Daawo: Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Cudurkii dadka sanka dhiigga ka keenayeen oo xogtiisa la ogaaday
Dowladda
Tanzania ayaa sheegtay in cudurkii la garan waayay ee ka dillaacay koonfurta
dalkaas la ogaaday in uu yahay cudur lagu magacaabo Leptospirosis.
Tanzania
waxa sheegtay in khuburrada caafimaadka ayaa baaritaan ku sameeyeen dheecaanka bukaanada
uu ku dhacay cudurka kuwaas oo ku sugnaa gobolka Lindi.
Saraakiisha caafimaadka ee dalka Ghana ayaa sheegay in ay
xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyay ee Fayraska Marburg, oo ah cudur aad u
faafa oo la mid ah Ebola.
Saraakiisha Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in labada
bukaanba ay ku dhinteen isbitaalka.
Dulimaadyada garoonka Aadan Cabdulle oo dib u bilowday kadib hakad ku yimid
Article Information
Author, Ibrahim Aden
Role, BBC Africa, Mogadishu
Xigashada Sawirka, SONNA
Qoraalka sawirka, Diyaaraddii ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cabdulle
Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden
Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo
dheeraad hakad ku jireen.
Diyaarad rakaaba oo ka timid Baydhabo ayaa
barqadii ku dhacday garoonka, taasoo xanibtay dulimaadyada diyaaraddihii
garoonka ka bixi laha ama soo cago dhigan lahaa.
Maareeyaha Hay’adda Duulista
Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa BBC-da u sheegay in la nadiifiyay
goobtii ay ku dhacday diyaaradda isla markaana ay si caadiya u bilowdeen
duulimaadyadii garoonka Aden Cabdulle.
Axmed waxa kale oo uu sheegay in la
bilaabi doono baaritaanka sababihii keenay dhicitaanka diyaaradda.
Sawirrada diyaaraddii ku dhacday garoonka diyaraaha ee Muqdisho
Waxaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo leedahay shirkadda diyaarada ee Jubba.
Xigashada Sawirka, Ali Hassan Ali
Xigashada Sawirka, Ali Hassan Ali
Xigashada Sawirka, Ali Hassan Ali
War deg deg ah, Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho
Article Information
Author, Ibrahim Aden
Role, BBC Africa, Mogadishu
Warrarka ka imaanaya
magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ka timid magaalada
Baydhabo ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle, sida laga soo xigtay
dad goobjoog ah.
Wakaaladda warrarka ee SONNA
ayaa sheegtay inay dhamaan bad qabaan shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa
diyaaradda.
Sheekadaan oo ku saabsan nin Soomaali ah oo tagay waddanka Ingiriiska, sanadihii 1920s
Suudaan oo dib u furtay xudduuda ay la wadaagto Itoobiya
Xigashada Sawirka, AbiyAhmedAli
Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al-Burhan oo dhawaan ku heshiiyay in lasoo afjarayo colaadda
Suudaan ayaa dib u furtay
marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo
dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.
Guddiga farsamada ee golaha
amniga iyo gaashaandhigga Suudaan ayaa sheegay in xudduuda la furay kadib markii
madaxda Suudaan iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.
Golaha amniga iyo
gaashaandhigga ayaa intaa ku daray in ciidamada ay xoojinayaan howlgallada lagu
sugayo amniga xudduudda si ay uga hortaggaan kooxaha hubeysan ee kasoo tallaaba
halkaas.
Hoggaamiyaha militeriga
Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan iyo Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa
dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi iyagoo ku heshiiyay in lasoo afjaray
dagaalkii ka taagnaa xudduuda.
Xuduudka Gallabat ayaa la xiray 27-kii Juun ka dib markii Suudaan ay ku eedeysay Itoobiya in ay dishay 7 askari.
Suudaan waxay wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah dilka ciidamadeeda halka Itoobiya ay beenisay inay laaysay askarta.
Suudaan iyo Itoobiya waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muran ku saabsan lahaanshaha dhulka beeraha qaniga ku ah ee Al Fashaqa.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay
madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalka ka dib eedeymaha loo soo
jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin
Ruushka.
Wuxuu sheegay in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta
Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasady ee ku yaalla Ukraine.
Ilaa 651 qof ayaa la sheegay inay la shaqeynayaan Ruushka kuwaas oo lagu
eedeeyay inay galeen khiyaano qaran isla markaana ay baarayaan laamaha amniga,
sida uu sheegay madaxweynaha.
Xeer ilaaliyaha, oo la yirahdo Irna Venedik-tova iyo madaxa amniga, Ivan
Baka-nov ayaa durbababa la bedelay.
Mas’uuliyiinta shaqada laga joojiyay weli kama aysan hadlin go’aanka
madaxweynaha.
Soomaalida ka ganacsata qaadka ee Kenya oo ka hadlay sababta ilaa hadda aysan u dhoofin qaadka
Ganacsatada qaadka Kenya u
dhoofiso Soomaaliya ayaa sheegtay wakhti dheer iney sugayaan ka hor inta
diyaaradaha qaadka sida aysan u duulin Soomaaliya, taasoo ka dhalatay xeerar
cusub oo la socda heshiskii dhoofinta qaadka oo ay Soomalaya iyo Kenya dhawaan
kala saxiixdeen.
Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka oo heshiiska dib loogu furay suuqyada
Somaaliya ee qaadka Kenya ayaa dowladda Kenya ka codsaday iney fuddudeyso
shatiyada ganacsiga yo xeerarka la halmaala.
Mid ka mid ah Ganacsatada qaadka oo ku nool magaalada Nairobi oo magaciisa
kusoo gaabiyay Cabdullaahi ayaa BBC-da u sheegay in ganacsatada qaadka ay wajahayaan
caqabad ay kamid tahay canshuurta lagu soo rogay.
Qoraalka Codka, Ganacsatada Soomaalida ee Kenya
Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo.
Balse markii ugu horeysay, ganacsatada jaadka Kenya waxaa looga baahan doonaa inay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.
Maxaa hor taagan sixidda imtixaannada dugsiyada sare ee Puntland?
Puntland ayaa sheegtay in imtixaanaadkii dugsiyada sare loo sixi waayey lacag la'aan awgeed.
Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in lacagaha imtixaanaadka lagu saxo ay bixin jireen waalidiinta, dowladda, iyo hay'ado uu sheegay in ay gacan ka siin jireen arrimahaas balse ay waayeen dhaqaalihii ay hay'adaha ka heli jireen.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in Puntland ay adduunka la wadaagto dhaqaale xumida soo wajahday, sixid la'aanta imitixaanka ay arrintaas sabab u tahay.
Halkan ka dhagayso wasiirka oo waraysi gaar ah BBC-da siiyey.
Qoraalka Muuqaalka, Imtixaankii dugsiyada sare ee Puntland oo lacag la'aan loo sixi la' yahay
Itoobiya oo ku guulaysatay koobka adduunka ee oradka Maaratoon-ka
Xigashada Sawirka, ,
Tamirat
Tola oo Ethiopian ah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka
ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka ee ka socda Maraykanka.
Waxa uu khadka kaga gudbay
laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku
dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay.
Itoobiya ayaa hadda
haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka
10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret
Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maar.
Kaneeco booliiska u horseedday in ay soo qabtaan tuug alaab xaday
Xigashada Sawirka, ,
Booliska Shiinaha ayaa ku guuleystay inay aqoonsadaan mid ka
mid ah tuugada kaneeco awgeed. Balse sidee ku dhacday arrintani?
Wargeys ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa qoray in nin tuug ah
uu jabsaday guri dabaq ah oo ku yaalla magaalo ku taalla dalka Shiinaha oo uu
ka xaday alaabo qaali ah oo guriga taallay, balse waxa muuqata in uu daalay oo
uu dhex seexday guriga.
Si kastaba ha ahaatee, nasiib-darradiisa kaneeco ayaa qaniintay, taas oo keentay in uu soo tooso, dabadeedna
wuu dilay oo gurigii ka baxay.
Markii ay booliisku u yimaadeen guriga si ay u baaraan
tuugada, waxay ka heleen kaneeco la dilay mid ka mid ah gidaarada dabaqyada,
sidaas darteed waxay u qaateen baaritaanka shaybaarka.
Natiijadii baadhista dhiiga ee ay kaneecadu ka nuugtay ka
hor inta aanay dilin, waxay keentay in la ogaado DNA-ga tuuggii, waxaanay
booliiska ku hagtay dembiilaha, kaas oo la xidhay, ka dibna qirtay dembiga.
Maxamed Bin Salmaan oo cashar lama filaan ah u dhigay madaxweyne Joe Biden
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Joe Biden oo booqasho ku tagay Sucuudiga
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay
hadalka madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan dilka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa
sheegay in dilka weriyaha uu ahaa mid nasiib darro ah.
Wuxuu intaa ku daray in Sucuudiga uu qaaday tallaabooyinka adag oo ka
dhan ah dilkii Khaashuqji.
“Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay in khaladaadka noocan
ah ay ka dhacaan dalal badan sida Mareykanka, Mareykanka wuxuu galay khalad,
wuxuu tallaabo ka qaaday kuwa dambiyada galo isla markaana wuxuu ka shaqeeyaa
sidii loo sixi lahaa khaladaadka, Sacuudiga Carabiya waa dal mas’uul ah wuxuu qaaday
taallaabooyin adag oo lamid ah kuwaas” ayuu yiri Feysal Bin Farxaan.
Wuxuu intaa ku daray in Maxamed Bin Salmaan uu Biden kusoo hadal qaaday
dilka ay u geysteen ciidamada Israa’iil weriyihii ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera
iyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan dilka weriyaha.
Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay Biden in ilaalinta xuquuqda aadanaha
ay tahay qiyam udub dhexaad u ah mabaadii’da dalka Islaamiga ah iyo dhaqanka
carbeed.
Wuxuu u sheegay Biden, “Waxaa muhiim ah in arrimaha qiyamka lagu soo
hadal qaaday kulanka balse ha isku dayin in qiyamkaaga aad marsiiso dadka kale,
haddii aad sameyso arrintaas saameyn xun ayaa ka dhalan kartaa” ayuu yiri
wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga.
Arrintani ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Mareykanka Joe
Biden uu soo hadal qaaday dilka weriyihii Sacuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji
xilli uu kulan la yeeshay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Biden oo booqasho ku
joogo Sucuudiga, wuxuu doonaya inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeyo dalkaas.
Biden wuxuu horey u
ballaan qaaday in Sucuudiga uu noqon doono waddan ‘ la fogeeyay’ kadib
diiwaankiisa arrimaha xuquuqul insaanka.
Biden ayaa sheega in
Maxamed Bin Salmaan uu caddeeyay dilka weriye Jamaal kaas oo lagu dilay
sanadkii 2018 qunsuliyadda Turkiga ee Sucuudiga,
Warbixin ku saabsan ciyaarta Istunka oo ka mid ah ciyaaraha dhaqanka Soomaalida
Dab halis ba’an ku hayo qeybo kamid ah Yurub
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Dabka ku faafay keymaha ku yaalla koonfur galbeed Faransiiska
Kumannaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa weli dadaal ugu jiraa sidii
ay ku damin lahaayeen dab kusii faayo keymo ku yalla dalalka Bortuqiiska,
Faransiiska iyo Spain xilli uu kuleyl daran ka jiro dalalkaas.
Faransiiska ayaa daadgureeyay in ka badan 14,000 qof oo halis ugu jiray dabka
ku baahay deegaanada dhaca koonfur galbeed dalkaas, dabka ayaa sidoo kale ku
faafaya Croatia iyo Giriigga.
Masuuliyiinta Botuqiiska ayaa sheegay in ugu
yaraaan 238 qof ay u dhinteen kuleylka saameeyay dalkaas tan iyo toddobaadkii
lasoo dhaafay.
Heer kulka Spain iyo Botuqiiska wuxuu
gaaray in ka badan 45 C, dhowr qof ayaa loo maleynayaa inay u dhinteen kuleylka daran.
Dabka ayaa sidoo kale ka kacay xadka Spain
ee u dhow beerta qaranka ee Montfrague, oo ah kayd dabiici ah oo caan ku ah
duurjoogta. Dabka ayaa baabi’iyey kumannaan hektar toddobaadkan.
Dabka ka kacay keymaha ayaa baabi’iyay ilaa 7,300 hektar oo ku yaalla
koofurta galbeed ee Faransiiska, waxaana ay ku qasbeen 10,000 oo qof in ay ka
barakacaan guryahoodii, oo u badnaa dalxiisayaal, qaarna waxay aadeen guryo ay
sameeyeen masuuliyiinta maxalliga ah.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Jowhar
Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu garab taagan tahay maamulka
Hirshabeelle isla markaana uu gacan ka siin doono sidii loo caawin lahaa dadka
ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa.
Ugu yaraan sedex qof ayaa ku
dhintay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lagu
weerarray hudheel ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle,
sida laga soo xigtay sarkaal caafimaad oo ku sugan isbitaalka magaalada.
Sarkaalkaas waxa kale oo uu BBC-da u sheegay in labaatan qof oo dhaawacyo kala
duwan qaba la soo gaarsiiyay isbitaalka, waxana ku jira wasiiro iyo
xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Kooxda Al-Shabaab ayaa
sheegatay masuuliyadda qaraxa Jowhar ka dhacay, inkastoo faahfaahin intaa ka
badan aysan bixin.
Goor sii horeysay ayay ahayd
markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray weerarray lagu qarxiyay bartamaha
magaalada Jowhar, kaas oo gaystay burbur baaxad leh oo gaaray hudheelo iyo
guryo ku yaala bartamaha magaalada.
Waa qaraxiii ugu horeeyay ee
noociisa ah ee ka dhaca Jowhar.