TOOS, Mareykanka oo habeenkii shanaad duqeymo ka fuliyay Iran iyo Iran oo weerartay qaar ka mid ah dalalka dariska

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa werisay in dhowr gantaal oo Mareykan ah "ay ku dhaceen meel u dhow isbitaal carruurta looga daweeyo kansarka."

Tebin toos ah

  1. Fars News Agency: Weerar gantaallo oo Mareykan ah ayaa ka dhacay meel u dhow Isbitaal lagu daweeyo Carruurta qabta Kansarka

    Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhowr gantaal oo Mareykan ah ay "ku dhaceen meel u dhow isbitaal lagu daweeyo carruurta qaba kansarka."

    Warbaahintu waxay qortay in "saacadihii la soo dhaafay, dadka magaalada Ahvaz ay arkeen weerarro gantaallo ah" oo ka dhacay goobo kala duwan.

    Fars waxay sheegtay:

    "Mid ka mid ah weerarradan, dhowr gantaal ayaa ku dhacay aagga ku dhow Isbitaalka Baghaei, kaasoo ah goob lagu bixiyo daaweynta kiimoterabiga ee bukaannada kansarka, gaar ahaan carruurta qaba kansarka."

    BBC-da si madax-bannaan uma xaqiijin karto warkan, sababo la xiriira inaysan si toos ah u heli karin xog gudaha Iran ah.

  2. Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil

    Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in dhowr qarax laga maqlay meel u dhow Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil, oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

    Kadib qaraxyadaas, waxaa la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka ee lagu rakibay agagaarka qunsuliyadda.

    Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil ayaa horey u noqotay bartilmaameed dhowr weerar oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) intii uu socday colaaddii ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

    Ilaa hadda lama soo saarin faahfaahin ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxyada cusub, khasaaraha suurtagalka ah ee ka dhashay, ama heerka burburka.

    Saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin wararkan.

  3. Mareykanka oo mowjad cusub oo weerarro ah oo ka dhan ah Iran

    Milatariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay bilaabeen mowjad cusub oo weerarro ah oo lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Iran.

    Faahfaahin dheeraad ah lagama soo saarin goobaha ay weerarradu ka dhaceen, bartilmaameedyada la beegsaday, ama baaxadda khasaaraha suurtagalka ah ee ka dhashay. Saraakiisha Iran weli kama aysan jawaabin warkan

  4. War deg deg ah, Argentina oo farxad jilbaha dhigatay iyo Ingiriiska oo oohin dhabarka u jiifa

    ingiriiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Argentina ayaa gaadhay final-kii labaad oo xidhiidh ah, waxayna Axadda New Jersey kula ciyaari doonaan Spain. Waa qalbi-jab kale oo ku dhacay England. Mar kale.

    Waxay ciyaarta kaalinta saddexaad kula kulmi doonaan France. Ciyaartoyda England ayaa dhulka daadsam iyagoo dhabarka u dhacay, halka ciyaartoyda Argentina ay jilbaha dhigteen iyagoo dabaaldegaya guusha.

  5. War deg deg ah, Argentina oo wacdaro dhigaysa, England 1-2 Argentina

    Toogashadii Alexis Mac Allister ee ku dhacday birta goolka waxaa soo celiyay Lionel Messi, kaasoo kubadda ka qaaday dhinaca midig, kadibna soo diray karoos cajiib ah oo uu Lautaro Martínez madaxa kaga dhaliyay goolka.

    Waa xaalad aad u xanuun badan oo England ku dhacday. Waxay doorteen inay dib u difaacdaan, laakiin qorshahaas ma shaqeyn.

  6. War deg deg ah, GOOOOOOOOOOOOOOOL -England 1-2 Argentina, Lautaro Martinez (90+2 Daqiiqo)

  7. War deg deg ah, Enzo Fernández oo dhaliyay gool 'buuqa joojiya ah', England 1-1 Argentina

    Enzo Fernández

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Enzo Fernández ayaa laba ama saddex jeer isku dayay inuu meel fog ka toogto goolka, markan se Jordan Pickford wax fursad ah ma siin, wuxuuna si degdeg ah u booday oo kubadda ka dul bixiyay birta goolka si ammaan ah.

  8. Ingiriiska oo wajahaya cadaadis aad u cabsi leh, England 1-0 Argentina

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, BBC Somali

    England ilaa hadda si heer sare ah ayay u ciyaaraysay, laakiin hadda waxaa saaran cadaadis aad u weyn. Labada dalba 15 ilaa 20 daqiiqo ee soo socda waxay noqon doonaan kuwo aad muhiim u ah.

    Argentina weerarkeeda ma joogsanaayo. Waa weerar joogto ah oo aan kala go’ lahayn, taasina waa arrin walaac leh.

    England waxay ku dheggan tahay ciyaarta iyagoo dhib yar ku badbaadaya.

  9. War deg deg ah, Yaa dhahay in aad hoggaanka hayso waa raaxo?, England 1-0 Argentina

    bb

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Argentina waxay wadaa weerar aad u kulul oo ay ku hayso xulka Ingiriiska, iyaga oo raba in ay ka aargutaan goosha laga dhaliyay. Difaaca ingiriiska ayaana wajahaya cadaadis daran.

    Cadaadiskaan haddii uu sii saaraado xulka Ingiriiska waxaa laga yaabaa in ay isku furaan.

  10. War deg deg ah, "Gordon si qurux badan ayuu u dhameystiray", England 1-0 Argentina

      • Author, Alan Shearer
      • Role, Weeraryahankii hore ee England, oo kula hadlay BBC One garoonka Atlanta Stadium:
    Gordon

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    "Tani waa waxa aan dooneynay. Tani waa waxa aan sugaynay. Kubadda u dir dhinaca garabka, soo karoos, hana adkeynin. Gordon ayaa ka hor maray daafacii, waxaana kaliya u dhimanaa inuu ka adkaado goolhayaha. Si qumman ayuu kubadda ugu jiheeyay shabaqa."

  11. Qaybta labaad ayaa Ciyaarta oo bilaabatay

    Garsooraha ayaa qeybtii labaad ku bilaabay, wuxuuna dib u bilaabay ciyaarta.

    ciyaartoyda ayaa u muuqada inay goor hore soo galeen garoonka.

  12. "Messi mar walba wuxuu heli doonaa fursado uu ku muujiyo tayadiisa."

    Wayne RooneyWeeraryahankii hore ee England,:

    "Lionel Messi wuxuu heli doonaa fursado iyo waqtiyo uu saameyn ku yeesho kulankan. Waxaan u difaacannay si aad u wanaagsan. Waxaan muujinnay adkaysi, waxaana gadaal kaga jira kubadda ciyaartoy badan oo difaac ah.

    "Waxaan u maleynayaa tallaabada xigta inay tahay: ma awoodnaa inaan Argentina kubadda ka qaadno oo aan annagu maamulno ciyaarta, isla markaana aan kubadda heysanno waqti badan?"

  13. Qeybtii kowaad ee ciyaarta oo soo dhamaatay

    Qeybtii kowaad e ciyaarta ayaa ku soo idlaatay goolal la'aan. labada kooxood ayay u muuqataa inay si aad ah isu ciyaar yaqaanan.

    Qeybta hore ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid si aad ah u kulul oo ay xamaasadeedu sareyso.

  14. Aqoonta ay isu leeyihiin labada kooxood oo natiijada adkeynaysa

    Is-maandhaaf

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Is-maandhaaf

    Pouria Jaffray, Los Angeles

    Waxaa jiray waqti ay England iyo Argentina isku arki jireen Koobka Adduunka, xitaa ilaa Koobkii Adduunka ee 2002, oo ay aad u yareyd in ciyaartoyda labada xul ay hore ugu kulmeen heer kooxeed.

    Waxaa jiray tusaalooyin yar, sida Juan Sebastián Verón, kaasoo u wareegay Manchester United kadib sannado uu ku soo qaatay ciyaaraha Talyaaniga.

    Laakiin maanta xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay. Xulka Argentina ee hadda jira, saddex ciyaaryahan ayaa ka ciyaara kooxaha Premier League-ga England sida Chelsea, Liverpool iyo Aston Villa. Sidoo kale Julián Álvarez wuxuu leeyahay waayo-aragnimo uu kula soo ciyaaray Manchester City.

    Ciyaartoyda Argentina waxay si fiican u yaqaanaan kubadda cagta England iyo ciyaartoydeeda, halka ciyaartoyda England-na ay si buuxda u fahamsan yihiin xiddigaha Argentina.

    Isbarashada labada dhinac waxay ka dhigaysaa in ay aad u adkaato in kooxuhu si lama filaan ah ugu yaabiyaan kuwa kale, ama ay si fudud u muujiyaan xirfado shaqsiyeed iyo xeelado cusub.

  15. Garsooruhu go'aan sax ah ma qaatay?

    Daqiiqaddii 37-aad, ciyaaryahanka Argentina Juliano Simeone ayaa galay shan qalad (fouls). Saaxiibkiis Enzo Fernández ayaa ahaa ciyaaryahanka xigay ee ugu qaladaadka badnaa, isagoo sameeyay laba qalad.

    Garsooruhu sidoo kale wuxuu siiyay kaarka jaalaha ah ciyaaryahanka England Elliot Anderson, kaasoo galay qaladkiisii labaad ee ciyaarta.

  16. Mareykanka oo digniin dhanka socdaal ah ka soo saaray dalal ay soomalaiya ku jirto

    Waaxda arrimah dibadda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waaxda arrimah dibadda

    Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartaa La-talinta dhanka Safarka ah oo leh heerar u dhexeeya Heerka 1 ilaa Heerka 4.

    Heerka 4 wuxuu ka dhigan yahay: HA U SAFRIN

    Heerkan waxaa la siiyaa waddan marka xaaladaha amni ee halkaas ka jira ay aad u halis yihiin ama awoodda dowladda Mareykanka ee ay ku caawin karto muwaadiniinteeda ay aad u xaddidan tahay.

    Waddamadan waxaa hadda lagu qiimeeyay Heerka 4 – Ha U Safrin:

    ⛔ Afghanistan ⛔ Belarus ⛔ Burkina Faso ⛔ Myanmar (Burma) ⛔ Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) ⛔ Chad ⛔ Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ⛔ Haiti ⛔ Iran ⛔ Iraq ⛔ Lubnaan (Lebanon) ⛔ Libya ⛔ Mali ⛔ Niger ⛔ Waqooyiga Kuuriya (North Korea) ⛔ Ruushka (Russia) ⛔ Soomaaliya (Somalia) ⛔ Koonfurta Suudaan (South Sudan) ⛔ Suudaan (Sudan) ⛔ Suuriya (Syria) ⛔ Uganda ⛔ Ukraine ⛔ Yemen

  17. Dagaal aad u xiiso badan, Pouria Jaffray, Los Angeles

    Dagaal cajiib ah — Pouria Jaffray, Los Angeles

    Labada kooxood ma aha oo kaliya inay sameyn waayeen wax shuut ah oo goolka ku wajahan, balse xitaa midkoodna weli ma uusan helin isku day toos ah oo goolka lagu beegsado.

    Tirakoobkan wuxuu si cad u muujinayaa sida ay labada kooxood isugu dhow yihiin iyo sida uu kulankani u yahay mid xasaasi ah, adag, xiiso badan oo xamaasad leh.

    Waa kulan ay khalad yar ama hal fursad oo keliya beddeli karto natiijada.

  18. Richards: Waa inay England samir muujisaa

    Richards: Waa inay England samir muujisaa

    "Illaa hadda ciyaartu waxay ahayd mid xeelad ahaan si adag isu haysata, isla markaana u eg dagaal dhinaca jirka ah.

    Anthony Gordon mararka qaar wuxuu helay meelo fiican oo bannaan, laakiin marka kubaddu u timaaddo wuxuu u baahan yahay inuu isdejiyo oo uu si deggan u go'aansado.

    Si kastaba ha ahaatee, ciyaartu si tartiib tartiib ah ayay u furmi doontaa, England-na waxay u baahan tahay oo keliya inay samir yeelato oo aysan degdegin."

    Micah Richards wuxuu rumeysan yahay in kulanku uu hadda yahay mid adag oo labada dhinac ay si xeeladaysan isu xannibayaan.

  19. Ciyaar adag ayaa durba bilaabatay

    Waxay u muuqataa inaan goobjoog u nahay ciyaar xiisad badan. Ciyaartii xitaa weli ma bilaaban, ciyaartoyduna way is-haystaan.

  20. Ciyaartii u dhaxaysay England iyo Argentina ayaa bilaabatay.

    England 0-0 Argentina

    Argentina waxay doonaysaa inay difaacato koobkeeda, halka England ay doonayso inay gaarto ciyaarta kama dambaysta ah ka dib 60 sano.

    Kooxda badisa ciyaarta caawa ayaa la ciyaari doonta Spain kulanka kama dambaysta ah.