‘Gaarigeyga ayaan iibiyey si aan xajka u aado, balse iima suuragelin’

Haj

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Sanad weliba waxaa acmaasha xajka guto kumannaan muslimiin ah oo daafaha dunida ka kala yimaadda.

Sanadkanna waxaa xajiyey ku dhawaad hal malyan sida ay shaacisay wasaaradda Xajka iyo Cumarada Sacuudi Carabiya.

Xajka sanadkan muslimiin badan oo dalka Itoobiya ka soo jeedda ayaa qorsheyneysay iney xajka soo gutaan balse uma suuragelin.

Dadka sanadkan xajka ka baaqday waxaa ka mid ah Axmed Karam, kaddib marki ay dowladda dalkaasi Itoobiya lacagti doolarka ay dadkaasi ku xajin lahaayeen u diri weyday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudi Carabiya.

Labadii sano ee u dambeeyey Xujeyda ay saameysay xayiraaddi ka dhalatay Covid-19 ayuuna ka mid ahaa.

Hase yeeshee, sanadkan ayuu ku rajo weynaa inuu xajiyo, isaga oo muddo afar sana ah dadaal ugu jiray sidi xajka uu mar un ugu suurageli lahaa.

Sanadkan 1443-ka Hijriyada ama 2022-kana wuxuu ka mid noqday dadki ugu horreeyey ee iska diiwaan geliyey golaha sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya oo doonayey iney xajka soo gutaan..

Iyada oo dalka Itoobiya sanadkan loo qoondeeyey xujeey ay tiradoodu gaareyso 19,600 balse 12,000 oo keli ah ay shuruudihi buuxiyeen, marka Axmed Karam marnaba kuma fikirin inuu fursadda uu sanadkanna waayi doono.

Wuxuuna diyaarsaday lacag 4,000 oo doolar oo uu xajka ku aadi lahaa, balse dowladda Itoobiya ayaa si lama filaan ah u shaacisay iney doolar la’aan soo wajahday oo ay xajinayaan oo keli ah 3,000 oo xujeey.

Haj

Xigashada Sawirka, Reuters

“Si aad ah Ayaan sanadkan xajka u sugayey inuu ilaaheey ii nasiibo, howlaheyga adduun oo dhanna faraha ayaan ka qaaday si aan waajibka uu Ilaahey I saaray u guto, laakiin nasiib uma yeelan aad baan uga xumahay balse qaddar Alle Ayaan la dhaafi karin” ayuu yiri.

“Si Xajka sanadkan uu iiga baaqan lacagti aan u diyaarsaday si ay iigu yaraan oo aan xajka uga baaqan waxaan iibiyey hal gaari oo aan lahaa,” ayuu Axmed sii raaciyey.

Gudashada waajibaadka Xajka ayaa ah mid wakhti iyo dhaqaale badan u baahan oo dadka awoodo oo keli ah ay gutaan. Maadaamaa ilaahey qof aan awoodin uu xajka ku waajibinin.

“Waana marki afaraad uu xajka iga baaqdo, waxaase iga sii daran dad badan oo da’ ah oo hantidoodi oo dhan soo iibiyey oo niyad jabka soo gaaray la ooynaya,” ayuu yiri Axmed Karaama oo xajka ka baaqday.

Sanadkan 2022-ka dalka Itoobiya waxaa xajka ka baaqatay xujeey ay tiradoodu kor u dhaafeyso 8,000.

Haj

Xigashada Sawirka, Reuters

Axmed Karaama oo BBC laanteeda Amxaariga u warramay wuxuu sheegay, “Sanadka soo socda inuu marki shanaad uu nasiibkiisa tijaabinayo ilaaheyna uu ka rajeynayo inuu ku guuleeyo haddii ilaahey noolol uu ku gaarsiiyo.”

Guddoomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka Xaaji Cumar Idiris wuxuu sheegay sanadkan iney dalka Itoobiya ka xajiyeen oo keli ah dad aan ka badneen 3,000 ayna sababtay doolarki dowladda laga sugayey oo xilligii la rabay aan wasaaradda Xajka iyo Cumarada Sacuudiga soo gaarin wakhtiguna uu sidaa ku dhammaaday.”