    Israa'iil ayaa siiw adda duqeymo ba'an oo ka socda Koonfurta Lubnaan iyadoo ku andacoonaysa in ay beegsanayso goobaha ururka Xisbullaah.

  20. Booqashada Boqor Charles III ee Mareykanka iyo waxa laga filayo

    Maanta waa maalintii labaad ee booqasho afar maalmood ah oo Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla ay ku joogaan Mareykanka.

    Boqortooyadu waxay ka qaybgeli doonaan xaflad ciidan oo ka dhici doonta Aqalka Cad, ka hor inta aysan kulan la yeelan Madaxweynaha Donald Trump.

    Boqor Charles III ayaa sameyay tallaabo taariikhi ah, isagoo noqonaya boqorkii labaad ee Ingiriiska ee khudbad ka jeediya Golaha Kongareeska Mareykanka, kaddib markii hooyadiis Boqorad Elizabeth II ay sidaas sameysay sanadkii 1991.

    Khudbadda Boqor Charles III waxaa uu kag ahadlay arrimo badan oo dunida ka taagan sida colaadaha iyo sida ay isku kaashan karaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

    Booqashada Boqor Charles III waxay imaaneysaa xilli uu jirto xiisad u dhaxeysa UK iyo Mareykanka oo la xiriirta dagaalka Iran, waxaana la rajeynayaa in booqashadiisu ay gacan ka geysan doonto dejinta xiisadda iyo hagaajinta xiriirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo Donald Trump.

    Sawirro: Boqor Charles III iyo Boqorad Camilla markii ay gaareen Mareykanka.