You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
UNHCR: Sakada Islaamka dowr muhiim ah ayey ka qaadataa gacansiinta dadka guryahooda ka barakacay
Warbixin ay daabacday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in sanduuqa sakada qaxootiga ee hay’addaasi ee la bilaabay 2017, ay ka faa’iidaysteen lix milyan oo qof oo si khasab ah guryahooda looga saaray oo ku kala nool 26 dal.
Hadalkan ayaa imanaya xilli hay’addu ay daaha ka rogayso warbixintii shanaad ee samafalayaasha Islaamka, taas oo muujinaysa awoodda sii kordhaysa ee sadaqada ay Muslimiinta bixiyaan taas oo gacan ka gaysata badbaadinta nolosha iyo in mustaqbal wanaagsan loo sameeyo dadka sida xoogga ah guryahooda looga soo saaray ee ku nool daafadaha dunida.
Sanduuqa sakada qaxootiga, waxay hay’adda UNHCR ku soo galay in ka badan $21.3 milyan oo doolar oo sako ahaan loo soo uruuriyay (oo ay ku jirto $137,000 oo sakaatul fidhri ah) iyo in ka badan $16.7 milyan oo doolar oo sadaqo ah.
Walow ay lacagtaas waxyar uun ka tahay kharashka UNHCR ku isticmaasho dunida, haddana muhiimadeeda iyo saameynta ay dadka soo barakacay u leeyahay waa mid sii kordhaysa, sida ay hay’addu sheegtay.
Hay’addu waxay kaloo tilmaantay in lacagtaas oo lagu fuliyo ujeedada la doonayo in lagu gaaro horumar la taabbagelin karo, si loo soo afjaro saboolnimada iyo gaajada xilli la horumarinayo waxbarashada iyo caafimaadka.
2022, sanduuqa sakada qaxootiga ee UNHCR waxa uu horumariyay nolosha in ka badan 1.5 milyan oo qof oo isugu jira qaxooti iyo dad gudaha ku barakacay oo ku kala nool 21 dal.
Tan iyo 2017, UNHCR waxa ay fulinaysay howlgallo ay ka waddo Bangladhesh (qaxootiga Rohingya), Yemen (oo ay kula tacaasho dad gudaha ku barakacay), iyo Lubnaan (oo ay joogaan qaxootiga Suuriya). Dhaqaalaha sakada ka soo xarooda ayaa sannadkii la soo dhaafay lagu qeybiyay qaab kaash gargaar ah iyo agabyaba.
Lacag kaash ah oo gargaar ah ayaa la gaarsiiyay qaxooti ku kala nool dalalka Aljeeriya, Masar, Hindiya, Indonesia, Urdun, Lubnaan, Malaysia, Mauritania, Pakistan, iyo Tunisia, iyo sidoo kale dad gudaha ku barakacay oo ku nool wadammada Afghanistan, Ciraaq, Soomaaliya, iyo Yemen.
Agabyo sida waxyaabaha nadaafadda loo isticmaalo iyo hoy, dawo, iyo waxyaabo kale ayaa la gaarsiiyay qaxootiga ku nool Bangladesh, Hindiya iyo Iiraan, iyo dad ku barakacay gudaha waddanka Nigeria.
Sakada iyo Islaamka
Sakada waxay waajib ku tahay qof walba ooh anti badan leh, inuu qyeb ka mid ah sanad walba ka siiyo dadka Masaakiinta ah amaba hay’adaha caawiya. Waa mid ka mid ah tiirarka Islaamka.
Sakadu ma aha in qofku uu hantidiisa deeqsinnimo iyo naxariis darteed qeyb uga bixinayo, ee waxaa waajib ku ah in 2.5% hantidiisa uu sanad walba ka siiyo dadka saboolka ah.
Faa’iidooyinka sakada
Inkastoo faa'iidooyinka sakada aan la soo koobi karin, haddana qodobbadan ayaan ka soo qaadaneynaa:
- Caawinta masaakiinta
- Adeecidda Alle
- Nafta oo la edbiyo
- Aakhiro oo meel wax loo dhigto, maaddaama hantida laga dhimanayo
- In qofku ka fogaado ku dhegganaanta iyo laxojeclada
- Inaadan wax walba keligaa isla jeclaan
- Ku dhaqanka daacadnimada
Xaddiga 2.5% waxay keliya quseysaa lacagta, dahabka iyo qalinka iyo waxyaabaha ganacsi. Waxaa jira xaddi kale oo loo gooyay beeraha iyo macdanta iyo xoolaha.