“Wadaad baa iga qaatay lacag si uu iigu duceeyo in toddobaad gudihiis Ilaah igu siiyo lacag badan”

Published

Evarline Okello ayaa ilmeneysay xilli ay la hadleysay weriyaha BBC-da Lebo Diseko iyadoo u sheegtay in lagu leeyahay deyn gaareysa boqollaal doollar ka dib markii ay lacag siisay Baadari si uu ugu duceeyo.

Waxay ku nooshahay xaafadda weyn ee isku raranka ee Kibera, oo ku taal caasimadda Kenya, Nairobi, mana heysato dhaqaale ay ku maareyso afarteeda carruurta ah.

Evarline wax mushahar ah ma soo gelin muddo bilooyin ah, ayay u sheegtay weriyaha BBC-da. Haddaba markii ay maqashay in uu jiro Baadari u duceyn karo si nolosheeda ay wax uga baddalanto, waxay damacday inay aragto. Wuxuu ka codsaday $115 oo u dhiganta 15,000 oo shilinka Kenya ah), waana dhaqaalaha la siiyo Baadariga iyadoo maskaxda lagu hayo in arrintaas ay natiijo u horseedi doonto qofka codsado.

Evarline waxa ay lacagta ay siisay Baadariga kasoo deysantay saaxiibkeed, kaasoo lacagta isagana amaah ahaan ugu soo qaaday. Waxaa loo sheegay in Baadariga ducadiisa ay aad u xoog badan tahay oo ay lacagta deynta kusoo qaadatay ay muddo toddobaad gudahood ku heli doonto.

Weligeed ma aysan arkin mucjisadii ay sugeysay, xaaladdeenna wey kasii dartay, lacagta amaahda aheyd ay kasoo deynsatay saaxibkeed cirka ay isku shareertay maaddaama ay ku darsantay lacag ribo ah oo qeyb la aheyd amaahda.

Hadda waxaa lagu leeyahay in ka badan $300, mana heyso wax fikrad ah oo ku aaddan qaabkii ay ku bixin laheyd deynta, saaxibkeed xitaa wuu u xanaaqay lamana hadlo, Evarline wax shaqo ah ma heyso.

"Xaaladda ayaa igu adkaatay, rajo la'aan ayaa noqday" ayay tiri.

Dalka Kenya ayaa waxaa si weyn u saameeyay qiimaha maciishadda oo sare u kacay. Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa muujinayso in tirada dadka Kenyanka ah ee shaqo la'aanta ah ay kor u u dhaaftay in ka badan laba-laab toddobadii sano ee la soo dhaafay.

"Dadku waxay ku nool yihiin nolol rajo beel ah," ayay tiri Dr Gladys Nyachieo, oo ku takhasustay cilmiga bulshada waxna ka dhigta Jaamacadda Multimedia ee ku taalla Kenya.

Noloshan adag waxay dad badan u horseedday inay ku dhaqaaqaan falalka noocan ah, dad badan waxay ku rajo weyn yihiin inay lacag ku bixiyaan wax mucjiso ah oo aan suurtagal aheyn-waxay ku khasban yihiin in lacagtaas ay soo deynsadaan.

"Dadka waxaa loo sheegay in Ilaahey uusan la dooneyn inay sabool noqdaan, marka waa inay wax beertaan" ayay tiri Evarline.

Dhaqankan wuxuu ka yimid waxa loo yaqaan Prosperity Gospel, kaasoo dadka faray in qofka iimaankiisa uu Ilaahay ugu abaalmariyo maal iyo caafimaad.

Dadka aaminsan waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay muujiyaan iimaankooda iyagoo bixinaya lacag, taas oo la sheegay in uu Eebbe ka bixin doono marar badan.

Fikraddan asalkeedu waxay ka soo jeeddaa Ameerika, iyadoo sii xoogeysatay horraantii qarnigii 20-aad. Dabayaaqadii 1970-meeyadii iyo horraantii 1980-meeyadii Baadariyaal u dhashay dalka Nigeria waxay aadeen Mareykanka si ay wax badan uga ogaadaan, waa arrin tan iyo maanta sii fideysa.

Dr Nyachieo waxa kale oo ay farta ku fiiqday arrin kale oo dadka u horseedaysa inay deynta qaataan - farriimaha lagu dhiirigelinayo in dadka ay qaataan amaahyada waa kuwo si joogto ah shacabka loogu dirayo.

Sidoo kale waxay arrintan ku dhacday Dennis Opili oo 26 jir ah, kadib wuxuu kala kulmay niyad jab in ka badan saddex sano shaqo raadis ayuu ahaa, wuxuu kaalmo weydiistay walaalkii.

"Wuxuu igula taliyay inay jirto kaniisad aad tagi karto si ay kuugu duceyso, Waxaad bixinaysaa lacag yar, ka dib way kuu duceeyaan, ka dib waxaad heli kartaa shaqo," ayuu yiri Dennis.

Waxaa loo sheegay in Axad kasta uu bixiyo $180 muddo saddex bilood gudahood ah.

Markii ay lacagta ka dhammaatay wuxuu $120 doollar oo kale kasoo amaahday shirkado iyo saaxibbadii.

"Waan rumaysnaa waxa uu Baadriga ii sheegay, oo aheyd in aan shaqo heli doono. Markaa wax dhib ah kalama kulmin wax amaah ah, sababtoo ah waxa aan u malaynayay in aan ugu dambayntii awoodi doono in aan iska bixiyo lacagtaas."

Laakiin markuu shaqo la'aan sii noqday, Dennis wuxuu bilaabay inuu muujiyo shaki ah in la khiyaameeyay.

Markii dambe, Dennis wuxuu daba socday shirkadaha amaahda bixiya si ay lacagta uga bixiyaan, "mararka qaar anigoo meel iska fadhiya oo nasanaya oo waxyaabo kale isaga jira, waxaa isoo wacaya qof aan ka qaaday lacag deyn ah, markaas ma hayo lacag aan isaga bixiyo", ayuu yiri.

"Waan cabsaday sababtoo ah ma garan kartid tallaabada ay dadkaas qaadi karaan haddii aad lacagtooda siin weydo, ma garan kartid inay ku dacweyn doonaan ama inay booliska kugu dacweyn doonaan"

Nasiib wanaag Dennis wuxuu hadda ku guuleystey inuu helo shaqo yar, taas oo u sahashay inuu dib u bixiyo qayb ka mid ah lacagtii lagu lahaa, Alle ayaan rumeysanahay, waxa la iga rabo waa in aan taxaddaraa".

Cadaadis baa la iigu saaray in aan wax bixiyo

Ma ahan Kenya oo kaliya in dadka ay deyn ku galayaan rajo mucjiso ah. Haweeney u dhalaty Nigeria oo xaadiri jirtay kaniisad ku taal Mareykanka ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda ay la kulmeen waajibaad dhaqaale oo saameeyay- oo ay ku jirto lacagtan la siinayo Baadariyeyaasha si ay ugu duceeyaan.

Sarah oo aan magaceeda rasmiga aheyn waxay sheegtay in labo urur iyo Baadariyeyaal ka tirsanaa kaniisaddeedii hore ay weydiisteen inay bixiyaan boqolkiiba 10 dakhliga bil kasta soo gala si ay u siiyaan kaniisadda iyo maamulkeeda taasoo ku taalla dalka Nigeria.

Hoggaamiyayaasha maxalliga ah ayaa qorshaha lacag bixinta ee bishiiba la dejiyay kaniisadda, ayay tiri, taas oo ku qasabtay inay cadaadis saaraan dadkii ku xirnaa kaniisadda inay lacagta bixiyaan. Xubnaha ayaa loo sheegay in markaas uu u duceyn doono Baadariga ugu sarreeya ee Nigeria.

Sarah waxay sheegtay inay aragtay dad ku bixinaya lacagtaas kaararkooda bangiyada.

"Waxaan xusuustaa mar kaniisadda ay gabadh ku tiri, 'Waxaan bixinayay lacagta, waxayna u ektahay inaan weli lacag igu filan haysan dhamaadka bisha."

Baadariga wuxuu ku yiri gabadha "waxay ahayd in dadka aad u sheegto in lacagtan aad bixineysaan ay ka muhiiman tahay tan aad ku bixisaan kirada" sida ay sheegtay Sarah.

Waxayna sheegtay in qof kasta oo su'aal ka keenay sababta mucjisooyinka dhici doona kadib marka ay lacagta bixiyaan, "Sidii la rabay ma aadan u duceysan, ma aadan bixin lacagta, iimaan buuxo ma lihid"

Waxay sheegtay in seygeeda lagu cadaadiyay inuu ka tago kaniisadda, sababtoo ah wuxuu weydiiyay su'aalo fara badan - laakiin labadooduba waxay ka tageen kaniisadda.