You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan: Ma jiraan qorshayaal lagu booqanayo xarumaha waxyeelladu soo gaartay ee Nukliyeerka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda"

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Cumaan oo war cusub kasoo saartay marinka Hormus kadib saaraakiishii Iiraan ee booqday dalkaas

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Cummaan ayaa ku dhawaaqday inay la shaqeysay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) si loo sameeyo marin badeed ku meel gaar ah, taas oo sahleysa in maraakiibtu ka gudbaan Marinka Hormuz.

    Wakaaladda wararka dowladda Cummaan ayaa sheegtay in maraakiibta doonaysa inay maraan Marinka Hormuz ay tahay inay sameeyaan qabanqaabada lagama maarmaanka ah iyagoo la xidhiidhaya Ururka Caalamiga ah ee Badaha iyo mas’uuliyiinta Cummaan.

    Warkan ayaa yimid saacado kadib markii Mohammad Baqer Qalibaf, oo hoggaaminayay wafdiga diblomaasiyadeed ee Iiraan, uu booqday dalkaas. Waxa kale oo uu yimid kadib markii Iiraan iyo Cummaan ay Talaadadii bayaan wadajir ah ku sheegeen inay ka go’an tahay ilaalinta Marinka Hormuz si uu u ahaado marin-biyood ammaan ah oo u furan maraakiibta caalamiga ah, iyagoo isla markaasna adkeeyay madaxbannaanidooda iyo xuquuqdooda qaran ee ku saabsan biyaha Marinka Hormuz.

    Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay baari doonaan sida mustaqbalka loo maamuli doono Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo marin-biyoodkan, iyagoo sameynaya guddi wadajir ah.

    Bayaankan ayaa la soo saaray kadib kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka kala socday labada dal oo ka dhacay caasimadda Muscat.

    Kadib markii ay ka soo baxeen Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, madaxa kooxda wada-xaajoodka Iiraan, iyo Abbas Araqchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, waxay aadeen Cummaan, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Busaidi iyo Suldaanka Cummaan Haitham bin Tariq.

    Talaadadii, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, oo ah hay’ad hoos tagta Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqay bilowga geeddi-socodka dib loogu celinayo in ka badan 11,000 oo badmaaxiin ah oo ku xayirnaa Marinka Hormuz; badmaaxiinta ayaa ku go’doonsanaa gobolka tan iyo dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan iyo xaddidaaddii lagu soo rogay isu socodka Marinka Hormuz.

    Ururka Caalamiga ah ee Badaha ayaa sheegay in hawlgalka samatabixinta badmaaxiintan loo fulin doono si dhow oo iskaashi ah, iyadoo lala kaashanayo dhammaan dalalka gobolka iyo Mareykanka.

  2. War deg deg ah, Maraykanka: "Dalna looma ogola in uu lacag maris ka qaado marinka Hormus"

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii safarkiisa dalalka Gacanka ka bilaabay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Waxa uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn, oo labaduba ay ku yaallaan saldhigyo militari oo Mareykan leeyahay, si uu ugala hadlo heshiiska lala galay xukuumadda Tehran.

    Rubio ayaa mar kale Talaadadii ku celiyay in aragtida Mareykanka ay tahay in aan waddan loo oggolaan inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado maraakiibta sii maraya Marinka Hormuz, arrintaas oo la soo hadal qaaday kadib markii Iiraan isku dayday inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.

    “Marinka Hormuz waa marin-biyood caalami ah. Waddana looma oggola inuu canshuuro ama lacag maris ah ka qaado marin-biyood caalami ah. Taasi waa qayb ka mid ah sharciga caalamiga ah ee jira,” ayuu yiri isagoo gaaray Imaaraadka Carabta.

    “Uma maleynayo inaan cid ku qancinno halkan,” ayuu Rubio sii raaciyay. “Waxaan aaminsanahay in dhammaan dalalka gobolka ay nagu raacsan yihiin.”

    Hadalladan oo uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka markii uu gaarayay UAE ayaa yimid saacado yar kadib markii Iran iyo Cumaan ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen inay ka go’an tahay in Marinka Hormuz uu ahaado marin-biyood ammaan ah oo furan oo loo isticmaalo maraakiibta caalamiga ah, iyagoo sidoo kale xoojiyay madax-bannaanidooda iyo xuquuqdooda ku aaddan biyaha marinka.

    Waxay sidoo kale shaaciyeen inay dib u eegi doonaan maamulka mustaqbalka ee Marinka Hormuz iyo kharashaadka adeegyada laga bixiyo, iyagoo samaynaya guddi wadajir ah.

    Bayaankan ayaa ka dambeeyay kulan ay Mas’uuliyiin sar sare oo labada dal ah ku yeesheen magaalada Muscat.

    Ka dib markii uu ka yimid Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf, oo ah madaxa wafdiga wada-xaajoodka Iran, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araqchi, ayaa u safray Cumaan halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Al-Busaidi iyo Suldaanka Cumaan Haitham bin Tariq.

  3. War deg deg ah, Kooxda kubadda cagta England oo barbaro la gashay Ghana

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Kooxda kubadda cagta England, oo ciyaarteedii koowaad 4-2 kaga badisay Croatia isla markaana rejo weyn siisay taageerayaasheeda, ayaan wax ka fiican barbaro 0-0 ah ka helin Ghana.

    Inkasta oo England ay marar badan weerar ku qaaday goolka Ghana ciyaarta dhexdeeda, isla markaana Harry Kane uu lumiyay fursado muhiim ah, haddana Ghana ma ahayn mid si fudud loo jabin karo, waxayna dhowr jeer halis ku abuurtay England weerarro rogaal celis ah.

    Natiijadan ayaa ka dhigtay in England ay hoggaanka sii hayso iyadoo leh 4 dhibcood, halka Ghana oo kulankeedii koowaad ka badisay Panama ay sidoo kale leedahay 4 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad.

    Ciyaarta xigta ee group-kan ayaa dhex mari doonta Croatia iyo Panama.

  4. War deg deg ah, Senetka Mareykanka oo ansixiyay hindisaha lagu joojinayo dagaalka Iran

    Senetka Mareykanka oo ay maamulaan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Talaadadii taageeray hindise sharciyeed lagu joojinayo hawlgallada militari ee Mareykanka ka waday Iran, balse weli ma cadda saameynta ay yeelan doonto tallaabadan, iyadoo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wada-hadallo nabadeed la leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Senetka ayaa u codeeyay 50-48 isagoo taageeray go’aankan wadajirka ah, kaas oo horey uga soo gudbay Golaha Wakiillada horraantii bishan.

    Codbixintan waxay muujinaysaa walaac sii kordhaya oo laga qabo dagaal lala galo Iran, walaacaas oo xitaa ka dhex jira qaar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga ee taageersan Madaxweyne Trump.

    Dagaalkan oo billowday 28-ka Febraayo, isla markaana aan laga helin taageero badan bulshada Mareykanka, ayaa warbaahinta dalkaasi marar badan ku tilmaamtay inuu yahay “guuldarro” ka dhan ah Iran.

  5. Mareykanka oo fududeeyay xannibaadahii saarnaa xulka qaranka Iran

    Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu fududeeyay xannibaadaha ku saabsanaa safarka xulka qaranka Iran ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka.

    Sida lagu sheegay warbixinta, Mareykanka ayaa u oggolaaday kooxda inay dalka soo galaan laba maalmood ka hor ciyaartooda xigta.

    Xayiraadaha uu Mareykanku ku soo rogay xulka Iran, oo ah dalka martigelinaya Koobka Adduunka, ayaa hore u oggolaanayay in ciyaartoydu soo galaan Mareykanka kaliya maalinta ka horreysa ciyaarta, isla markaana sida ku xusan shuruudaha fiisahooda ay khasab ku ahayd inay si degdeg ah uga baxaan dalka isla maalinta ciyaartu dhacdo.

    Sababta xannibaaddan awgeed, xulka Iran ayaa xaruntooda tababarka ka raray Arizona oo Mareykanka ah, una wareejiyay Tijuana oo ku taalla Mexico.

    Iran waxay illaa hadda ciyaartay laba kulan oo ka tirsan heerka group-yada Koobka Adduunka, waxaana kulankooda saddexaad ay la ciyaari doonaan Masar 27-ka Juun magaalada Seattle.

  6. War deg deg ah, Qaramada Midoobay oo badmaaxiin kasoo samatabixinaysa marinka Hormuz

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC, Somali

    Qaramada Midoobay hay’addeeda qaabilsan arrimaha badaha ee la dhaho International Maritime Organization (IMO), ayaa qorshaynaysa inay daadgureyso in ka badan 11,000 oo badmaaxayaal ah oo ku xayirmay gacanka Hormuz, taasoo ka dhalatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jireen Iiraan.

    Xoghayaha guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa sheegay in “hawlgalkan ballaadhan” la fulin doono iyadoo lala kaashanayo Iiraan, Cumaan, Mareykanka, dowladaha kale ee xeebaha gobolka, iyo sidoo kale warshadaha gaadiidka badda.

    Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan helnay dammaanadaha amni ee lagama maarmaanka ah, sidoo kalena si buuxda ayaan u hubinnay xaaladaha ku habboon socdaalka badbaadada leh si loo taageero hawlgalladan.”

    Toddobaadkii hore waxaa la saxiixay heshiis ku-meel-gaar ah oo lagu soo afjarayo colaadda, balse Mareykanka iyo Iiraan weli waxay isku hayaan faahfaahinta ku qoran Is-afgaradka (MoU).

    Mareykanku wuxuu sheegay in MoU-ga uu ka mid yahay dammaanad qaadyo dhigaya in barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iiraan uu mari doono kormeer ay sameyso Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga.

    Hase yeeshee, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu maalintii Talaadada la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ku sheegay in gantaalladu aysan ku jirin MoU-ga, isla markaana aysan waligood ku jiri doonin.

    Pezeshkian wuxuu intaas ku daray:“Iiraan waligeed kama wada xaajoon doonto awooddeeda difaaca dal kasta, waxayna si adag u aaminsan tahay in nabadda iyo xasilloonida gobolka lagu gaari karo oo keliya wada-hadallo daacad ah iyo iskaashi dhex mara dalalka gobolka.”

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa maalintii Talaadada ka bilaabay socdaal uu ku marayo gacanka Carabta, isagoo gaaray Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), waxaana uu sidoo kale booqan doonaa Kuwait iyo Baxreyn si uu ugala hadlo heshiiska Tehraan.

    Rubio wuxuu Talaadadii sheegay in aysan jirin waddan loo oggol yahay inuu canshuuro ama lacag marin ah ka qaado marinka Hormuz, halkaas oo Iiraan ay ku dadaalaysay inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraysa.

    Wuxuu yiri:“Waa marin-biyood caalami ah. Waddan looma oggola inuu canshuuro ama lacag marin ah ka qaado marin-biyood caalami ah. Taasi waa sharci caalami ah oo jira.” sida uu sheegay markii uu gaaray Imaaraadka Carabta.

    Wuxuu intaas sii raaciyay:“Uma maleynayo inaan halkan cid ku qancinno arrintan. Waxaan aaminsanahay in dhammaan dalalka gobolkan ay nagu raacsan yihiin.”

  7. Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo dib ka saxay hadal uu maanta sheegay oo ku saabsanaa gantaalaha Iran

    Sida aan goorsii horeysay baahinay, ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa maanta yiri: “60-ka maalmood ee soo socda, inta ay socdaan wadahadallada farsamo ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, waxaa laga wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, gantaallada ballistic-ga iyo hantida la xayiray". Warkaas ayaa waxaa beeniyay Iran.

    Hadda, Mr. Sharif ayaa arrintan ka hadlay mar kale ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Iran Masoud Peshkian, oo u safray Pakistan.

    Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in aan "laba wajiilenimo" lagu dhaqmin arrinta gantaalaha ballistic-ga, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Iran, sida dalalka kale, ay xaq u leedahay inay haysato gantaaladan.

    Mudane Shariif ayaa sidoo kale u sheegay warfidiyeenka in heshiiska is-afgaradka ah ee ay ku heshiiyeen Iran iyo Mareykanka aan lagu soo hadal qaadin gantaallada ballistic-ga ah.

    Sida laga soo xigtay isaga, "Arrintan asal ahaan laguma soo hadal qaadin wada xaajoodka labada dhinac."

    Saraakiisha Mareykanka ayaan ka hadlin hadalka Ra'iisul Wasaaraha Pakistan maanta, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkii hore sheegay inay " cadaalad darro tahay" in Iran loo diido inay hesho gantaallada ballistic-ga ah haddii dalal kale ay haystaan.

  8. Shahbaz Sharif: Arrimaha Nukliyeerka, gantaalada ballistic-ga iyo hantida Iran ee la xayiray ayaa ku jira ajendaha wada xaajoodka

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo saaka ka hor hadlayay baarlamaanka dalkaasi ayaa yiri “60-ka maalmood ee soo socda, inta ay socdaan wadahadallada farsamo ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, waxaa laga wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, gantaallada ballistic-ga iyo hantida la xayiray.

    Mudane Shariif ayaa yiri: “Waxaan si buuxda u rajeyneynaa, haddii Eebbe idmo, fadligiisa Eebbe kor ahaaye, in 60-kan maalmood uu heshiiska is-faham uuu noqdo midwaara”.

    Hase yeeshee wakaaladda wararka ee Fars News oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda wada xaajoodka Iran ayaa beenisay hadalka Shahbaz Sharif, waxayna qortay: "Sheekada Shahbaz Sharif ee ku saabsan in la soo hadal qaado arrinta gantaallada ballistic-ga ee wadahadalka Iran iyo Mareykanka waa been, arrintanina kuma jirto ajandaha wadahadalka."

    Maanta, madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa booqday Pakistan. Shahbaz Sharif ayaa ku soo dhaweeyay Islamabad.

    Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa soo dhaweynayta Masoud Pezeshkian.

  9. Naftali Bennett: Israa'iil waxay si qarsoodi ah u galisay internet-ka Starlink gudaha Iran

    Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil Naftali Bennett ayaa sheegay in xilligii uu ahaa ra'iisul wasaaraha, uu bilaabay qorshe uu si qarsoodi ah ugu wareejinayo tobanaan kun oo internet-ka loo yaqaan 'Starlink' banaanbaxayaasha Iran si ay u sii wataan dibad-baxa isgaarsiineed.

    Bennett ayaa kulan Talaadadii ka dhacay magaalada Qudus ka sheegay in hadafka qorshaha uu yahay in dibedbaxayaasha loo suurtageliyo in ay isku dubbaridaan oo ugu dambeyntii gacan ka geystaan ​​ridista dowladda Iran.

    "Nasiib darro, dawladda Israa'iil ee aan waxtarka lahayn ee hadda jirta ayaa joojisay barnaamijkan, markii ay mudaaharaadyadu dhaceen, kaabayaashaas ma jirin," ayuu yiri.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaan weli ka jawaabin hadalka Bennett.

    SpaceX ayaan sidoo kale ka hadlin arrintan.

  10. Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

    Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay ka go’an tahay ilaalinta marin biyoodka Hormuz oo ah marin biyood nabdoon oo furan oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah, isla markaana waxa ay carabka ku adkeeyeen madax banaanida iyo xuquuqdooda ku aadan dhul badeedka gacanka Hormuz.

    Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in ay baari doonaan mustaqbalka maamulka marin biyoodka Hormuz iyo qarashka ku baxaya adeegyada laga bixiyo marin biyoodkan iyaga oo sameynaya guddi isku dhaf ah.

    War-murtiyeedka ayaa laga soo saaray shir ay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dal ku yeesheen magaalada Masqad.

    Markii ay ka soo ambabaxeen Switzerland, Mohammad Baqer Qalibaf oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka Iran iyo Cabbaas Araqchi, wasiirka arrimaha dibadda Iran, waxay tageen Cumaan, waxayna la kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Badar Busaidi iyo Sultan Haitham bin Tariq, boqorka Cumaan.

  11. Trump oo sheegay in Iran ay ogaalatay in la baaro goobaha nukleerka hadii aysan ogaalana uusan heshiis jireen

    Donald Trump ayaa sheegay in "Iran ay si buuxda oo shuruud la'aan ah u ogolaatay in baaritaano heerkoodu sareeyo lagu sameeyo Nukliyeerkeeda, kuwaa oo soconaya muddo aad u dheer mustaqbalka (weligood!!!)'.

    "Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri, "Haddii Iran aysan aqbali lahayn arrintan, ma jiri lahayn wax wada xaajood ah oo dheeraad ah."

    Saacado ka hor, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in Iran aysan qorsheyneynin inay IAEA u ogolaato inay booqdaan xarumaha nukliyeerka ee ku waxyeeloobay dagaalka.

    Hadalkan ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ee ahaa in Iran ay ogolaatay soo celinta kormeerayaasha IAEA.

    Faallooyinka uu ugu dambeeyay ee ku saabsan kormeerka barnaamijka Nukliyeerka Iran, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku qoray Truth Social, isagoo ku celceliyay hadalkii madaxweyne ku xigeenkiisa ee shalay, "Aniga oo ka duulaya heshiiskaan iyo kuwii kale ee muhiimka ahaa ee Iran ogolaatay, waxaan isku raacnay in marin biyoodka Hormuz uu sii ahaan doono mid furan oo aan la soo rogi doonin xayiraad kale oo badda ah. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan maraakiibta ayaa sii joogi doona halkooda si ay dib ugu soo celiyaan xayiradii takadaha hadii loo baahdo, inkasta oo in ay dhacdaaba aysan u badnayn."

  12. Labo qof oo lagu dilay toogasho Israel ka geysatay koonfurta Lubnaan

    Rasasta Israel ayaa laba qof ku dishay koonfurta Lubnaan Talaadadii, wakaaladda difaaca madaniga ah ee Lubnaan iyo ilo amni ayaa sheegay.

    Waa dhacdadii ugu dambaysay ee dhimashada tan iyo markii heshiis uu Maraykanku garwadeen ka ahaa uu xabbad-joojin dhexdhigay Israel iyo Hezbollah taa oo la isku waafaqay todobaadkii hore.

    Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen koox dad ah oo u dhawaa cagaf-cagaf lagu furayay waddo ku taalla deegaanka Deir ee Nabatieh.

  13. Madaxweynaha Iran oo hadda gaaray Pakistan

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Pakistan.

    Markii uu soo degay waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Saacad ka hor, isagoo sii wata safarradiisa diblomaasiyadeed, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi ka soo safray Cumaan, wuxuuna ku sii jeeday Pakistan, si uu safarkan ugula biiro Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian.

    Araqchi ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ka hor inta uusan Massoud Pezeshkian imaan.

    Cabbaas Araqchi ayaa horay uga soo kicitimay dalka Cumaan isagoo ka yimid dalka Switzerland si uu ula tashado maamulka marin biyoodka Hormuz isaga iyo wafdi ka socda Iran oo uu ku jiro Mohammad Baqer Qalibaf.

    Sida laga soo xigtay ilo Iran ah, "waxaa la mahdiyay" dadaalka Pakistan ee dhexdhexaadinta Iran iyo Maraykanka waxaana lagu sheegay mid ka mid ah sababaha safarka Pakistan.

  14. Wasiir Aadan Barre Ducaale oo lagu helay dembi oo soo gaaray maxkamadda

    Wasiirka caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale aya daqiiqadihii la soo dhaafay soo gaaray maxkamadda Kilimani ee magaalada Nairobi.

    Ducaale ayaa lagu waday inuu maanta ka soo muuqdo maxkamadda iyadoo lagu helay dembi maxkamadeed sababo la xiriira sida uu ula dhaqmay dhismaha xarun karantiil Ebola oo muran dhalisay, taas oo uu maalgelinayo Maraykanku.

    Bishii hore, Maxkamadda Sare ayaa joojisay dhismaha xarunta go'doonka oo leh 50 sariirood, taas oo ku taalla saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Nanyuki, ilaa dacwad ay gudbisay koox xuquuqda aadanaha ah la dhageysto.

    Laakiin shalay Isniintii, garsoore ayaa xukumay in Ducaale uu iska indho tiray amarka maxkamadda isla markaana uu oggolaaday mashruuca inuu sii socdo. Waxaa lagu wadaa in xukunkiisa la dhageysto maanta oo Talaado ah.

    Xarunta karantiilka waxaa loogu talagalay muwaadiniinta Maraykanka ee looga shakiyo inay qaadeen cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Faahfaahin dheeraad ah halkan ka sii akhri

  15. 6-daan cunto hadii la isku daro sun ayay noqonayaan

    Qof kasta oo bini aadam ah wuxuu haystaa wuxuu Eebbe siiyay. Maalin kasta oo qof go'aansado inuu wax cuno waxaa laga yaabaa inuu sun sumeeyo.

    Cuntada uu qofku cunaa waxay la socotaa xaaladda caafimaad. Hal qof ayaa si isku mid ah oo fudud u cuni kara, laakiin waxaa laga yabaa in qof kale ay sun ku noqoto.

    Xaaladdan waxaa uga sii dari karta cawaaqibta ka dhalan karta marka aad ku guul darreysato inaad isku dartid isku -dhafka cuntada ee saxda ah iyo kuwa caafimaadka leh.

    Nooc kasta oo cunto ah waxay leedahay faa'idooyinkeeda, laakiin marka la isku qaso waxay dhibaato u keeni kartaa qofka.

    Xabiiba Haaruna oo ah khabiir ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa BBC -da u sheegtay lix nooc oo cunto ah oo qof kasta sumayn kara.

    Kalluunka iyo Caanaha waa cuntooyin ay ka buuxaan nafaqooyinka balse waxaa laga yabaa marka la isku daro inaysan awoodin u yeelan inay sameeyaan nafaqooyinka saxda ah, taasina waxay sababi kartaa kartaa dhibaatooyin caafimaad.

    Jirka bani'aadamku uma baahna cuntooyin kala duwan oo ay ku jiraan kiimikooyin isku mid ah. Waxay sababi kartaa in jirka uu sumoobo oo matag iyo shuban uu qofka ku dhaco.

    Kuwa kale sii akhri

  16. Maxay Israa'iil ka tiri inay Somaliland u dirtay ciidan?

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israa’iil ayaa war been abuur ah ku tilmaantay warar la isla dhex marayo oo sheegaya in Israa’iil ay ciidamo u dirtay jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ee hore loo oran jirat Twitter, ku sheegtay in wararkaasi aanay waxba ka jirin.

    Warkan ayaa ah mid saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay, ilaa hadana Somaliland dhankeeda kama aysan hadal amaba ma xaqiijin.

    Wararka ayaa sheegayay in tiro yar oo milatariga Israa’iil ah oo lagu qiyaasay ilaa 50 oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika loo diray Somaliland, taas oo qeyb ka ah heshiis dhanka amniga ah oo ay gaareen labada dhinac.

    Israa’iil kuma leh wax saldhig ah jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland,lakiin waxa ay tababaraysaa booliskeena iyo ciidamadeena milatari, ayuu dhawaan yiri wasiirka difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyada oo ay dalbadeen maalgelinta Israa’iil ee beeraha iyo dhinacyada kale.

    Wakaalada wararka Reuters oo wax ka weydiisay saldhiga Milatari ee Israa'iil ayuu ku tilmaamay 'kutiri-kuteen'

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku joogay Israa’iil, ayaa dhawaan wareysi gaar ah siiyay warbaahinta i24, kuwaas oo weydiiyay waxa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa’iil.

    “Hadda ma aha”, ayuu yiri madaxweynuhu.

    Markii la weydiiyay in mustaqbalka laga yaabo inay saldhigga furato Israa’iil, waxaa uu yiri “hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas”.

    Waxaa arrntan sidoo kale horey u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo BBC-du horaantii sanadkan wareysi gaar ah la yeelatay.

    Dhanka kale, asuuliyiinta Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa amar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sharci ah oo sax ah ay Somaliland kaga baxaan muddo 10 maalmood gudahood ah.

    Masuuliyiinta ayaa tallaabadan ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga, xilli ay Somaliland hiigsanayso inay soo jiidato indhaha caalamka iyo maalgashiga shisheeye.

    Sidoo kale akhri

  17. Iraan oo soo rogtay xanibaado duulimaadyada ah

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Iran ayaa ku dhawaaqday in la joojin doono duullimaadyada maalmaha aaska Ali Khamenei.

    Hay’addu waxay sheegtay in la soo rogay xannibaado duullimaad maalmaha aaska Ali Khamenei. Sida ay hay’addu sheegtay, ma jiri doonaan duulimaadyo rakaab oo ka dhacaya garoomada Mehrabad iyo Imam Khomeini maalinta 3-da Luulyo.

    Sidoo kale, dhammaan duulimaadyada guud ee garoonka Mehrabad waa la mamnuuci doonaa laga bilaabo 12-ka ilaa 16-ka Luulyo 2025.

    Xayiraaddan ayaa sidoo kale ka jiri doonta gobolka Qom 6-da iyo 7-da Luulyo, halka Mashhad ay saameyn doonto 7-da iyo 8-da Luulyo.

    Sidoo kale akhri

  18. Shey aan laga waayin cuntada Soomaalida oo carfiya shiirka ragga iyo dumarka. Hoos ka akhri

    Toonta, alkolka, hilibka iyo soonka ayaa ka mid ah waxybaaha badalikara uduga iyo urka jirkaaga.

    Dadku way kala duwan yihiin. Wax kasta laga soo bilaabo shaqsiyadaada, sida aad u dhaqanto, welwelka, xaaladaada iyo caafimaadkaaga ayaa saameyn ku leh sida aan u soo shiirno.

    Tobankii sano ee u dambeeyay waxay noqotay wax iska cad in shiirka jirkeena uu ku xiran yahay hiddo-sidaheena, hormonadeena iyo nadaafada sida uu sheegay Prof. Craig Roberts oo ka tirsan jaamacadda University of Stirling ee Scotland.

    "Kuma xirno rag iyo dumar, yaraan iyo weynaan, jiro iyo fiyoowi" ayuu yiri Prof Craig oo sheegay in aysan ku xirneyn waxyaabo badan oo ka baxsan awoodeena.

    Mid ka mid ah waxybaaha saameynta ku leh sida jirkeena u soo shiiro ayaa ah cuntada aan cuno. Sida lagu sheegay cilmibaaris yar, waxa aan cuno ayaa saameyn ku leh sida guud ee jirkeena u soo shiiro iyo sida dadka kale u arkaan.

    Cuntooyinka aan qaadano waxay jirkeena u saameeyaan labo nooc sida ay sheegeyso Prof. Lina Begdache oo ka tirsan jaamacada New York ee Binghamton. Tan koowaad waa maqaarka iyo tan kale oo ah gudaha jirkeena sida caloosha iyo mindhiciraha.

    Marka aad cuntada qaadato oo dhiifshiidkaaga kala shaandheeyo waxaa howlgalaya bakteeriyada.

  19. Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  20. Somaliland oo soo saartay amar cusub

    Masuuliyiinta Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa amar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo aan haysan dukumentiyo sharci ah oo sax ah ay Somaliland kaga baxaan muddo 10 maalmood gudahood ah.

    Go'aankan ayaa loo sababeeyay walaac dhanka amniga ah iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo xasiloonida, iyadoo la eegayo isbaddallada xaaladeed ee gobolka ka dhashay.

    Awaamiirtan oo uu ku dhawaaqay Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Axmed, ayaa lagu faray laamaha gargaarka iyo amniga inay aqoonsadaan isla markaana ay Somaliland ka saaraan ajaanibta aan sharciga haysan ee ku nool halkaas.

    Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha inay la shaqeeyaan mas'uuliyiinta, ayna soo sheegaan dadka looga shakisan yahay inay si sharci-darro ah ugu sugan yihiin deegaanada Somaliland.

    Masuuliyiinta ayaa tallaabadan ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga, xilli ay Somaliland hiigsanayso inay soo jiidato indhaha caalamka iyo maalgashiga shisheeye.

    Axmed wuxuu sheegay in xiisaha sii kordhaya ee caalamku u hayo Somaliland iyo hawlaha maalgashadayaasha ee soo kordhaya ay lagama maarmaan ka dhigtay, in la adkeeyo tallaabooyinka amniga iyo in la ilaaliyo xasiloonida.

    Xukuumadda Somaliland weli may soo saarin habka rasmiga ah ee amarkan loo fulin doono, mana cadeyn dadka ay saamaynta ugu weyni ku yeelan karto.

    Deegaanada Soamliland waxa ku nool dad tiro badan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, oo ay ku jiraan bulsho ballaaran oo isugu jira kuwo isbedel nololeed raadinaya iyo qaxooti u badan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

    Ku-dhawaaqistan ayaa ku soo aaddaysa xilli ay jirto xasaasiyad xooggan oo ka taagan gobolka, iyo warar sheegaya in Israa'iil ay tiro yar oo milateri ah u soo dirtay Somaliland horraantii sannadkan, inkastoo faahfaahinta la xiriirta sheegashadaas ay weli tahay mid aan la xaqiijin.

    Sidoo kale akhri