Miltariga Israa'iil oo hanjabaad cusub soo saaray xilli xaaladda bini-aadanimo ee Qasa ay cakirantahay

Xigashada Sawirka, Israel Defense Forces
Milatariga Israa'iil ayaa "duqeynaya dhammaan qaybaha marinka Qasa sida uu sheegay afhayeenka ciidamada difaaca Israa'iil Korneyl Jonathan Conricus oo gor dhowed warbixin soo saaray.
"Waxaan diiradda saari doonaa dhaq-dhaqaaqayada dhanka waqooyiga ee Qasa, taas oo ah xudunta Xamaas… laakiin waxaan sii wadeynaa duqeynta qaybaha kale ee Qasa. Waxaan ugaarsaneynaa taliyayaashooda, waxaan weerareynaa kaabayaashooda, mar kasta oo bartilmaameed muhiim aan helnana waanu garaacaynaa,” ayuu yiri afhayeenka milatariga Israa’iil.
Conricus waxa kale oo uu ku celceliyay in Israa’iil ay samaynayso wax kasta oo ay ka fogaan karto in ay waxyeelleyso dadka rayidka ah, waxaase uu Xamaas ku eedayay in ay isbitaalka weyn ee magaalada Qasa ee Al Shifa u adeegsato meel ay ku dhuuntaan.
Laba toddobaad ka hor, Israa'iil waxay ugu baaqday dadka rayidka ah ee ku go'doonsan deegaanka inay aadaan koonfurta webiga Wadi QaSa si ay uga fogaadaan dagaalka iyo duqeymaha, waxaase muuqata in dadka xitaa looga deba tagay aagagga ay miciinka badeen.


