Wasiirka Gaashaandhigga Israa'iil oo ku hanjabay in Israa'iil ay sugeyso ogolaanshaha Mareykanka si ay u weeraraan Iiraan

Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu dib u cusboonaysiiyo dagaalka ka dhanka ah Iran oo uu dib ugu celiyo “xilligii mugdiga iyo dhagaxa.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. "Qabasashada markabka xamuulka ee Iiraan kuma aha xad gudub xabad joojinta",-Aqalka Cad

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dhawr daqiiqo ka hor inta aanay saxafiyiinta kula hadlin meel ka baxsan aqalka cad, xoghayaha warfaafinta ee Karoline Leavitt ayaa ka soo muuqatay Fox News si ay ugala hadasho qabsashada Iran ay ku qabsatay laba markab oo xamuul ah oo marayay marin biyoodka Hormuz horaantii maanta.

    Waxaa la weydiiyay in tallaabada Iran ay ka dhigan tahay xadgudub xabbad joojin ah.

    "Maya," ayay tiri. "Ma ahayn maraakiib Maraykan ah, mana ahayn maraakiib Israa'iil."

    Macnaha guud: BBC Verify waxay ogaatay markabkii ugu horeeyay ee ay beegsadaan ciidamada IRGC subaxnimadii Arbacada inuu ahaa markab Giriiga laga leeyahay oo lagu magacaabo Epaminondas.

    Taliska ciidamada badda ee IRGC ayaa sheegay in iyaga iyo markabka MSC-Francesca ee calanka Panama ka dul babanaya la qabtay ka dib markii ay khatar galiyeen ammaanka badda "iyaga oo aan haysan rukhsad."

    Iiraaniyiintu waxa ay u dhaqmayaan sidii koox budhcad-badeed ah, Leavitt ayey tiri, iyada oo ka hadleesay khasaaraha Maraykanku ku hayo ciidammada badda ee Iran iyo guusha ay ciidammada badda ka gaadheen go'doominta dekedaha Iran.

    Mar Leavitt la waydiiyay in Maraykanku uu ka fiirsan karo duqaynta doomahaas, waxa uu yidhi "Maraykanku wuu awoodaa", iyo in madaxweynuhu miiska u saaran yihiin "doorashooyin badan".

    Balse waxa ay sheegtay in qabsashada ay fuliyeen labo doonyood oo yar yar, islamarkaana ciidamada badda ee Iran ay "cirib tireen."

  2. Xogahaya warfaafinta aqalka Cad oo ka gaabsatay su'aalo ay weriyeyaasha weydiiyeen

    Karoline Leavitt

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo la waydiiyay ilaa intee la'eg ayay tahay in Maraykanku uu dagaalku sii wado, waxay sheegtay in Trump uu ugu dambayntii go'aamin doono wakhtiga, "wuxuuna samayn doonaa marka uu dareemo inay dani ugu jirto Maraykanka iyo dadka Maraykanka." ayey hadalkeeda kusoo gabagabeesay

    Si aad wax badan u akhrido:

  3. Yaa sabab u ah hubanti la'aan ka taagan marin biyoodka Hormuz?

    men on the water

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qorshayaasha wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ayaan weli la hubin iyadoo Iiraan ay ku eedaysay Maraykanka iyo Israa'iil inay "xad-gudub cad" ku sameeyeen heshiiska xabbad joojinta.

    Waa kuwan qodobbadii ugu muhiimsanaa ee saacadihii la soo dhaafay la is dultaagay:

    US-Iraan

    • Madaxa wada xaajoodka Iiraan ee Maraykanka, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay "in aysan suurtogal ahayn" in dib loo furo marin biyoodka Hormuz "xadgudubyada" xabad joojinta lagu sameeyey awgood.
    • Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in go'doominta, hanjabaada iyo "jebinta ballanqaadyada" ay yihiin caqabadaha hortaagan wada xaajoodka.
    • Waxay daba socotaa weerar ay Iiraan ku qaadday saddex markab oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sugnaa marin biyoodka horraantii Arbacadii - laba ka mid ah waxaa loo qabtay "baaritaan" ciidamada badda ee IRGC.
    • Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa mar sii horeysay laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka isagoo sheegay in ay "suurgal tahay" in wada-hadallada Iiraan ay dib u bilaabmaan maalinta Jimcaha

    Israa'iil-Lubnaan

    • Dhanka Lubnaan, madaxweyne Joseph Aoun ayaa sheegay in wadahadallo lala galayo Israa'iil si "loo kordhiyo waqtiga xabbad joojinta"
    • Aoun waxa kale oo uu cambaareeyay dhimashada askarigii labaad ee nabad-ilaalinta Faransiiska ah ka dib weerar lagu qaaday roondo ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ay sameenayeen Sabtidii. Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa eeda dusha uga tuuray kooxda Xisbullaah oo iyadu iska fogeysay mas'uuliyadda
    • Warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in laba qof lagu dilay weerar lagu qaaday baabuur marayay koonfurta Lubnaan, iyadoo IDF ay xaqiijisay in ay duqeesay baabuur ay sheegtay in uu "khatar ku ahaa" ciidamada Israa'iil.
  4. War deg deg ah, Madaxweynaha Iiraan oo ka hadlay caqabadaha hortaagan wada-xaajoodyada

    Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in go'doominta Mareykanka ee dekedaha dalkiisa, hanjabaadaha iyo waxa uu ku tilmaamay "jabinta ballanqaadyada" ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee "wada xaajoodka dhabta ah" ee Maraykanka.

    Waxa uu sheegay in Iiraan ay "soo dhaweysay wadahadal iyo heshiis ayna sii waddo", qoraal uu soo dhigay barta X.

    Waxa uu intaa ku daray in "adduunku ay arkayaan hadalladaada munaafaqnimada ah ee aan dhammaadka lahayn iyo iska hor imaadka u dhexeeya sheegashada iyo ficillada".

    Hadalkiisa ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabad joojinta, balse xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iran ayaa sii socon doonta.

  5. Maxay ka dhigan tahay amusnaanta Aqalka Cad iyadoo dunidu ay sugeyso tallaabada xigta ee Trump

    US flag

    Xigashada Sawirka, EPA

    Waxay ahayd maalin aan caadi ahayn - maalin xasilloon Aqalka Cad maanta.

    Xitaa iyada oo indhaha caalamku ay si adag u eegayaan Iran iyo in la weerarayo - iyo in kale - wadahadaladu ay dib u bilaabmi doonaan wakhti dhow, waxaa ka aamusay Aqalka Cad, wax yar oo ka soo baxay Donald Trump ayaa ah marka laga reebo qoraalkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee sheegay in siddeed xukun oo Iran ah la joojiyay.

    Wararka kale ee maanta ka jira Aqalka Cad laga helay ilaa hadda waxay ahaayeen digniin amni oo aad u kooban oo aan weli la sharxin, taas oo keentay in wariyeyaasha banaanka jooga laga kala diray meesha Lama oga waxa arrintaasi ku saabsanayd.

    Wariyeyaasha halkan jooga waxay ku mashquulsan yihiin inay su’aalo badan ku daadiyaan xafiiska warfaafinta Aqalka Cad ee ku saabsan tallaabooyinka xiga ee maamulka ee ku aaddan Iiraan, ama waxay wacayaan saraakiil si ay u helaan faham la xiriira xaaladda.

    Haddii wax isbeddel ah dhicin, lama filayo in Trump uu maanta ka soo muuqdo kamaradaha. Jadwalkiisa dadweynaha wuxuu gebi ahaanba ka kooban yahay kulammo siyaasadeed oo albaabadu u xiran yihiin inta ka dhiman maalinta.

    Si aad wax badan u akhrido:

  6. Iiraan oo wax laga waydiyay codsiga Pakistan uga yimid iyo jawaabta ay bixisay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa ka jawaabay su’aalaha wariyeyaasha ee ku saabsan codsiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ee ahaa in Iiraan iyo Mareykanku ay kordhiyaan xabbad-joojintii.

    Ka dib markii uu muujiyay mahadnaq ku aaddan dadaallada wanaagsan ee Pakistan iyo isku dayadeeda dhexdhexaadinta ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka isla markaana lagu dhiso nabad ka dhacda gobolka, Baghaei wuxuu carrabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan aysan ahayn midda bilowday dagaalkan, isla markaana dhammaan tallaabooyinka Iiraan ay ahaayeen kuwo waafaqsan xuquuqdeeda dabiiciga ah ee is-difaaca sharciyeysan ee ka dhanka ah gardarrada milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil.

    Sidaas awgeed, ayuu yiri, Iiraan si dhow ayay ula socotaa horumarrada gobolka iyo kuwa siyaasadeed, waxayna qaadi doontaa tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ku habboon si ay u ilaaliso danaha qarankeeda iyo ammaankeeda.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida, iyagoo si buuxda u feejigan, ay diyaar u yihiin inay si dhamaystiran oo go’aan leh u difaacaan midnimada dalka marka ay la kulmaan hanjabaad kasta ama dagaal ka yimaada Mareykanka iyo Israa’iil

  7. War deg deg ah, Degdeg "Iiraan suurtagal maaha in aan dib u furno Marinka Hormuz"

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxa ugu sarreeya ee Iiraan ee wadaxaajoodyada Maxamed Bagher Ghalibaf, oo farrin u diray Maraykanka, ayaa hadda sheegay in “aysan suurtagal ahayn in dib loo furo marin-biyoodka Hormuz iyadoo loo sababeynayo dhammaan xadgudubyada cad ee xabbad-joojinta.”

    “Xadgudubyadaas” waxaa ka mid ah go’doominta badeed ee Maraykanku ku sameeyay dekedaha Iiraan, taas oo uu sheegay inay la mid tahay in dhaqaalaha caalamka “la qafaashay” iyo “kicinta dagaal” ay Israa’iil “dqayb ka tahay kaasoo dhinac kasta ah.”

    Isagoo u muuqda inuu ula jeedo Maraykanka iyo Israa’iil, Ghalibaf ayaa ku qoray bartiisa X in “aysan ku guulaysan ujeeddooyinkoodii iyagoo adeegsanaya weerar milatari, mana ku gaari doonaan guul cabburinta.”

    “Waddada keliya ee hore loo mari karo waa in la aqoonsado xuquuqda shacabka Iiraan.”

    Waxaa la filayay in Ghalibaf uu toddobaadkan Pakistan kula kulmo madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, balse weli wada-hadalladu ma bilaaban.

    Donald Trump ayaa xalay ku dhawaaqay in la kordhiyey muddada xabbad-joojinta u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan oo maanta ku ekaan lahayd. Saaka, Iiraan ayaa sheegtay inay ku“qabatey” laba markab oo xamuul ah marinka Hormuz.

  8. War deg deg ah, Weli waxaa warar dheeraad ah laga helayaa wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay inay qadarinayso dadaallada Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka kala dhexeeya Maraykanka, balse Tehran ay diyaar u tahay inay difaacdo madax-bannaanida dalka isla markaana meesha ay ka saarto hanjabaadaha ka dhanka ah “dalkooda oo uga imaanaya wax ay ku tilmaameen cadowgooda”.

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in bayaan uu jeediyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda uu yahay jawaabta kaliya ee rasmiga ah ee ku saabsan kordhinta xabbad-joojinta ee Maraykanka.

    Horey, Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay inay qabteen laba markab iyadoo Iiraan ay sii waddo xayiraadaha ay ku soo rogtay maraakiibta ku sugan gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz.

    Ilo dhinaca badda ah ayaa sheegay in saddex markab oo xamuul ah lagu furay rasaas maanta.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo hadda war cusub soo saartay

    Tehran waxay sheegtay in ay heshay codsi ka yimid Islamabad oo ku saabsan in la kordhiyo xabbad-joojinta, waxayna sidoo kale muujisay inay qadarinayso dadaallada Pakistan.

    Waxa ay Tehran intaas ku dartay in ay uga mahadcelinayso Pakistan dadaalka ay ku bixisay dhexdhexaadinta iyo ka shaqaynta xabbad-joojinta.

  10. Dad rayid ah oo lagu laayay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya

    Itoobiya

    Toddoba qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo dhexmaray ciidamada dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo ka dhacay gobolka Amxarada.

    Dadka goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerareen xarun kaniisad ku taalla magaalada Sali Jimcihii la soo dhaafay.

    Dadka deegaanka ayaa weerarkaas ku tilmaamay kii ugu darnaa, iyagoo sheegay in qaar ka mid ah dadka la dilay lagu qasbay inay jilba joogsadaan ka hor inta aysan ciidamadu rasaas ku furin.

    Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Fano inay geystaan dilal, afduubyo iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

  11. Madaxweynaha Lubnaan oo ka hadlay askari Faransiis ah oo Lubnaan lagu dilay

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cown ayaa cambaareeyay dilka askari labaad oo Faransiis ah oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Koonfurta Lubnaan, kadib weerar lagu qaaday roondo ka tirsan Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hore u shaaciyay dhimashada muwaadinkii labaad oo Faransiis ah kadib weerarkii Sabtidii dhacay. Macron ayaa weerarka ku eedeeyay kooxda Xisbullaah ee Iran taageerto, inkastoo ay Xisbullaah ay si adag u beenisay inay wax lug ah ku leedahay.

    Bayaan uu soo saaray xafiiska Madaxweynaha Cown ayaa lagu sheegay in uu “mar kale cambaareeyay dhacdadaas, isla markaana uu tacsi u diray dowladda Faransiiska iyo hoggaanka UNIFIL.”

  12. War deg deg ah, Warar dheeraad ah oo laga helay maraakiibta Iiraan qabatay

    Markab

    Xigashada Sawirka, (C)2007 {Henk de Winde}, all rights reserved

    Markabka xamuulka ah ee Giriigga ee Epaminondas ayaa la sheegayaa in aysan qabsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan "lagu xirin Hormuz", sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriigga, Giorgos Gerapetritis.

    Isagoo la hadlayay CNN, Gerapetritis waxaa uu sheegay in markabka la weeraray oo uu wajahay "waxyeello weyn." Warbaahinta Giriigga ayaa sidoo kale sheegtay in wasaaradda maraakiibta ee Giriigga ay beenisay in markabka la xayiray.

    Dhowr saacadood ka hor, Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in markabka Epaminondas iyo MSC Francesca ay "la qabteen" una weeciyeen dhanka xeebaha Iiraan, sida ay ku warratantay warbaahinta Iiraan.

    Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badaha ee UK (UK Maritime Trade Operations Centre) ayaa iyana sheegtay in markab hubeysan oo Iiraan leedahay uu ku soo dhowaaday Epaminondas, isla markaana uu rasaas furay, taas oo sababatay burbur weyn oo gaaray markabka.

  13. War deg deg ah, Iiraan oo dil ku fulisay nin lagu eedeyay inuu basaas u ahaa Israa'iil

    Maxkamad Iiraan ah ayaa Arbacadii dil ku fulisay nin lagu eedeeyay basaasnimo hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan, ninkan ayaa ka shaqeynayay Guddiga Difaaca Dadban ee hay'ad dawladeed oo xasaasi ah, wuxuuna xiriir ballaaran la lahaa sarkaal ka tirsan Mossad.

    Sidoo kale Talaadadii, Iiraan waxay dishay nin kale oo lala xiriirinayay dibadbaxyadii Janaayo, kaasoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Mossad.

    Iiraan waxay dishay in ka badan darsin qof tan iyo markii khilaafku bilaabmay, qaarkoodna lagu eedeeyay inay basaas u ahaayeen Israa'iil, qaar kalena waxay xiriir la lahaayeen kooxda mucaaradka ah ee Mujahedin-e-Khalq, iyo kuwa kale oo ku lug lahaa rabshadihii Janaayo.

    Dhanka kale, garsoorka Iiraan ayaa Talaadadii beeniyay warar sheegaya in siddeedda haween ah dhawaan la dili doono.

    Beeninta ayaa timid markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in la sii daayo. Wakaaladda Wararka ee Meezan oo ay maamusho garsoorka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka uu marin habaabiyay "warar been abuur ah" oo ay faafiyeen warbaahinta "cadaawadda leh".

    Sida laga soo xigtay hay'addu, dhowr ka mid ah haweenka ayaa horey loo sii daayay halka kuwa kalena ay wajahayaan eedeymo aan lahayn ciqaab dil ah.

  14. War deg deg ah, Degdeg: Wahadalladii Iiraan iyo Mareykanka oo xog cusub laga helay hadda

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida ay ku warrantay New York Post, iyada oo la eegayo suurtagalnimada in wada-hadallo ka dhacaan Islamabad 36 ilaa 72 saacadood ee soo socda, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu sheegay "in ay suurtogal tahay arrintaas."

    Ilo ku sugan Islamabad ayaa sheegay in wareegga labaad ee wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay ka bilaaban karaan Pakistan 26 ilaa 72 saacadood ee soo socda, taas oo la micno ah in Jimcaha ay dhici karaan wadahadalladaas.

    Sida ay sheegtay weriyaha New York Post, Caitlin Doornbos, Trump iyo ilo Pakistan ku dhow ayaa sheegay in wada-hadallada ay suurtogal tahay in ay bilowdaan Jimcaha.

    Aagga Red Zone ee Islamabad ayaa weli xirnaanaya, waxaana la sameeyay adkeynta amni. Xafiisyada dowladda ee aaggaasi ayaa weli xiran.

    Hoteelka Serena, oo martigelinaya wada-hadallada tooska ah, waxaa la sheegay in weli uu xiran yahay oo dadka shacabka ah aaney aaggaas tagi karin. Sida uu sheegay wariye lagu magacaabo Omar Daraz Nangiana, kaliya shaqaalaha loogu talagalay ayaa gali kara hoteelkaas.

  15. Diyaarado isku dhacay kadib markii duuliyaashii ay bilaabeen in hawada ay sawirro isaga qaadan

    Diyaarado

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uuliyiinta Koonfurta Kuuriya ayaa ogaaday in laba diyaaradood oo dagaal ay isku dhaceen hawada sare sanadkii 2021 sababtuna ahayd in duuliyayaashu ay sawiro iyo muuqaalo ay iska qaadayeen.

    Shilku wuxuu dhacay intii ay diyaaradaha ku jireen howlgalkii duulimaad ee magaalada Daegu, sida uu sheegay Guddiga Koonfur Kuuriya ee Kormeerka iyo Baaritaanka.

    Duuliyayaasha ayaa badbaaday iyagoo aan wax dhaawac ah soo gaarin, laakiin isku dhacyada ayaa dhaawacay diyaaradaha, taas oo khasaaraha milatariga ku noqotay 880 milyan oo won (qiyaastii $596,000 si loogu dayactiro.

    Mid ka mid ah duuliyayaasha, oo markii dambe ka baxay milatariga, waxaa lagu amray inuu bixiyo ganaax dhan 88 milyan oo lacata won-ka ah.Shilku wuxuu dhacay sababo la xiriira in duuliyahaas uu doonayay inuu sawiro qaato si uu ugu xuso duulimaadkiisii ugu dambeeyay ee uu la sameyay cutubkiisa milatariga.

    Qaadista sawirrada duulimaadyada muhiimka ah waxay ahayd "caado guud oo ka dhex jirtay duuliyayaasha xilligaas," waxaa sidaasi sheegay guddiga kormeerka ee warbixinta soo saaray Arbacada maanta ah.

    Duuliyaha ayaa shaaciyay ujeedkiisa kahor duulimaadka, sida laga soo xigtay warbixinta.Duuliyaasha ayaa u isticmaalayay sawir qaadista iyo duubista muuqaallada teleefoonnadooda gacanta.

  16. War deg deg ah, Cabsi la muujinayo iyo waxa dhici kara haddii aan xaaladdu is baddelin

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Saacado kadib markii Donald Trump uu ku dhawaaqay kordhinta xabbad-joojinta, Iran waxay u muuqataa inay kordhisay xakamaynteeda marinka Hormuz, taas oo caqabad weyn ku ah horumarka heshiis nabadeed oola gaaro.

    Warbixinno ayaa muujinaya in doomaha dheereeya oo ay leeyihiin ciidamada Kacaanka Iiraan ay joojiyeen maraakiib isku dayayay inay maraan marinka.

    Inkasta oo aan la soo sheegin khasaarooyin waaweyn ama burbur, tallaabadan ka dhashay waxay cadaadis dheeraad ah saari kartaa xabbad-joojinta cusub, iyadoo sidoo kale muujinaysa in xaaladda is-mari-waaga ah ay si weyn u kordhisay halista dib u qarxidda dagaal cusub.

    Hadaladiisii ugu dambeeyay, Donald Trump wuxuu ku tilmaamay xiritaanka marinka Hormuz “qalad dhaqaale oo weyn” oo ay Iran sameyneyso, balse waxay u muuqataa in Iran ay isku dayeyso inay ka faa’iideysato xaaladdan si ay cadaadis siyaasadeed ugu saarto Mareykanka.

  17. War deg deg ah, Iiraan oo ku goodisay qaadista tallaabooyin lagu ilaalinayo dalka

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in dalku “si dhow ula socdo horumarrada” ka socda saaxadda siyaasadda, isagoo ka jawaabaya codsiyada Pakistan ee xabbad-joojinta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

    Qoraal lagu daabacay barta Telegram, ee IRNA ayaa soo xigatay Baghaei oo leh Iiraan waxay qaadi doontaa “tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ku habboon si loo ilaaliyo danaha qaranka iyo amniga Iiraan”.

    Xalay, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabbad-joojinta, kadib codsi ka yimid Pakistan, isagoo tilmaamay in dowlad “aad u kala daadsan” oo ka jirta Iiraan.

    Marka laga hadlayo suurtagalnimada wadahadallo dheeraad ah oo lala yeesho Washington, Baghaei wuxuu yiri: “Diblomaasiyaddu waa aalad lagu sugo danaha qaranka iyo amniga, mar kasta oo aan ku qancno in ay jiraan shuruudo lagama maarmaan ah oo macquul ah oo lagu adeegsan karo aaladdan… waan qaadi doonnaa tallaabooyin.”

  18. War deg deg ah, Markab saddexaad oo lagu weeraray Hormuz

    Markab xamuul oo saddexaad ah ayaa lagu weeraray marinka Hormuz xili uu isku dayayay inuu maro marin biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Vanguard u sheegtay qaybta xaqiijinta wararka ee BBC Verify.

    Markabkan, oo ku uu ka babanayay calanka Panama oo lagu magacaabo MSC Francesca, ayaa lagu bartilmaameedsaday qiyaastii lix mayl oo badda ah meel u dhow xeebta Iiraan xilli uu ku sii jeeday koonfurta marin biyoodka una socday Gacanka Cumaan.

    Markabka ayaa la sheegay in la siiyay diginin inta aan la weerarin.

    Ma jiro macluumaad dheeraad ah oo weli la soo weriyay.

  19. War deg deg ah, Dalka leh markabki labaad ee ay Iiraan weerartay oo la shaaciyay

    Waxaa la ogaaday dalka iska leh markabka labaad ee ay saaka weerartay Iiraan

    BBC Verify oo ah qaybta xaqiijinta wararka ee BBC-da ayaa ogaatay in markabka labaad ee xamuulka ee la weeraray uu leeyahay shirkad ka howlgasha Imaaraadka Carabta, kaas oo uu ka babanayay calanka Panama.

    Xogta AIS ee Kpler waxay muujineysaa, in markabku uu bilaabay inuu ka gudbo marin biyoodka 01:10 UTC (2:10 BST) 22-kii Abriil, iyadoo magaalada Jeddah, Sacuudi Carabiya la ogaaday halka ay ahayd oo uu usocday.

    Warbixintalaga helay Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK iyo Vanguard, ayaa tilmaamaya in markabka lagu weeraray siddeed mayl oo badda ah galbeedka Iran saacadda 06:38 UTC (07:38 BST). Markabka ayaa la joojiyay.

    Shaqaalihii markabka ayaa la sheegay inay badqabaan, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray markabka.

    Waa markabkii labaad ee saaka lagu weeraryo gacanka. Horey waxaa la soo sheegay in markab ay leedahay Giriigga ay rasaas ku fureen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

  20. Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo.

    Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.

    Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.

    Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jimcada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.

    Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay daraasad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sameeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainalysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca internet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.

    Qaramada Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuriyada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgelisay sameynta hubkeeda wax gumaada.