In ka badan 300 oo qof oo tahribayaal ah oo loo safriyay si kelyaha loogala baxo

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan 300 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Boqortooyada Midowday (UK) xagaagii hore ayaa la afduubtay, la jirdilay, laguna handaday in xubnahooda jirka si khasab ah looga saaro, sida ay BBC-du ogaatay.
Dhallinyaradan oo dhammaantood ka soo jeeday Kurdistaan-ta Ciraaq ayaa lagu qabtay Liibiya iyaga oo ay afduubeen maleeshiyaad dalbaday madax-furasho dhan $5,000 (£3,700) qoys kasta. Waxa kale oo ay ku hanjabeen inay ka saari doonaan kelyaha maxaabiista haddii lacagta si degdeg ah loo bixin waayo.
Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah dadkii la haystay ee markii dambe la sii daayay, waxaana aragnay caddaymo sawirro ah oo muujinaya in qalliimo khasab ah ay dhaceen.
Dadkii hore loo haystay waxay na tusayeen caddaymo muujinaya jirdilkii loo geystay, waxayna sheegeen in lagu hayay xaalado aad u ciriiri ah, iyadoo ku dhowaad 180 qof ay wadaagayeen hal qol oo xabsi ah.







