Dhakhtarka aan heysan dawo uu siiyo bukaannadiisa

Published

Dawo la'aan ayay u dhimanayaan bukaannada ku sugan isbitaallada ku yaalla gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, halkaasoo xuddun u aheyd dagaalladii sokeeye ee ku dhawaad labada sanno socday, waxaana uu gobolka galay go'doomin saameysay nolosha dadka rayidka ah.

Labada dhinac ee isku hayay colaadda ayaa ku heshiiyey wadahadal nabadeed oo ka dhacaya dalka Koonfur Afrika, dhakhtarkan wuxuu codsaday in arrinta ugu horreysay ee wadahadallada diiradda lagu saarayo ay noqoto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bini'aadinimo ee ka taagan Tigray.

Dr Fasika Amdeslasie wuxuu ka hadlayaa arrin xaqiiqo ah oo uu ku tilmaamay xaalad daran oo halisteeda leh.

"Ma heysano dawada lagu suuxiyo bukaanada, ma heysanno dawooyinka xanuun baabi'iyaha ah, markaa waxaad arkeysaa dhibaatooyinka ay la kulmayaan bukaannada, waxaad arkeysaa iyagoo dhimanaya oo aan helin wax caawimaad ah-wax aad u qaban karto ma jirto" ayuu yiri dhakhatarkan qaabilsan qalliinada ee ka howlgala isbitaal ku yaalla Tigray xilli uu BBC-da kula hadlayay wicitaanka WhatsApp isagoo adeegsanayay isgaarsiinta Sattelite-ka oo dhif ah.

Bukaannada ma helaan wax caawimaad ah laakiin dhakhaatiirtana ma heystaan agabkii ama dawooyinkii la siin lahaa bukaannada.

Colaadda Tigray ayaa saameyn ku yeelatay adeegayadii caafimaadka ee gobolka. Labadii sano ee lasoo dhaafay gobolka Tigray wuxuu ka go'doonsanaa adduunka intiisa kale. Dagaalka waxa uu bilaawday Novembar 2020-kii markaas oo ciidamada federaalka Itoobiya ay isku dayeen in ay gobolka kala wareegaan Jabhadda (TPLF). Go'doomin baahsan ayuu gobolka galay kadib markii kooxda TPLF ay qaaday weerar rogaal celis ahaa oo ay dib u qabsadeen inta badan gobolka sanadkii 2021-kii.

Waxaa joogsaday adeegyadii muhiimka ahaa ee gaari jiray gobolka sida adeegyada bangiyada iyo isgaarsiinta.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haatan 5.4 malyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin cunto xilli dagaalka uu sababay inay hakad galaan adeegyadii aasaasiga ahaa. Qaar ka mid ah dawooyinka iyo qalabka kale ee muhiimka ah waxaa gobolka gaarsiinayay Hay'adda Caafimaadka Adduunka iyo Laanqeyrta Cas - laakiin in Tigray la gaarsiiyo dawooyinka iyo adeegyada kale waxay ahaayeen kuwo goos goos ah oo sahaydii ayaaba joogsatay kadib markii dagaallada ay dib uga qarxeen halkaas bishii August, arrintaas soo afjartay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee bini'aadannimo ee dhaqangalay muddo shan bilood ah.

"Ma heysanno wax dawo ah oo aan siino bukaannadeena, ma heysanno qalabka loo isticmaalo qalliinka bukaanada, ma heysanno tallaalka la siiyo carruurta, ma heysanno dawada Isnulin-ka ee lagula tacaalo xaaladda bukaanada qaba xannuunka macaanka" ayuu yiri Dr Fasika oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Ayder ee ku yaalla caasimadda Tigray ee Mekelle.

"Marka, dhammaan bukaannada dhibaatooyin ayay la daalaa-dhacayaan, waxaan u sheegnaa inay guryaha isaga laabtaan iyagoo aan wax dawo ah helin".

Gobolka lagama helo dawooyinka la siiyo bukaannada uu ku dhacay Kansarka iyo qalabka kale, waxay dadka u safraan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, dadkana wey ku adagtahay inay gaaraan halkaas.

"Marka la eego xaaladda, bukaannada uu ku dhacay Kansarka waxay qarka u saaran yihiin inay dhintaan" ayuu yiri dhakhtarka oo ahaa madaxa kuliyadda caafimaadka ee jaamacad ku taalla gobolkaas.

'Wakhti lagu badbaadiyo ma jiro bukaannada'

Dhakhaatiirta waxay ku khasbanaadeen inay indhaha ka daawadaan bukaannada ay xaaladdooda sii xumaaneysa ee qaba xanuunnada keliyaha xilli adeegyada lagu sifeeyo kelyaha ay si goos goos ah u gaarayeen gobolka.

"Markii ugu dambeysay uu qalabka ina soo gaara waxay aheyd bishii June, gebi ahaanba gobolka xaalad go'doomin ah ayuu ku jiray tan iyo bishii August" ayuu yiri Dhakhtar Fasika.

Wuxuu sheegay in 90 kamid bukaannada la daalaa-dhacayay xanuunka kelyaha "ay hortooda ku dhinteen" isla markaana uu ka walaacsan yahay 25-ta bukaan ee kale ee ku sugan isbitaalka ee ka xanuunsan kelyaha.

Marka laga soo tego dawooyinka, sheybaarka isbitaalka uu ka shaqeeyo dhakhtarkan ma lahan qalabka wax lagu baaro marka waxay ka dhigan tahay in dhakhaatiirta aysan u sheegi karin xanuunnada hayo bukaannada, Sidoo kale isbitaalka ma heysto koronto ku filan, waxaa dhici kartaa in maalmo uu isbitaalka ay korontada ka maqnaato.

"Xaaladda ayaa iga awood badatay waa xaaladda dhabta ah ee aan wajaheyno maalin kasta".

"Waxaa ilaalineynaa shucuurteena, ma ogaan karno inta uu gaarsiin yahay culeyska ina heysto tan iyo inta uu naga degayo, marka waa in aan sameyno wax kasta oo nala gudboon si aan inta tabarteena wax uga qabanno".

Laakin dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka laftooda waxay sidoo kale ku qasban yihiin inay la tacaalaan dhibaatada, shaqaalaha dowladda federaalka ee ka howlgala halkaas wax mushaar ah ma aysan helin tan iyo bishii May ee sanadkii hore.

Dr Fasika wuxuu lacagta uu ka helo saaxibadiisa iyo qaraabadiisa ku nool dibadda ku maareeyaa isbitaalka. "Isbitaalkan waa nolosheyda" ayuu yiri Dr Fasika xilli uu ka hadlayay waxa dhiirigelinayo inkasta uu wajahayo xaaladd adag.