Joe Biden: "Markii uu Putin sheegayay inuu adeegsanayo hubka Nukliyeerka kaftan kama aysan ahayn"

Published

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in halista nukliyeerka ay joogto heerkii ugu sarraysay tan iyo dhibaatadii gantaallada Cuba ee 1962-kii.

Isagoo ka hadlayay xaflad dhaqaale loogu uruurinayay Xisbiga Dimuqraadiga oo lagu qabtay magaalada New York - ayuu Mr Biden ku sheegay inuu fahansan yahay in Vladimir Putin uu sida hadalka uu u dhigay "uusan kaftamayn" marka isaga iyo saraakiisha kale ee Mareykanka ay ka hadlayeen in Putin xeelad ahaan uu isticmaalo hubka nukliyeerka, kaddib markii uu dhabarjab kala kulmay dagaalka Ukraine. Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu iskudayay inuu ogaado "habka" uu Mr Putin uga lug bixi karo colaaddan.

Hase yeeshee toddobaadkii hore, La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Maraykanku anu  arag wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushku uu si degdeg ah isugu diyaarinayo inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa dabayaaqadii bishii Septembar ku dhawaaqay “qeyb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.

Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev oo isna goor sii horreysay hadlay ayaa u muuqday inuu meesha ka saaray madmadow kasta oo ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.

Medevedev wuxuu sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco dhulalka ku biiray Ruushka ee ka soo go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

"Reer galbeedka iyo guud ahaan muwaadiniinta dalalka Nato waxay u baahan yihiin inay fahmaan in Ruushku doortay waddadiisa," ayuu yiri.Hubka Nukliyeerka ayaa jira muddo ku dhow 80 sano, dalal badan ayaana u arka mid ka hortagaya welina dammaanad qaadaya ammaankooda qaran.

Ruushka ma laga yaabaa in hub niyukleer ah isticmaalo?

Waxaa jirta su'aal adag oo kale oo imika  taagan taasi oo aan laga jawaabin muddo bilo ah.

Haddii Putin uusan guul ku gaari karin hubka caadiga ah, ma isticmaali doonaa amaba khiyaarka ma ugu jirtaa  hubka nukliyeerka?

Valeri Zaluzhnyi, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine, ayaa ka digay maalmo ka hor:

"Waxaa jirta khatar toos ah oo ah in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay isticmaali karaan hubka nukliyeerka duruufo qaarkood."Ma jiraan calaamado cad oo argagax leh oo muujinaya in Kremlin-ka uu argagaxsan yahay.

Telefiishanka dawladda Ruushku yididiilo ayuu muujinayaa. Wuxuu ka sheekeynayaa sida gantaallada Ruushka ay cagta u mariyeen tasiilaadka keydka tamarta ee Ukriane.

Haddaba intuu la'egyay baaxadda hubka nukliyeerka Ruushka ee laga cabsi qabo inuu adeegsado?

Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah - qalabka guba  fiyuuska qaraxa nukliyeerka - inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo. .

4,500 ama wax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka - gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka:

1: Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,185

2: gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 800

3: Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580

Muxuu yahay hubka nuclear-ka?

Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada "atoms" iyo "isotopes", haddii aad soo dhigatay maadada seyniska - kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.

Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya.

Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero "atomic bomb".

Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah - kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan - sidaas darteedna saameyntoodu waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.

Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida - waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego.Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux.

Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale.Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nuclear-ka, oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa'iil iyo Kuuriyada Waqooyi.