You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cayaartoyda Faransiiska oo midabtakoor ka cabanaya
Wasiiradda cayaaraha ee Faransiiska ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaan ku saabsan eedeymaha la xiriira in midab takoor lagula dhaqmay cayaartoyda waddankeeda, cayaartii ay 3-1 kaga badiyeen Ruushka.
Laacibka Manchester United ee Paul Pogba iyo kan Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa sheegay in lagu qayliyey ereyo midabkooda wax looga sheegayo.
Cayaartu waxay ka dhacday garoonka Krestovsky ee St Petersburg, oo ah mid ka mid ah meelaha ay ka dhici doonaan cayaaraha koobka K/cagta ee adduunka.
"Midabtakoor meelna kuma laha Kubbadda cagta" sidaa waxaa tiri wsiiradda cayaaraha ee faransiiska Laura Flessel.
"Waa in aan si wadajir ah ficil u samaynaa, heer Yurub ahaan iyo heer caalami ahaan, si aan u joojino falalkan aan la aqbali karin" ayey raacisay.
Arrintan ayaa waxaa markii hore soo shaac bixiyey sawirqaadeyaal ka tirsan wakaaladda AFP oo sheegay inay maqleen dad qaylinaya marka ay cayaartoydu laadayeen kooneyaasha.
Tani waa talaabadii u dambaysay ee ah tiro shilal noocaas ah oo Ruushka lala xiriirinayo.
Sarkaalka K/cagta ee Ruushka u qaabilsan ka hortagga midab kala sooca, Alexei Smertin wuxuu ku adkaystay in dadka laga tirada badan yahay ay dareemi doonaan "bedqab iyo istareex", wuxuuna meesha ka saaray wixii cabsi ah, isagoo ku tilmaamay borobagaando.
Guddoomiyaha xiriirka FIFA, Gianni Infantino wuxuu sheegay in saraakiishu (garsoorayaashu) ay joojin karaan ama ay xataa ka tegi karaan cayaaraha koobka adduunka, haddii midab takoor uu dhaco.