You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hanjabaadda Putin ee isticmaalka Nukliyeerka “yaan boola-xoofta loo qaadan”
Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay in Ruushka uu xaq u leeyahay isticmaalka in uu adeegsado hubka Nukliyeerka, waa haddii ‘ay noqoto lagama maarmaan.’
Wuxuu sheegay in’ buul-xoofta’ aan loo qaadan hanjaabadda Putin ee istcmaalka Nukliyeerka.
Medvedev, oo ah ku xigeenka guddoomiyaha golaha sare amniga Ruushka ayaa sheegay inay khasab tahay in xukuumadda Moscow ay jawaab ka bixiso tallaabooyinka halista ah waa haddii lagu riixo inay ‘xadka dhaafto’.
Wuxu uga digay Ruushka in uu sameeyo falcelin ku aadan tallaabooyinkaas iyadoo uusan cidna la tashan xilli ay sare u kacday xiisadda Ruushka kala dhexeyso reer galbeedka kadib aftida ka socota dhulka uu Ruushka qabsaday ee Ukraine si ay ugu biiraan Ruushka.
Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa rumeysan in gaashaanbuurta Nato “aysan si toos ah faragelin ugu sameyn doonin colaadda waa haddii arrin noocan ah ay dhacdo”.
Medevedev wuxuu horey u sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu ku jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco deegaannada ku biiray Ruushka ee ka go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
"Reer galbeedka iyo guud ahaan muwaadiniinta dalalka Nato waxay u baahan yihiin inay fahmaan in Ruushku doortay waddadiisa," ayuu yiri Medevedev.
Hubka Nukliyeerka ayaa jira muddo ku dhow 80 sano, dalal badan ayaana u arka mid ka hortagaya welina dammaanad qaadaya ammaankooda qaran.
Sawirro lagu soo qaaday dayax gacmeedka ayaa muujinaya kolonyo baabuur ah oo kasoo dhaqaaqay Ruushka kana gudbay xadka uu Ruushka la wadaago Georgia iyo Mongolia kadib go’aankii uu dhawaan ku dhawaaqay Putin ee ahaa in uu heegan gelinayo boqolaal kun oo ka tirsan ciidamada keydka si ay uga qeyb qaataan dagaalka Ukraine.
Warbaahinta Ruushka ayaa ku warrantay in kolonyo gaarayo 3,000 ay ka gudbeen xadka iyagoo galay Georgia.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay wararka sheegayo in la xiray ku dhawaad 2,400 qof oo dibadbaxyo ka dhigayay Ruushka kadib tallaabadii uu ku dhawaaqay madaxweyne Putin ee ku saabaneyd ololaha ciidan uruursiga xilli loo yeeray kumanaan ka tirsan ciidamada keydka ee Ruushka.
Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu ku dhawaaqay “qeyb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.
Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.
Vladimir Putin ayaa horraantii sanadkan ku amray taliska militeriga Ruushka in ay "heegan khaas ah" geliyaan hubka Nukliyeerka iyo qalabka la xiriira - waana heegankii ugu sarreeyay ee la geliyo istiraatiijiyadda gantaallada ee Ruushka.