You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida uu Elon Musk u noqday qofkii ugu horreeyay ee hantidiisu gaarto hal tiriliyan oo doollar
- Author, Archie Mitchell
- Role, Weriyaha ganacsiga
- Author, Kali Hays
- Role, Weriyaha teknolojiyadda
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Elon Musk ayaa Jimcihii noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee hantidiisu gaarto hal tiriliyan oo doollar, kaddib markii saamiyada shirkaddiisa gantaallada ee SpaceX ay si weyn kor ugu kaceen intii lagu jiray gelitaankii ugu weynaa ee abid ee suuqa saamiyada.
Aasaasaha Tesla iyo SpaceX ayaa sidaas ku sii xoojiyay kaalintiisa ah qofka ugu taajirsan dunida, iyadoo hantidiisa guud lagu qiyaasay $1.11 tiriliyan (£828 bilyan), sida ay sheegtay liiska dadka ugu taajirsan ee Bloomberg.
Arrintan ayaa timid iyadoo shirkadda, oo ka shaqaysa gantaallada hawada sare, isgaarsiinta, iyo sirdoonka macmalka ah (AI), lagu qoray suuqa saamiyada ee Nasdaq iyadoo qiimaheedu gaarayo $2.2 tiriliyan.
Shirkaddu waxay sheegtay in saamiyadeeda lagu iibin doono $135 halkii saami, balse ganacsigu wuxuu ku furmay $150, wuxuuna si ku meel gaar ah u gaaray $176.50, taas oo muujisay xiisaha weyn ee maalgashadayaasha ee fursadaha ganacsi ee la xiriira hawada sare iyo shirkadaha lala xiriiriyo Elon Musk.
Saamiyada SpaceX ayaa Jimcihii ku xirmay qiyaastii $161 halkii saami.
Soo-bandhigiddii ugu horreysay ee saamiyada shirkadda ee suuqa (IPO) ayaa SpaceX uga ururiyay $75 bilyan maalgashadayaasha iyo hay'adihii dammaanad-qaaday heshiiska, ka hor inta aan saamiyada shirkaddu si rasmi ah u gelin suuqa saamiyada Jimcihii.
Elon Musk wuxuu leeyahay 42% saamiyada SpaceX, taas oo siinaysa awood uu si weyn ugu maamulo go'aannada shirkadda. Sidaas darteed, wuxuu lacagta la maalgashanayo u adeegsan karaa sida uu u arko inay ku habboon tahay qorshayaasha shirkadda.
Sida ay sheegtay Bloomberg, saamiyada Musk ee SpaceX ayaa qiimahoodu gaaray $767.1 bilyan markii ganacsigu xirmay, waxaana u sii dheer xuquuqo saamiyo oo SpaceX ah oo qiimahoodu yahay $53.8 bilyan.
Sidoo kale, wuxuu haystaa saamiyo Tesla ah oo qiimahoodu yahay $168 bilyan, iyo xuquuqo saamiyo oo Tesla ah oo lagu qiyaasay $116.4 bilyan.
Kororka hantidu wuxuu dhaliyay dood
Maqaamka Elon Musk ee ah qofkii ugu horreeyay dunida ee hantidiisu gaarto hal tiriliyan oo doollar ayaa isla markiiba kiciyay dood ku saabsan sinaan la'aanta hantida. Hantidiisa hadda waxay la mid tahay wax-soo-saarka dhaqaale ee sannadlaha ah ee dalal sida Poland ama Switzerland.
Hantidan aan hore loo arag ayaa horeyba uga dhigtay Musk qof saameyn weyn leh isla markaana muran badan ka dhaliya siyaasadda caalamka.
Wuxuu boqollaal milyan oo doollar ku taageeray ololihii dib-u-doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu dhaleeceeyay hoggaanka dalka. Muddo dhowr bilood ah sannadkii hore, Musk wuxuu hoggaaminayay Waaxda Waxtarka Dowladda (DOGE).
Iyadoo la sameeyay dhimis weyn oo ku timid kharashaadka dowladda, Musk wuxuu door muhiim ah ku lahaa xiritaanka Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah.
Cilmi-baarayaal wax ku qoray joornaalka caafimaadka ee The Lancet ayaa ka digay in dhimisyadaas ay sababi karaan in ka badan 14 milyan oo dhimasho dheeraad ah marka la gaaro sannadka 2030.
Musk sidoo kale wuxuu dhaleeceeyay hoggaamiyeyaal ku sugan UK iyo dalal kale, isagoo inta badan ka hadla arrimaha socdaalka iyo waxa uu ku tilmaamo kala qaybsanaanta qowmiyadeed.
Wuxuu marar badan khilaaf dhex maray Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, oo ay ku jirto dood ku saabsan dilkii ardaygii dalkaas u dhashay ee 18 jirka ahaa, Henry Nowak.
Senatorrada Dimuqraadiga ee Mareykanka Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin badan oo cambaareeyay gaaritaanka heerka tiriliyan-nimo. Warren waxay sheegtay in tani ay tahay "digniin dadka lagu baraarujinayo", waxayna ku doodday inay muujinayso baahida loo qabo canshuur lagu soo rogo hantida aadka u badan.
Si kastaba ha ahaatee, Musk waa tiriliyaneer kaliya marka la eego qiimaha waraaqaha maaliyadeed, maaddaama hantidiisa inteeda badan ay ku xiran tahay qiimaha saamiyada uu ku leeyahay Tesla iyo SpaceX. Ma awoodi karo inuu iibiyo saamiyadiisa SpaceX ugu yaraan muddo hal sano ah.
Soo gelitaanka SpaceX ee suuqa saamiyada ayaa sidoo kale la filayaa inay malaayiin-doolarleyaal ka dhigto in ka badan 4,400 shaqaale oo hadda iyo hore uga tirsanaa shirkadda, kuwaas oo helay saamiyo shirkadeed oo qayb ka ahaa mushaharkooda.
Qiimeynta SpaceX waxay inta badan ku salaysan tahay rajada laga qabo dakhligeeda mustaqbalka, halkii ay ku salaysnaan lahayd natiijooyin maaliyadeed oo ay ilaa hadda si dhab ah u muujisay.
Shirkaddu hadda faa'iido ma samayso, taas oo macnaheedu yahay inay hawlaheeda ku bixiso lacag ka badan inta ay ka hesho dakhli.
Sida ku cad warbixinnadeeda maaliyadeed, SpaceX waxay lumisay in ka badan $9 bilyan sannadihii 2025 iyo 2026 ilaa hadda, taasoo ay sabab u yihiin kharashaadkeeda waaweyn ee la xiriira sirdoonka macmalka ah (AI) iyo maalgashiyada kale ee kaabeyaasha dhaqaalaha.
Diiradda ugu weyn ee ganacsigeedu waa soo saarista iyo hawada u dirista gantaallo leh qaybo dib loo isticmaali karo.
SpaceX sidoo kale waxay samaysaa oo hawada u dirtaa dayax-gacmeedyada internetka ee Starlink. Intaa waxaa dheer, ka dib markii ay sannadkan la wareegtay xAI, oo ahayd shirkad kale oo uu lahaa Elon Musk, SpaceX waxay si rasmi ah u gashay ganacsiga sirdoonka macmalka ah.
SpaceX waxay sheegtay inay lacagta cusub u adeegsan doonto "xoojinta istaraatiijiyaddeeda kobaca", gaar ahaan dhinacyada gantaallada, dayax-gacmeedyada adeegga internetka ee Starlink, iyo AI-da, oo ay ku jiraan qorshayaal wali la saadaalinayo oo ku saabsan dhismaha xarumo xogeed oo ku wareega hawada sare.
Nancy Tengler, oo hoggaamisa shirkadda maalgashiga Laffer Tengler Investments isla markaana dalbatay inay iibsato saamiyada SpaceX, ayaa ku tilmaantay ganacsiga AI-da ee shirkadda inuu yahay "mashiin lacag guba", inkastoo ay aqoonsan tahay himilooyinka waaweyn ee Musk ee qaybtaas.
Waxay tiri: "Waa muhiim in qaar ka mid ah saadaasha loo eego si taxaddar leh oo aan si buuxda loogu tiirsanaan."
Si kastaba ha ahaatee, waxay weli maalgashanaysaa shirkadda iyadoo eegaysa awooddeeda fog.
Waxay sheegtay: "Muddada maalgashigeennu waa saddex sano, shan sano, xitaa toban sano."
Waxay sidoo kale filaysaa in SpaceX iyo Tesla ay isku biiri karaan labada sano ee soo socda, taasoo suuragal ka dhigi karta in la abuuro shirkad qiimaheedu ka weyn yahay mid kasta oo labadaas shirkadood kaligeed ahaan.
Laakiin himilooyinka SpaceX hadda way ka fog yihiin dayax-gacmeedyada ama xitaa isku biirista shirkadaha.
Sida lagu sheegay warqaddii ay shirkaddu ku soo bandhigtay saamiyadeeda (IPO prospectus), hadafka SpaceX waa: "In la dhiso nidaamyada iyo tiknoolajiyadda lagama maarmaanka u ah in noloshu ku faafto meerayaal badan, in la fahmo dabeecadda dhabta ah ee koonka, iyo in iftiinka miyirka bani'aadamka loo gaarsiiyo xiddigaha."
SpaceX waxay sidoo kale sheegtay in kobaceeda iyo guusheeda mustaqbalka ay si weyn ugu xiran yihiin dhismaha waxa ay ugu yeerto "dhaqaalaha dayaxa".
Asal ahaan, dhaqaalaha noocaas ahi wuxuu ku salaysnaan lahaa in si joogto ah loo geeyo dad iyo xamuul Dayaxa iyo Meeraha Mars, maaddaama dhaqaale dhab ah uusan ka samaysmi karin meelahaas haddii safarradu aysan noqon kuwo joogto ah oo la isku halayn karo.
Si kastaba ha ahaatee, SpaceX lafteedu waxay qiratay inaan la hubin in qorshahan uu waligiis guul ganacsi gaari doono.
Shirkaddu waxay ku qortay warqaddeeda IPO-ga: "Qaar badan oo ka mid ah hindisayaashayadu waxay ku lug leeyihiin kakanaansho farsamo oo aad u weyn, tiknoolajiyo aan wali la tijaabin ama xitaa tiknoolajiyo aan weli jirin, waxaana dhici karta in hindisayaashaas aysan waligood noqon kuwo ganacsi ahaan faa'iido leh."
Tani waxay muujinaysaa in qiimaha sare ee SpaceX uu ku salaysan yahay rajada iyo himilooyinka mustaqbalka, halkii uu ka ahaan lahaa faa'iidooyin ganacsi oo la xaqiijiyay maanta. Shirkaddu waxay maalgashadayaasha ka codsanaysaa inay rumaystaan mustaqbal ay ku jiraan safarro joogto ah oo loo sameeyo Dayaxa, Mars, iyo meelaha kale ee hawada sare, inkastoo tiknoolajiyada iyo suuqyada lagama maarmaanka u ah arrintaas aysan weli si buuxda u jirin.
Heerkan hubanti la'aanta ah uma muuqan mid walaac geliyay maalgashadayaasha Jimcihii.
Susannah Streeter, oo ah madaxa istaraatiijiyadda maalgashiga ee shirkadda maamulka hantida ee Wealth Club, ayaa sheegtay in kororka weyn ee qiimaha saamiyada uu yahay: "Caddeyn muujinaysa xiisaha aadka u weyn ee loo qabo aragtida iyo himilooyinka Elon Musk."
Waxay intaa ku dartay: "Muddo dheer ayuu ku taamayay inuu gaaro xiddigaha isaga oo wata himilooyin ku saabsan nolosha ka baxsan Dhulka, waxaana muuqata in maalgashadayaal badan ay la wadaagaan xamaasaddiisa ku aaddan mustaqbalka."
Hase yeeshee, waxay ka digtay in kororka xooggan ee saamiyada Jimcihii: "Uu ku salaysnaa buunbuunin iyo yaraanta saamiyada la heli karo si la mid ah, ama xitaa ka badan, sida uu ugu salaysnaa aasaaska dhabta ah ee ganacsiga."
Si kale haddii loo dhigo, Streeter waxay sheegaysaa in qiimaha SpaceX uu kor ugu kacay sababtoo ah dad badan ayaa rumaysan himilooyinka mustaqbalka ee Elon Musk, laakiin kororkaasi uusan si buuxda uga tarjumayn waxqabadka maaliyadeed ee shirkaddu hadda leedahay. Taas macnaheedu waa in qayb ka mid ah qiimaha sare uu ka yimid rajada iyo xamaasadda maalgashadayaasha, halkii uu ka iman lahaa faa'iidooyin iyo dakhli hore loo xaqiijiyay.