Guddoomiye
ku-xigeenka baarlamaanka Iran, Hamidreza Haji Babaei, ayaa sheegay in dakhliga
ugu horreeya ee laga helay ama laga qaaday maraakiibta isticmaasha
marin-biyoodka Hormuz lagu shubay akoonka Bangiga Dhexe.
Sida
lagu sheegay warbixin ay daabacday Tasnim News Agency, ma uusan bixin
faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida lacagaha loo ururiyey ama cidda
bixisay, BBC-duna si madax-bannaan uma
xaqiijin karto sheegashadan.
Ka
hor xabbad-joojinta hadda jirta, Tehran waxay sheegtay inay xaddiday marinka
maraakiibta, iyadoo u oggolaanaysa waxa ay ugu yeertay “dalal saaxiib la ah,”
waxaana jiray wada-hadallo ku saabsan in lacag laga qaado maraakiibta maraysa
marin-biyoodkan.
Si
kastaba ha ahaatee, muddadaas lama caddayn inta uu la ekaa qarashak alaga qaadi
jiray maraakiibta.
Tusaale
ahaan, dabayaaqadii bishii Maarso, safaaradda Iran ee Hindiya ayaa beenisay
warar sheegaya in Tehran ay 2 milyan oo doollar ka qaadday maraakiibta si ay u
maraan.
Xildhibaan
ka tirsan baaralamaanka Iran, Alireza Salimi, ayaa u sheegay Tasnim News Agency:
“Waxaan ka maqlay ilo lagu kalsoon yahay in Iran ay lacag ka ururisay
maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz.”
“Qaddarka
lacagta laga qaado marab kasta ayaa la aaminsanyahay in farqi u dhaxeeyo iyadoo
ku xiran nooca iyo xamuulka iyo heerka khatarta ay wataan, Iran ayaana
go’aamisa sida iyo inta laga qaadayo. Annaga ayaa dejinna xeerarka,” ayuu yiri.
Madaxweyne
Donald Trump, ayaa hore ugu hanjabay maraakiibta bixisa lacagahaas si ay u
isticmaalaan marin-biyoodka Hormuz.