Sidee askarigan looga dhacay lacag malaayiin ah?

Published

Nin ganacsade ah ayaa lagu xukumay inuu sarkaal sare oo booliiska Kenya ah ka dhacay lacag dhan Sh24.3 milyan oo shilinka Kenya ah isagoo iska dhigaya in afar shey oo qiimahoodu yahay Sh128 milyan uu uga iibinayo Sh36 milyan, sida ay qortay warbaahinta Kenya.

Ray Ochieng Otieno ayaa lagu eedeeyay in Sh24,364,000 uu ka qaatay Cabdiraxmaan Cali Dima intii u dhaxeysay December 17, 2021, iyo January 4, 2023, isagoo iska dhigayay inuu usoo iibinayo alaabahaas.

Waxaa lagu eedeeyay in saaxiibka Dima ee Ibrahim Isaack Musa uu ka qaatay Sh7,136,000 isla xilligaas, isagoo isla sababtaas u sheegay.

Otieno ayaa lagu eedeeyay in guud ahaan uu dhacay lacag dhan Sh31.5 milyan.

Labadan nin ee dhaca loo geystay ayaa waxaa laga dhaadhiciyay inay sameyn karaan faa’iido ka badan Sh128 milyan.

Mr Dima, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska, ayaa waxaa bishii December 2021 u yimid nin uu yaqaannay xilli uu markaas ku sugnaa gobolka Bartamaha ee Kenya.

Qofkaas oo ka mid ah dadka laga shakisan yahay ayaa sheegay inuu lacag dhan Sh36 milyan uu uga iibinayo macdan wuxuuna Mr Dima u sheegay in afartan shey oo macdan ah oo laga keenay Jarmalka uu ka faa’iidi karo lacag dhan Sh128 milyan haddii uu dadka kale ka sii iibiyo.

Goobta kulanka

Mr Dima ayaa oggolaaday in ninka laga shakisan yahay uu kula kulmay deegaanka Mai Mahiu oo ka tirsan magaalada Nakuru balse ninkan ayaa waxaa la socday saddex qof oo kale.

Midkood waxaa la sheegay inuu yahay khabiir la doonayay in Mr Dima uu u xaqiijiyo in alaabtan ay tahay mid asal ah.

Markii ay yimaadeen, Mr Dima waxaa loo sheegay in macdantan ay joogaan lacag dhan Sh2 milyan wuxuuna bixiyay Sh700,000 oo caddaan ah halka ragga kalena ay bixiyeen baqshad ay ku jirto lacag dhan Sh500,000 oo shilinka Kenya ah.

Raggaas midkood ayaa la wareegay labada shey si loogu keydiyo xaafadda Karen ee magaalada Nairobi iyagoo sugayay qof ajnabi ah oo la rabay inuu alaabtan ka iibsado.

Waxaa laga rabay inay bixiyaan khidmo alaabta loogu keydinayo oo dhan Sh3.1 milyan oo Kenya shilin ah oo ay siinayaan ninkan laga shakisan yahay.

Mr Dima ayaa kadib waxaa soo wacay mid ka mid ah raggan laga shakisan yahay oo codsaday inay ku kulmaan hoteel ku yaalla Nairobi.

Waxaa u yimid qareen xaqiijinayay sax ahaanshaha alaabta iyo inay qiime sare ku fadhiso iyo nin ajnabi ah oo alaabta iibsna rabay.

Raggan laga shakisan yahay ayaa hadba lacag dheeraad ah ka qaadayay Dima, ilaa ay gaarto

Cabashada ayaa loo gudbiyay saldhigga booliiska Buruburu ee Nairobi horraantii January, iyo waaxda baaritaanka dembiyada ee DCI ay la wareegtay kiiska, iyadoo markii dambe la soo xiray raggaas.