Afar siyaasad oo cajiib ah oo uu caan ku yahay madaxweynaha Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo militariga jooga furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah duullaanka Ruushka, ayaa madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu u ololeynayay hubinta inuusan joogsan gargaarka caalamka ee dalkiisa.
Si uu arrintaas ugu guuleysto Mr. Zelensky ayaa sameynayay waxyaabo badan, oo ay ku jiraan inuu caasimadda Kyiv kula kulmo hoggaamiyeyaal caalamka ka socda, adeegsiga dadka caanka ah iyo ka soo muuqashada baraha teknolojiyadda.
Iyadoo wajaheysa dal weyn oo awood militari heysta, Ukraine ayaa waxay u baahan tahay beesha caalamka si ay uga caawiyaan ka hortagga ciidamada Ruushka.
Madaxweynaha ayaa adeegsada qaabab badan oo ay ka mid yihiin:
Ka soo muuqashada aaladda Hologram

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobaadkii la soo dhaafay, Zelensky ayaa dagaal weyn ku tilmaamay kan dalkiisa ka socda xilli uu aaladda Hologram kala hadlayay hoggaamiyeyaasha caalamka oo ku sugnaa Paris.
"Ma aha wax cusub in saraakiisha dowladda ay isticmaalaan hologram si ay dadka ugu khudbeeyaan," ayuu yiri Zelensky.
"Balse kani maaha marka keliya ee dagaalka weyn ee aan adeegsaneyno. Waanu ku guuleysan doonnaa Boqortooyada sidoo kale," ayuu intaa raaciyay.
Ujeeddada khudbada ayaa ahayd in shirkadaha teknolojiyadda uu siiyo "fursad gaar ah" oo ay ku galaan dalkaas ayna horumar ka sameeyaan gudaha Ukraine.
'Saameynta dadka caanka ah'

Xigashada Sawirka, Reuters
Ka warqabka bulshada ee dagaalka Ukraine ayaa waxaa xoojiyay dad caan ka ah adduunka, oo tan iyo billowgii dagaalka, taageerayay Ukraine waxayna soo ururiyeen malaayiin doollar oo lagu caawinayo qaxootiga dalkaas.
Dadkan caanka ah waxaa ka mid ah cayaaryahankii David Beckham, heesaaga Ed Sheeran, iyo jilaayada Sean Penn, Ashton Kutcher iyo Mila Kunis oo u dhalatay Ukraine.
Jilaayadda Angelina Jolie, oo ah ergayga gaarka ah ee ka tirsan hay'adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR, ayaa booqatay Ukraine bishii April halkaas oo ay kula kulantay mutadawiciin iyo qaxooti.
Zelensky, oo sidoo kale madadaaliye caan ahaa kahor inta aan loo dooran madaxweynaha Ukraine dhib kuma ah wax abaabulka, wuxuuna kaa faa'iiday jilaayada kale ee taageerada u haya.
Soo dhoweynta siyaasiyiinta

Xigashada Sawirka, Reuters
Sawirro isku mid ah ayaa soo baxay oo ku saabsan dadaallo hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub looga dhaadhicinayo inay xubinnimo u oggolaadaan Ukraine, iyo sidoo kale inay siiyaan hub dheeraad ah.
Madaxdaas booqatay Kyiv waxaa ka mid ah Madaxweyne Emmanuel Macron (Faransiiska), Mario Draghi (Talyaaniga), Olaf Scholz (Jarmalka) iyo Klaus Iohannis (Romania).
Waxaa sidoo kale ka mid ah Boris Johnson, ra'iisul wasaaraha England iyo Justin Trudeau-ga Canada, balse madaxda booqatay Ukraine kama mid ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa balaayiin doollar iyo hub u ballanqaaday Ukraine balse wuxuu sheegay inuusan dooneyn in dhibaato hor leh uu u sababo dadka Ukraine.
Inuu dunida tuso

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne Zelensky ayaa sidoo kale sameeyay wax walba oo uu awoodo oo uu dunida ku tusayo burburka uu dagaalku ka sababay dalkiisa, isagoo booqanaya magaalooyinka burbrusan iyo saraakiisha dagaalka ee isbitaallada.
Wuxuu booqashadiisii ugu horreysay ka bilaabay koofurta Ukraine Sabtidii la soo dhaafay wuxuuna u sii gudbay Mykolaiv.
Zelensky ayaa booqday dhismooyinka burbursan wuxuuna la kulmay ciidamada iyo shaqaalaha caafimaadka.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale booqday magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Odesa, oo weerar joogto ah ay ku hayaan ciidamada Ruushka oo duqeymo ku waday tan iyo bilowgii dagaalka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay madaxweynaha ayaa booqday magaalooyin kale oo uu dagaalku saameeyay, waxaana ka mid ah Kharkiv oo bariga ah, oo iska caabbineysa ciidamada Ruushka.















