You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma xildhibaanka Mareykanka ah ee ku hadla Sawaaxiliga ee kala dhex galay Raila iyo Ruto?
Hoggaamiyaha ugu sarreeya mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa ku hanjabay in uu dib u billaabi doono mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda haddii uu maamulka Madaxweyne William Ruto ku guul darreysto inuu wax ka qabto cabashooyinkiisa.
Kenya waxaa weli ka taagan xiisad siyaasadeed ka dib dibadbaxyadii dhawaan harreeyay dalkaas.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa horey ugu dhawaaqay dibadbaxyo ballaaran oo soconayay maalmaha Isniinta iyo Khamiista inkastoo markii dambe ay hakadeen dibadbaxyada.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay Kenya halka 6 weriyeyaal ah ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dhawaan mucaaradka ka codsaday inay joojiyaan dibadbaxyada isla markaana dowladdiisa ay wax ka qaban doonto cabashada mucaaradka oo ay ugu horreyso sameynta guddiga doorashada oo baarlamaanka la horgeyn doono.
Mucaaradka waxay dowladda ka codsanayeen inay wax ka qabto heerka maciishadda oo sare u kacay iyo shuruudo kale oo ay ka mid tahay sameynta guddi doorasho.
Ismariwaaga ayaa billowday ka dib markii uu Raila Odinga ku gacan seyray natiijadii doorashada madaxtinnimada ee Kenya ka dhacday bishii August, taasoo uu ku guuleystay William Ruto.
Mr Odinga ayaa Isniintii baajiyay dibadbaxyo laga cabsi qabay in ay rabshado dhaliyaan oo ay isu diyaarinayeen taageerayaashiisa.
Tallaabadaas ayaa ka dambeysay markii ay labada dhinac isku afgarteen in la isugu imaado miiska wadahadalka.
Durba waxaa soo baxay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka uu dhexdhexaadin u sameeyay Raila iyo Ruto uuna ku qanciyay in ay wadaxaajood galaan.
Faarax Macalin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doortay deegaanka Dhadhaab ayaa warbaahinta telefishinka maxalliga ah ee Citizen u sheegay in Senator-ka Mareykanka ah oo lagu magacaabo Chris Coons oo booqasho ku joogay Kenya "uu kaalin weyn ka qaatay inay mucaaradka iyo dowladda isku afgartaan in la joojiyo dibadbaxyada saameeyay dalkaas".
Wuxuu intaa ku daray in Chris Coons uu la hadlay labada dhinac si ay khilaafkooda u soo afjaraan.
“Waxay ila tahay in ninka doorka weyn ka ciyaaray arrinta uu yahay senator-ka Amerikaanka ah ee dalka yimid, Chris Coon, kaas oo la hadlay labada dhinac, wuxuu ku booriyay inay isku tanaasulaan," ayuu yiri Faarax Macallin oo ay soo xigteen warbaahinta maxalliga ah ee yy ka mid yahay wargeyska The Star.
Chris Coon wuxuu dhawaan sheegay in uu la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua.
Raila wuxuu sheegay inay ka wadahadleen ilaalinta dastuurtka iyo sharciga isla markaana ay isku afgarteen in la yeesho wadahadallo furan.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa dhinaciisa sheegay in xildhibaanka ka socday Mareykanka ee Kenya yimid ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ganacsiga, amniga, dimuqraadiyadda iyo arrimo kale.
Hadda waa kuma Senator Chris Coon oo la isla dhex marayo inuu ku lug lahaa in dhinacyada isku haya siyaasadda laga dhaadhiciyo inay xaaladda qaboojiyaan.
Waa kuma Chris Coon
Christopher Andrew Coons-Waa siyaasi ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ahna Senator-ka laga soo doorto gobolka Deleware ee dalka Mareykanka.
Ka hor inta aan loo dooran xilka Senatornimo sanadkii 2010-kii, Chris Coons wuxuu muddo afar sano ah madax ka soo noqday golaha dowladda hoose ee New Castle County. Lix sano ayuu ahaa madaxa fullinta ee golahaas.
Waa siyaasi furfuran oo saaxib la ah siyaasiyiinta dimuqraadiga iyo jamhuuriga si uu wax uga qabto dhibaatooyinka heysta gobolka laga soo doorto ee Deleware.
Chris wuxuu kasoo mid noqday guddiyada Senate-ka ee arrimaha dibadda, ganacsiga iyo shaqo abuurka. Sidoo kale waxa uu xubin kasoo noqday guddiga anshaxa iyo guddiga qoondada.
Wuxuu shahaadada koowaad ee jamaacadda ka qaatay Amherst College sanadkii 1985, wuxuuna ku takhasusay culuumta siyaasadda iyo Kemistiriga. Wuxuu sidoo kale shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay jaamacadda Yale Law School.
Wuxuu hal sanad dugsiyadeed ku qaatay jaamacadda Nairobi ee Kenya. Marar kala duwan ayuu Kenya yimid waxaana xitaa jirtay mar uu dadweyne ku sugnaa xaflad sanadkii 2021-kii kula hadlay luuqadda Sawaaxiliga.
Sanadkii 1987 wuxuu u shaqeynayay golaha kaniisadaha ee Koonfur Afrika xilliggii uu socday ololahii ka dhanka ahaa midab takoorka ee dalkaas.
Chris waa aabbe heysta saddex carruur ah.