In ka badan 500 oo qof oo badda lagu la'yahay iyo warar dheeraad ah oo la helayo

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
29-kii Juun, laba doomood oo siday ku dhowaad 530 qaxooti Rohingya ah ayaa ka shiraacday gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyay wax war ah lagama hayo.
Waxaa laga cabsi qabaa in labada doonba ay ku rogmadeen badda. Xilli-roobaadka dabaylaha ayaa billowday, hirarka badduna waa kuwo aad u kacsan. Doomahan, oo inta badan ka sameysan doonyo kalluumeysi oo duug ah lana ballaariyo si ay u qaadaan dad badan intii suurtagal ah, ma aha kuwo si ammaan ah ugu habboon safarrada badda, matoorradooduna waa kuwo aan la isku hallayn karin.
Waxa kale oo aad loo rumaysan yahay in dad aad u yar, ama laga yaabo inaan qofna ka badbaadin. Qiyaastii kala bar rakaabka waxay ahaayeen haween iyo carruur.
Gobolka Rakhine waxa muddo sannado ah ka socday dagaal. Kooxaha fallaagada ayaa ciidamada Myanmar ka saaray inta badan gobolka, waxayna hareereeyeen saldhiggii ugu dambeeyay ee militariga ee caasimadda gobolka, Sittwe, oo hadda lagu tagi karo oo keliya dhinaca cirka ama badda. Militariguna wuxuu sidoo kale jaray ku dhowaad dhammaan isgaarsiintii gobolka.
Chris Lewa, oo ah madaxa Arakan Project, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta xaaladda dadka Rohingya, ayaa isku dayaysa inay ogaato waxa ku dhacay labadaas doon.
Iyagoo isku daraya xog laga helay ilo kala duwan, waxay rumaysan yihiin in labada doon ay dhab ahaantii shiraacdeen 29-kii Juun; mid ayaa subaxdii baxaday, halka tan kalena ay baxday waqti dambe isla maalintaas.
Sida la sheegay, doomuhu waxay ku sii jeedeen xeebta koonfureed ee Myanmar, halkaas oo rakaabka lagu dejin lahaa. Halkaasna waxaa dhulka loogu sii gudbin lahaa xadka Malaysia iyagoo sii maraya Thailand, iyada oo la marsiinayo xeryo ku-meel-gaar ah oo aan nidaamsanayn oo ku yaalla kaymaha.
Caadi ahaan, qoysaskoodu waxay helaan war muujinaya inay badbaadeen toddobaad gudihii ama ugu dambayn toban maalmood gudahood. Laakiin inkastoo ay hadda ku dhowdahay saddex toddobaad, wax war ah lama helin.
Mas'uuliyiinta Bangladesh ayaa helay meydka haweeney ay biyuhu qaadeen oo xeebta kusoo caariyay. Sagaal maalmood ka dibna, kalluumeysato ayaa badda dhexdeeda, inta u dhexeysa Irrawaddy Delta iyo xeebta gobolka Mon, ka helay meydad kale oo dhowr ah.
Chris Lewa waxay aaminsan tahay in dhammaan caddeymahan ay muujinayaan in labada doon ay ku rogmadeen badda. Mid ka mid ah ayaa la rumaysan yahay inay degtay saacado yar kaddib markii ay ka baxday San Tet Maw, halka tan kalena ay u safartay dhanka koonfur-bari dhowr maalmood ka hor inta aysan musiibadu dhicin.
In ka badan hal milyan oo Rohingya ah ayaa ku nool xeryo aad u ciriiri ah oo ku yaalla koonfurta Bangladesh, halkaas oo gargaarku sii yaraanayo, fursadaha shaqaduna ay ku dhow yihiin eber, kooxaha dambiyada abaabulanna ay si xor ah uga hawlgalaan. Intaa waxaa dheer, dadka Rohingya xitaa looma oggola inay ka baxaan xeryahaas.















