Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday
Ku soo dhawaada tebin toos ah
Tebin toos ah
War deg deg ah, DEGDEG:Qarax hadda ka dhacay magaalada Muqdisho
Qarax dhawaaqiisa laga meelo badan oo kamid magalada muqdisho ayaa goor sii horesay ka dhacay magaaladaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa
is-miidaamin, in kastoo weli aan la helin xogta rasmiga ah ee qaraxaas.
Wixii ka soo kordha waan idin la socod siin doonaa.
Aqalka Ruushka looga arrimiyo oo beeniyay in uu tageero siin rabo Hezbollah
Kremlin-ka ayaa meesha ka saartay warbixin ay faafisay warbaahinta
Mareykanka oo sheegaysa in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay
qorsheynayaan in ay Hezbollah u fidiyaan nidaam difaaca hawada sare ah.
Maxay diyaaradaha Drones-ka ee Maraykanka u dul heehabayaan Israel?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa dul heehaabaya marinka Qaza si ay gacan uga geystaan baadigoobka la haystayaashii lagu qabtay bilowgii dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil 7-dii October, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda la qariyay ayaa ku warrantay in duullimaadyada Drones-ku ay socdeen muddo toddobaad ka badan.
Laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa u xaqiijiyey duullimaadyadan warbaahinta CBS, oo ay wadashaqeyn kala dhaxeyso BBC-da.
Mareykanka oo mar kale ku celiyay xaqa ay Israel u leedahay inay isdifaacdo
Xoghayaha
arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku celiyay taageerada
Washington ee xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo. Balse waxa uu sheegay
in sida ay Israa’iil isu difaacday ay muhiim tahay, ayna muhiim tahay in la
ilaaliyo dadka rayidka ah,lana keeno gargaar bini’aadantinimo oo ay aad ugu
baahnaayeen.
Isagoo
hadlayay ka dib wadahadal uu la yeeshay hogaamiyayaasha Israa’iil, Mr Blinken
ayaa sheegay in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyay si loo sii daayo la
haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii hore.
War deg deg ah, Dad ku dhintay musiibo ka dhalatay roobabka ka da'ay degmada Celwaaq
Wararka ka
imaanayo degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ku dhinteen inta la xaqiijiyay 2 gabdood musiiba
ka dhalatay roobabka sacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada.Wax yar
ka hor ayaa magaaladaasi lagu aasay .
Qoyska Wasiirkii koowaad ee Scotland Humza Yousaf oo xadka ka gudbay
Xigashada Sawirka, PA Media
Waxaan hadda maqalnay in qoyska wasiirkii koowaad ee Scotland Humza Yousaf ay ka dhoofeen Gaza iyagoo aaday Masar, iyagoo ku xayiranaa dhulkaas tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Waxay ka mid yihiin in ka badan 100 qof oo ku qoran qaybta UK ee dadka loo oggolaaday inay maanta ka baxaan Gaza .
Bayaan ay soo saareen Yousaf iyo xaaskiisa Nadia El-Nakla ayaa u dhignaa sidan: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xaqiijino in waalidiinta Nadia ay saaka u suurtagashay inay ka baxaan Gaza iyagoo sii maraya marinka Rafah.
Madaxweynaha Israa'iil oo sheegay arrinka ay sameyaan mar walbo ka hor inta aysan weerarin Gaza
Madaxweynaha Israel ayaa sheegay in dawladda Israa'iil ay u hogaan sameyso sharciga caalamiga ah maadama dignino udiraan shacabka Gaza ka hor inta aysan weerarin.
Waxa uu sii raaciyay in Israa'iil ay dadweynaha Gaza. u dirtay "in ka badan lix milyan oo fariimo qoraal ah oo ay samaysay afar milyan oo wicitaan taleefoon ah" "Sida uu qabo qawaaniinta sharciga caalamiga ah," ayuu sii raaciyay, Israa'iil waxay digniin u dirtay muwaadiniinta ka hor talaabo walbo oo ay Israel qaaddo, "oo uu ku jiro weerarkii Jabalia".
"Waxaan rabnaa inay ka guuraan goobaha la duqeeyay...inaad ka guurtaan si aan u galno Gazo iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah oo aan u difaacno dadkeena."
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay jireen "xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah" oo Gaza ka dhacay .
Sawirada: Dadka haysta dhalashooyinka wadamada kale ee ku sugaya isgoyska Rafah inay ka gudbaan
Dadka haysta Baasaboorrada Ajnabiga ah ee ku sugan Qaza ayaa u socdaalay dhanka koonfureed ee Marinka, iyaga oo sugaya in ay magacooda ka helaan liis u sahlaya in ay uga baxaan Qaza iyaga oo sii maraya soohdinta Rafax ee Masar.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka iyo Israel oo ka wada hadlaya 'tallaabooyin la taaban karo' oo lagu badbaadinayo shacabka Qasa
Wuxuu xafiisku sheegay in raysal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin uu Xogyahay Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken, kula qaadanayo aagga Kirya ee magalada Tel Aviv.
Blinken, waa booqashadii labaad uu ku tegayo Israel tan iyo markii ay Xamaas weerar ku qaaday Israel 7-dii bishii Oktoobar.
Waxaa la filayaa in labada mas'ul ay ka wada hadlaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Qasa.
Duufaan ku dhufatay Ingiriiska oo dhibaato geysatay
Duufaanta Ciaran oo ku dhufatay Koonfurta dalka Ingiriiska iyo qeybo kale oo kamid ah Yurub, ayaa geystayay burbur xooggan.
Kumanaan guryo ah ayaa wajahaya koronto la'aan, waxaana albaabada loo laabay boqolaal xarumo oo waxbarasho, ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray.
Duufaanta ayaa sidookale sababtay daadad, iyo burbur soo gaaray dhismeyaal halka ay sidookale hakad gelisay safarrada dadka.
Xaafadaha degmada Luuq oo biyo galay iyo barakac ka dhashay
Kadib roobab lixaad leh oo da'ay, ayaa waxaa webiga Juba uu ku fatahay xaafado ka tirsan degma Luuq ee gobolka Gedo, waxaana taasi ay sababtay in dadku ka barakacaan guryahooda tan iyo shalay ilaa xalay.
Haddaba si aan wax badan uga ogaano saameynta fatahaadda uu sameeyay webiga, ayaa waxaan ka wareysannay Maxamed Axmed Muxumed oo ku sugan degmada Luuq.
Qoraalka Codka, Dadka ayaa ka barakacaya guryahooda
Rayidkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Qasa ayaa ka ka gudbay xadka Rafax ee Masar tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas bilowgii bishii Oktoobar.
Tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo si xun u dhaawacmay ayaa lagu qaaday ambalaasyo, boqolaal baasabooro ajnabi ah wata ayaa sidoo kale u talaabay dhanka Masar.
Masar ayaa sheegtay in marka hore ay ogolaan doonto in ka badan 80 qof oo dhaawac ah iyo in ka badan 500 haysta baasabooro anjabi ah, ayna wadar ahaan ka soo gudbi karaan xadka ka dib heshiiskaas la sheegay in Qadar dhexdhexaadinaysay.
War deg deg ah, DEG DEG: Labo askari oo Israiili ah oo la dilay
Laba askari oo ka tirsan ciidamada dhulka ee gudaha u galay Qaza ayaa la dilay, taas oo kor u qaadaysa tirada askarta la dilay tan iyo 7-dii October ilaa 20.
Sarkaal sare oo Israa'iil ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay daanta galbeed
Xigashada Sawirka, Ciidamada Difaaca Israel
Milateriga
Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda dhulka ay si qoto dheer ugu sii gudbeen
marinka Qaza, halka ay weli sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dhulka,
cirka iyo badda ee go’doomiyay dhulka go’doonsan.
Israa'iil waxay sheegtay in taliyihii guutada gaashaaman uu ku dhintay dagaal
culus oo habeen hore dhacay - askarigii ugu sarreeyey ee Israa'iil ah oo lagu dilo
hawlgal dhulka ah ilaa hadda.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee
Gaza ayaa sheegtay in in ka badan sagaal kun oo qof oo Gaza ku nool lagu dilay
tan iyo bilowgii duqeynta Israa’iil – qiyaastii boqolkiiba afartan ayaa ah
carruur.)
Milateriga Myanmar oo sheegay inuu lumiyay gacan ku haynta magalo ku taal xadka Shiinaha
Xigashada Sawirka, AFP
Milateriga Myanmar ayaa sheegay in ay lumiyeen gacan ku haynta magaalo ku taal waqooyiga
dalkaasi oo ku taal xadka Shiinaha, kadib dagaalo maalmo qaatay oo ay kula
jireen saddex qawmiyadood oo hubaysan oo dabada ka riixayay in ay helaan madax
banaani.
Milatariga Myanmar ayaa ku dhawaaqay in
dowladdiisa iyo hay'adaha ammaanka aysan hadda joogin Chinshwehaw, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga
gobolka Yunnan ee Shiinaha.
Beijing ayaa
ku baaqday xabbad joojin. Waxa ay qorshaynaysay in ay dhisto isku xidhka tareen
oo balaayiin dollar ku kacaya taas oo qayb ka ah hindisaheeda kaabayaasha
Wadooyinka.
QM ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in
kumannaan qof ay ku barakaceen dagaallo la rumeysan yahay inay burburiyeen
xarumaha korontada, taawarrada isgaarsiinta iyo buundooyinka.