You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Daraasad war aan fiicneyn ka sheegtay dumarka aroortii kaca

    Haweenka subixii firfircoon ayaa la sheegay inay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.

    Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.

    Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.

    Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.

    Qof walba wuxuu leeyahay saacadda jirka, taas oo maamusha sida uu jirku u shaqeeyo celcelis ahaan muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Waxay saameysaa wax walba laga soo bilaabo markaan seexanno, xaaladdeenna iyo xitaa khatarta aan ugu jirno wadno-istaagga.

    Balse saacadaha jirka ee dadka isku waqti ma sheegto.

    Dadka subixii ayaa aroortii soo kaca xilli horana wax qabsada, waana kuwo daala marka la gaaro casar-liiqa.

    Dadka fiidkii ayay ku adag tahay inay kacaan xilli hore aroortii, waxayna wax qabsadaan oo ay firfircoon yihiin xilli dambe fiidkii, waxayna door bidaan inay xilli dambe habeenkii seexdaan.

  2. Iiraan oo hanjabaad adag u dirtay Israa'iil

    Iran ayaa uga digtay Israa'iil inay joojiso weerarrada ay ku heyso koonfurta Lubnaan, haddii kale ay la kulmi doonto wax ay ku tilmaantay jawaab adag.

    Xarunta dhexe ee militariga Iran ayaa sheegtay, in Israa'iil ay jabisay xabbad-joojinta afar iyo siddeetan jeer labadii maalmood ee la soo dhaafay.

    Warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa goor sii horreysay sheegtay, in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen duqeymo ay geysatay Israa'iil.

    Militariga Israa'iil ayaa dhankooda sheegay, inay duqeeyeen gaari ay ku tilmaameen mid laga shakiyay.

    Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedka G7, Donald Trump ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn Israa'iil, isla markaana la dilay dad aad u badan.

    Dagaalkani waxa uu ahaa khaladkii ugu xumaa ee uu sameeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ugu yaraan ilaa hadda siyaasadda arrimaha dibadda.

    Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.

    Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.

    Sidoo kale akhri

  3. Messi oo taariikh cusub ka dhigay Koobka Adduunka

  4. Jeremy Bowen: Sida dagaalka Iran uu u muujiyay inta ay la egtahay tabarta Maraykanka

    Dagaalkani waxa uu ahaa khaladkii ugu xumaa ee uu sameeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ugu yaraan ilaa hadda siyaasadda arrimaha dibadda.

    Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.

    Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.

    Mas'uuliyiinta dalalkan ayaa durba si gaar ah uga hadlaya sidii ay u kala duwanaan lahaayeen xulafadooda iyo sidii ay Iran ula noolaan lahaayeen. Shiinaha ayaa sidoo kale si dhow isha ugu hayay iyadoo Mareykanka uu daalan yahay keydkiisa hubka ee ay adag tahay in la bedelo.

    Heshiiskan ayaa haddii aanu la kulmin wax caqabado ah daqiiqadaha ugu dambeeya, waxa uu soo afjarayaa dagaal salka ku haya aragti been ah oo ay Maraykanka iyo Israa'iil ka aaminsan yihiin xoogga cadawgooda ee Iran. Tani waxay nasteexo weyn u keeni doontaa dhammaan dadkii ay noloshoodu ku cuslaatay dagaalka, oo ay ku jiraan dadka rayidka ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

  5. Jeremy Bowen: Sida dagaalka Iran uu u muujiyay inta ay la egtahay tabarta Maraykanka

  6. Sidee dadka Iiraaniyiinta ah uga falcelinayaan heshiiska?

    Hoggaanka Iran ayaa isku dayaya in ay u soo bandhigaan heshiiska cusub ee ay la galayaan Mareykanka in uusan ahayn mid dib u gurasho, balse uu yahay natiijada iska caabin iyo guul.

    Laakiin falcelinta ka timid dhegaystayaasheena BBC-da Faaris ayaa soo jeedinaysa in sheekada guusha rasmiga ah ay u soo degayso si aan sinnayn.

    Hal qof ayaa noo sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin weerar kale oo Israa’iil ah, laakiin xitaa markii ay maqleen heshiiska, waxa ay sheegeen in aanay wax kalsooni ah ku qabin oo ay ka walaacsan yihiin in dalka si habboon loo maareynayo haddii heshiisku uu sii socdo.

    Qof kale oo Iiraani ah oo ka soo horjeeda maamulka, oo markii hore taageeray tallaabada militariga Mareykanka, ayaa yiri: "Rajadeennu waxay ahayd in nidaamka xukunka wax iska beddelo. Laakiin marka laga reebo darxumada, sicir-bararka iyo dhaawaca kale ee dhaqaalaha, muxuu faa'iido ah oo uu leeyahay?"

    Kuwo kale ayaa hiilo u muujiyay dawladda. Hal qof ayaa ku tilmaamay Iran in ay tahay guuleystaha, isagoo sheegay in dagaalku muujinayo in cunaqabateynta aan looga qaadin "dawarsi", balse loo maray awood.

    Laakin dad badan oo iiraaniyiin ah, guusha laguma qiyaasi doono halku dhigyo. Waxaa lagu qiyaasi doonaa haddii dagaalku joogsado, sicirka oo yaraada iyo haddii hoggaanku uu maamuli karo marxaladda soo socota iyada oo aan mar kale si lama filaan ah u kicin.

  7. Muxuu Trump sameeyay oo ka duwan intii Obama sameeyay oo ku saabsan Iran?

  8. Somaliland oo ka jawaabtay cambaarayntii dowladda Soomaaliya ee maanta

    Somaliland ayaa iska diiday cambaarayntii ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya maanta ee ku aadaneed booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Somaliland ku joogo Israa'iil.

    "Warka ka soo baxay Muqdisho waa xaqiiqo kale oo lagu qalloocinayo taariikhda, xaqiiqada lagu diidayo, laguna marin habaabinayo beesha caalamka," ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Somaliland.

    Waxaa intaa la raaciyay in ay iska diideen in tallaabooyinka Somaliland ay kula macaamilayso wadamada caalamka ay yihiin kuwo aan ka hor imaanayn shuruucda caalamiga ah.

  9. Qiimaha saliidda cayriin ee Brent oo hoos ugu dhacday $80 markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso

    Hadda qiimaha Brent crude, oo ah halbeegga caalamiga ah, ayaa hoos uga dhacay $80 (£60) foosto markii ugu horreysay tan iyo horraantii bishii Maarso, isagoo hoos ugu dhacay $79.90.

    Qiimaha Brent ayaa hadda aad uga hooseeya kii ugu sarreeyey ee uu ku dhuftey markii uu sii laba qarxay dagaalka, kaas oo ahaa 120 dollar foostadii.

    Kahor inta uusan dagaalku bilaabmin waxa lagu kala iibsanayay ku dhawaad ​​$70.

  10. Waa sidee nolosha tobanka waddan ee ugu amniga badan adduunka?

  11. Warar is qilaafsan oo ka soo baxaya faahfaahinta heshiiskii Iran iyi Maraykanka

    Qodobbada ku jira heshiiska Mareykanka iyo Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka ayaan weli la soo saarin, balse waxaan warar dheeraad ah oo aan ka maqalnay saraakiisha labada dhinac.

    Tan iyo markii heshiiska lagu dhawaaqay Axadii, waxaa soo baxayay fariimo iska soo horjeeda oo ka imaanayay mas'uuliyiinta Washington iyo Tehran oo ku saabsan sida uu u ekaan doono.

    Iran maxay tiri?

    Ballanqaadyo dhaqaale: Afhayeenka arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay shalay Mareykanka inay ka go'an tahay inay qaadaan tallaabo dib loogu dhisayo Iran iyo in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale.

    Marinka Hormuz: Baghaei waxa kale oo uu sheegay in Cumaan iyo Iran ay qaadi doonaan "tallaabooyin lagama maarmaanka ah" si loo xaqiijiyo marinka "nabdoon" ee maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah.

    Lubnaan: "Lubnaan iyo dhammaadka dagaalka Lubnaan waa qayb aan laga sooci karin oo ka mid ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka," ayuu yiri Baghaei shalay, isagoo intaas ku daray in Mareykanku "ay ku qasban yahay inuu xaqiijiyo" in Israa'iil ay raacdo.

    Maraykanku muxuu yiri?

    Ballanqaadyo dhaqaale: Trump ayaa ku tilmaamay rajada laga qabo in lacag lagu maalgeliyo Iran wax lagu qoslo. Waxay timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanku uu diyaar u ahaa inuu u oggolaado sanduuqa maalgashiga ee Iran si loogu beddelo heshiiska Tehraan ee xallinta kama dambaysta ah.

    Marinka Hormuz: Trump waxa uu sheegay Axadii in marin biyoodka Hormuz la furi doono marka la saxiixo heshiiska hordhaca ah, balse ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan cidda xakamayn doonta.

    Lubnaan: Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa shalay sheegay in ka bixitaanka Israel ee Lubnaan aanu qayb ka ahayn heshiiska.

  12. Trump oo Netenyahu u sheegay in uu xushmeeyo Lubnaan

    Arrinta Lubnaan, Donald Trump waxa uu sheegay in Israa’iil ay la dagaalamaysay Xisbullah “in badan dad badana la dilayo”.

    Mar la waydiiyay in uu ka niyad jabsan yahay ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Trump waxa uu sheegay in ay "xiriir weyn leeyihiin" balse waxa uu intaa ku daray in "ay tahay in uu mas'uul ka noqdo Lubnaan".

    "Ma aanan jeclayn in uu weerar ku qaaday...ka badbadis ayay ahayd," ayuu yiri Trump.

    Xog: Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Beirut ayaa cadaadis saaray isku dayga lagu doonayay in lagu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka sabtidii iyo axadii la soo dhaafay, iyadoo Trump uu xilligaas yiri: "Yeynan afuufin"

    "Maraykanka la'aanteed, Israa'iil ma jiri lahayn... ma jiro madaxweyne kale oo diyaar u ahaa inuu sameeyo waxaan u sameeyay," ayuu raaciyay.

  13. Sida midabbada marada Kacbada ay isu beddeleen sanadihii la soo dhaafay

  14. War deg deg ah, Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay booqashadii Cirro ee Israa'iil

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xirriirka Israa’iil iyo Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waxay weli tahay dawlad madaxbannaan oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, Dawladda Federaalkuna waa hay'adda keliya ee sharciga ah ee awoodda u leh inay dalka ku metesho xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

    "Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, ama mid kale oo lala yeesho maamulka gooni-u-goosadka ah, kaas oo hareer maraya Dawladda Federaalka Soomaaliya, uu ka horimanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax miisaan sharci ama siyaasadeed ah”, ayaa intaas la raaciyay.

    Soomaaliya aya dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo dhammaan bahwadaagta caalamiga ah inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhowrsanaanta dhulka Soomaaliya, ayna cambaareeyaan ficillada wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dawladnimada Soomaaliya.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xajisanaysaa xaqa ay u leedahay dawlad nimo inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, iyadoo u mareysa dariiqyada diblomaasiyadeed, sharci, iyo kuwa kale ee habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaran”.

    Soomaaliya waxay weli ka go'an tahay wadahadal nabadeed, xasilloonida gobolka, iyo xiriir dhexgal oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato dhammaan bahwadaagta, laakiin ma aqbali doonto ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanideeda ama khatar ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed ayay tiri.

  15. Muhiimadda magaalada Qudus ee ay Somaliland ka furatay safaaradda

    Qudus (Jerusalem) - waa magac ay maamuusaan Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, waana goob muddo qarniyo ah uu ka taagan yahay khilaaf la xiriira lahaanshaheeda.

    Muslimiinta waxay u garanayaan Al-Qudus, halka Yahuuddana ay u yaqaanaan Yerushalayim. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimisan caalamka. Marar badan ayaa la kala qabsaday, la burburiyay, dibna loo dhisay. Qeyb kasta oo ka mid ah waxay u taagan tahay taariikh hore.

    In kastoo dagaallo badan ay ka dheceen Qudus, haddana goobaha cibaadada ee diimahan kala duwan, way isku xushmeynayeen, wayna ka mideysnaayeen taa.

    Waxaa xuddun u ah qeybta qadiimiga ah. Jidadkeeda ciriiriga ah iyo dhismeyaasha taariikhiga ah ee afarta u qeybsan - Muslimiinta, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Armenian-ka. Waxaa qeybtaas ku wareegsan gidaar, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah goobaha ugu barakeysan caalamka.

    Haddaba aan eegno seddaxda qeyb ee ugu qadiimisan.

  16. Xayawaanka Soomaalida aadka u taqaanno ee la sheegay inuu kansarka daweyn karo

    Daraassada ay sameeeen saynisyahanno ayaa muujinaya in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudurka Kansarka.

    Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika sida Soomaaliya, iyo keymaha ayay khuburradu sheegeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

    Cilmi baaristaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayawaanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudurka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.

    Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheeraay oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.

    Waxaa ka mid ah meelaha laga helo kaymaha Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan halkaasi ku noolaa xayawaanka ka hore xilligii gumeeysiga iyo haddaba ayada oo qaarkood xayawaanka uu nolaan karo ku dhawaad dhowr boqol oo sano.

    Sidoo kale waxaa uu xaywaanka faa'iidooyin u leeyahay deegaanka, iyo kala duwanaanshaha noolaha bin'aadmka.

  17. Goolhayaha 40-jirka ah ee ku dhiirrigeliyay Cape Verde kulankeedii ugu horreeyay ee taariikhi ah

  18. Maxaa ka jira in Trump uu Iiraan siiyay 300 oo milyan oo doolar?

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Washington ay siisay Iran lacag dhan $300 milyan, isagoo ku tilmaamay "war been abuur ah".

    Farriin uu ku soo qoray bartiisa Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in sheegashooyinka ay ku saleysan yihiin macluumaad khaldan oo ay faafiyeen dadka ka soo horjeeda siyaasaddiisa, isagoo ku adkaystay in Mareykanku uusan wax lacag ah siinin Iiraan.

    "Iiraan waxay ogolaatay inaysan waligeed lahaan doonin hub nukliyeer ah! Sidoo kale, warbixinta ah in Mareykanku uu Iran siinayo $300 milyan waa warar been abuur ah oo ay faafiyeen Dimuqraadiyiintu.", ayuu yiri Trump.

    Eedeymahan ayaa dhaliyay dood ballaaran oo ka taagan saaxadda siyaasadda caalamiga ah, taasoo sii hurinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Washington iyo Tehran, inkastoo dadaallo dhowaan la sameeyay lagu gaaray heshiis lagu joojinayo colaadda u dhaxaysa labada dal.

    Sidoo kale akhri

  19. “Saddex jeer ayaan ku sigtay in la ii dilo” - Xassan Sheekh

    Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda.

    Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

    Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen in ay dilal u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar.

    Saddex madaxweyne oo xilka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

    Cabdullaahi Yuusuf Axmed

    Cabdullaahi Yuusuf Axmed - oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 - ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.

    Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

    Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis.

    Hase yeeshee, Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka.

  20. Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay safaaradda ay Somaliland ka furatay Qudus

    Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay safaaradda ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ka furatay magaalada Qudus oo muddo qarniyo ah la isku haysto.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in tillaabadani ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraadaha khuseeya.

    Waxay Xoghaynta Guud sheegeen in Israa'iil, oo ay ku sheegtay Quwadda Gumeysiga haysata—aysan wax madax-bannihaan ah ku lahayn Qudusta la haysto, iyo in dhammaan go'aamada iyo tillaabooyinka loogu talagalay in lagu baddelo maqaamkeeda siyaasadeed, sharci, ama dadka deegaanka ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

    “Xoghaynta Guud waxay mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageeradeeda hagar-la'aanta ah ee ku aaddan madax-bannaanida qarankeeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay mowqif adag ka istaagto tillaabadan sharci-darrada ah, ayna ka hortagto”, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Sida aan horey idinugu so tebinay, Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa Isniintii shalay furay safaaradda Somaliland ee Qudus, taasoo ah xafiiskii sideedaad ee diblomaasiyadeed ee heerka sare ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

    Sidoo kale akhri: