You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Khadiija: "Waxaan umuliyay in ka badan 10,000 oo carruur ah, midkoodna gacanteyda kuma dhiman"
Kalkaaliyaasha iyo umulisooyinka ayaa muhiim u ah nidaamka daryeelka caafimaadka dalka Hindiya, laakiin waxay wajahayaan caqabado ay ugu wacan tahay baahida sare ee loo qabo, iyo agabka oo xaddidan.
Kathija Bibi, oo ah kalkaaliso caafimaad oo dhawaan hawlgab noqotay, ayaa waxay heshay abaal-marin dawladeed, sababo la xiriira sidii ay ugu daryeeshay si guul leh in ka badan 10,000 oo caruur ah, markii ay dhalanayen, iyadoo dib u milicsanaysa isbeddellada ay ku aragtay hab-dhaqannada daryeelka caafimaadka haweenka, ee soddon iyo saddexda sano ee ay kusoo jirtay shaqadeeda.
"Waan ku faanayaa in aanu mid kamid 10,000 oo caruur, ee aan ka dhaliyay hooyadood uusan midkoodna ku dhiman xiligii dhalmada," ayay tiri Kathija Bibi, oo 60-jir ah, oo tani ay u tahay ama ku tirisa midda ugu muhiimsan ee shaqadeeda.
Wasiirka caafimaadka ee gobolka Tamil Nadu, Ma. Subramanian, ayaa BBC-da u sheegtay in Khatija ay dhawaan la guddoon siiyay abaal-marin dowladeed, maaddaama aan wax dhimasho ah la diiwaan gelin muddadii ay shaqaynaysay.
Soddonkii sano ee ay ka shaqaynaysay xarun caafimaad oo dawladeed oo ku taalla koonfurta Tamil Nadu, ee dalka Hindiya, ayaa waxay wax ka beddeshay waddan heerka dhimashada hooyadu aad u sarayso, una gudubtay mid ku dhow celceliska heerka caalamiga ah. Waxay sheegtay inay sidoo kale aragtay isbeddello wanaagsan oo ku yimid hab-dhaqanka dadka ee hablaha dhalanaya, iyo xagga dhalmada carruur yar.
Kathija lafteedu, ayaa waxay lahayd uur markii ay shaqada bilowday sanadkii 1990-kii.
"Waxaan lahaa uur todobo bilood ah… weli waxaan caawinayay dumar kale. Waxaan kusoo laabtay shaqada, kadib nasasho yar oo umul baxa ah, oo laba bilood ah," Kathija ayaa sidaa wali xasuusata. "Waan ogahay sida ay haweenku u welwelaan marka ay foolanayaan, markaa in aan ku raaxaysto oo aan kalsooni ku qabo waa mudnaantayda koowaad."
Kathija, oo shaqada ka fadhiisatay bishii Juun, ayaa haatan waxay dareemeysaa xasillooni maskaxeed. Rugteeda caafimaadkeeda - oo ku taalla miyiga meel ka baxsan magaalada, gaar ahaan goobta lagu magacaabo Villupuram, oo 150km (93 mayl) koonfurta ka xigta magaalada Chennai, ayaanan lahayan agabkii lagu sameyn lahaa qalliinka dhalmada, markaa haddii ay soo wajahaan wax dhibaato ah, waxay isla markiiba u dirtaa haweenka uurka leh isbitaalka degmada.
Sababtii ku riixday Kathija iney noqoto kalkaaliso, ayaa waxay ahayd in hooyadeed Zulaika, ay iyadu ahayd kalkaalisada tuulada. "Waxaan ku ciyaari jiray saliingaha yaraanteydii, aad ayaan ula qabsaday urta isbitaalka," ayay mar kale sheegtay iney dib u xasuusaneyso.
Laga soo bilaabo da' yaraantii, ayaa waxay fahantay Kathija muhiimadda shaqada hooyadeed ee bixinta daryeelka caafimaadka dumarka miyiga ah ee saboolka ah, iyo kuwa aan wax qorin. Waqtigaas, isbitaallada gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ahaayeen kuwo naadir ah, oo haween ka kala yimid meelo kala duwan, ay ku tiirsanaayeen guryaha umuliso dhaqamedka ee gobolka, oo haatan loo yaqaan xarun caafimaad.
"Markii aan bilaabay adeegga kalkaalisanimo, waxaa jiray hal dhakhtar, toddoba caawiye iyo laba kalkaaliye caafimaad," ayay tiri Kathija. "Shaqadu waxay ahayd mid aad u mashquul badan, dhowrkii sano ee ugu horeysay. Maan xanaanayn karin caruurteyda, waxaan seegay hawlaha qoyska. Laakiin maalmahaas waxaan ka helay khibrad waxbarasho oo aad u qiimo badan."
Sannadkii 1990-kii, heerka dhimashada hooyada ee dalka Hindiya (MMR) ayaa waxay ahayd isku cel celis ahaan 556 iney ka dhintaan 100,000 oo carruur ah oo nool, marka ay hooyooyinkood dhalayaan. Isla sanadkaas, Hindiya ayaa waxay diiwaan galisay dhimashada 88 carruur ah 1,000-kii ilmo ah ee dhalanaya iyagoo nool.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee dowladda, ayaa muujinaya in heerka dhimashada ee haweenka dhalaya ay tahay in 97 kamid ah iney dhintaan 100,000 ee caruur nool dhalay, iyo heerka dhimashada dhallaanka oo ah, in 27 ilmo ah iney dhintaan 1,000 caruur ah ee dhasho iyagoo nool.
Kathija ayaa waxay horumarka jira u nisbaysay maalgalinta dawladda ee daryeelka caafimaadka dhanka miyiga, iyo kor u kaca heerka wax-akhriska iyo qorista ee dumarka.
Maalintii sida caadiga ah, kalkaaliso Kathija, ayaa waxay sameyn jirtay iney ka dhaliso haweeney, ama labo haween ah, laakiin waxay si fudud u xasuusataa maalmihii ugu mashquulka badnaa. "8-dii bishii Maarso ee sanadkii 2000, ayaa waxay ahayd maalinta ugu mashquulka badan noloshayda." Waxay ahayd maalinta caalamiga ah ee haweenka, dadkuna waa ay soo dhawaynayeen markii ay soo gashay xarunta caafimaadka. "Waxaan arkay laba dumar ah oo foolanaya oo i sugaya, waxaan ka caawiyay inay dhallaan ilmahooda, kadib lix dumar ah oo kale, ayaa noo soo galay rugta caafimaadka."
Kathija ayaa markaa waxay heshay hal caawiye, balse waxa markiiba la iloobay culeyskii iyo walwalkii. "Markii aan rabay inaan rawaxo maalintaas, waxaan maqlayey caruur yaryar oo ooyaya, waxay ahayd malin ii leh dareen aad u wanaagsan."
Kalkaalisadu ayaa waxay ku xisaabtamaysaa oo ay ku faraxsan tahay inay haween dhalaya ay ka caawisay inay dunida keento 50 lammaane oo mataano ah, iyo hal lammaane oo saddex mataano ah.
Hadda, Kathija ayaa sheegtay in haweenka ka soo jeeda qoysaska taajiriinta ah, ay door bidaan inay aadaan isbitaallada gaarka loo leeyahay. Waxay sidoo kale aragtay in qalliinka dhalmada uu aad sare ugu kacay.
"Hooyaday waxay la kulantay xiligeedii dhimasho aad u badan xilliga dhalmada, qalliinka xiliga dhalmada wuxuu badbaadiyay nafta haween badan," ayay tiri Kathija. "Markii aan bilaabay, haweenku waxay ka baqi jireen qalliinka. Laakiin hadda qaar badan ayaa ka baqa dhalmada dabiiciga ah, waxayna door bidaan qalliin."
Maaddaama dakhliga reer miyigu uu soo wanaag sanaaday soddonkii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxay tani keentay caqabadaheeda. ''Sokorowga uurka wuxuu ahaan jiray xaalad naadir ah. Laakiin hadda, aad ayuu u badan tahay.''
Waxaa jiray isbeddel bulsheed oo la taaban karo, iyadoo Kathija ay hadda hesho codsiyo isa soo taraya, oo ka imaanaya nimanka raba inay la joogaan xilliga dhalmada xaasaskooda.
"Waxaan soo arkay waqtiyo xun iyo kuwo wanaagsanba, ragga qaarkood xitaa ma soo booqan xaasaskooda hadday ilmo dhasho, haweenka qaarkood waxay si aan la xakamayn karin u ooyaan, haddii ay gabadh labaad ama saddexaad ay umusho."
Sanadihii 90-aadkii, kiisaska ilmo iska soo ridista ee ka dhalatay xulashada ilmaha ku jira uurka haweenka, ayaa si weyn loo sheegay in dowladda Hindiya ay ka mamnuucday dhaqaatiirta inay sheegaan nooca jinsiga ilmaha ee uu waalidku uurka ku wado.
Ismaamulka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, ayaa waxay sidoo kale bilaabeen mashruuc u gaar ah ilmaha gabdhaha ah, si ay u daryeesho gabdhaha aan la rabin. "Laakiin hadda, xaaladdu way is beddeshay," ayay tiri Kathija. Lammaanayaal badan ayaa doorta laba carruur ah oo keliya, iyadoon loo eegin jinsiga.
Ma laha qorshe adag oo nolosha ah ka dib hawlgabka, laakiin way ogtahay waxay tabi doonto. "Mar walba waxaan rajaynaa inaan maqlo qaylada iyo oohinta koowaad ee ilmo markaa dhashay," ayay tiri.
"Waxaad ogtihiin xataa dumarka ay soo wajahdo foosha xanuunka badan, wax walba way illoobaan, oo way dhoola cadeeyaan markay maqlaan ilmahooda oohintiisa. Daawashada nafiska, ayaa waxay ii ahayd waayo-aragnimo farxad leh, waxay ii ahayd anigana sidoo kale dareen nafsi ah sannadahan oo dhan."