Goob joogayaal ayaa baahiyay muuqaal muujinayo diyaaradda uu
dab qabsaday.
Duuliyihii diyaaradda ayaa codsaday in si deg deg ah uu diyaaradda
ugu dejiyo garoonka Kavala kadib markii ay cilad ku timid matoorka diyaaradda
balse taas ma dhicin.
Qarax ka dhacay magaalada Jowhar
Article Information
Author, Ibrahim Aden
Role, BBC Africa, Mogadishu
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Burburka soo gaaray huteelka uu qaraxa ka dhacay
Warrarka ka imaanaya
magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegaya in gaari
waxyaabaha qarxa lagu soo raray lagu weeraray hudheel ku yaala bartamaha
magaalada oo ay daganaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka
deegaanka.
Sarkaal ka tirsan
madaxtooyada Hirshabeelle oo ku sugan Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu
burburiyay hudheelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho
iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa hudheelka la weeraray iyo guryiha
ku dhaw dhaw.
Sarkaalkaasi tiro sugan oo ah khasaaraha ka dhashay qaraxa ma
sheegin, iyadoo ay tahay xili hore maadaama uu socdo gurmadka loo sameynayo
dadka dhibaatadu ku dhacday.
Axmed Budul Ismaaciil, abwaan iyo fanaan dhaantooyinka ku caan baxay
Jabuuti ma waxay ka niyad xumaatay xiriirka Soomaaliya ay la yeelatay Eritrea?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasha rasmi ah ku maraya Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashadani oo qayb ka ah socdaal uu madaxweynuhu ku marayo qaar ka mid ah waddamada gobolka.
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal uu xiriir soo jireen ah ka dhaxeeyo sanadihi u dambeeya xiriirkooda waxaa soo dhex galay madmadow siyaasadeed.
Booqashada Madaxweynaha oo la sheegay iney qayb ka tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal meeshana looga saari lahaa madmadowgi jiray.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaan BBC uga warramay booqashada Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ee Jabuuti waxa uu ka dhigan yahay iyo xiriirka labada dal waxa uu ku soo kordhinayo.
"Waa
muhiim in madaxweynaha uu socdaalladiisa ugu horreeya uu ka dhigo Jabuuti,
markaa waxaan rajeynayaa wax tabasho ah booqashada madaxweynaha ee Jabuuti in
taas ay meesha ka saarto, dalalka xiriirka gaarka leh wey ka tashadaan arrimaha
qaarkood”
“Jabuuti
waxay dareemeysaa in Eritrea ay dhulkeeda qaar heysato in maxabiisa Jabuutiyaan
ah ay weli Eritrea ku maqan yihiin markaa iyadoo colaadda oo weli u dhexeysa Jabuuti
iyo Eritrea ay tahay mid taagan ayaa inaga oo Jabuuti ay tahay dalka aan isugu
dhaw nahay ayaynu xiriir la sameynayay Eritrea, markaa arrintaas waxaa laga
yaabaa in xooggaa yar oo niyad xumo ah oo Jabuutiyaanka ka xishoodeen inay toos
u sheegaan laakiin la dareemi karo ay suurtogal tahay inay jirtay” ayuu yiri
wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad.
Qoraalka Codka, Booqashada Xasan Sheekh Maxamuud ee Jabuuti