Aadan Barre oo loo magacaabay wasiirka difaaca Kenya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. WhatsApp oo billaabaysa hab cusub oo dad badan ay isku wici karaan

    WhatsApp oo billaabaysa hab cusub oo dad badan ay isku wici karaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda Meta, Mark Zuckerberg, ayaa shaaciyay in barta WhatsApp ee ay boqollaalka milyan ee qof ku wada xiriiraan ay todobaadkan soo bandhigi doonto hannaan cusub oo ay dadku isku wici karaan iyagoo adeegsanaya mareeg la wadaagi karo.

    Hannaankan oo loogu magac daray “Call Links” ayaa isticmaalaha u sahlaysa inuu sameeyo link ama mareeg, kaas oo ay ku soo biiri karaan illaa 32 qof oo kale, sidaasna ay ku sheekaysan karaan.

    Wicitaanka noocan oo kale ah ayaa dadku waxa ay ku heli doonaan maqal iyo muuqaalba.

    Mark Zuckerberg, oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay: “Waxaynu WhatsApp-ka ku soo daraynaa hab wax lagu waco laga bilaabo todobaadkan, markaas oo aad dadka la wadaagi kartid link aad wicitaan ku samayn kartid. Sidoo kale waxaynu tijaabinaynaa hannaan muuqaal aanan xogtiisa la jabsan karin oo ay soo geli karaan illaa 32 qof. Dhawaan fisha xog intaasi dheer.”

    Barta WhatsApp oo ay dadku farriimo isugu diraan iskuna wacaan, ayaa hawada waxaa lasoo geliyay bishii Janaayo ee 2009, iyadoo markii dambana uu boqollaal milyan oo doolar uu kula wareegay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

  2. Booliska Hindiya oo xirxiray in ka badan 100 qof oo Muslimiin ah

    Booliska Hindiya oo xirxiray in ka badan 100 qof oo Muslimiin ah

    Xigashada Sawirka, b

    Qoraalka sawirka, Booliska Hindiya oo soo xiray rag la eedeeyay

    Ciidammada ammaanka ee waddanka Hindiya ayaa waxa ay xoog ku galeen dhismayaal ay leeyihiin koox Muslimiin caan ah, waxaana ay xabsiga u taxaabeen in ka badan boqol qof, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad.

    Howlgalladan ka dhanka ah kooxda Popular Front of India (PFI) ayaa waxaa laga fuliyay todoba gobol oo ku yaal waddanka Hindiya.

    Waa tallaabadii labaad ee ka dhan ah kooxdaasi oo uu boolisku qaaday muddo ka yar todobaad.

    Hay’adda qaran ee baaritaannada ee Hindiya ayaa PFI waxa ay ku eedaynaysaa inay xagjir ka dhigto dhalinyarada ayna deganaanshiyo la’aan ka dhex abuurto dadka haysta diimaha kala gedisan ee dalkaasi.

    Hasayeeshee taageerayaasha PFI ayaa waxa ay howgallada kooxdaasi lagu baacsanayo ku tilmaameen ugaarsi ay waddo dowladda Hinduga ee uu hogaamiyo xisbiga BJP.

    PFI ayaa waxa ay sheegeen inay ka shaqeeyaan xuquuqda Muslimiinta iyo bulshooyinka kale ee la xagaldaaciyo ee ku nool Hindiya.

  3. Fallaago hore oo iska difaacaya eedo ay u soo jeedisay Maxkamdda Caalamiga ah ee Dambiyada

    Qareennada u doodaya taliye fallaago hore u maamuli jiray oo lagu eedeeyay inuu gaboodfallo ka gaystay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa sheegay inay dajinayaan hannaankii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada uga difaaci lahaayeen macmiilkooda.

    Mahamed Saciid Cabdulqani ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu lahaa xarun lagu hayn jiray dadka looga shakisan yahay inay taageeri jireen madaxweynihii hore ee dalkaasi, Francois Bozize, dadkaas oo halkaas lagu jir dili jiray.

    Mr Cabulqani ayaa tagay maxkamadda si uu u arko qareennadiisa kuwaas oo ka cabanaya in kiiska ninkaas loo haysto uu ku dhisan yahay mala awaal, ayna tahay in meesha laga saaro.

    Isniintii, ayaa dacwad oogaha waxa uu soo bandhigay sawirro la sheegay inay muujinayaan dad rayid ah oo la jirdilayo.

    Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa qalalaase ku jirtay tan iyo markii ay fallaago Muslimiin ah awoodda ka tuureen Bozize 2013-kii.

  4. Aadan Barre oo loo magacaabay wasiirka difaaca Kenya

    adan

    Xigashada Sawirka, adan bare

    Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto ayaa maanta shaaca ka qaaday golihiisa wasiirada isagoo Aadan Barre u magacabaay inuu noqdo wasiirka gaashaandhigga Kenya.

    Aadan Barre oo hadda ah xildhibaan laga soo doortay ayaa aad loo hadal hayay inuu soo geli doono golaha cusub ee wasiirada isagoo ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Ruto.

    Wuxuu hadda u baahan yahay inuu iska casilo xildhibaannimada ka hor inta uusan la wareegin xilka wasaaraadda.

    Golaha wasiirada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in hadda loo gudbiyo baarlamaanka si ay uga doodaan.

    William Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in Golaha Wasiirada cusub ay si deg deg ah uga howlgalaan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intiii lagu guda jiray ololaha doorashada.

  5. Maxay tahay cabsida Mareykanka laga qabo ee saameysay gargaarka Soomaaliya?

  6. Aas qaran oo loo sameynayo ra'iisal wasaarihii hore Japan oo dhawaan toogasho lagu dilay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kumanaan qof, oo ay kamid yihiin tobanaan hogaamiyeyaasha caalamka ah, ayaa ka qeyb galaya aaska qaran ee loo sameynayo ra’iisal wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, kaas oo toogasho lagu dilay bishii July.

    Waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobta uu ka dhacayo aaska.

    Tobannaan ka tirsan hogaamiyayaasha caalamka ayaa waxa ay ka qeybgaleen aas loo samaynayay ra'iisul wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, kaas oo toogasho lagu dilay bishii July ee aynu ka soo gudubnay.

    Hogaamiyayaashaas waxaa kamid ah madaxweyne kuxigeenka Mareykank, Kamala Harris.

  7. Galmudug: Ciidamada dawladda oo dib uga gurtay qaar kamid ah tuulooyinkii ay ka saareen Al-Shabaab

    Waxa dagan inta badan aaggaga ay indhawaalaba isku horfadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Meelaha qaar waxa la soo weriyay in ciidamada dawladdu ay dib uga gurteen tuulooyinkii ay dhawaan ka saareen Al-Shabaab.

    Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiil kale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ee tuulada Ceel la helay ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.

    Al-Shabaab waxay sheegeen inay dib u qabsadeen deegaanno ay kamid yihiin Sina-dhaqo iyo Ceel la helay.

    Haddaba si aan u helno warrarkii ugu dameeyay ee goolka Galgaduud, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan taleefanka ku wareystay wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle.

    Qoraalka Codka, .
  8. Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo BBC da uga waramay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ka bilowday qaar kamid ah deegaanada Koonfur-Galbeed.

  9. Kiisaska Ebola ee Uganda oo sare u kacay iyada oo 23 ay u dhinteen

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in dalka Uganda laga helay 36 kiis oo cudurka Ebola ah - 18 ayaa la xaqiijiyay tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu ka dillaacay isbuucii hore.

    Hay'adda WHO ayaa sheegtay in 23 qof oo ku kala dhintay saddex degmo oo ku yaalla bartamaha Uganda looga shakisanyahay Ebola, kuwaas oo shan ka mid ah la xaqiijiyay.

    WHO ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo Ebola uu ka dillaaco Uganda tan iyo 2012-ki.

    Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

    Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

    Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

    Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay cudurka.

  10. Hadal hayn ka dhalatay hadal ka soo yeeray Marwada Koowaad ee dalka Kenya

    Qaar ka mid ah shacabka dalka Kenya ayaa dhaleeceeyay qorshaha ay marwada koowaad Rachel Ruto, ku martigelineyso kulamo duco ah oo bil kasta ah oo lagu qabto madaxtooyada Kenya.

    Axaddii, waxaa kulan loogu qabtay mataxyooda ku dhawaad tobaneeyo hoggaamiya diimeed ah.

    Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa ah Masiixiyiin aaminsan Evangelical , waxaana madaxweyne William Ruto uu ku tilmaamay in iimaankiisa uu door muhiim ah ka qaatay guushiisa doorashada.

    Mrs Ruto ayaa u sheegtay hogaamiyayaasha diinta in mar walba lagu soo dhaweyn doono aqalka madaxtooyada. "Albaabada Aqalka Dawladdu way furan yihiin oo ogow in ay halkan idin joogto hooyo Rachel ayna had iyo jeer albaabada kuu furi doonta marka madaxweynuhu mashquulo," ayay tiri.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Balse qaar ka mid ah dadka u dhashay Kenyaan ayaa qaba in kulamada salaadda ee caadiga ah aanan lagu qabanin madaxtooyada maadaama Kenya ay tahay dowlad cilmaani ah, diimahana aan la kala dooran.

    "Haddii madaxweyne Muslim ah uu sameeyo waxa ay Masiixiyiinta ka sameynayaan Aqalka Madaxtooyada hadda, waxaa dalka oo dhan ka dhici lahaa mudaaharaadyo. Annagu waxaan nahay dowlad cilmaani ah, diinna kama hormaro cid kale," ayuu yiri mid ah shacabka reer Kenya ee isticmaala barta Twitter-ka.

  11. Qareen loo haystay laaluushka dad ku marqaati furi lahaa kiiskii Ruto ee ICC oo geeriyooday

    Paul Gicheru wuxuu wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC)

    Xigashada Sawirka, ICC-CPI

    Qareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa geeriyooday, sida ay qoyskiisa iyo booliiska u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

    Booliska ayaa sheegay in Paul Gicheru meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimada ah ee Nairobi habeenimadii Isniinta.

    Mr Gicheru ayaa lagu eedeeyay in uu laaluushay marqaatiyaashii doonayay in ay ku marqaati furaan William Ruto - oo hadda ah madaxweynaha Kenya - rabshadihii ka dhacay Kenya 2007-2008 ka dib doorashooyinkii oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

    Eedeymahaasi waa uu beeniyay. Qareenka ayaa isku soo dhiibay maxkamada bishii Nofeembar 2020, shan sano kadib markii maxkamada ICC ay soo saartay amar lagu soo xirayo.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay wax u dhimayaan dacwadda Mr Ruto uu ku wajahay maxkamadda.

    Mr Ruto ayaa lagu eedeeyay dil, masaafurin iyo cadaadis intii ay socdeen rabshadihii Kenya ka dhacay doorashadii ka dib - eedeymaha uu mar walba diido. Maxkamadda ICC ayaa joojisay dacwadii ka dhanka ahayd iyada oo loo haysto cadaymo la’aan.

  12. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.

  13. Tik-tok oo wajihi kartaa ganaax lacageed oo dhan £27m

    .

    Xigashada Sawirka, get

    Qoraalka sawirka, .

    Shirkadda Tik Tok ayaa wajahaysa ganaax lacageed oo dhan 27 Milyan oo pound kaddib markii sida la sheegay ay ku guul dareysatay inay ilaaliso xogaha gaarka ah ee carruurta isticmaala aaladdaasi.

    Madaxa xafiiska war-faafinta Britain ayaa sheegay in aaladdan soo bandhigta muuqaalada ay ahayd inay xakameyso xogaha carruurta da'adoodu ay ka hooseyso 13 sano jir, iyagoo aanan wax fasax ah weydiisan.

    Waaxda ayaa sheegtay inuu "digniin" u diray xafiiska Tik-tok-ga ay ku leeyihiin Britain.

    Xafiiska war-faafinta Britain ayaa sheegay in arrintan socotay in kabadan laba sano, laga soo bilaabo bishii July sanadkii 2020-kii balse aanan weli waxba laga qaban, sidaas awgeedna, ay horseedi karto ganaax lacageed.

  14. Dhisme ku dumay Kenya oo khasaare nafeed ka dhashay.

    .

    Xigashada Sawirka, PETER NJOROGE/ BBC

    Qoraalka sawirka, .

    Ugu yaraan lix qof ayaa geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu soo dumay dhisme dhisma ku socday oo ku yaalla ismaamulka Kiambu oo u dhow magaalada Nairobi.

    Waxaa jirta cabsi ah in dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.

    Howlaha samataxibinta dadkaas ayaa weli socda.

    Booliska ayaa baaraya waxa sababay burburka dhismahaasi.

  15. Shir ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay waxkqabashada dhibaatada ka dhalatay abaarta

    Shirka ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay ka jawaab celinta dhibaatada ka dhalatay abaarta ka taagan Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Shirka ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay ka jawaab celinta dhibaatada ka dhalatay abaarta ka taagan Soomaaliya

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho goordhaweyd lagu soo gebagabeeyay shir heerkiisu uu sarreeyo oo loogaga hadlayay ka jawaab celinta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

    Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa gargaarka bini'aadamnimo ee la doonayo in lagu gaaro malaayiinta qof ee ay ku habsatay abaarta daba dheeraatay.

    Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayay kulanka ka jawaab celinta dhibaatada ka dhalatay abaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in abaarta ay tahay halis qaran isla markaana ku baaqay in la dardargeliyo howlaha gurmadka ah.

    “Shirkii wadatashi ee ugu dambeeyey ee aan ka qayb galay ee lagaga hadlayey arimaha wax ka qabashada abaartu wuxuu ahaa mid lagu go’aamiyey in arintaasi tahay halis qaranka soo food saartay oo mudnaan qaranna leh. Markaa waxa hogaanka dalku wuxuu sid wada jir ah ugala hadlay arintaas shacabka Soomalaiya iyo hay’adaha qarankana waxa la faray in ay dardar geliyaan wax ka qabashadeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya.

    Dhanka kale, Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in uu socdo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen inkasta ay kasoo daaheen lacagihii loogu talagalay waxkqabashada abaaraha.

    Dhowr xilli roobaad oo uusan roob wanaagsan ka di'in Soomaaliya iyo colaado soo laablaabtay ayaa waxa ay horseedeen in dad badan ay guryahooda ka barakacaan iyagoo miciin bidaya haddba deegaanka ay gaari karaan.

  16. Madaxweynaha cusub ee Kenya oo ka hadlay waxa uu ka yeelayo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

  17. Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi oo geeriyooday

    Sheekh Yuusuf Al- Qaradaawi

    Xigashada Sawirka, Sheekh Yuusuf Al- Qaradaawi/Twitter

    Qoraalka sawirka, Sheekh Yuusuf Al- Qaradaawi

    Waxaa geeriyooday Sheekhii caanka ahaa ee u dhashay dalka Masar Sheekh Yuusuf Al- Qaradaawi sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay Twitter-ka Sheekha.

    Al-Qaradaawi waxay da’diisa aheyd 96, Sheekh Yuusuf oo fadhigiisu ahaa Qatar ayaa heystay dhalashada dalkaas.

    Wuxuu jagooyin sar sare oo dhanka diinta ah kasoo qabtay Masar, Sheekh Qardaawi wuxuu wax badan ka qoray shareecada Islaamka.

    Wuxuu mar soo noqday madaxweynaha ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  18. Xaaladda degmada Moqokori oo laga deyrinayo

    Waxaa laga deyrinayaa xaalada noolaleed ee dadka ku nool degmada Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

    Degmadan oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowladda oo kaashana iyo kuwa maleeshiyaadka macwisleyda ayaa go'doon ku jirtay bilooyiinkii u dambeeyay .

    Go'doonka ayaa waxaa magaalada ugu darsamay abaar baahsan oo dadka deegaanka oo xoolo dhaqoto u badnaa ay xoolihii ka la'deen.

    Nabad doon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah odeyaasha gobolka Hiraan islamarkana hadda ku sugan degmada Moqokori ayaa BBC uga warramay sida ay tahay xaaladda degmada.

    Qoraalka Codka, Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori
  19. Kenya oo ku raad joogta burcad dishay 11 qof

    .

    Kenya ayaa bilowday howlgal ay kusoo qabaneyso burcadda dhacda lo’da kuwaas oo sabtidii dilay 11 qof.

    Dadkan ay burcadda ku dishay Turkana waxay isugu jireen 8 saraakiil boolis ah, 2 qof oo rayid ah iyo hoggaamiyaha tuulo ku taalla halkaas.

    Booliska Kenya waxay sheegeen in howlgalkan looga golleeyahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha iyo sidii dib loogu soo celin xoolo iyo hub ay dhaceen kooxda.

    Waxay shacabka deegaanka ugu baaqeen inay siiyaan xogta oo horseedi karta in lasoo qabto burcadda.

  20. Deegaannada ilaa hadda laga qabsaday Al-Shabaab

    Qaar kamid ah saraakiisha dowladda ayaa gaaray furriinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah saraakiisha dowladda ayaa gaaray furriinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

    Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno ku dhow labaatan oo ay ka haysatay gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud, sida qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

    Warku wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab laga dilay 30 maleeshiyo.

    Wakaaladda oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka Labaatan-jirow oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay Al.-Shabaab ku leedahay gobolkaas.

    La-wareegistaas ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka wadaan gobollada qaar.

    Warbaahinta dowladda ayaa baahisay halka ay ku kala yaallaan deegaannadii ugu dambeeyay ee lala wareegay.

    Bay: Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy, Daawuudow, Saydheelow, Buulo-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley.

    Galgaduud: Maygaag Duub, Dhisaqa, Aboorey, Dhuumaale iyo Cali Wayd.

    Gobolka Hiiraan: Moqori iyo deegaanka Tardo.

    Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo maxalli ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanno ku yaalla Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.