Haweenay ku hanjabtay in ay qarxin doonto shirkadda ninkeeda oo xabsi la dhigay

Published

Dhacdo dhif ah ayaa kasoo baxday magaalada Pune ee dalka Hindiya, ka dib markii haweenay u dhalatay dalkaas ay dirtay Fariin, iyadoo isticmaalaysa ciwaanka ninkeeda, taas oo ay shaqaalaha shirkadda oo ay ka mid yihiin wadayaasha gawaarida shirkadda iyo waaxda isgaarsiinta ay ku cabsi gelinayso qarax ay la beegsan doonto shirkadda.

Arrintan ayaa timid ka dib muran guriga ku dhex maray xaaskan 33 jirka ah iyo ninkeeda.

Tani waxay dhacday axaddii aan soo dhaafnay, 11 kii Jun ee bishan, waxayna soo ifbaxday ka dib markii ay laamaha amaanku sameeyeen baaritaan ku aaddan cidda rasmiga ah ee shirkadda ugu hanjabaysa qarxinta.

Sidey wax u dheceen

Shaqaalaha shirkad ka shaqaysa xogta iyo teknoolajiyada ee aagga Kharadi una dhow saldhigga booliska degmada Chandannagar ayey farrin qoraal ah soo gaartay axaddii.

Waxaa farriinta ku qornaa in bambo aad u xoog badan lagu qarxin doono gawaarida qaada shaqaalaha shirkadda.

Galabnimada isla maalinkaas waxaa soo dhacay farriin kale oo hanjabaad ah taas oo markan sheegaysa in qofka wax soo dirayaa uu afduuban doono qaar ka mid ah dumarka ka shaqeeya shirkadda.

Hanjabaaddan markii ay heleen ka dib waxay shaqaalaha shirkaddu ku war galiyeen laamaha amaanka, kadibna booliska oo ay wehliyaan khubarada bambooyinka waxay baareen xarunta shirkadda,sida dhismaha xafiisyadu ku yaallaan, halka gawaarida la dhigto iyo dhamaan dabaqyada ay shirakddu deggan tahay. Balse wax laga shakiyo ayaa la wayaayey.

Intaa ka dib waxay boolisku bilaabeenin in ay dabagal ku sameeyaan ciwaanka farriinta lagasoo diray iyo cidda soo dirtay.

Waxaa yeeshay ciwaanka (email) lagasoo diray farriinta nin lagu magacaabo Isma oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda, waxaana qabtay booliska. Ka dib markii la baaray su’aalana la weydiiyey waxa soo baxay dhowr waxyaabood.

Xaaska Isma ayaa maseer awgii u qortay farriinta

Isma wuxuu lahaa laba xaas, taas awgeedna waxaa jiray muran u dhexeeya isaga iyo xaaskiisa kowaad oo dabcan maseer ku saabsan.

Sida booliska lagasoo xigtay waxay xaaska kowaad Isma ku eedaysay in uu saddex dalqadood ku furay, waxaana xarunta booliska ee Kondhwa laga diiwaan geliyay kiis ku nsaabsan arrintan.