Ninkii aan u shaqeynayay ayaa madaxa ii geliyay fadhiga suuliga cuntadiina iga reebtay

Heerka xuquuqul insaanka ee Qadar ayaa isha lagu hayaa iyadoo Koobka Adduunka uu ka socdo dalkaas.
Wax badan baa laga qoray sida loola dhaqmo shaqaalaha ajnabiga ah ee dhisay garoomada iyo hoteellada, bal ka waran gabdhaha ajnabiga ah ee u shaqeeya tujaariinta iyo dadka dabaqadaha dhexe ee Qadar?
Weriyaha BBC-da ee jinsiga iyo aqoonsiga Megha Mohan ayaa laba hablood kala hadashay nololsha shaqada saacadaha badan ee aan fasaxa lahayn.
Waxaan la xiriiray Gladys (ma aha magaceeda saxda ah) goor dambe oo habeenimo ah, ka dib markii ay seexdeen madax ka tirsan maamulka Qadar.
Sheeko gaaban oo dhanka khadka ah ka dib waxay ii sheegtay inay shaqeyso 8 subaxnimo ilaa 11 habeenimo maalin kasta. Shaqadeeda ayaa nadaafadda, diyaarinta cuntada iyo ilaalinta caruurta.
Waxay cuntaa wixii ka soo hara qoyska, waxayna sheegtay inaysan maalin fasax ah helin tan iyo markii ay bilowday shaqada 18 bilood ka hor.
"Marwada aan u shaqeeyo waa ay waalan tahay," Gladys, oo ah haweeney Filibiin ah oo 40 jir ah, ayaa tiri. "Maalin walba way igu qaylisaa."
Ka hor inta aysan Qadar ku guuleysan in dalkeeda lagu qabto tartanka Koobka Adduunka 2022, shaqaalaha ajnabiga ah ma awoodin inay beddeshaan shaqada ama ka tagaan dalka iyaga oo aan fasax ka haysan loo shaqeeyaha. Wali inta badan wadamada Khaliijka ayaa sidan oo kale ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo la eegayo, Qadar waxay bilowday inay soo bandhigto dib-u-habeyn, laakiin mar walba ficil ahaan looguma dhaqmo.
Tusaale ahaan, reerka ay Gladys u shaqeeyso waxay ka hasystaan baasaboorkeeda. Hadday weyddiisatana si ugu baxdo ma hubto , inay dib u heli doonto.
Laakiin Gladys wali waxay dareemaysaa inay nasiib leedahay sababtoo ah ugu yaraan waxaa loo oggolaaday inay haysato taleefankeeda, , si ka duwan gabdhaha kale ee ajnabiga ah ayay tiri. Sidoo kale, iyada jir ahaan laguma xad-gudbin. Qadar, tani waxay ku dhacdaa dumarka ah marar badan, ayay tiri.
Waxa jirta sabab kale oo ay doonayso inay ku sii jirto shaqadeeda hadda - waxay u malaynaysaa inaanay suurtogal ahayn marka la eego da'deeda inay hesho shaqo ka wanaagsan. Waxay heshaa 1,500 riyaal bishii oo qiyaastii u dhiganta £350 Pound waxayna awood u leedahay inay dhammaan u dirto reerkeeda si u masruuftaan.
Xuquuqda shaqaalaha gudaha
• Waxaa Qadar ku sugan qiyaastii 160,000 oo shaqaale guri ah, marka loo eego xogta 2021 ee Hay'adda Qorsheynta iyo Tirakoobka Qada.r
• Sannadkii 2017-kii Qadar waxay soo saartay sharciga shaqaalaha gudaha, kaas oo aragti ahaan xaddidaya saacadaha shaqada kana dhigayo 10 saacadood maalintii, sidoo kale waxaa ku jira xilli fasax maalinle ah, maalin dhan oo fasax ah iyo in mishaar la siiyo xilliga ay fasaxyada ku maqan yihiin.
• 2020 waxa ay sidoo kale soo bandhigtay mushaharka ugu yar ee qofka la siin karo. Waxay sidoo kale siyeen warqad uu qofka shaqada ku baddalan karo ama ay dalka kaga baxaan iyaga oo aan ogolaansho waydiisan.
• Si kastaba ha ahaatee, Amnesty International waxay sheegtay in sharciyadan aan had iyo jeer la dhawrin oo ay sii socdaan shaqada xad dhaafka ah, nasasho la'aanta, iyo xadgudubka.
Joanna Concepcion oo ka tirsan hay’adda Migrante International, oo ah hay'ad taageerta shaqaalaha reer Filibiin ee dibadda jooga, ayaa sheegtay in qaar badan ay ka aamusaan xaaladaha shaqada ee xun sababtoo ah waxay ka fakarayaan inay waayaan lacagta qoysaskooda u dirayaan taas ayayna mudnaanta koowaad siiyeen.
Laakiin marka kuwa ku sugan wadamada Khaliijka ay dareemaan kalsooni ku filan oo ay si xor ah u hadlaan, ayay tiri, waxay inta badan sheegaan xadgudubyo halis ah. Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegtay in ninkii ay u shaqeyneysay uu madaxa u galiyay fadhiga musqusha oo uu u diiday cunnada iyo biyaha markii ay xanaaqday.

Althea (sidoo kale ma aha magaceeda dhabta ah) ayaa sawir aad uga duwan ka bixisay nolosheeda shaqaalenimo ee Qatar. Waxaa ay u shaqeeysaa qoyska boqortooyada Al Thani, waxay muuqaal ka wacday BBC-da iyadoo ku sugan qaybta hoose ee guriga boqortooyada.
Dhoola cadeyn iyo firfircooni ayaa ka muuqatay, waxayna sheegtay inay qoyska siiyeen iPhone, dhar, dahab iyo kabo kuwaas oo aysan awoodin inay iibsato haddii dib ugu noqoto gurigeeda Filibiin.
Dhanka kale Mary Grace Morales, oo qorta shaqaalaha filibiins-ka ee khaliijka oo ku sugan magaalada Manila ayaa sheegtay in ka shaqaynta qasriga ay tahay shaqo "nasiib badan".

"Waxaa jira faa'iidooyin badan. Qoysku waa deeqsiyiin," ayay tiri. Waxayna, jawaab ka bixineyso su’aasha ah dhibaatooyinka ay habluhu kala kulmi karaan guriga, waxay ku dartay: "Gabdhuhu way cayilaan yihiin inta ay qasriga ku jiraan. Reerku si wanaagsan ayay u quudiyaan."












