Farqiga u dhaxeeya tirada haweenka Soomaaliya ee caba sigaarka iyo shiishadda iyo tan ragga

Sigaar shidan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Warbxin ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Qaranka ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay macluumaad ay ka mid tahay xogta ku saabsan tirada dadka caba sigaarka, shiishadda iyo kuwa cuna jaadka.

Xog aruurinta la sameeyay ayaa muujisay in dumarka sigaarka caba ama shiishadda dhuuqa ay aad uga yar yihiin tan raggga.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay da'da dadka ugu badan ee isticmaala balwadahaas.

Sahanka uu xafiisku sameeyey ayaa ah kii ugu horreeyey oo dalka Soomaaliya laga sameeyo tani iyo 1985-kii.

Haweenka Sigaarka caba ee Soomaaliya ku sugan ayaa lagu qiyaasay 0.1%, halka kuwa shiishadda caba lagu sheegay in ay shiishaddana 0.1%.

Xogtan oo ku saleysan sanadkii lasoo dhaafay ayaa muujisay in aysan jirin haween cuna qaadka, marka loo eego dadka la wareystay intii ay daraasaddu socotay.

Boqlkiiba 2.6 ka mid ah dadka warbixintan ka qayb qaatay oo rag iyo dumarba isugu jira waxay sheegeen iney sigaarka cabbaan halka 0.1% oo keli ah ay sheegeen iney shiishadda ku darsadaan, halka dadka qaadka cunana ay tiradoodu noqotay 2.5%.

Ragga sheegay iney seddexdaasi balwadood mid ka mid ah isticmaalaan tiradoodu waxay noqotay 7.2%,.

Baakad sigaar ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan dadka sigaarka caba waxay balwaddaas billaabaan marka ay da'doodu tahay inta u dhaxeysa 15 ilaa 19 sano, sida lagu muujiyay daraasadda.

Dadka sida ugu daran u isticmaala balwadahaas ayaa ah kuwa ay da'doodu u dhaxeyso 55 ilaa 59 sano.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay dadka sigaarka cabba boqolkiiba 5.25 ay yihiin dadka ay da'doodu u dhaxeyso 40-44 jir, dadka shiisahadda cabbana 0.7% ay yihiin dadka ay da'doodu tahay 70-74 jir. Dadka qaadka cunana 7.7% waa kuwo ay da'doodu u dhaxeyso 50-59 jir.

Dadka seddexda balwadoodba leh oo rag iyo dumar isugu jira ayaa boqlkiiba 9.2 lagu sheegay in ay yihiin kuwo ay da'doodu u dhaxeyso 55-59 jir.

Daraasadda ayaa shegetay in dadka sida wadajirka ah u isticmaala sigaarka iyo qaadka ay u badan yihiin reer miyi.

Warbixinta iyo waxa lagu saleeyey

Xogta sahanka la sameeyey ayaa muunad ahaan looga soo qaatay 7,212 qoys oo miyi iyo magaalo laga soo xulay oo ku kala nool 17 gobol oo Soomaaliya ka mid ah.

Macluumaadka ku jira warbixintan wuxuu xafiiska sheegay in la soo uruuriyey inta u dhaxeysay 10-kii May ilaa iyo 31-kii July ee sanakii 2022.

Macluumaadka laga aruuriyay tirada guud ee dadweynaya oo loo kala qaaday lab iyo dheddig ayaa muujinaya in shacabka Soomaaliya ay u badan yihiin dhallinyaro, dadka waayeelka ahna ay aad u yar yihiin.

Kooxda ugu badan ayaa ah carruurta ay da’doodu u dhaxeyso 5 ilaa 9 sano, taasoo ah 22.7%.

Qaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka ay da’doodu tahay inta u dhaxeysa 60 ilaa 69 sano ayaa ah boqolkiiba 0.5 (ragga) iyo boqolkiiba 0.8 (dumarka).

Dadka ka weyn 80 jirka ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 0.8 oo isugu jira rag iyo dumar.

Wabixinta xafiiska tirakoobka waxyaabaha kale oo si faahfaahsan ay uga hadleyso waxaa ka mid ah waxbarashada, caafimaadka, hantida ma guurtada ah, Covid-19, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, dhaqaalaha, beeraha, dammaanadda cuntada iyo arrimo kale.

Ujeeddada ugu weyn ee loo fuliyay xog aruurintan ayaa lagu sheegay iney tahay si loola socdo fayo dhowrka shacabka, dhaqaalaha ku baxaya iyo xaaladaha sida gaarka ah ula soo darsa.